header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


04/02/2006: Submitted for publication via web
XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Marxuun Ibraahin Gadhle
by Boobe Yuusuf Ducaale

(from www.haatuf.net)

Ibraahin Sheekh Saleebaan (Ibraahin Gadhle)
1944kii – 2006da
“Awrka didibso baan idhi,
Nacaskana dud baan idhi,
Kelidii danaystaha,
Daribtii intuu cunay,
Naga raba durduurtee,
Waxba deeqi waayeen,
Is-na dhagax-dixeed iyo,
Deebaaq liq baan idhi,”
Ha dacwiyin Denbiiloow,
Ibraahin-gadhle, Jabuuti,
30/3/1980kii,

Qormada 1aad - Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com

Fadhi-shaqo oo aanu Xarunta Akaademiga ku lahayn ayaan ku daahay. Si dhaqankayga qayilaadeed ka baxsan ayaan goor danbe oo ay saacaddu ku beegnayd ilaa 8.45 saacadood ee habeennimo ka soo kacay. Nin aanu saaxiibbo iyo hawl-wadaagba nahay oo dhoofayay ayaan u sii qaaday hudheelka Maansoor oo uu deggenaa. Waa 29kii Jeeniweri, 2006da. Waxaan soo hoyday Koongo iyo Senegaal oo kubbad ciyaaraya oo ay Senegaal leedahay laba gool. Haddan fadhiistay oo aan isu diyaariyay in aan wax aan badnayn hawl-galo ayuu Aw Yuusuf oo carruurtayda ka mid ahi tilifoon soo dhacay ii dhiibay. “Waa ayo?” Waxa ii xigay: “Waa Gurraase”. Cod aad u hooseeyay oo murugo iyo tiiraanyoba lahaa ayuu iigu sheegay in Ibraahin-Gadhle Jabuuti ku dhintay oo lagu aasay. Miyaanan maqlayn mise dhegta ayaa is-diidsiinaysay. Mooyi. Mar, laba iyo saddex jeerba waan ku celiyay. Halkiisii iyo warkiisii ayuu ku adkaystay. Anna xaqiiqsaday in saaxiibkay Tukaale socday. Tukaale, wuxuu ahaa magac uu Riwaayad ku jilayay oo halhays iyo halkudhegba u noqday carruurtayda. In badan ayay iga codsadeen in aan Tukaale baro. Fursad aanan helin marka laga reebo Ayaanle oo aan maalin uu dhoofayay garoonka dayuuradda isku baray. Gurraase ayaan mar kale su’aal dib ugu noqday oo aan weydiiyay halka uu kasoo hadlayo. Ku-ye: “Haatuf ayaan joogaa”. Gurraase, wuxuu I weydiiyay wax kooban oo ku saabsan taariikh-nololeedkii Ibraahin-Gadhle, Ilaahay ha u naxariistee. Anna waxaan ugu jawaabay in ay taasi baadhis iiga baahan tahay, Ibraahinna aanu ahayn nin aan si fudud u geli karo qoridda taariikhdiisa. Wax aan badnayn sidaana u buurnayn ayaan markii u sheegay Gurraase, aniga oo aan hagranayn. Waxaan se dareemay in aanu Gurraase ku qancin.

Sidaa ayuu warkan naxdinta lihi igu soo gaadhay. In yar markaan fadhiyay ayaan haddana saaxiibkay Xaashi la hadlay, waxaanu ii sheegay in uu go’ay Ibraahin 29/1/2006ka, mar ay saacaddu ku beegnayd 4.30 subaxnimo, isla maalintiina waxa lagu aasay Jabuuti. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo.

