|  | 23/10/2006: Submitted for publication via web Tixda Cabdilaahi Suldaan Timacadde & Ereyga “Soomaali”
 by Yasin Jaamac Nuux (Suldaan)
 (from somaliland.org)
 
Cabdilaahi Suldaan Timacadde wuxuu ahaa waddani soomaalinimada jecel. Wuxuu wakhtigiisa iyo tixdiisaba u huray sidii loo heli lahaa soomaali mid ah, qarannimo iyo qiimo sare, mid aan la gumeysan ee gob ah. Haddii aad u dhabo gashid tixihiisa waxaad la kulmaysaa dareen culus oo midnimo, walaaltinimo, wax wada qabsi, horumar iyo aqoon ku baaqaya, feker xor ah oo caafimaad qaba. Heerka dadnimo ee Timacadde gaadhay waa mid aan si fudud lagu kasban karin, waa mid bisayl dadnimo, jacayl wadaniyeed, cilmi diineed iyo waayo aragnimo gumeysi, aqoon dhaqameed iyo aftahanimo tixeed iyo indheer garadnimo ka soo burqanaysa. Cabdilaahi Suldaan Timacadde wuxuu soomaalida si dedan iyo daalacanba ugu guubaabiyey danteeda, wuxuu ku hagay wada jirkeeda, wuxuu uga digay kalataggeeda, wuxuu farta ugu fiiqay ka kala geynaya ee isku diraya, ka qaranimadii qoyska ku iibsaday, ka wada jirkii jeebka gashaday. Cabdilaahi Suldaan Timacadde, wuxuu soomaalida ku baraarujiyey siday u soo dhacsan lahayd dhulkeeda maqan, wuxuu hanjabaad iyo dhaadasho caga dhulka ugu dhufanayaa gumaysigii caddaa iyo kii madoobaa. Wuxuu u sii dardaar weriyey kuwii dhulalka soomaalida haysta, inay dhowaan ka soo dhacsan doonaan oo dhibaatada iyo hooggu iyaga ku dambayn doono, in aan xaqooda cidina xaqiri karin ee xoog iyo xoolaba ay u leeyihiin oo soo dhacsan doonaan. Cabdilaahi Suldaan Timacadde, cudurka soomaalida ku dhacay ayuu si dhaba u garawsan yahay, wuxuu og yahay in soomaali laba shay ay disheen, qabyaalad iyo gumeysi. Guubaabada ugu badan tixdiisa wuxuu ku halgaadayaa qabyaaladda oo uu leeyahay, waa bahashii dad idinka reebtay ee iskaga hadha, boqontiin go’daye miyeydaan marna caqliyeysanayn oo garansho u yeelanayn wixii shalay aad ku jabteen, maxaa maantana aad ugu heelantihiin. Reer reerkan loo kala baxay iyo to’laaydu sow ma aha uun wixii aad weligiin ku soo jirteen ee meelna idiin tukin weyday. Dabadeedna naftiisa ayuu haaramaayaa oo isku hiifayaa in aanay soomaaliduba dhego u daloolin ay waanadiisa ku maqlaan, inay yihiin dad qaafil ah oo aan waxba hoos u deyin, garashadana ka madhan. Cabdilaahi Suldaan Timacadde, ilaa uu god galay guubaabo iyo waanno soomaali kalama hadhin; qabyaaladda, qaadka iyo kuwa qaranka duminayeyna marnaba afka kama dhigin. U fiirso meerisyadan hoose ee aan ka soo xulay tixdii Timacadde kuna abbaaran guubaabada soomaalida. wuxu yidhi: Makri ma laha soomaalidii, Maxamed Keydoowe - p41 Maskab kuma qabtaan daarahaad, milicsanaysaane
 Malgaash kolay ku tahay uunka kale, waa midhkaa qudha’e
  Tirtirsiinyo soomaali waan, loogu tag heline – Taleex p105
 Tawalleeye beni-aadmigii, taag darraan jiraye
 Talka waxay ku qaateen, israac oo tallaahiya’e
 Anaa kaa tol-roon waa waxaw, tarraqi weydeene
 
 Tafiir yarida waxay noogu wacan, taaha gaajada’e
 Tiibbiidu soomaalidaay, maaha tiif cudure – Taleex p106
 Tallaalkeedu waa ceeshaddaan, taabi la’nahaye
  qabaa’ilkiyo jeeroo la naco, qaadkan lagu waashay
 qasdi jeerooy wada yeelatoo, qawlka ku heshiiso
 Qabyo weeye soomaalidaay, qiiradadaniye – Qabyo p108
 
 ama aan minister soomaaliyeed, maqallay weedhiisa – Arbacadii p116
 ninkaan aad u kala miirmin baa, madhan xuseenoowe
 mug-yaraa wakhti dhaafayaa, soo maqaabilaye
 
 soomaalidaa naaxday baa, qaar ka naxayaane – Nidar p170
 nacasnimo Cagoolow Rabbaa, naaska kuu sudhaye
 Naftoo kaa baxdaa ka roon nolosha qaarkeede
 
