header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


20/02/2008: Submitted for publication via web
QAYBTII SADEXAAD EE LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA
by By Alpha

Maanta oo ku beegan 26 guuradii kasoo wareegtay maalintii dhagaxtuurka ardaydii xaga u dirirka ahaa ee ka soo horjeeday nidaamkii kalitaliska ahaa.

Waxay ahayd maalin Sabti ah, aalaabana maalintaa ardaydu iskuulada waxay u iman jireen si hagar la''''aan ah maadaama ay maalinta Jimcaha ah fasax ahaayeen. Aniga iyo koox aan ku jirnaa waxaanu Iskuulka nimi goor hore, waxaanan filayaa inaan wax arday ahiba naga soo horrayn. Arday kasta oo yimaadaba waxaanu markiiba u sheegaynay in maanta nimankii aqoonyahanka ahaa ee uffo maxkamadda la keenayo, intii aan fasalada la galinnna waxaad arkaysay ardaydii oo arintaa aad u hadal haysa waxaana lagu balamay in marka nusasaacaha loo baxo maxkamadda la tago. Haddii nusasaacihii loo baxay waxaanu u soo dhaqaaqnay anaga oo tiro aad u badan ah dhankaa iyo maxkamadda, waxaanu ku sii hakanay guriga shaqaalaha oo arday badan oo Juun iyo Faarax Oomaar ahiba wakhtiga nusasaacaha u soo shaah doonan jireen. Waxaanu nimi maxkamadda Badbaadada ilaa kuw iyo tobankii oo wax dhiman, waxaana maxkamadda hor tubnaa dad faro badan oo iskugu jiray arday aan iyagu dirays sidan oo uu ka mid ahaa Yuusuf Max''''d Ciise iyo koox arday ahaa oo ururkayga ka tirsanayd iyo dadwaaweyn oo dumar u badan halka raggu uu waxoogaa qaraabadii uffo ay ka ahaayeen. Saacaddu haddii ay is kor taagtay kow iyo tobankii subaxnimo ayaa waxaa gaadhi Land drover ah ka soo degay nin la odhan jiaray Cabdillaahi Baynamber oo markaa haystay ciidanka C.I.D-da iyo laba askari oo ku hubaysan baastoolado. Baynumber wuxuu isa soo hortaagay dadkii goobtaa maxkamadda ku sugnaa isagoo dadka ka codsaday inay isku soo dhawaadaan, waxaanu Cabdillaahi dadkii ku yidhi: Maanta maxkamad lama keenayo qolooyinkii aad sugayseen oo maxkamaddoodii dib ayay u dhacday, waxaana la keenayaa rag xisaabi xil ma leh loo haysto markaa waxaan idiin sheegayaa inaad meesha iskaga tagtaan. Haddii Cabdillaahi baynumber hadalkii intaa ku joojiyey, dadka inta u horaysaana ay tahay koox arday ah, ayay ardaydii cabdilllaahi ku yidhaaheen: Waar dibu dhac lahaane nimanka ma la soo daynayaa.

