header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


27/02/2006: Submitted for publication via web
GURI BA’AY
by Maxamed Baashe X. Xasan

Waa faallo ku saabsan hadimooyinka ku habsadey qaab-dhismeedka qoyska Soomaalida ee qurbaha.

Daryeel kama dhex muuqdo oo meel waliba way dal-dalooshaa. Waa wada qabyo iyo baylah. Dhankii aad ka eegtaba waxa maanka iyo dareenkaaga gudaha mud-mudaya mudacyo af-dhuuban. Docdii aad u kacdana waxa kaa soo celinaya mindiyo afaysan oo xiiraya, cabsi ayaad dareemaysaa oo sanqadh-tirashada ayaad door-bidaysaa, waana meel uu muqdi simay oo aan lahayn iftiin lagu soo hirto iyo wax kale oo la weheshado midkoodna. Jacaylkii iyo isku qanacsanaan oo dhami daaqadda ayay ka baxeen. Weji dadab quus ah iyo dibno qaniin fool-goosi ah ayaa isku soo mutuxan oo beddeley isku soo hilowgii iyo isu soo riyaaqii laga dhex quuddarrayn lahaa aabbaha iyo hooyada qoysas badan oo ka mid ah soomaalida u soo barakacday ee ku nool dalalka shisheeye ee Yurub, Amerika, Canada iyo Austreliya.

Sida soomaali badan ay u khiyaamaynayaan nafahooda iyo lafaha ubadkooda, ayaanad mooddaa in uu sidaasi oo kale uga hiilinayo, ugana horjeedo hab-nololeedkan kakan ee xiimaya ee ay soomaalidu ku soo dhex dhaceenna.

Cartan waa aabbe ka soo barakacay dhulka xoolo daaqeenka ah ee ay soomaalidu degto markii ay dirirta sokeeye soomaaliya ka qarxatay. Dal-ku-gal ama fiise ayaa waddanka Ingriiska uga soo baxay. Magaala madaxda dalkaasi Itoobiya ee Addis-ababa oo ahayd magaaladii ugu horraysey ee uu salka dhigo intii uu noolaa, ayaa waxa uu ku ahaa habeen-dhax. Dhowr bilood ka dibna waxa uu ka soo degey magaalada isku murugsan ee adag ee London. Kelidii Cartan ma ahayn oo waxa la socdey oo safarkaas dheer la soo galay dhowr carruur ah iyo hooyadood oo uu ka soo dhuyaaliyey (kudaal ahaan) halkii ay xoolaha ku dhaqan jireen.

Haddaba waxa uu haatan Cartan muddo tobaneeyo sannadood ah ku nool yahay oo carruur kalena uguba dhalatay Magaalada London. Ilaa muddadaa Abbaahaasi (Cartan) wuu is la’ yahay oo wuu is-doondoonayaa, welina isma uu helin oo wuu is-waayey. Isaga iyo afadiisii ayaa isla il-daran. Way is af garan la’ yihiin oo xitaa af-soomaaligii iskuma fahmayaan. Marka uu midkood geel u heeso, ayaa kooda kalena gorayo u heesayaa. Turjumaan ma haystaan, luqad kalena kuma hadli karaan oo xitaa farta Ingriisida ma kicin karaan, kuma hadli karaan oo weli lama aanay qabsan. Is-faham la’aantaas labadaasi waalid ka dhex aloosani waxa ay ku butaacdey oo hafinaysaa degaanka ubadkooda ay ula soo hayaameen dibadahan shishe iyo Yurub.

