header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


27/02/2004: Submitted for publication via web
20-Ka February Oo Loo Aqoonsaday Maalinta Dhallinyarada Somaliland
by Haatuf, Hargeysa Feb, 22, 2004

Hargeysa Feb, 22, 2004 (Haatuf) – Munaasibad si weyn loo abaabulay oo loogu talo galay xuska maalintii dhagax-tuurka Ardayda Hargeysa ee la xidh-xidhay aqoon-yahankii iyo macalimiintii kooxda UFO ayaa maalintii doraad lagu qabtay fagaaraha khayriyada ee magaalada Hargeysa.

Xuska munaasibadan oo ahayd tii 22-aad ee sanad guuradii Feb, 20, 1982-kii waxay ahayd mid si weyn uga duwan munaasibadii hore ee lagu maamusi jiray maalintan, waxaana soo qaban qaabiyey ururka dhalinyarada ee SONYO. Waxaana ugu horeyn ka hadlay halkaa Maxamed Baaruud Cali oo ka mid ahaa aqoonyahanadii UFO ee ay xukuumaddii keli-teliska ahayd xabsiga u taxaabtay, wuxuuna sheegay in maalintaa halgan hubaysan lagu keenay xoriyada maanta, balse maanta loo baahan yahay in caqli lagu keeno wixii inaga maqan. Mr: Baaruud wuxuu u mahad celiyey dhalinyaradii soo abaabushay xuska oo uu sheegay inay ka furteen halw-weyn, wuxuuna ku dhiiriyay inay halkaa kasii wadaan.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyey kaga waramay ujeedada loo xusayo maalinta iyo maalmo kale oo badan oo uu sheegay in ujeedada laga leeyahay xuskoodu tahay in aanay dib u dhicin wixii hore u dhacay, wuxuuna si gaara uga hadlay qiimaha ay maalintani leedahay. Mr: Axmed Siilaanyo wuxu aad ugu mahad celiyey dhalinyaradii hawshan xuska soo qaban qaabisay, isla markaana waxa uu ka cudur daartay inuu wax siyaasada ka hadlo.

Hase yeeshee waxa uu isagoo ka hadlaya codsi ay dhalinyaradu kaga dalbadeen in mucaaarad iyo muxaafid wixii loo qabanayo laga sheego munaasibadan, waxa uu sheegay inay mucaarad iyo muxaafidba xukuumadii la doortay la daba taagan yahay, balse waxa uu xusay in soo jeedintaa dhalinyarada aanay xubnihii wasiiradda ee hadalka uga horeeyey soo hadal qaadin. Laakiin waxa uu xubnahaa ku amaanay sida ay uga hadleen maalintan qiimaha leh.

Sidaa awgeed waxa uu ugu baaqay xukuumadda inay wax ka qabato baahiyaha iyo shaqo la’aanta dhalinyarada, isagoo si gaara u xusay inay xukuumaddu wax ka qabato baahiyaha waxbarashada iyo caafimaadka. Guddoomiyaha Kulmiye Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in dhalinyarada loo baahan yahay inay is abaabulaan oo dalka wax u qabtaan iyo inay nabadgelyada ilaaliyaan, isla markaana xukuumad kasta oo timaada u bandhigaan waxyaabaha ay u baahan yihiin, isagoo xusay inay dhinacooda xisbi ahaan aanay taladii gacanta ku hayn oo ay dhalinyarada la mid yihiin, isla markaana ay dhamaantood xukuumadda Somaliland daba taagan yihiin.

Hase ahaatee Axmed Siilaanyo waxa uu xusay in maalinta xisbiga Kulmiye hogaanka qabto goor kasta ha gaadhee ay hubin doonaan inaanay dhicin wixii dhagax-tuurka ka dhacay oo kale iyo inay ka balan qaadayaan wixii himilooyinka dhalinyarada ah ee xagga nabadgelyada, waxbarashada, caafimaadka iyo horumarka bulsho inay wax weyn ka qabanayaan.

