header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


09/02/2006: Submitted for publication via web
XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (1944kii – 2006da) Q. 4aad
by Boobe Yuusuf Ducaale

(from www.haatuf.net)

“Awrka didibso baan idhi,
Nacaskana dud baan idhi,
Kelidii danaystaha,
Daribtii intuu cunay,
Naga raba durduurtee,
Waxba deeqi waayeen,
Is-na dhagax-dixeed iyo,
Deebaaq liq baan idhi,”
Ha dacwiyin Denbiiloow,
Ibraahin-gadhle, Jabuuti, 30/3/1980kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail,com

Curinta maansadu wax hawl yar ma aha. Curinta ka sokow, waxyaabaha kale ee la qiimeeyo waxa ka mid ah sida uu halabuurku u taxo amaba u xidhiidhiyo arrimaha kala duwan ee uu ka hadlayo. Bal hadda mar kale aynu dheehanno aragtidii Ibraahin-Gadhle ee ku wajahnayd cududdii hubeysneyd ee SNM ama Mujaahidiintiiba. Isaga oo Shirweynihii 6aad la hadlaya, Ibraahin-Gadhle tuducyadan soo socda ayuu ku sifeeyay Mujaahidiinta iyo kaalinta halbowlaha ah ee ay kaga jireen halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Bal u fiirsada sida farshaxannimada iyo quruxdaba leh ee uu Mujaahidiinta u qiimeynayo. Wuxuu yidhi:

“Ka ku jira dagaalkuna,
Dantaad adigu leedahay,
Mid ka sii da’ weyn ma leh,
Haddaan aqallo kaa dumin,
Is-na daari kama dhicin,
Haddaan dahab lagaa guran,
Is-na dollar kama lumin,
Haddaan laydin dili jirin,
Is-na lama dagaalayn,
Hayeeshee xil baa diray,
Badda lagu dul-tuuruu,
Ka dabbaalo leeyahay,
Xaggu dalow xaggani duud,
Xagga kale dix iyo buur,
Bal doc uu u dhaqaaqiyo,
Degel lagu baqdaan jirin,
Diintaa ku tidhi dhimo,
Inuu samo ku daaqiyo,
Inuu daaddegaw siman,
Wedkaad adigu diidduu,
U diyaar-garoobee,
Ragga cadowga daafaca,
Wuxu daanka geliyiyo,
Hubka lagu dagaallamo,
Dhan kastaba u doonoo,
La dul jooga weeyaan,
Kuwii iil ku dubuq yidhi,
Denbi-dhaaf Allaa lehe,
Janno inay durduurtaan,
Daa’in inaan u barinoo,
U ducayno weeyaan,”

Ibraahin-Gadhle, sidee ayuu u arkayay nidaamkii lala dagaallamayay? Bal aynu aragtidiisii tuducyadan DIRSOOC ku jiray ka dheehanno, waxaanu yidhi:

“Nin ku dagay markii hore,
Oo ku dilay markii xigay,
Ka-digtoonidiisay,
Dooddani ku faraysaa,

Shalay doonnideennii,
Wada koray dadweynuhu,
Hadduu dirawalkeedii,
Kelidaa deg kugu yidhi,
Waqtigaa is-doorshee,
Maalintaad u deni tahay,
Isagana daruurtiyo,
Dusha sare ka soo tuur,

Ninkii dabinka kuu dhigay,
God dheer kuu dallaalimay,
Dalluun kuugu talo-galay,
Isagana dab nooloo,
Danbas lagu hagoogiyo,
Digo in aad u qarisay,
Dooddani ku leedahay,

Deebaaq qadhaadh iyo,
Dalqadaba waxaan gelin,
Nin durduuro kugu yidhi,
Dacar inaad u qooshtay,
Dooddani ku faraysaa,

Daandaansi-badanaa,
Duhur kuu badheedhee,
Dibirooti kuu dhigay,
Libta looma daayee,
Dacatiga dhirbaaxada,
Inaad kaga danbeysey,
Dooddani ku leedahay,

Haro daafta joogtiyo,
Isagoo ku jira daad,
Kii harraadka kugu dilay,
Waqtigaa is-doorshee,
Marka roobku kuu da’o,
Durdurkiyo xareedaha,
Docda adiga kuu yaal,
Is-na kalaxa haw darin,

Gurigaad dalaysiyo,
Daartaada kii riday,
Inaad kiisa dumisay,
Dooddani ku faraysaa,