Cabdilaahi wuxuu ardaydii ugu jawaabay, anugu nimanka ma haystee waxaan idiin sheegayaa inaan maanta halkan la keenayn oo aanu wakhtigu halkan idinkaga lumin. Baynumber oo aan hadalkii afkiisa ka soo wada dhamaan ayuu dhagax qaaday mid ka mid ah ardaydii goobtaa ku sugnayd, dhagaasi oo uu ku tuuray cuskadayna albaabka maxkamadda badbaadada oo muraayad ahaa, waxaanu dhalfiifaha ka dhigay qabcad ka mid ah muraayaddii albaanka. Waxa kale oo isla daqiiqad ka dibna albaabkii qabsaday laba, sadex dhagax oo kale. Mid ka mid ah labadii askari ee Baynambar la socday oo waliba ahaa nin had iyo jeer xagga danbe ka saarnaan jiray baabuurkii shabaglaha ahaa ee maxabiista maxkamadda lagu keeni jiray ayaa intuu la soobaxay baastooladdiisii kor u riday. Dhicitaankii xabaddaasi dhacdayna waxaa lagu qamaamay maxkamaddii iyo sadexdii askari oo dirqi gaadhigii ay wateen ku gaadhay, markii maxkamaddii badbaadada dhalfiifaha laga dhigayna waxaa loo dhaqaaqay maxkamadihii kale ee goobtaa ku yaalay halkaasi oo fooda laysku daray askartii ilaalinaysay. Waxaa is waydaartay dhagaxa iyo xabadda, waxaana goobtii yimi dad laba laab uga badan dadkii hore. Waxaa goobtaa maxkamadaha ka dhawaa xafiisyo badan oo dawladdu lahayd iyo cisbitaalka guud ee Hargaysa, waxaana mar qudhaata goobtii ku soo jabay dadweyne gadoodsan, iyadoo dadku ay u haysteen in meesha dhalinyaradii maxkamadda la saarayey lagu laynaayo. Isla markii intaasi dhcday ayaa waxaa goobtii katagay arday, kuwaasi oo dhankaa iyo iskuulka Faarax Oomaar tagay. Waxay la kulmeen maamulihii iskuulka oo la odhan jiray Liibaan oo ardaydii dugsiga joogtay u diiday inay u baxaan waxaa dhacaya isagoo gate-kii iskuulka dusha ka xidhay. Ardaydii waxay jabiyeen gate-kii ardaydii reer Faarax Oomaarna waxay ka soo daateen daaqadaha. Markii intaa xafiisyada gacanta la mariyey waxaa loo dhaqaaqay dhankaa iyo suuqa, halkaasi oo iskuulka gacan libaax uu markii xabadda uu maqlayba isna uu ku soo dareeray suuqa, iyagoo kaashanaya dadkii dhalinyarada ahaa ee suuqa joogay, haday tahay baalashlayaashii iyo ciyaalkii suuqa joogayba. Waxaa iyaguna qayb lixaadle ka qaatay qolooyinlii jaadka ku iibinaayey xero jaada iyo kuwii jaadka ku iibinayey wadada xero jaadda ag marta ee dhankaa iyo Tiyaatarka qabata. Mudo lagu qiyaaso saacad waxay magaalaga Hargaysi isku badashay maalintaa goob dagaal oo ay ku hirdamayaan laba ciidan oo awood lihi. Dawladii Afweyne waxay soo galisay magaalada Ciidan faro badan iyo beebeeyo, saacado ka dibna waxaa magaalada soo gaadhay ciidankii afar iyo labaatanaad oo laga soo qaaday dhinaca galgeedka. Waxaa maalintaasi dukaamadii Baaniyaalada hortooda xabadi ku dhacday Alla ha u naxariistee Barre Xaaji Cilmi oo ka tirsanaa ururkayaga isagoo markiiba naftu kaga baxday cisbitaalka Hargaysa, waxaa kale oo ku dhintay maalintaa dad shicib ah halka qaarkalena kaga dhaawacmeen. Waxaad arkaysay dhamaan ardaydii dugsiyada sare iyo kuwa dhaxe ee magaalada Hargaysa oo arday waliba balcaddiisii gashan yahay oo dhagaxa tuuraaya,kana baqanayn beebeeyada iyo baabuurta gaashaaman ee xabaddu uga soo baxayso sida dhibica roobka. Xabaddaa bilaabmatay kow iyo tobankii subaxnimo waxay caadi isku taagtay lixdii galabnimo markaasi oo khasaaraha loo gaystay dawladdii faqashtu uu aad u badnaa. Waxaa la jajabiyey dhamaan xafiisyadeedii ha u sii darnaato xafiiska dawladda hoose ee Hargaysiye, oo isaga ilaa calankii hor sudhnaa dab la qabadsiiyey, waxaa la gubay lana jajabiyey dhamaan wixii gaadiid dawladeed ahaa ee magaalada dhexmarayey, waxaana la dhaawacay guulwadayaashii iyo askartii uu Gaani soo dagaal galiyey. Labadii cisho ee maalintaa ku xigayna, waa kow iyo labaatankii iyo laba iyo labaatankii February waxay dhagaxa iyo xabaddu bilaabmayeen lixda subaxnimo halka lixda fiidnimo xabadda iyo dhagaxu ay iska taagayeen. Waxaa maalin sadexaaxii isna ku dhintay Qawdhan Cabaase oo markaa ahaa ardaydii sanadkaa shaqada qaranka ahayd. May jirin Iskuulo la tagay, may jirin meherado la furay, waxaanu Gaani maalintii hore isku dayey inuu rabshadaha joojiyo isagoo soo diray waalidiintii inamada xidh-xidhnaa soona siiyey baabuuro uu microphone-no dusha kaga soo xidhay, kuwaasi oo uu ku yidhi u sheega ardayda inaan inamadii soo daynaayo haddii ay dhagaxa joojiyeen, nasiib wanaagse iyaga iyo baabuurtoodiiba waxaa lagu daray kuwii la jajabinaayey. haddii magaalada sadexdaa cisho dagaalkaasi ka socday laguna soo rogay bandoo, dad badanna la qab-qabtay dadkaasi oo ardaydu ay aad ugu yarayd una badnaa dadkii shicibka ahaa, ayaa waxaa magaalada Hargaysa yimi wafti uu hogaaminaayay Axmed Maxamuud Faarax ( Ina lax was ) kana mid ahaayeen Ax''''d Sulaymaan Dafle iyo Jaamac Gaas Macaawiye, kuwaasi oo loo soo diray inay dadka been u soo sheegaan. Waxay dadka kula hadleen Tiyaatarka Hargaysa iyagoo u sheegay in inamada xidh-xidhan madaxweynuhu cafiyey cafiskoogiina miiska madaxweyne Siyaad Barre saaranyahay balse marka hore la xukumi doono taasi oo ahayd khiyaamo caantayn ah balse dadka waawayni ay ka yeeleen una qaateen run. Waxaa isaguna wakhtigaa waftigaasi yimid ku sugnaa magaalada Hargaysa oo joogay abwaanka weyn ee Cali Sugulle waana markii uu tiriyey heestii ahayd:

Doqon ina Dafliyo, Ina Daylo kude, Dulli Jaamac Gaas, Iyagaa dulmanoo, Loo doodayaa, Maxay doonayeen. Ma nalkii damay, Noo daarayaan, Dadku waa bukaa, Ma daweynayaan, Dakaddii Barbari, Way dillaacsantee, Ma daboolayaan.

Waftigaasi waxay odayaashii magaalada ee ay la kulmeen ku qanciyeen in inamadii xidhnaa maxkamad la soo taagi doono, isla bishan February sideed iyo labaatankeeda kadibna uu Afweyne saamixi doono. Kooxdii uffo waxaa maxkamadda la hor keenay isla maalintaa sidee iyo labaatankii February ee sanadii kun iyo sagaal boqok iyo laba iyo sideetankii, waxaana lixdii March lagu riday xukun iskugu jira dil, xabsi daa''''in iyo xadhig adag isagoo ninkii Afweyne ee saamaxaadooda laga sugayeyna maalin ka dib u anbabaxay wadanka Maraykanka isagoo ku sii hakaday magaalada London ee carriga ingiriiska.

La soco qaybta danbe.

Cabdirisaaq Sheekh Ibraahim Kooshin (Alpho)

BRISTOL.
U.K.



The views published here are solely those of its authors (By Alpha) and do not necessarily reflect those of REDSEA-ONLINE.COM.
All articles on redsea-online