 wadnihiinna soomaalidaay, weyda ku adkeeya – Wanaagii bukooday p175
 waraabuhu ragguu cunayo weli, weyrax ku ogaada
 nin wadiifad haystoow ka kale, hayska weyneyne
 nin walbaan wadeecada ka rabo, calankii waa kaase
  doqonniimo soomaali waa, loogu daw galaye – Buul-duqeed p177
 hadduun bay u doonyaysan tahay, sheeyadii dilaye
 imminka la doondoonayaa, Dir iyo Daaroode
 
 dan soomaaliyeed lama hayee, waa dabbaal kale’e – Buul-duqeed p177
 Shacbigii dagaalka u galaa, daadsan suuqyada’e
 Dambarkeedii Maandeeq nimaan, doonin baa dhamaye
  garaadkeedu soomaali waa, kii hore u gabaye – Gunaad p179
 gondaheeda daayoo hadday, geeddan kale diidday
 galladdiyo nimcada Eebeheen, kama guddoontaane
 
 dhammaan dunida soomaali bay, dhaxani haysaaye – Dhaqdhaqaaq p182
 Dhaaxuu gumaysigu bartuu, dhiig la’aan koraye
 Dhaqdhaqaaq ninkii lagu arkaa, loo dib-dhigayaaye
 
 Waxa dhacaya soomaalidaa qaadka dhilanaysa – Dhaqdhaqaaq p182
 Dheguu uma daloolaan kuwaan, dhiirri leeyahaye
 Dhexdeeday isula taagan tahay, dhaadashiyo faane
 
 hoheey, malaha soomaalidaan hoos waxbaw deyine - Hadaf p186
 waxaan aad u hibataynayaa, kii horaan idhiye
 waa hebed maansadu haddaan hedhe loo fidine
 
 ka habbowday soomaalidaay, hilinkii toosnaaye – Hadaf p187
 hayaay iyo tollaay raganimaa, kaga habsaanteene
 waa waxa halkaa idin dhigee, la hinqan weydeene
 Xeradaa Nagayliyo Hawaas, xagarkii Haadaamo
 Halka inan timaha loo xamreey, xadhig ku soo soohdo
 Xakabkiyo wixii loo ku rara, awrka Ina-xaawis
 Xuduudkeedu soomaali waa, shey xaqiiqo ahe – Xusuus p194
 In aan Xayle yooyootannaa, waa xaloo kale’e
 SYL ilaah kama baqdiyo, ololkii naareede
 NFD ardaayada Siyalow, aradka Mooyaale
 Oodo-caliga Cawsiyo Randiyo, Ubukh ka baalleeye
 Asalkeeda Soomaali baan, ururinaynaaye – SYL p196
 Kuwii loo igmaday waa kuwaa, aakhiro u ridaye
 Wasiirradan ugaadhsiga bartee, orob ka dhowrtaysta
 Astaan bay(s)ku wada leeyiin, meel aan la arkayne
 Garaad ma lihid soomaalidaay, gebi ahaantaaye – Gama’diid p199
 Gadhkuk nimuu caddaadiyo barbaar, waa gu’-baas jire’e
 Ma qabyaaladdii lagu gubtaa, godadkii loo doontay
 Ma wixii hore u soo gabay ayey, galabta raadcaysey
 Waxaan gabayga deelkiyo laftiyo, doorka uga qaaday
 Dadka waxaan ogeysiinayaa, dowgu suu yahaye
 Soomaalidaay daya wanaag, idinka doorsoonye – Dugsi ma leh p203
  Ubaxiini waad daadiseen, waana dubateene
 Dulbaaxdiisa waa wada canteen, duhur dharaareede
 Dariiq toosan soomaalidaay, waa lagaa dedaye – Dugsi ma leh p204
 Derejada Ilaahay ninkii, doonayaa hela’e
 Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diintii ka carrowye
 Dugsi ma leh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane
 Soomaalidaay hadal dhammaa, hurise maysaane – Hulunbe p207
 Idinkaa is haylhaylayee, lama hungoobeene
 Duulkii habaar qaba jidkaa laga halleeyaaye – jin baa haamahaw tuma’e
 Hog buu kaga ridaa Eebbeheen, hir iyo towfiiqe
  Ilaahay ganaaxiisu waa, galabsigeenniiye
 Inay samadu naga gaaggaxdaa, gar Alla weeyaane
 Gu’gaan weynay soomaalidaay, waa gefkii dhacaye – Ganaax Eebbe p216
  Bani’aadmigii kale dhammaan, wuu baraarugaye
 Boqontiin go’daye uunku waa, beretamaayaaye
 Biyahaan dhaqaaqini dhagxaan, badan ma riixaane
 Haddaan baarka loo fidhin timuu, bilic ma yeeshaane
 Ba’-heblaayo iyo reer-fulaan wayna bi’iyeene
 Uma baahnin soomaalidaay, baane maantana’e – Berigii Gumaysiga p222
  Tuhun beeshay soomaalidii, turuqna naafowye – Tabanayee mooyi p232
 Tagoogaa sidaan uga jabniyo, dhabarka taaggiisa
 Tafaraaraqii baa wadnaha, taabka noo jaraye
 Tacsidiyo quraankaan akhriyey, way u tegayaane
 Togaggii Jannada Eebbeheen, tiisii haw furo’e
 Innaga iyo ubadkuu ka tegay, samirku waw toose.
  arartaan dhawkaw toil ogaa, waan ka dhowrsadaye
 ma dhig dhigin kuwaan Daahiroow, dhaabadayn jiraye
 bal dhegeysta soomaalidaay, kani dhab weeyaane – Dhunkaal p242
 