Wuxuu ruuxba kugu deyay,
Adiguna ku daw-mari,
Dubbe lagugu jiidiyo,
Damqashada ogeysii,”

Ibraahin aragtidiisu gurgur qaanso kuma ay dabranayn ee daaqsin geel iyo tahan ayay ka shisheysay. Halgankii hubeysnaa ee uu ku jiray mid rixin-goys ah oo aarsi dibaaq oo keliya ku qotoma ma ahayn. Wuxu ku jiray halgan naxariis iyo dadnimoba ku dheehan tahay oo Diin iyo dhaqanba aan ka arradnayn. Bal aynu eegno dibuheshiisiinta iyo isa-saamaxa aragtidii uu ka lahaa. Intaas oo keliya ma aha e’, bal waxaad aragtidaa Ibraahin ku cabbirtaan dawgii aynu dibudhiskeenna, hubdhigistii iyo horumarkeennaba u soo marnay. Ibraahin isaga oo mowduucaa ka hadlaya wuxuu yidhi:

“Hayeeshee dulqaadkiyo,
Saamaxaadda Diinkuna,
Waa dariiqo kuu furan,
Sharciguna ma diiddana,

Kaadida dameerkiyo,
Hadduu daamur kaa kale,
Dusha uu iskaga shubay,
Adiguna tu doofaar,
Isku daadi kuma odhan,

Xumo xumo ku daahiri,
Yaan doodda laga dhigin,
Doqon iyo nin liitiyo,
Yaan jaahil lagu dayan,
Dab munaafaq uu shiday,
Ayaan daacad lagu gubin,
Dugsi ma leh qabiilkuye,
Yaan dallaayad laga dhigan,
Dabuubtii marxuumkii,
Ku dardaarmay weeyaan,
Ama Deelley nagu tidhi,
Dacar dhiilka lagu shubay,
Malab uga danbaysii,
Denbigana ninkii galay,
Keligii dusha u saar,”


La soco………….



The views published here are solely those of its authors (Boobe Yuusuf Ducaale) and do not necessarily reflect those of REDSEA-ONLINE.COM.
All articles on redsea-online

