header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


01/07/2006: Submitted for publication via web
Jebintii Jeelka Madheera Qaybtii 4-aad: Qorahu Wuxuu Soo Saari Doona Buug Ku Dhamaystiran Dhacdadani
by Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (alpha) — Bristol, Uk

Haddii nalaga kaxeeyey Cadeeye, Max'd Farroole iyo Dhucdii aanay naga sii maqnaayeen ilaa shan iyo toban daqiiqo ayuu nagu soo noqday Daahir Xasan ( waa askarigii habeenkaa gaadhka haystay ), waxaanu Daahir dib u furay makhsinkii hore ee uu Dhucda ka saaray oo laba nin oo kale ku jiraan, waxaanu furitaankii raaciyey waar soo baxa oo gogoshiinana soo qaata. Ilka case oo ka mid ahaa labada nin ee qolka ku jiray una qaatay in iyagana la qaadayo ayaa Daahir oo qolkooda qol ka soo horjeeda hadana furaya ku jidhi " waar Daahir miyaan caawa waxba laga tagayn " Daahirna wuxuu ugu jawaabay " waar waxba laga tagimaayee soo baxa " waxaana is taagay dhamaan dadkii ku jiray labadaa makhsin. Qol sadexaad ayuu haddana Daahir furay, markaasaanu is nidhi wallaahi waa siduu sheegayaye inaan caawa waxba laga tagayn, wuxuuse labadii qol u kala qaybiyey labadii nin ee ku hadhsanaa qalkii uu Dhucda ka saaray kaasi oo la baneeyey. Waxaanu u qaadanay in dad dil ah oo cusub la keenay waxaanuna mudo sugaynay dadkaasi, hase yeeshee waxaa ilaa saacad ka dib nalagu soo celiyey sadexdii nin ee nalaga qaaday. Hoosta ayaanu ka faraxnay oo waxaanu is nidhi waar lama qaadine malaha cafiskoodii ayaa yimid oo loo soo sheegayey. Waxaa laysugu geeyey qolkii faaruqa ahaa, waxaase aanu dib uga shakinay markii Gamca yare uu qolka isaga iyo askarkale cabaar kula jireen intaana sil-siladu ay sanqadhaysay, markii askartii ka soo baxeena waxaanu weydiinay waxa dhacay.

Maxaabiista : waar cadeeye xagee laydin geeyey ee laydinka soo celiyey ?
Cadeeye: Xafiiskaa nala geeyey. Maxaabiista : oo maxaa laydin ku yeedhay ?
Cadeeyey: Waxaa nalaga soo qorayey dar-daaran.
Maxaabiista: Dar-daaran maxaya.

( RABUL MACBUUD ) waxay ahayd kalmad uu had iyo jeer Cadeeye hal-hays u lahaa, wuxuuna ahaa saaxiibkii i baray arbaca turubka oo uu balaayo ku qabay, had iyo jeerna maalinta gaadhka uu leeyahay Xasan Cabdi waxaanu ka codsan jirnay inuu galinka hore Cadeeye qolkayaga keeno anagoo halkaa turubka ku wada ciyaari jirnay. Waxaanu ka dhaxallay laba tuduc oo gabay ah oo uu midna ku calaacali jiray marka cayaartu ku soo fadhi xuntahay midna uu ku hadaaqi jiray markuu gacanta sare leeyahay.

Waa ka hore e wuxuu ku calaacali jiray " todobaalihii bayga tegay, turubna waa dheeman" iyo ka danbe oo ahaa " Allaw gacanta hay goyn ninkii, Giib dilaan ahaye " . Wuxuu aha geesi calool adag waxaanu habeenka intiisii badnayd qaadayey hees uu leeyahay Cabdi Aadan Qays oo ka turjumaysay marxaladda nimankaasi ku sugnaayeen habeenkaa taasi oo ahayd :

Wakhtiyahaw lagdamayaa,
Habeenkaaga laaciyo,
Maalintaada luulkii,
Ninay kala lusheenoo,
Kala leexiyeenoo,
Leeleel qabaan ee,
Sida aan u liitiyo,
Laftaad iga wareentay,
Laba kala fog weeyee,
Lugooyada ma daysaa,
Mise ruuxa Laanglaa,
Sii liici mooyee,
Soo loodi maad odhan.