Wasiirka ganacsiga Maxamed Xaashi Cilmi oo hadal kooban halkaa ka jeediyey ayaa ugu horayn u mahad celiyey dhalinyaradii soo abaabushay xuska maalintan oo uu sheegay inay tahay mid qiimo wein ku leh halgankii iyo xoriyadii dalkan. Wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in layska ilaaliyo in dib loogu noqdo halkii dalkan iyo dadkan laga qaniinay. Mr. Maxamed Xaashi waxa uu sheegay inaan loo baahnayn inaynu cid kale wax ka sugno, balse ay dadku fadhiga ka kacaan oo ay wax qabsadaan, isagoo xusay marka laga hadlayo waxbarashada inay maanta qofkii wax baranaya ay dhib yar tahay, marka loo eego heerka ay maanta dunidu marayso iyo waqtigii hore, balse loo baahan yahay in dadka lagu tabco si horumar loo gaadho, wuxuuna tusaale u soo qaatay dalalka Japan iyo Koriya oo uu sheegay inay horumarkaa ku gaadheen aqoonta iyo tacabka la geliyey dadkooda.

Sidaa awgeed loo baahan yahay in dadku wax isku darsadaan oo la abuuro wax soo saar si horumar iyo wershedayn loo gaadho, isla markaana ay shaqooyinku u abuurmaan. Wasiirku waxa uu halkaa kaga dhawaaqay in maalinta 20 February hada wixii ka danbeeya loo aqoonsan doono maalinta dhalinyarada Somaliland.

Waxa isaguna maanso uu tiriyey 20 February 1982-kii halkaa ka tiriyey Abwaan Cali Xasan Aadan (Cali Banfas), taas oo uu ugu talo galay xuska maalintan, wuxuuna Abwaanku sheegay inuu maansadan tiriyey maalintaa dhagax-tuurka ardayda, balse uu maanta xusuusinayo dhalinyarada.

(from www.hatuf.net)



The views published here are solely those of its authors (Haatuf, Hargeysa Feb, 22, 2004) and do not necessarily reflect those of REDSEA-ONLINE.COM.
All articles on redsea-online