1. 15/05/2012 Gathering to commemorate Dr. Abdishakur Shiekh Ali Jowhar - Commemoration committee
2. 11/05/2012 Press Release from Camden Creative: Are you Somali of any age and background, and are moving permane - Camden Creative
3. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 31 October - Festival Books presents
4. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 30th October - Comedy Night with Boon Xirsi, Prince Abdi, Abdi Bahdoon &other
5. 20/09/2009 SWF - Events: Thursday, 29th October - Film night and Djibouti artist evening
6. 20/09/2009 SWF - Events: Wednesday, 28th October 2009 - One act the play ‘Baqayo Roged’
7. 20/09/2009 SWF - Events: Tuesday, 27 October 2009 - BME involvement in public bodies
8. 20/09/2009 SWF - Events: Monday 26 October 2009 - Young People and citizenship
9. 20/09/2009 SWF - Events: Sunday, 25th October 2009 - Family Day: Storytelling day for children and their parent
10. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 24th October 2009 - A day of pure poetry
11. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 23rd October 2009 - Launching of the Festival
12. 03/08/2009 Opinion on: Book review - Whose world is it any Way? By Shamis Hussein - Omer Aden E-mail : omerliban@gmail.com
13. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Lixaad - Isniin 27 Julaay 2009
14. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta shanaad - Axad 26 Julaay 2009
15. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta afraad - Sabti 25 Julaay 2009
16. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta saddexaad - Jimce 24 Julaay 2009
17. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Labaad - Khamiis 23 Julaay 2009
18. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Kowaad - Arbaca 22 Julaay 2009
19. 21/02/2009 Xog-waranka Abwaan Cabdilaahi Cawed Cige - Mustafe Sh. Cumar
20. 12/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Saddexaad - Axmed Yuusuf Ducaale
21. 11/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Labaad - Axmed Yuusuf Ducaale
22. 10/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Kowaad - Axmed Yuusuf Ducaale
23. 30/05/2008 Boqorka shaqsiyaddu waa kuma? Qaybtii 1aad - Farduus Siciid Dirir
24. 16/05/2008 HALABUUR, Journal of Somali Literature and Culture - hal-abuur
25. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982-kii ee dugsiga sare ee Timacade(qalax) ee Gabiiley, qaybtii 2-aad - Cali Cumar Xasan
26. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982 iyo dugsiga sare ee Tima-cade ama Qalax (Gabiley) - Cali Cumar Xasan
27. 22/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA. QAYBTII AFRAAD. - By Alpha
28. 20/02/2008 QAYBTII SADEXAAD EE LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA - By Alpha
29. 18/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAX TUURKA, Qaybtii labaad - By Alpha
30. 17/02/2008 Qaybtii Koowaad 20-Febaury 1982. Lix iyo Labaatan guuradii Dhagax Tuur - By Alpha
31. 11/02/2008 Barmaamij ku saabsan dadka xiskoodu dhiman yahay - Maxamed-Keyse
32. 28/01/2008 Qudbigii Suugaanta – Gabay - Bashiir Good
33. 25/11/2007 Hal-Abuur magazine relaunched - redsea
34. 11/11/2007 Gorfaynta Buugga “People on the Move” ee uu qoray Dayib Cabdi Askar. - Prof. Jaamac Aadan Cali
35. 11/11/2007 A critical review on “People on the Move” - By Prof. Jama Adan Ali
36. 29/06/2007 Buugga KARAAN: Xadhka-jiid ma gayo maamul Qaybta 2aad - Maxamed Yuusuf (Keyse)
37. 26/06/2007 Shirsannadeedkii Ururka Qoraaga Somaliland oo ka dhacay Stockholm 16/06/2007 - qoraaga.com
38. 26/06/2007 Buugga KARAAN Iyo Maansada Kasmo - Maxamed Yuusuf (Keyse)
39. 23/10/2006 Tixda Cabdilaahi Suldaan Timacadde & Ereyga “Soomaali” - Yasin Jaamac Nuux (Suldaan)
40. 13/08/2006 Baroordiiq (Tacsi) Abwaan Axmed Ismaaciil "Qaasin' - aftahan.org
41. 12/08/2006 Tacsi - Ururka Qoraaga Somaliland
42. 02/08/2006 Taariikh ku saabsan magaalooyinka Saylac, Berbera iyo Sheekh - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
43. 26/07/2006 Wargelin Muhiim ah: Xafladda Gardaadinta “Guri Waa Haween” ee Magaalooyinka Bristol iyo Cardiff - Maxamed Baashe Xasan
44. 17/07/2006 Book Signing Ceremony - Gobaad Communications & Press
45. 01/07/2006 Milicsiga maansooyinkii Abwaan "Qaasim" (Dad musbaar dhegaha kaga jiraan, maqal ka tuugaaye. 1964 Q. - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
46. 01/07/2006 Jebintii Jeelka Madheera Qaybtii 4-aad: Qorahu Wuxuu Soo Saari Doona Buug Ku Dhamaystiran Dhacdadani - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (alpha) — Bristol, Uk
47. 30/06/2006 Milicsiga maansooyinkii dhaxalgalka ahaa ee Abwaan "Qaasim" (Sidii baa ducaaloow biyaha loo dawariya - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
48. 10/06/2006 Jabintii Jeelka Madheera Qaybtii 3-aad: Afduubkii Diyaaraddii Somali Airline Ee Afar Iyo Labaatankii - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (Alpha)