Shinbiryahay lalaysaa,
Adna laydha guudbaad,
Leexaysanaysaa,
Ragna laba diblaa tiir,
Xadhig loogu loodshoo,
Luguhuu ka xidhanyahay,
Sida aad u looshiyo,
liirtaanyadaan qabo,
Laba kala fogweeyee,
Lurta wali ma kulanteen,
Mise laaca ubaxiyo,
Mabaad dhaafin laamaa.

Inanyahay la moodaa,
Labigiyo madheedhkee,
Reerkoodu ladanyahay,
Nimaan loodh aduunyiyo,
Aan lahayn lo' iyo geel,
Hadduu laabta kaa rabo,
Ilayn lahashadiisiyo,
Halka aad ka lulataa,
Laba kala fogweeyee,
Maad garan si loo ladho,
Mise laba jirbaad tahay,
La garaada raaxada.

Ashahaada iyo tawxiidka Ilaahay kama madhnayn afkiisa, waxaanu dhawr goor ku yidhi Dhucda oo isagu ahaa nin maskaxda wax uga dhinaayeey aamusanna " Waar yaahe Dhucdow waan Inaadeer aroortaa layna toogatayaa ashahaado " isagoo Dhucduna ugu jawaabay " waar ashahaadu rasaasta inaga celin maysee waadigan heesayee caashaqa ha baayicin inoo qaad ".
Waar Cadeeye imisa caruura ayaad ifka kaga tagtay ? iyo waar Max'd wali ifkii kamaynaan tagine waxaad tidhaahdaa imisa caruura ayaad ifka kaga tagaysaa ayaa iyakuna ka mid ahaa hadallo waraysi ah oo dhex maray Cadeeye iyo Max'd Farroole oo dhagta igaga soo dhacay anoo sii jiifsanaaya.
Dhawr goor ayaan ku soo baraarugay Cadeeye oo sidii u heesaya, waxaanse ugu danbaytii la kulmay Dhucda oo aad moodo inuu miyirsaday.

Dhucda: Waaryaa Cadeeye, oo imika miyaa layna tooganayaa ?
Cadeeye: Haa markuu waagu baryaa layna tooganayaa.
Dhucda: Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun ( isagoo markaa yar ooyaya ) , saacaddu haddii ay gaadhay lixdiina waxaa soo galay askar aad u faro badan kuwaasi oo qolkii ay ku jireen kala baxay Illaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee sadexdaa maxbuus.
Sideedii subaxnimaba waxaanu maqlaynay rasaastii lagu tooganaayey nimankaasi, waxoogaa ka dibna waxaa noo soo galay Ceelaabe oo ka mid ahaa askartii dilka wax ka soo fulisay oo dhoola cadaynaaya aanad moodo in dallacaad lagu siinayo dilka nimankaasi. Wuxuu noo sheegay in jeelka hortiisa lagu toogtay, waxaanu noo raaciyey in shagaashankii xabadood ee u qornaa Dhucdu uu ku dhiman waayay naftuna hore uga bixi weyday ilaa markii danbe uu taliyihii ciidanka watay uu baastooladdiisii dhafoorka kaga dhuftay.
Wuxuu ahaayeen habeen iyo maalin murugo leh, waxay maalimihii hore kaga duwanaayeey qofka waa nalaga qaadi jiray oo waxa lagu toogan jiray meeshii laga soo xukumay, hadda sharcigii ayaa la badalay oo waa la baqay oo waxaa la yidhi jeelka halagu hor toogto dadka. Bal suuree rag aroorta la tooganayo oo aad meelku wada jirtaan, bal qiyaas qof lagu yidhi aroorta ayaa lagu tooganayaa meel walbana sil-siladi kaga xidhantahay faqashna meel ugu jira Illaahay mooyaane cid kale oo uu filayaana jirn iyo ka isaguna dilkaa sugaya ee agtiisa ku xidhan.