Guriga qoyskaasi ayaa waxa uu u muuqdaa goob ay dirir sokeeye ka oogan tahay, waxana hirdan iyo dagaal uu ku dhex marayaa saddex ciidan oo uu midba kooda kale ka horjeedo, iskana caabiyayo. Marba laba xoog ayaa foodda isku daraya, mararka qaarkoodna saddexduba way isla jiidhayaan oo way isku dhex duqaynayaan. Odayga qoyska oo Cartan ahi waa Atoore had iyo goor fadhi-ku-dirir ah. Markasta waxa afkiisa ka soo horraysa Dalqadda oo waxa uu xaaskiisa ku halgaadaa Waan ku furay. Dhowr goor ayuu si dhayalsi ah afadiisa u dalaaqay oo uu guriga uga baxay. Laba iyo saddex goorba way ka badan tahay inta goor ee uu afkiisa kaga tiraabay dalaaqda xaasku. Haddana waxa uu u haystaa in haweeneydaasi ay weli xaas u sii tahay. Sida uu dalaagu ama furrinku uu agtiisa uga fudud yahay, ayay rajactuna ama soo celintuna ay ugu sahlan tahay; sida uu dalaaqu afkiisa uga soo horreeyo ayaa dibnihiisana ereyga xumi saaran yahay; sidaas ay xumaantu uga soo horrayso, ayaa gacantiisa halgaaddu ay uga soo horraysaa. Waxaas oo xumaan ah ayaana shiiqinaysa intii wanaagsanayd ee uu yeelan lahaa.

Ma qaro iyo baaxad yara dhibaatooyinka iyo aafooyinka ku yuurursaday ee dul-qawdhiidha ee gabagabaynaya hannaanka qaab-dhismeedkii qoyska soomaalida ee qurbuhu. Cambaro waa haweenay aan iyada lafteedu xasarad yarayn. Iyada, odaygeeda iyo ubadkooduba waxa ay Ingriiska ku soo galeen dariiq la mid ah kii qoyska reer Cartan ay ku yimaaddeen, haseyeeshee waxa ay labada qoys ku kala duwan yihiin halka Reer Cartan ay xoola raacatada reer guuraaga ah ka ahaayeen intii aan Yurub la soo gelin, qoyskan kale waxa uu isagu ahaa magaalo-galeen amaba reer magaal benderka ku dhaqnaa. Labada qoysba waxa ay ku asqoobayaan dawaar-nololeedka xiimaya ee kakan ee ay yurub ugu yimaaddeen!

Cambaro waxa ay durbadiiba la dhacaysaa oo sii mashiiqsanaysaa markii loo sheegay ee ay ogaatey in degaankan cusub ay dumarku awood dheeraad ah ku leeyihiin, raggana sidii ay doonaan ay haweenku ka yeeli karaan. Marka uu cambaro odaygeedu il-gurracan ku eegaba waxa ay iyana ku eegtaa sagaal indhood oo ka sii gurracan. marka uu hadalku sii batana waxa ay taabataa lambarka xasaasiyadda ee saddexda sagaalaad ka kooban (NO:999). Dhowr jeer ayay Cambaro Xilli wax-saareen ah oo cawo-daran ah ninkeeda guriga dibadda ay dhigaysaa, dharkiisana ay bac madow ugu guraysaa oo albaabka u dhigaysaa, waxana aakhiritaankii lagu kala xasilayaa in la kala noolaado, lana kala degganaado.

Haddaba waxa isku soo baxsanaya Cambaro iyo ubadkii qoyskeeda, odaygiina suuqa ayuu iska gelayaa oo waxa uu iska dhiibayaa meel kale, waxana iska nasinaya oo isu beddelaya murqaanka merfishyada qaadka iyo walaaca iyo walbahaarka dibad-yaalnimadiisa. Cambaro iyadu waxa ay raacdaa adduunyada, waxanay aad isugu mashquulisaa oo wax kasta oo kaleba ka hormarisaa ururinta giniyaadka Isterliiniga ah. Waxa ay cambaro ku jirtaa Had-bad madaxaa ha-ku-furto ah oo aan dhammaad lahayn inta ay dhimanayso. kalkeeda waxa ay qaadataa kuusas Giniyaad ah. Dusheeda waxba ugama quudho, guriga iyo ubadkeedana kama daryeesho oo inta ay doorkeeda soo qaadataba dhammaanteed dibadda ayay u dhoofisaa ama u xawishaa oo badda ayay ka tallaabisaa.

Dhinaca kale Cambaro uma kala abtiriso dharka qaboobaha iyo kan xilliga kulaylaha ee ubadkeeda, waayo uma hayso lacag ay dhowrkii biloodba mar ay dhar soo geliso, waayo waxa laga sugayaa hag-baddii oo aan jixin-jixin lahayn, waxa soo galaana uma qaybsamaan quudinta maalinlaha ah iyo Hag.baddaas oo iyadu ah ta wax kasta mudnaanta ka leh. Carruurta waxa ka muuqda dayac iyo dar-xumo, arrad iyo nafaqo la’aan iwm. Cambaro waxa ay taas ku eedaysaa qaboobaha iyo ubadka oo aan xilliga kulaylaha soo hadh gelin oo dibadda meeraysta.