1. 15/05/2012 Gathering to commemorate Dr. Abdishakur Shiekh Ali Jowhar - Commemoration committee
2. 11/05/2012 Press Release from Camden Creative: Are you Somali of any age and background, and are moving permane - Camden Creative
3. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 31 October - Festival Books presents
4. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 30th October - Comedy Night with Boon Xirsi, Prince Abdi, Abdi Bahdoon &other
5. 20/09/2009 SWF - Events: Thursday, 29th October - Film night and Djibouti artist evening
6. 20/09/2009 SWF - Events: Wednesday, 28th October 2009 - One act the play ‘Baqayo Roged’
7. 20/09/2009 SWF - Events: Tuesday, 27 October 2009 - BME involvement in public bodies
8. 20/09/2009 SWF - Events: Monday 26 October 2009 - Young People and citizenship
9. 20/09/2009 SWF - Events: Sunday, 25th October 2009 - Family Day: Storytelling day for children and their parent
10. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 24th October 2009 - A day of pure poetry
11. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 23rd October 2009 - Launching of the Festival
12. 03/08/2009 Opinion on: Book review - Whose world is it any Way? By Shamis Hussein - Omer Aden E-mail : omerliban@gmail.com
13. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Lixaad - Isniin 27 Julaay 2009
14. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta shanaad - Axad 26 Julaay 2009
15. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta afraad - Sabti 25 Julaay 2009
16. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta saddexaad - Jimce 24 Julaay 2009
17. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Labaad - Khamiis 23 Julaay 2009
18. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Kowaad - Arbaca 22 Julaay 2009
19. 21/02/2009 Xog-waranka Abwaan Cabdilaahi Cawed Cige - Mustafe Sh. Cumar
20. 12/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Saddexaad - Axmed Yuusuf Ducaale
21. 11/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Labaad - Axmed Yuusuf Ducaale
22. 10/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Kowaad - Axmed Yuusuf Ducaale
23. 30/05/2008 Boqorka shaqsiyaddu waa kuma? Qaybtii 1aad - Farduus Siciid Dirir
24. 16/05/2008 HALABUUR, Journal of Somali Literature and Culture - hal-abuur
25. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982-kii ee dugsiga sare ee Timacade(qalax) ee Gabiiley, qaybtii 2-aad - Cali Cumar Xasan
26. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982 iyo dugsiga sare ee Tima-cade ama Qalax (Gabiley) - Cali Cumar Xasan
27. 22/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA. QAYBTII AFRAAD. - By Alpha
28. 18/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAX TUURKA, Qaybtii labaad - By Alpha
29. 17/02/2008 Qaybtii Koowaad 20-Febaury 1982. Lix iyo Labaatan guuradii Dhagax Tuur - By Alpha
30. 11/02/2008 Barmaamij ku saabsan dadka xiskoodu dhiman yahay - Maxamed-Keyse
31. 28/01/2008 Qudbigii Suugaanta – Gabay - Bashiir Good
32. 25/11/2007 Hal-Abuur magazine relaunched - redsea
33. 11/11/2007 Gorfaynta Buugga “People on the Move” ee uu qoray Dayib Cabdi Askar. - Prof. Jaamac Aadan Cali
34. 11/11/2007 A critical review on “People on the Move” - By Prof. Jama Adan Ali
35. 29/06/2007 Buugga KARAAN: Xadhka-jiid ma gayo maamul Qaybta 2aad - Maxamed Yuusuf (Keyse)
36. 26/06/2007 Shirsannadeedkii Ururka Qoraaga Somaliland oo ka dhacay Stockholm 16/06/2007 - qoraaga.com
37. 26/06/2007 Buugga KARAAN Iyo Maansada Kasmo - Maxamed Yuusuf (Keyse)
38. 23/10/2006 Tixda Cabdilaahi Suldaan Timacadde & Ereyga “Soomaali” - Yasin Jaamac Nuux (Suldaan)
39. 13/08/2006 Baroordiiq (Tacsi) Abwaan Axmed Ismaaciil "Qaasin' - aftahan.org
40. 12/08/2006 Tacsi - Ururka Qoraaga Somaliland
41. 02/08/2006 Taariikh ku saabsan magaalooyinka Saylac, Berbera iyo Sheekh - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
42. 26/07/2006 Wargelin Muhiim ah: Xafladda Gardaadinta “Guri Waa Haween” ee Magaalooyinka Bristol iyo Cardiff - Maxamed Baashe Xasan
43. 17/07/2006 Book Signing Ceremony - Gobaad Communications & Press
44. 01/07/2006 Milicsiga maansooyinkii Abwaan "Qaasim" (Dad musbaar dhegaha kaga jiraan, maqal ka tuugaaye. 1964 Q. - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
45. 01/07/2006 Jebintii Jeelka Madheera Qaybtii 4-aad: Qorahu Wuxuu Soo Saari Doona Buug Ku Dhamaystiran Dhacdadani - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (alpha) — Bristol, Uk
46. 30/06/2006 Milicsiga maansooyinkii dhaxalgalka ahaa ee Abwaan "Qaasim" (Sidii baa ducaaloow biyaha loo dawariya - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
47. 10/06/2006 Jabintii Jeelka Madheera Qaybtii 3-aad: Afduubkii Diyaaraddii Somali Airline Ee Afar Iyo Labaatankii - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (Alpha)