Dilkii Iimaan.
Iimaan waxaa laga soo xidhay waqooyiga hoose ee magaalada Hargaysa, wuxuu ahaa nin faalka balo ku qaba, waxaana looga soo joogay dhawr jeer oo uu faaliyayba in wixii uu sheegay dhab noqdeen. Caado ayuu u lahaa imuu maalintii laba sadex jeer faaliyo, waxaanu maalin maalmalha ka mid ah dhigay faalkaa, haddii uu ku celiyey oo uu yidhi markhaatigaana wuxuu noo sheegay inuu u soo baxay GARBO RAAR taasina ay tahay inay jeelka imanayaan niman madax ah oo darajo lihi, maalmo yar ka dibna waxaa jeelka madheera booqasho ku yimid taliyihii ciidamada asluubta ee soomaaliya Ismaaciil Ax'd Ismaaciil, waxaan kale oo uga soo joognay isagoo haddana maalin kale faaliyey oo sheegay in BAYAAD u soo baxay cidna ay waraaqahoodii siidayntu ay iman doonaan, waxaana maalmo dabadeed la sii daayey idho deero iyo koofiyad dheero oo labadaba Xamar loo qaaday. sidii Iimaan caadada u ahayd ayuu saaka oo Salaasa ah la kala baxay tusbaxiisii, haddii uu waraaqo yar-yar dhulka dhigay oo uu isku min guuriyeyna waxaa saaka u soo baxay wax wixii hore ka duwan waa XIMRE, ( ximruhu wuxuu sheegaa dhiig ) kor intuu u booday ayuu haddana deg-deg u fadhiistay markaasuu ku celiyey isagoo leh " markhaatigaa " waa XIMRE iyo waliba isaga oo uu fadhiistay ka dibta intuu kor u booday ayuu ku yidhi Shabeel iyo rag kale oo qolka kula jiray berri ayaa lay qaadayaa. Walaw looga soo joogay labadaa jeerba wixii uu sheegay kalsoonina lagu qabo waxaa uu sheegay inuu run yahay, haddana mar haddii wax la qaadi doonaba mooyi ciday noqone wax la sugaba waxay runi runteed timi markii maalintii maalintaa ku xigtay oo ahayd Arbacadaydii la yidhi:
Mee Iimaan.
Iimaan: way kan.
Askartii: Dharka cad gasho.
Iimaan: Waayahay.

Waxaan halkaa ku soo gaba-gabaynayaa sheekadii jabintii jeelka Madheera, anigoo imika ku talo jira inaan sheekadaa oo dhamays tiran buug ka qoro sida ay dad badani iga codsadeen, waxaanan Ilaahay ka rajaynayaa inaan buuggaa sida ugu dhakhsaha badab u soo saaro.
Waxaan jecelahay in dhamaanba intii dhimatay ee aan dilkooda ka soo sheekeeyey oo gacan ka xaq darani dishay aynu Ilaahay u barino inuu janooyinkiisa ka waraabiyo oo aynu faataxada u marno.
Waxaan halkan ugu mahadcelinayaa dadkii faraha badnaa ee E-mail-ka ii soo diray anigoo jecel inaan kuwii ugu horeeyey halkan ku xuso, waxaanan dhamaantood leeyahay waad ku mahadsantihiin akhriska aad sheekadaa akhrisateen iyo waliba xiisaha aad u haysaan in la qoro dhibtii wadanka ka dhacday iyo halgankii la soo galayba waxaana idiin balan qaadayaa inaan qaybtayda gudan doono haddii Eebaha awooda lihi nafta waayo ii daayo.

Waxaan u mahad naqayaa:

1- Qarannews.
2- Saciid Ax'd Max'ud ( Hargaysa)
Ardayda reer Somaliland ee Hindia wax ku barata oo kala ah
3- Max'd Xaaji Muuse ( degree)
4- Ayaanle Ciise Obsiiye (degree)
5-Sakariye Cumar Bakaal (degree)
6-Max'd Xasan Cali (digree)
7-Ax'd Xasan Xaaji (MCA)
8-Daahir ismaaciil (MBA)
9- Ibraahim Sheekh C/wahab ( Doctor of medicine )
10- Max'd Xaashi Meecaad ( Degree)
11- C/wahaab Ibraahim Askar ( Degree)
12- Ducaale C/laahi Taani ( degree)
13- Somaliland org.com
14-Rashiid Aadan cabdillaahi
15- Cabdi MAx'd 2001.
16- Yusuf Max'd Ciise.
19- Cali guuleed (Cali marshal).
20- Deeqa Seeraar.
21- Saciid Aadan ( Toronto).
22- Max'd Wadaad yare ( Canada ).
23- Bahda Mareegta Farshaxan.
24- Jamuuriya webmaster.
25- Cabdi Jaamac.
26- A. Sellin Guray.
27- Ismaaciil Faarax (Canada).
28- Max'd Yusuf.
29- Max'ud Xaaji Muuse.
30- Saciid Max'd
31- Mustafe sheekh Xasan Cabdalle ( Egypt ).
32- Mustafe Yuusuf.
33- Max'd Aadan ( Qarandoon ).
34- Max'd Cabdi Xasan Diri-dhaba ( Hargaysa ).
35- Fu'aad Ax'd Ismaaciil.
36- Sayid Max'd yuusuf (sweden).
37- Mustafe Xaaji Cumar (Canada).
38- Nuuradiin Max'd Ax'd.
39- Max'ud Ismaaciil Yuusuf (Bristol).
40- O. H. Ashuur.
41- Max'd Xasan Jaamac (Raambo)
42- Maxd Raabi.
43- Somaliland centre.

Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin
Abdirisaqa Alpho.
Bristol, UK.



The views published here are solely those of its authors (Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (alpha) — Bristol, Uk) and do not necessarily reflect those of REDSEA-ONLINE.COM.
All articles on redsea-online