Carruur badan oo ka mid ah ubadka ay soomaalida qurba-joogga ahi dibadaha ay ku hayaan, ayaa waxa ay dugsiyada waxbarashada kala soo rawaxaan cadho iyo umal ballaadhan, suuqa ayaana ubadkaasi ku dhaliya muhasho iyo hamuun xoog leh oo ka soo jeedi kara rabitaanka dareenkooda gudaha. Waxa ay carruurta soomaalidu arkayaan ubadka kale ee ay isku fasalka ama filkaba yihiin oo ka dhar wanaagsan oo hadba loo soo lebbiso noocii u dambeeyey. Waddamadan yurub dadkuba waa iska ‘Mode’-raac, carruurtuna waabay ka sii xag jirtaa oo bil kasta waxa suuqa la soo geliyaa buc-shirad u jihaysan ubadka oo dookhooda lagu iib-gelinayo.

Run-ahaantii carruurta soomaalida laguma dhererin karo suuqaasi xaamiga ah ee dookh-raaca ah, waxase ubadka wax u noqon lahaa oo macne u samayn lahaa haddii sannadkiiba laba jeer dookhooda la ciyaarsiiyo, loona iibiyo waxa uu qalbigoodu la jiro ee caadiga ah, waayo waxa ay suuqa ku arkayaan wax badan oo uu qalbigooda soo jiidanaya, una baahan yihiin, sida dharkii dhallinyarada ee xarragada iyo casriga, hu’gii dhaxanta, kii kulaylaha, dharkii xilliga roobabowga iyo kii xilliga diiraamaadka qaboobe-xigeenka ah, dharkii ciyaaraha iyo caalamkii carruurta oo dhan.

Cambaro waxa ay isla liitaan ubadkii ay haysey. Arrintan ku saabsan dookha carruurta iyo muhashadooda suuqa, ayaa dhibaato weyn ku haysa oo aanay akhriyi karaynin, waayo cambaro il-qudha ayay sideedaba wax ku aragtaa, waana hag-baddii daa’imiska ahayd. Dhowr jeer ayaa bilayska xaafaddu uu cambaro gurigeeda ku soo booqday, waxana looga soo dacwoodey ubadkeeda oo lagu eedaynayo in ay dukaamada xaafadda ama suuqa kaleba ay wax ka qaad-qaadeen amaba ay wax ka xadeen. Cambaro aad ayay uga xumaataa arrintaas, waxanay carruurta kula haddaa wal-days iyo canaan weji-ka-fiiqis ah. Ma awoodi karto in ay garato sababta ay ubadkeedu u tuugaysanayaan, waxanay ku qanacsan tahay in aanay gaajo kelliftaa jirin oo ay guriga u yaalliin wax ay cunaan. Waxase Cambaro ka maqan in gaajada carruurtu aanay ku koobnayn baahida iyo damqashada caloosha oo qudha.

Xaqiiqadiina waalidiin badan oo soomaalida qurba-joogga ka mid ahi ma dhaaddana, kumana baraarugsana xidhiidhka adag ee ka dhaxayn kara alaabta dhal-dhalaalka badan ee indha-sarcaadka leh ee suuqa wadhan iyo hamuunta carruurta iyo dhallinyarada ku indha-dillaacsanaysa caalamkan dookh-raaca ah. Waxa waalidiin badan ka maqan baahida loo qabo in yareeyo hamuuntaas iyo muhashada laab-qaadi karta da’yarta soomaalida ee qurba-joogeenna maanta. Waalidiinta soomaalida qurba-joogga ah waxa la gudboon in ay dib u eegaan qaab-nololeedkooda qurbaha oo haatan u muuqda mid ragaadsan oo curyaan ah, oof-wareenna uu ku yuurursaday.