1. 15/05/2012 Gathering to commemorate Dr. Abdishakur Shiekh Ali Jowhar - Commemoration committee
2. 11/05/2012 Press Release from Camden Creative: Are you Somali of any age and background, and are moving permane - Camden Creative
3. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 31 October - Festival Books presents
4. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 30th October - Comedy Night with Boon Xirsi, Prince Abdi, Abdi Bahdoon &other
5. 20/09/2009 SWF - Events: Thursday, 29th October - Film night and Djibouti artist evening
6. 20/09/2009 SWF - Events: Wednesday, 28th October 2009 - One act the play ‘Baqayo Roged’
7. 20/09/2009 SWF - Events: Tuesday, 27 October 2009 - BME involvement in public bodies
8. 20/09/2009 SWF - Events: Monday 26 October 2009 - Young People and citizenship
9. 20/09/2009 SWF - Events: Sunday, 25th October 2009 - Family Day: Storytelling day for children and their parent
10. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 24th October 2009 - A day of pure poetry
11. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 23rd October 2009 - Launching of the Festival
12. 03/08/2009 Opinion on: Book review - Whose world is it any Way? By Shamis Hussein - Omer Aden E-mail : omerliban@gmail.com
13. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Lixaad - Isniin 27 Julaay 2009
14. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta shanaad - Axad 26 Julaay 2009
15. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta afraad - Sabti 25 Julaay 2009
16. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta saddexaad - Jimce 24 Julaay 2009
17. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Labaad - Khamiis 23 Julaay 2009
18. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Kowaad - Arbaca 22 Julaay 2009
19. 21/02/2009 Xog-waranka Abwaan Cabdilaahi Cawed Cige - Mustafe Sh. Cumar
20. 12/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Saddexaad - Axmed Yuusuf Ducaale
21. 11/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Labaad - Axmed Yuusuf Ducaale
22. 10/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Kowaad - Axmed Yuusuf Ducaale
23. 30/05/2008 Boqorka shaqsiyaddu waa kuma? Qaybtii 1aad - Farduus Siciid Dirir
24. 16/05/2008 HALABUUR, Journal of Somali Literature and Culture - hal-abuur
25. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982-kii ee dugsiga sare ee Timacade(qalax) ee Gabiiley, qaybtii 2-aad - Cali Cumar Xasan
26. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982 iyo dugsiga sare ee Tima-cade ama Qalax (Gabiley) - Cali Cumar Xasan
27. 22/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA. QAYBTII AFRAAD. - By Alpha
28. 20/02/2008 QAYBTII SADEXAAD EE LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA - By Alpha
29. 18/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAX TUURKA, Qaybtii labaad - By Alpha
30. 17/02/2008 Qaybtii Koowaad 20-Febaury 1982. Lix iyo Labaatan guuradii Dhagax Tuur - By Alpha
31. 11/02/2008 Barmaamij ku saabsan dadka xiskoodu dhiman yahay - Maxamed-Keyse
32. 28/01/2008 Qudbigii Suugaanta – Gabay - Bashiir Good
33. 25/11/2007 Hal-Abuur magazine relaunched - redsea
34. 11/11/2007 Gorfaynta Buugga “People on the Move” ee uu qoray Dayib Cabdi Askar. - Prof. Jaamac Aadan Cali
35. 11/11/2007 A critical review on “People on the Move” - By Prof. Jama Adan Ali
36. 29/06/2007 Buugga KARAAN: Xadhka-jiid ma gayo maamul Qaybta 2aad - Maxamed Yuusuf (Keyse)
37. 26/06/2007 Shirsannadeedkii Ururka Qoraaga Somaliland oo ka dhacay Stockholm 16/06/2007 - qoraaga.com
38. 26/06/2007 Buugga KARAAN Iyo Maansada Kasmo - Maxamed Yuusuf (Keyse)
39. 23/10/2006 Tixda Cabdilaahi Suldaan Timacadde & Ereyga “Soomaali” - Yasin Jaamac Nuux (Suldaan)
40. 13/08/2006 Baroordiiq (Tacsi) Abwaan Axmed Ismaaciil "Qaasin' - aftahan.org
41. 12/08/2006 Tacsi - Ururka Qoraaga Somaliland
42. 02/08/2006 Taariikh ku saabsan magaalooyinka Saylac, Berbera iyo Sheekh - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
43. 26/07/2006 Wargelin Muhiim ah: Xafladda Gardaadinta “Guri Waa Haween” ee Magaalooyinka Bristol iyo Cardiff - Maxamed Baashe Xasan
44. 17/07/2006 Book Signing Ceremony - Gobaad Communications & Press
45. 01/07/2006 Milicsiga maansooyinkii Abwaan "Qaasim" (Dad musbaar dhegaha kaga jiraan, maqal ka tuugaaye. 1964 Q. - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
46. 01/07/2006 Jebintii Jeelka Madheera Qaybtii 4-aad: Qorahu Wuxuu Soo Saari Doona Buug Ku Dhamaystiran Dhacdadani - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (alpha) — Bristol, Uk
47. 30/06/2006 Milicsiga maansooyinkii dhaxalgalka ahaa ee Abwaan "Qaasim" (Sidii baa ducaaloow biyaha loo dawariya - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
48. 10/06/2006 Jabintii Jeelka Madheera Qaybtii 3-aad: Afduubkii Diyaaraddii Somali Airline Ee Afar Iyo Labaatankii - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (Alpha)