1. 15/05/2012 Gathering to commemorate Dr. Abdishakur Shiekh Ali Jowhar - Commemoration committee
2. 11/05/2012 Press Release from Camden Creative: Are you Somali of any age and background, and are moving permane - Camden Creative
3. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 31 October - Festival Books presents
4. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 30th October - Comedy Night with Boon Xirsi, Prince Abdi, Abdi Bahdoon &other
5. 20/09/2009 SWF - Events: Thursday, 29th October - Film night and Djibouti artist evening
6. 20/09/2009 SWF - Events: Wednesday, 28th October 2009 - One act the play ‘Baqayo Roged’
7. 20/09/2009 SWF - Events: Tuesday, 27 October 2009 - BME involvement in public bodies
8. 20/09/2009 SWF - Events: Monday 26 October 2009 - Young People and citizenship
9. 20/09/2009 SWF - Events: Sunday, 25th October 2009 - Family Day: Storytelling day for children and their parent
10. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 24th October 2009 - A day of pure poetry
11. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 23rd October 2009 - Launching of the Festival
12. 03/08/2009 Opinion on: Book review - Whose world is it any Way? By Shamis Hussein - Omer Aden E-mail : omerliban@gmail.com
13. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Lixaad - Isniin 27 Julaay 2009
14. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta shanaad - Axad 26 Julaay 2009
15. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta afraad - Sabti 25 Julaay 2009
16. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta saddexaad - Jimce 24 Julaay 2009
17. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Labaad - Khamiis 23 Julaay 2009
18. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Kowaad - Arbaca 22 Julaay 2009
19. 21/02/2009 Xog-waranka Abwaan Cabdilaahi Cawed Cige - Mustafe Sh. Cumar
20. 12/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Saddexaad - Axmed Yuusuf Ducaale
21. 11/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Labaad - Axmed Yuusuf Ducaale
22. 10/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Kowaad - Axmed Yuusuf Ducaale
23. 30/05/2008 Boqorka shaqsiyaddu waa kuma? Qaybtii 1aad - Farduus Siciid Dirir
24. 16/05/2008 HALABUUR, Journal of Somali Literature and Culture - hal-abuur
25. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982-kii ee dugsiga sare ee Timacade(qalax) ee Gabiiley, qaybtii 2-aad - Cali Cumar Xasan
26. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982 iyo dugsiga sare ee Tima-cade ama Qalax (Gabiley) - Cali Cumar Xasan
27. 22/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA. QAYBTII AFRAAD. - By Alpha
28. 20/02/2008 QAYBTII SADEXAAD EE LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA - By Alpha
29. 18/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAX TUURKA, Qaybtii labaad - By Alpha
30. 17/02/2008 Qaybtii Koowaad 20-Febaury 1982. Lix iyo Labaatan guuradii Dhagax Tuur - By Alpha
31. 11/02/2008 Barmaamij ku saabsan dadka xiskoodu dhiman yahay - Maxamed-Keyse
32. 28/01/2008 Qudbigii Suugaanta – Gabay - Bashiir Good
33. 25/11/2007 Hal-Abuur magazine relaunched - redsea
34. 11/11/2007 Gorfaynta Buugga “People on the Move” ee uu qoray Dayib Cabdi Askar. - Prof. Jaamac Aadan Cali
35. 11/11/2007 A critical review on “People on the Move” - By Prof. Jama Adan Ali
36. 29/06/2007 Buugga KARAAN: Xadhka-jiid ma gayo maamul Qaybta 2aad - Maxamed Yuusuf (Keyse)
37. 26/06/2007 Shirsannadeedkii Ururka Qoraaga Somaliland oo ka dhacay Stockholm 16/06/2007 - qoraaga.com
38. 26/06/2007 Buugga KARAAN Iyo Maansada Kasmo - Maxamed Yuusuf (Keyse)
39. 23/10/2006 Tixda Cabdilaahi Suldaan Timacadde & Ereyga “Soomaali” - Yasin Jaamac Nuux (Suldaan)
40. 13/08/2006 Baroordiiq (Tacsi) Abwaan Axmed Ismaaciil "Qaasin' - aftahan.org
41. 12/08/2006 Tacsi - Ururka Qoraaga Somaliland
42. 02/08/2006 Taariikh ku saabsan magaalooyinka Saylac, Berbera iyo Sheekh - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
43. 26/07/2006 Wargelin Muhiim ah: Xafladda Gardaadinta “Guri Waa Haween” ee Magaalooyinka Bristol iyo Cardiff - Maxamed Baashe Xasan
44. 17/07/2006 Book Signing Ceremony - Gobaad Communications & Press
45. 01/07/2006 Milicsiga maansooyinkii Abwaan "Qaasim" (Dad musbaar dhegaha kaga jiraan, maqal ka tuugaaye. 1964 Q. - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
46. 30/06/2006 Milicsiga maansooyinkii dhaxalgalka ahaa ee Abwaan "Qaasim" (Sidii baa ducaaloow biyaha loo dawariya - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
47. 10/06/2006 Jabintii Jeelka Madheera Qaybtii 3-aad: Afduubkii Diyaaraddii Somali Airline Ee Afar Iyo Labaatankii - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (Alpha)
48. 08/06/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Qaybtii 2aad - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