Intaa ka dib ayaan xusuus ugu noqday Ibraahin Sheekh Saleebaan. Waxa markiiba igu soo dhacday goortii araggiisa iigu danbeysay. Waxay ahayd maalmihii ololaha doorashadu socday. Waxay ahayd bishii Sebtember horraanteedii, 2005tii. Goor barqo ah ayaan hor maray xafiiska Daallo. Askarigii baabuurta kala horayay ayaa na joojiyay. Dhinaca midig ayaan eegay mise waxa taagan Ibraahin-Gadhle oo xidhan isku-joog kaakiya. Gabadh aan is-idhi isaga ayaa dhalay ayaa xagga bidix ka taagnayd. Markaan isha ku dhuftay, ayaan aniga oo baabuurkii ku jira u dhawaaday oo aan ku idhi: “Cajuus”. Kaftan-wadaag aan kala xanaaqin ayaanu ahayn. Hadal ayuu is-yidhi. Haghago aanan ku aqoon jirin ayaan ka dareemay. Waxa kale oo aan dareemay in uu ka itaal-daran yahay intii aan ku aqaannay. Naxdin. Gaadhigii intaan dhigay ayaan kasoo degay. Waxa ii xigtay Ibraahin oo dhaqaaq holladay bal se aad mooddo in uu lug iyo gacan wax ka qabo in kasta oo uu keligii tallaabsanayay. Gabadhii ayaa ku soo dhawaatay oo gacanta qabatay. Xaqiiqsaday in Ibraahin buko aniga oo aan garan sida loo helay. Naxdintii ayaan ku booday oo isku duubay. Labadii gacmood intaan dhabarka ka mariyay ayaanu madax iyo luqunba is-dhaafsanay. Si daayay si uu Ibraahin iigu warramo. Wuxu ii sheegay in dhiig-kar awgii dhinac la bakhtiiyay oo uu dhowr bilood yaallay cisbitaal Dubay ku yaal, bal se immika uu ka soo doogay oo iska ladan yahay. Gabadhii oo garab taagan ayuu iskaaya baray. Waxa igu soo dhacday miyaanu wiilal lahayn, haddana waxaan isku qanciyay in ay mar walba habluhu wiilasha qaneecaad dhaamaan. Naxariisna iyaga ayaaba lagu og yahay. Wiilasha qudhooda ma nebciye, waa se sida loo badan yahay. In aan sii qaado ayaan damcay, waxay se ii sheegeen in ay baabuur wateen. Maa daama aan ogaa in uu gurigoodii Qudhac-dheer ku soo dego, waxaan u sheegay in aan u iman doono.

Mar kale ayaa markaa iiga danbaysay. Markan Buurco ayaanu ku kulannay. Maalmihii ugu danbeeyay ololihii doorashada ayaan goor fiid ah soo galay Hudheelka Gabay-xaddi ee Burco. Markiiba qof hudheelka joogay ayaa ii sheegay in uu Ibraahin-gadhle sakaaraad yahay oo qol hudheelka ka mid ah jiifo. Dhankaa iyo dhankaa aniga oo aan deyin ayaan markiiba qolkii la iigu tilmaamay ku cararay. Wuu jiifaa, waxaana dul tuban dad aan badnayn oo uu ku jiray nin dhgakhtar ahi. Dahkhtarku wuxu doonayay in uu dhiiggisa qiyaaso, bal se agabkii ayaanu haysan. Isla markiiba tu aan sitay ayaan la soo cararay oo lagu qiyaasay. Caadi ayuu iska ahaa, bal se dhakhtarkii wuxu ku taliyay in cisbitaalka Burco la seexiyo si looga war hayo, sidii ayaana lagu qaaday. Habeenkii ayaa araggiisa iigu danbaysay. Markii aan Hargeysa ku soo nqoday ayaan gurigii uu degganaa habeen ka doonay, waxaana la igu war geliyay in uu Jabuuti ku noqday. Waxa ii qorshaysnayd in aan maalmahaa wax kaga duubo halkii uu deggenaa, Ilaahay baan se qaddarin. Waxaan se kaga calool-fayoobaa aniga oo ogsoonaa in Ibraahin suugaantiisii qoraal ku diyaariyay oo ay xaal-xaal yar mooyaane daabacaad sugaysay.

Waa muuqaalkii iigu danbeeyay ee aan u lahaa Ibraahin-Gadhle, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Maqal aan maqlo xadayn kari maayo xilligii iigu horraysay. Aragga se waan muddayn karaa oo markii iigu horraysay waxaanu ku kulannay magaalada Muqdisho. Waa maalmihii ay socotay Deelleeydu oo uu Jabuuti ka yimid, safar gaabanna Muqdisho ku yimid. Deelleeyduba waxay socotay Diisambar, 1979kii ilaa Abriil 1980kii. Ibraahin laba tixood oo dhamacda ka kulul ayuu ku lahaa Deelleeyda.