Waxa qumman oo lagama maarmaan ah in la hagaajiyo xidhiidhka xubnaha qoyska, gaar ahaan sokeeyenimada aabbaha iyo hooyada iyo labada waalid iyo ubadkooda. Waxa kale oo madhaafaan ah in la helo aqoonley ka taageerta waalidiinta la qabsiga dawaar-nololeedkan xiimaya ee qurbaha iyo Yurub, waxana arrin biyo-kama-dhibcaan ah u muuqanaysa in la xoojiyo isku xidhnaanta waalidiinta iyo meelaha dadka soomaalida loogu tala galay in loogu adeego, sida masaajidyada iyo meeleha kale ee ay ururada soomaalida ee adeegyada bulshada qaabilsani ay ka hawl galaan, iyada oo la kordhinayo tayada goobahaasi iyo ta dadka ka adeegayaba. Habkaas iyo wixii kale ee soo raaci kara, ayaa waxa ay u sii jan-jeedhsanayaan xakamaynta waxyaalaha fududeeya burburka qoyska qurba-joogga soomaalida iyo tasowga ama lumitaanka ubadkiisa. Baaba’a gurina bulshadaa u dhaawacan.

Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan E-mail: Mohamedbashe@yahoo.co.uk



The views published here are solely those of its authors (Maxamed Baashe X. Xasan) and do not necessarily reflect those of REDSEA-ONLINE.COM.
All articles on redsea-online