49. 08/06/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Qaybtii 2aad - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
50. 5/6/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
51. 26/03/2006 OGEYSIIS:TODOBAADKA SOMALILAND EE YURUB - SSE
52. 23/03/2006 Labada Aqal Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Wadajir U Qaabiley Qoraa Weyn Oo Kenyaan Ah - somaliland.org
53. 20/03/2006 NETWORK OF DEVELOPMENT RESEARCHERS: HALF-DAY SEMINAR - SSE
54. 14/03/2006 School book with images of Prophet Muhammad banned in Somaliland - BBC Monitoring
55. 27/02/2006 GURI BA’AY - Maxamed Baashe X. Xasan
56. 20/02/2006 Milicso Maalmihii Ina Soo Maray – 20-ka February - Aamina Maxamuud Diiriye, Hargeysa, Somaliland
57. 19/02/2006 GPS: Burco Iyo Horumarku Maxay Ku Colloobeen? - Cabdillaahi Cawed Cige
58. 18/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan – 1944kii (qaybtii 6aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
59. 09/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (1944kii – 2006da) Q. 4aad - Boobe Yuusuf Ducaale
60. 08/02/2006 Safar Salaama iyo Xaflad Sagooti ah oo loo Samaynayo Abwaanka Gaarriye - aftahan.com
61. 08/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan 1944kii – 2006da (Q. 3aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
62. 06/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (Qormada 2aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
63. 04/02/2006 GEERIDII GADHLAY SHEEGAYAAN GACAL HA WAAYAANE - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
64. 04/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Marxuun Ibraahin Gadhle - Boobe Yuusuf Ducaale
65. 01/02/2006 Ibraahim Gadhle: Hal Abuur Iyo Gabayaa ka Galbaday Suugaanta Soomaalida - haatuf.net
66. 31/01/2006 Tacsi Geeridii Abwaan Ibraahin Aw Saleebaan (Gadhle) - RSOL
67. 30/01/2006 Sannad wanaagsan - 1427 - RSOL
68. 20/01/2006 Habka Dhismaha Maansada Soomaaliyeed - Cabdi Miigane Guuleed & Maxamed Cabdillaahi Riiraash
(somalistartpage.com)
69. 25/01/2006 Wareysi Dr. Georgi Kapchits - wardheernews.com (Copyright WDN 2006)
70. 18/01/2006 Somaliland Societies in Europe: War saxaafadeed - SSE
71. 31/10/2005 Nin Gumoobay - Ibraahin Yuusuf Axmed
72. 31/10/2005 Dhagartii Oogle (Sheeko) - Ibraahim Yuusuf Axmed
73. 11/10/2005 Somali poetry event: The great Somali poet Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye' in UK - redsea
74. 10/09/2005 MADHXINTA AFSOOMAALIGA - Maxamed Bashe X. Xasan
75. 07/09/2005 From Mechanic to Civic Leader: One man's active leadership brings better energy options to an entire - (from awdalnews.com)
76. 03/09/2005 Kuma ayuu ahaa Cabdilaahi Suldaan Maxamed "Timacade" - Abdifatah O. Abdi
77. 28/08/2005 AIDS And Circumcision - Rhoda A. Rageh
78. 28/08/2005 Duumo iyo Duullaan - Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
79. 28/08/2005 Dhibaatooyinka ku xeeran qoraalka afsoomaaliga iyo hirgelintiisa - Maxamed Bashe X. Xasan
80. 14/05/2005 "LADH" waa buug murugo, xiise, xasuus iyo xanuun intaba kugu beeraya - RSOL - Editor
81. 28/02/2005 "Dhagaxtuur Ma Been Baa?" - Boobe Yuusuf Ducaale
82. 18/02/2005 Yusuf Haji Aden Was a Great Educationist - SSE Chairman
83. 18/02/2005 Tacsi Ururka Somaliland Forum - Guddiga Dhexe Somaliland Forum
84. 15/02/2005 Obituary: Yusuf Haji Aden was a great man - Mohamud Tani
85. 17/02/2005 Aas Heer Qaran Ah Oo Loo Sameeyey Abwan Yusuf Xaji Aadan
86. 03/01/2005 Ujeedo Xog Ururuuin Ka Timid Ururka Qoraaga Somaliland - SWA
87. 06/03/2004 Students Uprising Of Feb 20th Observed By SONYO - the Somaliland Times, ISSUE 109, Feb 21, 2004
88. 04/03/2004 Warsaxaafadeed "Ururka Qoraaga Somaliland" - UQS, Sweden
89. 28/02/2004 20-ka February oo markii ugu horeysay laga xusay magaalada London - London (Jam) - from www.jamhuuriya.info
90. 25/02/2004 «Materia Cinese Chinese Matter»: per una comunicazione universale - Elisabetta Marino, l'Unità 06.02.2004
91. 12/02/2004 Bandhig Buug: Jamhuuriya
92. 23/12/2003 “Materia cinese”: i ponti invisibili di Lina Unali - Elisabetta Marino
93. 16/08/2003 The Vice President told youngs in his Party that "My Teachers' Group" is a good example to follow.
94. 20/06/2003 Barre Hagi Elmi Ahmed: Tribute to an unknown martyr - Jama Musse Jama
95. 29/05/2003 Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalikayga Maalintaas (20-ka February 1982) - Khadar Ali Gas
96. 24/03/2003 A new section dedicated to the Somali Books
97. 21/01/2003 "Il Gazzettino" newspaper reviewed Layli Goobalay
98. 20/01/2003 Layli Goobalay on "IntercultuRadio" Radio
99. 4/12/2002 "Il Secolo XIX" reviewed Layli Goobalay
100. 3/12/2002 Layli Goobalay on Italian National Radio

Social Community
Join us today

There are currently, 161 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com