Waxa ii xigtay mar 1982kii Jabuuti ku sugnaa oo aan u qalab-qaadanayay sidii aan uga qayb qaadan lahaa halgankii hubeysnaa ee ay SNM horseedka ka ahayd. Xilliyadaa Ibraahin dukaan cajaladaha lagu kala duubo oo Boodhari la odhan jiray ayuu ku lahaa Xaafadda afraad meel galbeedka kaga beegnayd. Waxaan xusuustaa in aan ka sii iibsaday 11 cajaladood oo Deelleeydii ahaa oo aan dhammaantood ku garaacay mar aan deggenaa magaalada Cadan, gaar ahaan Hudheelka Xaafadda Tawaahi ku yaal ee la yidhaahdo Bisha ama “Crescent Hotel”. Berigaa waxa kale oo aan Jabuuti ka sii duubtay nin aanu saaxiib ahayn oo la yidhaahdo Xasan Wadaad ilaa 40 cajaladood oo kale oo heeso ahaa. Sahaydii ugu buurnayd ee aan halganka u sii qaatay ayay ahayd. Maanta keydkayga cajaladaha, laba cajaladood oo keliya ayaa kaga sii hadhsan cajaladahaa. Midi waa cajaladdii koowaad ee Deelleeyda, cajaladda kalena waxa ku jira heesihii 26kii Juun ee 60kii. Mar labaad ayaan Jabuuti kasoo duubtay cajaladihii Deelleeyda oo dhan.

Ibraahin Sheekh Saleebaan oo loo yaqaannay Ibraahin-Gadhle, wuxuu ku dhashay magaalada Jabuuti 1944kii. Hooyadii waxay ahayd Shaqlan Caynaanshe. Wuxu ku barbaaray magaalada Jabuuti oo uu ka galay malcaamad-quraan. Ibraahin-Gadhle markii uu barbaaray wuxu ka hawl-galay Dekedda Jabuuti oo uu ka shaqayn jiray 1955kii ilaa 1967kii. Wuxu u wareegay dhismaha oo uu ku hawlanaa 1967kii ilaa 1978kii.

1978kii, wuxuu hawl ka bilaabay Radio Jabuuti halkaas oo uu ka shaqayn jiray ilaa 1984kii. Intii xilligaa ka danbeysay, Ibraahin-Gadhle wuxu ku hawlanaa ganacsi iyo ka-qayb-qaadashadii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd, isaga oo ku sugnaa jiidaha hore ee dagaalka 1988kii ilaa bilowgii 1991kii oo dalka laga xoreeyay nidaamkii Siyaad Barre.
Lasoco…………………….



The views published here are solely those of its authors (Boobe Yuusuf Ducaale) and do not necessarily reflect those of REDSEA-ONLINE.COM.
All articles on redsea-online