49. 5/6/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
50. 26/03/2006 OGEYSIIS:TODOBAADKA SOMALILAND EE YURUB - SSE
51. 23/03/2006 Labada Aqal Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Wadajir U Qaabiley Qoraa Weyn Oo Kenyaan Ah - somaliland.org
52. 20/03/2006 NETWORK OF DEVELOPMENT RESEARCHERS: HALF-DAY SEMINAR - SSE
53. 14/03/2006 School book with images of Prophet Muhammad banned in Somaliland - BBC Monitoring
54. 27/02/2006 GURI BA’AY - Maxamed Baashe X. Xasan
55. 20/02/2006 Milicso Maalmihii Ina Soo Maray – 20-ka February - Aamina Maxamuud Diiriye, Hargeysa, Somaliland
56. 19/02/2006 GPS: Burco Iyo Horumarku Maxay Ku Colloobeen? - Cabdillaahi Cawed Cige
57. 18/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan – 1944kii (qaybtii 6aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
58. 09/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (1944kii – 2006da) Q. 4aad - Boobe Yuusuf Ducaale
59. 08/02/2006 Safar Salaama iyo Xaflad Sagooti ah oo loo Samaynayo Abwaanka Gaarriye - aftahan.com
60. 08/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan 1944kii – 2006da (Q. 3aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
61. 06/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (Qormada 2aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
62. 04/02/2006 GEERIDII GADHLAY SHEEGAYAAN GACAL HA WAAYAANE - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
63. 04/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Marxuun Ibraahin Gadhle - Boobe Yuusuf Ducaale
64. 01/02/2006 Ibraahim Gadhle: Hal Abuur Iyo Gabayaa ka Galbaday Suugaanta Soomaalida - haatuf.net
65. 31/01/2006 Tacsi Geeridii Abwaan Ibraahin Aw Saleebaan (Gadhle) - RSOL
66. 30/01/2006 Sannad wanaagsan - 1427 - RSOL
67. 20/01/2006 Habka Dhismaha Maansada Soomaaliyeed - Cabdi Miigane Guuleed & Maxamed Cabdillaahi Riiraash
(somalistartpage.com)
68. 25/01/2006 Wareysi Dr. Georgi Kapchits - wardheernews.com (Copyright WDN 2006)
69. 18/01/2006 Somaliland Societies in Europe: War saxaafadeed - SSE
70. 31/10/2005 Nin Gumoobay - Ibraahin Yuusuf Axmed
71. 31/10/2005 Dhagartii Oogle (Sheeko) - Ibraahim Yuusuf Axmed
72. 11/10/2005 Somali poetry event: The great Somali poet Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye' in UK - redsea
73. 10/09/2005 MADHXINTA AFSOOMAALIGA - Maxamed Bashe X. Xasan
74. 07/09/2005 From Mechanic to Civic Leader: One man's active leadership brings better energy options to an entire - (from awdalnews.com)
75. 03/09/2005 Kuma ayuu ahaa Cabdilaahi Suldaan Maxamed "Timacade" - Abdifatah O. Abdi
76. 28/08/2005 AIDS And Circumcision - Rhoda A. Rageh
77. 28/08/2005 Duumo iyo Duullaan - Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
78. 28/08/2005 Dhibaatooyinka ku xeeran qoraalka afsoomaaliga iyo hirgelintiisa - Maxamed Bashe X. Xasan
79. 14/05/2005 "LADH" waa buug murugo, xiise, xasuus iyo xanuun intaba kugu beeraya - RSOL - Editor
80. 28/02/2005 "Dhagaxtuur Ma Been Baa?" - Boobe Yuusuf Ducaale
81. 18/02/2005 Yusuf Haji Aden Was a Great Educationist - SSE Chairman
82. 18/02/2005 Tacsi Ururka Somaliland Forum - Guddiga Dhexe Somaliland Forum
83. 15/02/2005 Obituary: Yusuf Haji Aden was a great man - Mohamud Tani
84. 17/02/2005 Aas Heer Qaran Ah Oo Loo Sameeyey Abwan Yusuf Xaji Aadan
85. 03/01/2005 Ujeedo Xog Ururuuin Ka Timid Ururka Qoraaga Somaliland - SWA
86. 06/03/2004 Students Uprising Of Feb 20th Observed By SONYO - the Somaliland Times, ISSUE 109, Feb 21, 2004
87. 04/03/2004 Warsaxaafadeed "Ururka Qoraaga Somaliland" - UQS, Sweden
88. 28/02/2004 20-ka February oo markii ugu horeysay laga xusay magaalada London - London (Jam) - from www.jamhuuriya.info
89. 27/02/2004 20-Ka February Oo Loo Aqoonsaday Maalinta Dhallinyarada Somaliland - Haatuf, Hargeysa Feb, 22, 2004
90. 25/02/2004 «Materia Cinese Chinese Matter»: per una comunicazione universale - Elisabetta Marino, l'Unità 06.02.2004
91. 12/02/2004 Bandhig Buug: Jamhuuriya
92. 23/12/2003 “Materia cinese”: i ponti invisibili di Lina Unali - Elisabetta Marino
93. 16/08/2003 The Vice President told youngs in his Party that "My Teachers' Group" is a good example to follow.
94. 20/06/2003 Barre Hagi Elmi Ahmed: Tribute to an unknown martyr - Jama Musse Jama
95. 29/05/2003 Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalikayga Maalintaas (20-ka February 1982) - Khadar Ali Gas
96. 24/03/2003 A new section dedicated to the Somali Books
97. 21/01/2003 "Il Gazzettino" newspaper reviewed Layli Goobalay
98. 20/01/2003 Layli Goobalay on "IntercultuRadio" Radio
99. 4/12/2002 "Il Secolo XIX" reviewed Layli Goobalay
100. 3/12/2002 Layli Goobalay on Italian National Radio

Social Community
Join us today

There are currently, 169 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com