 dhubuq dhuqubdi waxay soo siddaa, dhabanno-haystaane
 aabigaba dhibaaxada naabsigu, waa mid aan dhixine
 dhudhub oodan buu kula gala, dheregga qaarkiiye
 baarlamaankii dhaylaysan jirey, dheehiii laga qaadye
 sida nimankan dhoofayeen, dhidibka oolllaynin
 ama rag aan u dhalan bay carriga, uga dhammaysteene
 soomaali waxay dhaafsadeen, waa la dhaygagaye – Dhunkaal p243
  hayeeshee daraartii xornimo, dhibika loo taagay
 dhalanteedkii baa noo hor kacay, dhuxul cadaabeede
 dhabbadii markay naga duween, shicibku dhaadaayey
 dhako-faartay soomaaliday, kala dhilaayeene – Dhagaxtuur p264
 goortay dhogor-goyn lahayn, way na dhumiyeene
  Dhumucdeedii soomaali way kala dhantaaleene - Dhagaxtuur p264
 Dhudhummada ayaa naga jebshoo, dhuuxii koru raacay
 Dhoomaha ayaa nagaga raray, dheegga sida awrta
 Soomaali yaa dhaawacoo, qoomay dhabarkeeda
 Dhallaanka iyo maatida ayaa dhego-barjaysiiyey
 
 dhallinyarada soomaalidaan, dhiiri leeyahaye - Dhagaxtuur p265
 nin dhegeystay waanada mar buu,dhego nuglaadaaye
 dhanbaal baa cimriga sii sidoo, oday dhawaateeye
 idinkaa dhaqaalaha waqtigu, yahay dhiggiiniiye
 ubaxii dhirta iyo waxa tihiin, xididkii dheeraaye
 dhulka iyo aduu waalidkaa, kaa dhursugayaaye
  Ilaah kuma xamdiyo ruux hadduu, aysimaad wado’e
 Hadduu oofa-weynuhunimcada, aayar cuni waayo
 Ibleyskii Xakiim duufsadaa, awlalka u lulaye
 Unuunkooda jeeroo shacbigu, ku arko miidaanka
 Ideylkoodba jeeroo sidii, adhiga loo laayo
 Aqbali maynno way nool yihiin, eegga dabadeede
 Arwaaxiinanaw dhiman haddaad, ka asli weydaane
 Imanna mayso soomaalidaad, ururinaysaane – canaan-shicib p268
  Midigtaadu waxay xoogsataa, maydha kaa jara’e
 Marke aanad lahayn looma lulo, maanka weligaaye
 Maggaabada hashaadaa ka roon, meydhanaan kale’e
 Ummadiba mar uun bay heshaa, macalinkeediiye
 Soomaali “Mawgeedi ” waa, maanta kaa wada’e – Guubaabo p276
 Carfi wuxu ka muuqdaa shacbiga, caafimaad qaba’e Markay ciirtay waa tii Ilaah, noo cawaal-naqaye
 Ceeryaamadeey nagu dedeen, Ciidankaa rogaye
 Soomaalidaay ceebtu waa, caabuq kugu yaalle – Aqoon p277
 Cillad weeye kugu soo baxdiyo, cudur aan guurayne
 Cisi ma leh adduunyada ninkii, cadow wax moodaaye
 Bahashii qadhaadhayd markay, qabay dhanaan moodday
 Sidii dhaydii Qayraan markii loo qudhqudhinaayey
 Qalbigayga kuma leexin jirin, qababaxdeediiye
 Soomaalinimadii la qalay, qayb kamaan geline – Qodaxdii Qabriga p279
 Qoor-diidka anigoon u goyn, qun uma luuqayne
 Anigoon qasaasilin debnuu, igama qaadaane
 Ninkii qar iyo buur fuulay buu, qoon ka leeyahaye
 Saablayda goortaan murtida, soocan ka higgaadsho
 Suuryadaan ka liishaamayiyo, saadda way garane
 Soomaali oo dhami marnaba, ima saluugaane – Seetadii p281
 Anigoo si’yaab leh u taxaa, saydhiyaa gabaye
 
 Soomaalidaay talada waa, laysa siiyaaye – Seetadii p282
 Sibidhkaan biyuhu hoos u gelin, sibibix mooyaane
 Sarreeye iyo dadweyniyo sarkaal, sebi yar oo roora
 Iyo soo-ma-jeestaha dalkee, saanadda xanbaarsan
 Nin walbaan wax kugu saabsan, baan kuu sawirayaaye
 Sacabbada nin hoorsaday xornimo, sigib la’ loo diidye
 Qalinkii: Yasin Jaamac Nuux (Suldaan)
 |