header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


redsea-online.com: Somali Oral Culture

_SEARCHONTOPIC:   
[ _GOTOHOME | _SELECTNEWTOPIC ]

Taxane warbixinno ku saabsan Cilmi-Dhegoodka Geeska Afrika

Qaybta shanaad: Taariikh Nololeedkii Xirsi Bahal Maxumaade

Jama Musse Jama (jamamusse@tin.it) iyo Nur Xirsi Bahal (nurb@rom.on.ca)

10 Waaberiis / 10 Shacbaan 1427 / 3 Seebtember 2006

Qaybtii afraad ee taxanahan [1] waxaynu kusoo xusnay geeridii aqoonyahan ka baxay kal hore ummadda, Sheekh Maxamed Yuusuf Axmed - Afrikaani oo ku geeriyooday Hargeysa bishii afraad ee 2005. Tuskan waxaynu ku eegaynaa taariikh nololeedkii yahan ka mid ahaa dadkii ugu aqoonta dheeraa cilmiga xiddigiska Geeska Afrika, Xirsi Bahal Maxumaade.


Taxane warbixinno ku saabsan Cilmi-Dhegoodka Geeska Afrika

Qaybta afraad: Sheekh Maxamed Yuusuf Axmed - Afrikaani
Aqoonyahan ka baxay ummadda iyo wixii uu dhaxal ka tagay.

Jama Musse Jama, jamamusse@tin.it
18 Bil dhurrodanbe – 18 Rabii’ul awal 1426 – 26 April 2005
Pisa, Italy

Qoraa iga horreeyey ayaa yidhi “bulsho afrikaan ah marka uu odey ka geeriyoodo, waxay u dhigantaa laybereeri ka gubtay bulsho reer galbeed ah”. Fikirkani ma aha mid u gaar ah afrikaanka iyo reer galbeedka (western society), balse waa xaalad ay ku sugan yihiin bulshooyinka aqoontoodu ku salaysan tahay cilmi-dhegoodka (oral society), sida ummadda qaaradda afrika badankeeda, iyo kuwa aqoontooda ku gudbiya qoraalka, sida reer galbeedka. Qiimaha uu laybereerigu ugu fadhiyo bulshada aqoonteedu ku salaysan tahay qoraal waa kaydinta iyo isu gubinta aqoonta ee jiilalka kala danbeeya. Cilmi-dhegoodka waxa jiilba jiilka ka danbeeya ugu gudbiyaa tiraab xay ah. Haddaan odayga laga reebin aqoontiisa, wuu la dhintaa oo way luntaa; haddii uu laybereeri gubto waxaa ku shuf-beela cilmigii ku kaydsaanaa.


Taxane warbixinno ku saabsan Cilmi-Dhegoodka Geeska Afrika

Qaybta saddexaad: xilliyada
Habeentiriska soomalida u gaarka ah ee laga isticmaalo miyiga.

Jama Musse Jama, jamamusse@tin.it
16 Bil dhurrohore (Mawliid) – 16 Safar 1426 – 26 Maarj 2005
Pisa, Italy

Maqaaladii hore waxaynu kusoo carrabaabnay kaalenderada saameeyey habeentiriska laga isticmaali jirey dhulka soomaalida. Kuwaas oo kala ahaa Gregorian-ka reer galbeedka, kaalenderka Islaamka, iyo tirsiga laba-iyo-toban bilood oo raaca dayaxa, sidaa darteed aad ugu dhow kan Islaamka oo bilihiisa la afsoomaaliyeey. Waxaynu hadaba maqaalakan ku eegaynaa hab afraad oo ah habeentiriska gaarka u ah soomaalida, oo sida aynu ku aragnay maqlaakii hore [Jama Musse, J. 2005a], xidhiidh wayn la leh kaalenderkii hore ee Persia. Sida aynu arki doonose wuxuu ku salaysan yahay cimilada iyo roobabka ka da’a dhulka Soomaliland.