49. 08/06/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Qaybtii 2aad - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
50. 5/6/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
51. 26/03/2006 OGEYSIIS:TODOBAADKA SOMALILAND EE YURUB - SSE
52. 23/03/2006 Labada Aqal Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Wadajir U Qaabiley Qoraa Weyn Oo Kenyaan Ah - somaliland.org
53. 20/03/2006 NETWORK OF DEVELOPMENT RESEARCHERS: HALF-DAY SEMINAR - SSE
54. 14/03/2006 School book with images of Prophet Muhammad banned in Somaliland - BBC Monitoring
55. 27/02/2006 GURI BA’AY - Maxamed Baashe X. Xasan
56. 20/02/2006 Milicso Maalmihii Ina Soo Maray – 20-ka February - Aamina Maxamuud Diiriye, Hargeysa, Somaliland
57. 19/02/2006 GPS: Burco Iyo Horumarku Maxay Ku Colloobeen? - Cabdillaahi Cawed Cige
58. 18/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan – 1944kii (qaybtii 6aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
59. 08/02/2006 Safar Salaama iyo Xaflad Sagooti ah oo loo Samaynayo Abwaanka Gaarriye - aftahan.com
60. 08/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan 1944kii – 2006da (Q. 3aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
61. 06/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (Qormada 2aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
62. 04/02/2006 GEERIDII GADHLAY SHEEGAYAAN GACAL HA WAAYAANE - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
63. 04/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Marxuun Ibraahin Gadhle - Boobe Yuusuf Ducaale
64. 01/02/2006 Ibraahim Gadhle: Hal Abuur Iyo Gabayaa ka Galbaday Suugaanta Soomaalida - haatuf.net
65. 31/01/2006 Tacsi Geeridii Abwaan Ibraahin Aw Saleebaan (Gadhle) - RSOL
66. 30/01/2006 Sannad wanaagsan - 1427 - RSOL
67. 20/01/2006 Habka Dhismaha Maansada Soomaaliyeed - Cabdi Miigane Guuleed & Maxamed Cabdillaahi Riiraash
(somalistartpage.com)
68. 25/01/2006 Wareysi Dr. Georgi Kapchits - wardheernews.com (Copyright WDN 2006)
69. 18/01/2006 Somaliland Societies in Europe: War saxaafadeed - SSE
70. 31/10/2005 Nin Gumoobay - Ibraahin Yuusuf Axmed
71. 31/10/2005 Dhagartii Oogle (Sheeko) - Ibraahim Yuusuf Axmed
72. 11/10/2005 Somali poetry event: The great Somali poet Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye' in UK - redsea
73. 10/09/2005 MADHXINTA AFSOOMAALIGA - Maxamed Bashe X. Xasan
74. 07/09/2005 From Mechanic to Civic Leader: One man's active leadership brings better energy options to an entire - (from awdalnews.com)
75. 03/09/2005 Kuma ayuu ahaa Cabdilaahi Suldaan Maxamed "Timacade" - Abdifatah O. Abdi
76. 28/08/2005 AIDS And Circumcision - Rhoda A. Rageh
77. 28/08/2005 Duumo iyo Duullaan - Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
78. 28/08/2005 Dhibaatooyinka ku xeeran qoraalka afsoomaaliga iyo hirgelintiisa - Maxamed Bashe X. Xasan
79. 14/05/2005 "LADH" waa buug murugo, xiise, xasuus iyo xanuun intaba kugu beeraya - RSOL - Editor
80. 28/02/2005 "Dhagaxtuur Ma Been Baa?" - Boobe Yuusuf Ducaale
81. 18/02/2005 Yusuf Haji Aden Was a Great Educationist - SSE Chairman
82. 18/02/2005 Tacsi Ururka Somaliland Forum - Guddiga Dhexe Somaliland Forum
83. 15/02/2005 Obituary: Yusuf Haji Aden was a great man - Mohamud Tani
84. 17/02/2005 Aas Heer Qaran Ah Oo Loo Sameeyey Abwan Yusuf Xaji Aadan
85. 03/01/2005 Ujeedo Xog Ururuuin Ka Timid Ururka Qoraaga Somaliland - SWA
86. 06/03/2004 Students Uprising Of Feb 20th Observed By SONYO - the Somaliland Times, ISSUE 109, Feb 21, 2004
87. 04/03/2004 Warsaxaafadeed "Ururka Qoraaga Somaliland" - UQS, Sweden
88. 28/02/2004 20-ka February oo markii ugu horeysay laga xusay magaalada London - London (Jam) - from www.jamhuuriya.info
89. 27/02/2004 20-Ka February Oo Loo Aqoonsaday Maalinta Dhallinyarada Somaliland - Haatuf, Hargeysa Feb, 22, 2004
90. 25/02/2004 «Materia Cinese Chinese Matter»: per una comunicazione universale - Elisabetta Marino, l'Unità 06.02.2004
91. 12/02/2004 Bandhig Buug: Jamhuuriya
92. 23/12/2003 “Materia cinese”: i ponti invisibili di Lina Unali - Elisabetta Marino
93. 16/08/2003 The Vice President told youngs in his Party that "My Teachers' Group" is a good example to follow.
94. 20/06/2003 Barre Hagi Elmi Ahmed: Tribute to an unknown martyr - Jama Musse Jama
95. 29/05/2003 Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalikayga Maalintaas (20-ka February 1982) - Khadar Ali Gas
96. 24/03/2003 A new section dedicated to the Somali Books
97. 21/01/2003 "Il Gazzettino" newspaper reviewed Layli Goobalay
98. 20/01/2003 Layli Goobalay on "IntercultuRadio" Radio
99. 4/12/2002 "Il Secolo XIX" reviewed Layli Goobalay
100. 3/12/2002 Layli Goobalay on Italian National Radio

Social Community
Join us today

There are currently, 169 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com