1. 15/05/2012 Gathering to commemorate Dr. Abdishakur Shiekh Ali Jowhar - Commemoration committee
2. 11/05/2012 Press Release from Camden Creative: Are you Somali of any age and background, and are moving permane - Camden Creative
3. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 31 October - Festival Books presents
4. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 30th October - Comedy Night with Boon Xirsi, Prince Abdi, Abdi Bahdoon &other
5. 20/09/2009 SWF - Events: Thursday, 29th October - Film night and Djibouti artist evening
6. 20/09/2009 SWF - Events: Wednesday, 28th October 2009 - One act the play ‘Baqayo Roged’
7. 20/09/2009 SWF - Events: Tuesday, 27 October 2009 - BME involvement in public bodies
8. 20/09/2009 SWF - Events: Monday 26 October 2009 - Young People and citizenship
9. 20/09/2009 SWF - Events: Sunday, 25th October 2009 - Family Day: Storytelling day for children and their parent
10. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 24th October 2009 - A day of pure poetry
11. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 23rd October 2009 - Launching of the Festival
12. 03/08/2009 Opinion on: Book review - Whose world is it any Way? By Shamis Hussein - Omer Aden E-mail : omerliban@gmail.com
13. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Lixaad - Isniin 27 Julaay 2009
14. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta shanaad - Axad 26 Julaay 2009
15. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta afraad - Sabti 25 Julaay 2009
16. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta saddexaad - Jimce 24 Julaay 2009
17. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Labaad - Khamiis 23 Julaay 2009
18. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Kowaad - Arbaca 22 Julaay 2009
19. 21/02/2009 Xog-waranka Abwaan Cabdilaahi Cawed Cige - Mustafe Sh. Cumar
20. 12/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Saddexaad - Axmed Yuusuf Ducaale
21. 11/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Labaad - Axmed Yuusuf Ducaale
22. 10/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Kowaad - Axmed Yuusuf Ducaale
23. 30/05/2008 Boqorka shaqsiyaddu waa kuma? Qaybtii 1aad - Farduus Siciid Dirir
24. 16/05/2008 HALABUUR, Journal of Somali Literature and Culture - hal-abuur
25. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982-kii ee dugsiga sare ee Timacade(qalax) ee Gabiiley, qaybtii 2-aad - Cali Cumar Xasan
26. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982 iyo dugsiga sare ee Tima-cade ama Qalax (Gabiley) - Cali Cumar Xasan
27. 22/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA. QAYBTII AFRAAD. - By Alpha
28. 20/02/2008 QAYBTII SADEXAAD EE LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA - By Alpha
29. 18/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAX TUURKA, Qaybtii labaad - By Alpha
30. 17/02/2008 Qaybtii Koowaad 20-Febaury 1982. Lix iyo Labaatan guuradii Dhagax Tuur - By Alpha
31. 11/02/2008 Barmaamij ku saabsan dadka xiskoodu dhiman yahay - Maxamed-Keyse
32. 28/01/2008 Qudbigii Suugaanta – Gabay - Bashiir Good
33. 25/11/2007 Hal-Abuur magazine relaunched - redsea
34. 11/11/2007 Gorfaynta Buugga “People on the Move” ee uu qoray Dayib Cabdi Askar. - Prof. Jaamac Aadan Cali
35. 11/11/2007 A critical review on “People on the Move” - By Prof. Jama Adan Ali
36. 29/06/2007 Buugga KARAAN: Xadhka-jiid ma gayo maamul Qaybta 2aad - Maxamed Yuusuf (Keyse)
37. 26/06/2007 Shirsannadeedkii Ururka Qoraaga Somaliland oo ka dhacay Stockholm 16/06/2007 - qoraaga.com
38. 26/06/2007 Buugga KARAAN Iyo Maansada Kasmo - Maxamed Yuusuf (Keyse)
39. 23/10/2006 Tixda Cabdilaahi Suldaan Timacadde & Ereyga “Soomaali” - Yasin Jaamac Nuux (Suldaan)
40. 13/08/2006 Baroordiiq (Tacsi) Abwaan Axmed Ismaaciil "Qaasin' - aftahan.org
41. 12/08/2006 Tacsi - Ururka Qoraaga Somaliland
42. 02/08/2006 Taariikh ku saabsan magaalooyinka Saylac, Berbera iyo Sheekh - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
43. 26/07/2006 Wargelin Muhiim ah: Xafladda Gardaadinta “Guri Waa Haween” ee Magaalooyinka Bristol iyo Cardiff - Maxamed Baashe Xasan
44. 17/07/2006 Book Signing Ceremony - Gobaad Communications & Press
45. 01/07/2006 Milicsiga maansooyinkii Abwaan "Qaasim" (Dad musbaar dhegaha kaga jiraan, maqal ka tuugaaye. 1964 Q. - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
46. 01/07/2006 Jebintii Jeelka Madheera Qaybtii 4-aad: Qorahu Wuxuu Soo Saari Doona Buug Ku Dhamaystiran Dhacdadani - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (alpha) — Bristol, Uk
47. 30/06/2006 Milicsiga maansooyinkii dhaxalgalka ahaa ee Abwaan "Qaasim" (Sidii baa ducaaloow biyaha loo dawariya - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
48. 10/06/2006 Jabintii Jeelka Madheera Qaybtii 3-aad: Afduubkii Diyaaraddii Somali Airline Ee Afar Iyo Labaatankii - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (Alpha)