1. 15/05/2012 Gathering to commemorate Dr. Abdishakur Shiekh Ali Jowhar - Commemoration committee
2. 11/05/2012 Press Release from Camden Creative: Are you Somali of any age and background, and are moving permane - Camden Creative
3. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 31 October - Festival Books presents
4. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 30th October - Comedy Night with Boon Xirsi, Prince Abdi, Abdi Bahdoon &other
5. 20/09/2009 SWF - Events: Thursday, 29th October - Film night and Djibouti artist evening
6. 20/09/2009 SWF - Events: Wednesday, 28th October 2009 - One act the play ‘Baqayo Roged’
7. 20/09/2009 SWF - Events: Tuesday, 27 October 2009 - BME involvement in public bodies
8. 20/09/2009 SWF - Events: Monday 26 October 2009 - Young People and citizenship
9. 20/09/2009 SWF - Events: Sunday, 25th October 2009 - Family Day: Storytelling day for children and their parent
10. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 24th October 2009 - A day of pure poetry
11. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 23rd October 2009 - Launching of the Festival
12. 03/08/2009 Opinion on: Book review - Whose world is it any Way? By Shamis Hussein - Omer Aden E-mail : omerliban@gmail.com
13. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Lixaad - Isniin 27 Julaay 2009
14. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta shanaad - Axad 26 Julaay 2009
15. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta afraad - Sabti 25 Julaay 2009
16. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta saddexaad - Jimce 24 Julaay 2009
17. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Labaad - Khamiis 23 Julaay 2009
18. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Kowaad - Arbaca 22 Julaay 2009
19. 21/02/2009 Xog-waranka Abwaan Cabdilaahi Cawed Cige - Mustafe Sh. Cumar
20. 12/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Saddexaad - Axmed Yuusuf Ducaale
21. 11/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Labaad - Axmed Yuusuf Ducaale
22. 10/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Kowaad - Axmed Yuusuf Ducaale
23. 30/05/2008 Boqorka shaqsiyaddu waa kuma? Qaybtii 1aad - Farduus Siciid Dirir
24. 16/05/2008 HALABUUR, Journal of Somali Literature and Culture - hal-abuur
25. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982-kii ee dugsiga sare ee Timacade(qalax) ee Gabiiley, qaybtii 2-aad - Cali Cumar Xasan
26. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982 iyo dugsiga sare ee Tima-cade ama Qalax (Gabiley) - Cali Cumar Xasan
27. 22/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA. QAYBTII AFRAAD. - By Alpha
28. 20/02/2008 QAYBTII SADEXAAD EE LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA - By Alpha
29. 18/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAX TUURKA, Qaybtii labaad - By Alpha
30. 17/02/2008 Qaybtii Koowaad 20-Febaury 1982. Lix iyo Labaatan guuradii Dhagax Tuur - By Alpha
31. 11/02/2008 Barmaamij ku saabsan dadka xiskoodu dhiman yahay - Maxamed-Keyse
32. 28/01/2008 Qudbigii Suugaanta – Gabay - Bashiir Good
33. 25/11/2007 Hal-Abuur magazine relaunched - redsea
34. 11/11/2007 Gorfaynta Buugga “People on the Move” ee uu qoray Dayib Cabdi Askar. - Prof. Jaamac Aadan Cali
35. 11/11/2007 A critical review on “People on the Move” - By Prof. Jama Adan Ali
36. 29/06/2007 Buugga KARAAN: Xadhka-jiid ma gayo maamul Qaybta 2aad - Maxamed Yuusuf (Keyse)
37. 26/06/2007 Shirsannadeedkii Ururka Qoraaga Somaliland oo ka dhacay Stockholm 16/06/2007 - qoraaga.com
38. 26/06/2007 Buugga KARAAN Iyo Maansada Kasmo - Maxamed Yuusuf (Keyse)
39. 23/10/2006 Tixda Cabdilaahi Suldaan Timacadde & Ereyga “Soomaali” - Yasin Jaamac Nuux (Suldaan)
40. 13/08/2006 Baroordiiq (Tacsi) Abwaan Axmed Ismaaciil "Qaasin' - aftahan.org
41. 12/08/2006 Tacsi - Ururka Qoraaga Somaliland
42. 02/08/2006 Taariikh ku saabsan magaalooyinka Saylac, Berbera iyo Sheekh - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
43. 26/07/2006 Wargelin Muhiim ah: Xafladda Gardaadinta “Guri Waa Haween” ee Magaalooyinka Bristol iyo Cardiff - Maxamed Baashe Xasan
44. 17/07/2006 Book Signing Ceremony - Gobaad Communications & Press
45. 01/07/2006 Milicsiga maansooyinkii Abwaan "Qaasim" (Dad musbaar dhegaha kaga jiraan, maqal ka tuugaaye. 1964 Q. - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
46. 01/07/2006 Jebintii Jeelka Madheera Qaybtii 4-aad: Qorahu Wuxuu Soo Saari Doona Buug Ku Dhamaystiran Dhacdadani - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (alpha) — Bristol, Uk
47. 30/06/2006 Milicsiga maansooyinkii dhaxalgalka ahaa ee Abwaan "Qaasim" (Sidii baa ducaaloow biyaha loo dawariya - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
48. 10/06/2006 Jabintii Jeelka Madheera Qaybtii 3-aad: Afduubkii Diyaaraddii Somali Airline Ee Afar Iyo Labaatankii - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (Alpha)