48. 08/06/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Qaybtii 2aad - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
49. 5/6/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
50. 26/03/2006 OGEYSIIS:TODOBAADKA SOMALILAND EE YURUB - SSE
51. 23/03/2006 Labada Aqal Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Wadajir U Qaabiley Qoraa Weyn Oo Kenyaan Ah - somaliland.org
52. 20/03/2006 NETWORK OF DEVELOPMENT RESEARCHERS: HALF-DAY SEMINAR - SSE
53. 14/03/2006 School book with images of Prophet Muhammad banned in Somaliland - BBC Monitoring
54. 27/02/2006 GURI BA’AY - Maxamed Baashe X. Xasan
55. 20/02/2006 Milicso Maalmihii Ina Soo Maray – 20-ka February - Aamina Maxamuud Diiriye, Hargeysa, Somaliland
56. 19/02/2006 GPS: Burco Iyo Horumarku Maxay Ku Colloobeen? - Cabdillaahi Cawed Cige
57. 18/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan – 1944kii (qaybtii 6aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
58. 09/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (1944kii – 2006da) Q. 4aad - Boobe Yuusuf Ducaale
59. 08/02/2006 Safar Salaama iyo Xaflad Sagooti ah oo loo Samaynayo Abwaanka Gaarriye - aftahan.com
60. 08/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan 1944kii – 2006da (Q. 3aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
61. 06/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (Qormada 2aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
62. 04/02/2006 GEERIDII GADHLAY SHEEGAYAAN GACAL HA WAAYAANE - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
63. 04/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Marxuun Ibraahin Gadhle - Boobe Yuusuf Ducaale
64. 01/02/2006 Ibraahim Gadhle: Hal Abuur Iyo Gabayaa ka Galbaday Suugaanta Soomaalida - haatuf.net
65. 31/01/2006 Tacsi Geeridii Abwaan Ibraahin Aw Saleebaan (Gadhle) - RSOL
66. 30/01/2006 Sannad wanaagsan - 1427 - RSOL
67. 20/01/2006 Habka Dhismaha Maansada Soomaaliyeed - Cabdi Miigane Guuleed & Maxamed Cabdillaahi Riiraash
(somalistartpage.com)
68. 25/01/2006 Wareysi Dr. Georgi Kapchits - wardheernews.com (Copyright WDN 2006)
69. 18/01/2006 Somaliland Societies in Europe: War saxaafadeed - SSE
70. 31/10/2005 Nin Gumoobay - Ibraahin Yuusuf Axmed
71. 31/10/2005 Dhagartii Oogle (Sheeko) - Ibraahim Yuusuf Axmed
72. 11/10/2005 Somali poetry event: The great Somali poet Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye' in UK - redsea
73. 10/09/2005 MADHXINTA AFSOOMAALIGA - Maxamed Bashe X. Xasan
74. 07/09/2005 From Mechanic to Civic Leader: One man's active leadership brings better energy options to an entire - (from awdalnews.com)
75. 03/09/2005 Kuma ayuu ahaa Cabdilaahi Suldaan Maxamed "Timacade" - Abdifatah O. Abdi
76. 28/08/2005 AIDS And Circumcision - Rhoda A. Rageh
77. 28/08/2005 Duumo iyo Duullaan - Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
78. 28/08/2005 Dhibaatooyinka ku xeeran qoraalka afsoomaaliga iyo hirgelintiisa - Maxamed Bashe X. Xasan
79. 14/05/2005 "LADH" waa buug murugo, xiise, xasuus iyo xanuun intaba kugu beeraya - RSOL - Editor
80. 28/02/2005 "Dhagaxtuur Ma Been Baa?" - Boobe Yuusuf Ducaale
81. 18/02/2005 Yusuf Haji Aden Was a Great Educationist - SSE Chairman
82. 18/02/2005 Tacsi Ururka Somaliland Forum - Guddiga Dhexe Somaliland Forum
83. 15/02/2005 Obituary: Yusuf Haji Aden was a great man - Mohamud Tani
84. 17/02/2005 Aas Heer Qaran Ah Oo Loo Sameeyey Abwan Yusuf Xaji Aadan
85. 03/01/2005 Ujeedo Xog Ururuuin Ka Timid Ururka Qoraaga Somaliland - SWA
86. 06/03/2004 Students Uprising Of Feb 20th Observed By SONYO - the Somaliland Times, ISSUE 109, Feb 21, 2004
87. 04/03/2004 Warsaxaafadeed "Ururka Qoraaga Somaliland" - UQS, Sweden
88. 28/02/2004 20-ka February oo markii ugu horeysay laga xusay magaalada London - London (Jam) - from www.jamhuuriya.info
89. 27/02/2004 20-Ka February Oo Loo Aqoonsaday Maalinta Dhallinyarada Somaliland - Haatuf, Hargeysa Feb, 22, 2004
90. 25/02/2004 «Materia Cinese Chinese Matter»: per una comunicazione universale - Elisabetta Marino, l'Unità 06.02.2004
91. 12/02/2004 Bandhig Buug: Jamhuuriya
92. 23/12/2003 “Materia cinese”: i ponti invisibili di Lina Unali - Elisabetta Marino
93. 16/08/2003 The Vice President told youngs in his Party that "My Teachers' Group" is a good example to follow.
94. 20/06/2003 Barre Hagi Elmi Ahmed: Tribute to an unknown martyr - Jama Musse Jama
95. 29/05/2003 Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalikayga Maalintaas (20-ka February 1982) - Khadar Ali Gas
96. 24/03/2003 A new section dedicated to the Somali Books
97. 21/01/2003 "Il Gazzettino" newspaper reviewed Layli Goobalay
98. 20/01/2003 Layli Goobalay on "IntercultuRadio" Radio
99. 4/12/2002 "Il Secolo XIX" reviewed Layli Goobalay
100. 3/12/2002 Layli Goobalay on Italian National Radio

Social Community
Join us today

There are currently, 165 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com