49. 08/06/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Qaybtii 2aad - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
50. 5/6/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
51. 26/03/2006 OGEYSIIS:TODOBAADKA SOMALILAND EE YURUB - SSE
52. 23/03/2006 Labada Aqal Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Wadajir U Qaabiley Qoraa Weyn Oo Kenyaan Ah - somaliland.org
53. 20/03/2006 NETWORK OF DEVELOPMENT RESEARCHERS: HALF-DAY SEMINAR - SSE
54. 14/03/2006 School book with images of Prophet Muhammad banned in Somaliland - BBC Monitoring
55. 27/02/2006 GURI BA’AY - Maxamed Baashe X. Xasan
56. 20/02/2006 Milicso Maalmihii Ina Soo Maray – 20-ka February - Aamina Maxamuud Diiriye, Hargeysa, Somaliland
57. 19/02/2006 GPS: Burco Iyo Horumarku Maxay Ku Colloobeen? - Cabdillaahi Cawed Cige
58. 18/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan – 1944kii (qaybtii 6aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
59. 09/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (1944kii – 2006da) Q. 4aad - Boobe Yuusuf Ducaale
60. 08/02/2006 Safar Salaama iyo Xaflad Sagooti ah oo loo Samaynayo Abwaanka Gaarriye - aftahan.com
61. 08/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan 1944kii – 2006da (Q. 3aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
62. 06/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (Qormada 2aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
63. 04/02/2006 GEERIDII GADHLAY SHEEGAYAAN GACAL HA WAAYAANE - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
64. 01/02/2006 Ibraahim Gadhle: Hal Abuur Iyo Gabayaa ka Galbaday Suugaanta Soomaalida - haatuf.net
65. 31/01/2006 Tacsi Geeridii Abwaan Ibraahin Aw Saleebaan (Gadhle) - RSOL
66. 30/01/2006 Sannad wanaagsan - 1427 - RSOL
67. 20/01/2006 Habka Dhismaha Maansada Soomaaliyeed - Cabdi Miigane Guuleed & Maxamed Cabdillaahi Riiraash
(somalistartpage.com)
68. 25/01/2006 Wareysi Dr. Georgi Kapchits - wardheernews.com (Copyright WDN 2006)
69. 18/01/2006 Somaliland Societies in Europe: War saxaafadeed - SSE
70. 31/10/2005 Nin Gumoobay - Ibraahin Yuusuf Axmed
71. 31/10/2005 Dhagartii Oogle (Sheeko) - Ibraahim Yuusuf Axmed
72. 11/10/2005 Somali poetry event: The great Somali poet Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye' in UK - redsea
73. 10/09/2005 MADHXINTA AFSOOMAALIGA - Maxamed Bashe X. Xasan
74. 07/09/2005 From Mechanic to Civic Leader: One man's active leadership brings better energy options to an entire - (from awdalnews.com)
75. 03/09/2005 Kuma ayuu ahaa Cabdilaahi Suldaan Maxamed "Timacade" - Abdifatah O. Abdi
76. 28/08/2005 AIDS And Circumcision - Rhoda A. Rageh
77. 28/08/2005 Duumo iyo Duullaan - Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
78. 28/08/2005 Dhibaatooyinka ku xeeran qoraalka afsoomaaliga iyo hirgelintiisa - Maxamed Bashe X. Xasan
79. 14/05/2005 "LADH" waa buug murugo, xiise, xasuus iyo xanuun intaba kugu beeraya - RSOL - Editor
80. 28/02/2005 "Dhagaxtuur Ma Been Baa?" - Boobe Yuusuf Ducaale
81. 18/02/2005 Yusuf Haji Aden Was a Great Educationist - SSE Chairman
82. 18/02/2005 Tacsi Ururka Somaliland Forum - Guddiga Dhexe Somaliland Forum
83. 15/02/2005 Obituary: Yusuf Haji Aden was a great man - Mohamud Tani
84. 17/02/2005 Aas Heer Qaran Ah Oo Loo Sameeyey Abwan Yusuf Xaji Aadan
85. 03/01/2005 Ujeedo Xog Ururuuin Ka Timid Ururka Qoraaga Somaliland - SWA
86. 06/03/2004 Students Uprising Of Feb 20th Observed By SONYO - the Somaliland Times, ISSUE 109, Feb 21, 2004
87. 04/03/2004 Warsaxaafadeed "Ururka Qoraaga Somaliland" - UQS, Sweden
88. 28/02/2004 20-ka February oo markii ugu horeysay laga xusay magaalada London - London (Jam) - from www.jamhuuriya.info
89. 27/02/2004 20-Ka February Oo Loo Aqoonsaday Maalinta Dhallinyarada Somaliland - Haatuf, Hargeysa Feb, 22, 2004
90. 25/02/2004 «Materia Cinese Chinese Matter»: per una comunicazione universale - Elisabetta Marino, l'Unità 06.02.2004
91. 12/02/2004 Bandhig Buug: Jamhuuriya
92. 23/12/2003 “Materia cinese”: i ponti invisibili di Lina Unali - Elisabetta Marino
93. 16/08/2003 The Vice President told youngs in his Party that "My Teachers' Group" is a good example to follow.
94. 20/06/2003 Barre Hagi Elmi Ahmed: Tribute to an unknown martyr - Jama Musse Jama
95. 29/05/2003 Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalikayga Maalintaas (20-ka February 1982) - Khadar Ali Gas
96. 24/03/2003 A new section dedicated to the Somali Books
97. 21/01/2003 "Il Gazzettino" newspaper reviewed Layli Goobalay
98. 20/01/2003 Layli Goobalay on "IntercultuRadio" Radio
99. 4/12/2002 "Il Secolo XIX" reviewed Layli Goobalay
100. 3/12/2002 Layli Goobalay on Italian National Radio

Social Community
Join us today

There are currently, 165 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com