49. 08/06/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Qaybtii 2aad - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
50. 5/6/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
51. 26/03/2006 OGEYSIIS:TODOBAADKA SOMALILAND EE YURUB - SSE
52. 23/03/2006 Labada Aqal Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Wadajir U Qaabiley Qoraa Weyn Oo Kenyaan Ah - somaliland.org
53. 20/03/2006 NETWORK OF DEVELOPMENT RESEARCHERS: HALF-DAY SEMINAR - SSE
54. 14/03/2006 School book with images of Prophet Muhammad banned in Somaliland - BBC Monitoring
55. 20/02/2006 Milicso Maalmihii Ina Soo Maray – 20-ka February - Aamina Maxamuud Diiriye, Hargeysa, Somaliland
56. 19/02/2006 GPS: Burco Iyo Horumarku Maxay Ku Colloobeen? - Cabdillaahi Cawed Cige
57. 18/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan – 1944kii (qaybtii 6aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
58. 09/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (1944kii – 2006da) Q. 4aad - Boobe Yuusuf Ducaale
59. 08/02/2006 Safar Salaama iyo Xaflad Sagooti ah oo loo Samaynayo Abwaanka Gaarriye - aftahan.com
60. 08/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan 1944kii – 2006da (Q. 3aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
61. 06/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (Qormada 2aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
62. 04/02/2006 GEERIDII GADHLAY SHEEGAYAAN GACAL HA WAAYAANE - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
63. 04/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Marxuun Ibraahin Gadhle - Boobe Yuusuf Ducaale
64. 01/02/2006 Ibraahim Gadhle: Hal Abuur Iyo Gabayaa ka Galbaday Suugaanta Soomaalida - haatuf.net
65. 31/01/2006 Tacsi Geeridii Abwaan Ibraahin Aw Saleebaan (Gadhle) - RSOL
66. 30/01/2006 Sannad wanaagsan - 1427 - RSOL
67. 20/01/2006 Habka Dhismaha Maansada Soomaaliyeed - Cabdi Miigane Guuleed & Maxamed Cabdillaahi Riiraash
(somalistartpage.com)
68. 25/01/2006 Wareysi Dr. Georgi Kapchits - wardheernews.com (Copyright WDN 2006)
69. 18/01/2006 Somaliland Societies in Europe: War saxaafadeed - SSE
70. 31/10/2005 Nin Gumoobay - Ibraahin Yuusuf Axmed
71. 31/10/2005 Dhagartii Oogle (Sheeko) - Ibraahim Yuusuf Axmed
72. 11/10/2005 Somali poetry event: The great Somali poet Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye' in UK - redsea
73. 10/09/2005 MADHXINTA AFSOOMAALIGA - Maxamed Bashe X. Xasan
74. 07/09/2005 From Mechanic to Civic Leader: One man's active leadership brings better energy options to an entire - (from awdalnews.com)
75. 03/09/2005 Kuma ayuu ahaa Cabdilaahi Suldaan Maxamed "Timacade" - Abdifatah O. Abdi
76. 28/08/2005 AIDS And Circumcision - Rhoda A. Rageh
77. 28/08/2005 Duumo iyo Duullaan - Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
78. 28/08/2005 Dhibaatooyinka ku xeeran qoraalka afsoomaaliga iyo hirgelintiisa - Maxamed Bashe X. Xasan
79. 14/05/2005 "LADH" waa buug murugo, xiise, xasuus iyo xanuun intaba kugu beeraya - RSOL - Editor
80. 28/02/2005 "Dhagaxtuur Ma Been Baa?" - Boobe Yuusuf Ducaale
81. 18/02/2005 Yusuf Haji Aden Was a Great Educationist - SSE Chairman
82. 18/02/2005 Tacsi Ururka Somaliland Forum - Guddiga Dhexe Somaliland Forum
83. 15/02/2005 Obituary: Yusuf Haji Aden was a great man - Mohamud Tani
84. 17/02/2005 Aas Heer Qaran Ah Oo Loo Sameeyey Abwan Yusuf Xaji Aadan
85. 03/01/2005 Ujeedo Xog Ururuuin Ka Timid Ururka Qoraaga Somaliland - SWA
86. 06/03/2004 Students Uprising Of Feb 20th Observed By SONYO - the Somaliland Times, ISSUE 109, Feb 21, 2004
87. 04/03/2004 Warsaxaafadeed "Ururka Qoraaga Somaliland" - UQS, Sweden
88. 28/02/2004 20-ka February oo markii ugu horeysay laga xusay magaalada London - London (Jam) - from www.jamhuuriya.info
89. 27/02/2004 20-Ka February Oo Loo Aqoonsaday Maalinta Dhallinyarada Somaliland - Haatuf, Hargeysa Feb, 22, 2004
90. 25/02/2004 «Materia Cinese Chinese Matter»: per una comunicazione universale - Elisabetta Marino, l'Unità 06.02.2004
91. 12/02/2004 Bandhig Buug: Jamhuuriya
92. 23/12/2003 “Materia cinese”: i ponti invisibili di Lina Unali - Elisabetta Marino
93. 16/08/2003 The Vice President told youngs in his Party that "My Teachers' Group" is a good example to follow.
94. 20/06/2003 Barre Hagi Elmi Ahmed: Tribute to an unknown martyr - Jama Musse Jama
95. 29/05/2003 Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalikayga Maalintaas (20-ka February 1982) - Khadar Ali Gas
96. 24/03/2003 A new section dedicated to the Somali Books
97. 21/01/2003 "Il Gazzettino" newspaper reviewed Layli Goobalay
98. 20/01/2003 Layli Goobalay on "IntercultuRadio" Radio
99. 4/12/2002 "Il Secolo XIX" reviewed Layli Goobalay
100. 3/12/2002 Layli Goobalay on Italian National Radio

Social Community
Join us today

There are currently, 155 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com