Taxane warbixinno ku saabsan Cilmi-Dhegoodka Geeska Afrika

Qaybta labaad: Nayruush iyo Meherajaan
Saamaynta uu kaalenderkii hore ee Persia ku yeeshay habeentiriska soomaalida.

Jama Musse Jama, jamamusse@tin.it
10 Bil dhurrohore (Mawliid) – 10 Safar 1426 – 20 Maarj 2005
Pisa, Italy

Waxaynu hore u carrabownay saamaynta loo maleeyo in uu kaalendarkii hore ee Persia ku yeeshay habeentiriska soomaalida [Jama Musse Jama, 2005]. Waxaynu si gaar ah u eegi doonaa laba eray oo ku caan ah habeentiriska soomaalida iyo xilliyeyna roobka, oo aynu maqaalada soo socda si qoto dheer uga hadli doono. Nayruush iyo Meherajaan. Waxaynu qeexi doonaa labada eray ee afka Farsi-ga ee Persia, oo dhawaaq ahaan ay isku midka yihiin: Nawruz iyo Mihrigan.


Taxane warbixinno ku saabsan Cilmi-Dhegoodka Geeska Afrika

Qaybta 1aad: Habeentiris: Islaamka ka hor, Soomalidu miyey lahayd Kaalendar dhaqameed soo jireen ah?
by Jama Musse Jama
30 Dago – 30 Muharram 1426 – 10 Maarj 2005
Pisa, Italy

Hordhac
Soomaalida waa dad dhaqan ahaan aan hidde u lahaan jirin inay wax qoraan. Taasi waxay had iyo jeer sababtaa inay lumaan taariikhda asalraaca ah ee ay leeyihiin bulshooyinka noocan oo kale ah “oral society”. Gaar ahaan somalida oo ay u dheer tahay reer guuraanimo, malaha wax hadhaa reeba oo loo qaadan karo tixraac. Maqaalakan oo bar bilow u ah taxane aan kaga hadli doono cilmi-dhaqameedka xiddigiska ee somalida, waxaan si dulkaxaadis ah ugu eegi doonaa hababka tirsiimo ee taariikh ee saamayn ku yeeshay kaalendarka somalida.[ka eeg http://www.redsea-online.com/calendar barmaamij isugu kaa beddelaya taariikh somali, Islam iyo Gregorian]

Qeexo
Erayada “Calendar” iyo “Leap year” waxaan marmarka qaarkood u isticmaali doonaa sidooda iyagoo la afsoomaliyeey dhawaq ahaan waayo ma aqaano eray afsomali ah oo u dhigma. Hayeeshee markaan ka hadlaayo kalenderka somaliga, gaar ahaan maqaalada soo socda, waxaan marmarka qaarkood u isticmaali doonaa erayada “Habeentiris”, “toomman” iyo “qun-dhalad” oo kala ah sidan:

Habeentiris: waa xirfadda ay lahaayeen dad aad u yar oo xiddigis ka ku wadi jirey bulshada reer guuraaga ah. Waa hab dhaqameedka xisaabinta bilaha iyo xilliyada reer guuraaga. Sidaa darteed waxaan u isticmaali doonaa “Habeentiris” macnaha erayga “Calendar”.

Toomman iyo Qun-dhalad: habka tirsiimo ee bilaha ee dhaqanka somalida, waxaa la xisaabin jirey maalmaha dayaxa, iyadoo loo qaybin jirey bilaha dayaxa laba qaybood. Bilo qun-dhalad ah oo ku dhamaada 30 habeen iyo bilo tooman ah oo dhamaada 29. Markaa erayga “leap year” waxaan u isticmaali doonaa “sannad toomman” ah markaan ka hadlaayo kaalendarka somalida.

 


Social Community
Join us today

_CURRENTLY 95 _GUESTS 0 _MEMBERS

_NICKNAME

_PASSWORD

_ASREGISTERED


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com