header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


20/02/2006: Submitted for publication via web
Milicso Maalmihii Ina Soo Maray – 20-ka February
by Aamina Maxamuud Diiriye, Hargeysa, Somaliland

(from haatuf.net)

Dhallintii UFFO ee dhiiranayd iyo
Dhagaxtuurkii waa dharaartay
Dhirbaaxeen Afweynoo
Dhayal maaha illeyne
Dhab baa loo xusayaa

Qormadii hore waxaan ku soo gudbiyay dhallintii UFFO iyo sababihii keenay xadhigooda, qormaddana waxaan ku bilaabayaa maalintii la keenay Maxkamadda iyo maalintii Hargeysi saddex ahayd.

Haddaan dib u mililico anigoo ka mid ahaa ardaydii dhagaxtuurka, inkastoo waqtigaa aanu ahayn arday yaryar oo aan siyaasad waxba ka garanayn, haddana waxaa isweydiin mudan maxaa sababay inay ardaydu dhegaxtuurka sameeyaan.

Waxaa sababay dhagaxtuurka markii dhallinyaradii UFFO la keenay Maxkamadda ee la doonayay in la xukumo ayay ardaydu bilaabeen gadoodkii, iyagoo ardaydu maxkamadda horteeda ka bilaabay dhagaxtuurkii u horeeyay. Waxaan xusuustaa maalintaas inaanu qaadanay boodhadh ay ku qoran yihiin “Siyaad Barre ha dhaco” iyo erayo lid ku ahaa nidaamkii Kacaanka ee Faashiistuhu hormoodka ka ahaa.

Ta kale waxa sababay in ay ardaydu dhagaxtuurka sameeyaan waxay ahayd iyadoo dhallintii UFFO ay u badnaayeen macalimiin, sidaa awgeed ardayda ayay gaar u taabanaysay iyagoo ka gadooday ciqaabta iyo jidh-dilka sabab la’aanta ahayd ee ku dhacday UFFO. Sidaas darteed kacdoonkii iyo gadoodkii maalintaa bilaabmay wuxuu sababay inay dhallintii UFFO noqoto hormoodkii halgankii dalka lagu xoreeyay, halka ururkii SNM uu ahaa xooggii dhaqaajiyay ciidamadii faqashta ahaa.

Dhallinyaradii UFFO, intaa kadib markii la geeyay xabsigii Labaatan Jirow, waxay kala kulmeen ciqaab iyo jidh-dil aan loogu talo-gelin inay noolaadaan, balse Illaahay ka soo saaray markay soo dhammaysteen sanaddo badan oo aan laga sheekayn karayn wixii ay kala kulmeen xabsigaas.

Dhallintii UFFO, markii xabsiga laga soo daayay, waxay yimaadeen xarumihii SNM, iyagoo halkaas ka sii waday inay dalkooda u huraan naf iyo maalba, sidii ay awalba naftooda ugu hureen.

Markii dalka dib loo xoreeyay, waxay UFFO qayb libaax ka qaadatay nabadayntii iyo dib-u-dhiskii dalka, iyagoo sameeyay urur samo-fal ah oo la yidhaa SORRA oo la wada garanayo wixii ay dalka u qabteen, waxaanay ilaa maanta dantooda gaarka ah ka doorbideen danta guud isla markaana iyagoo weli dalkooda horumarkiisa ka shaqeeya.

Haddaba qoraal kuma soo koobi karo taariikhdii halgankii UFFO, waxaanay taariikhda Somaliland kaga qoran yihiin baal dahab ah iyaga iyo Mujaahidiintii xaq u dirirkii SNM.

Sidaas darteed, anigoo ka mid ah dadka jecel halgamayaashii kuna abtirsada, waxaan ummadda reer Somaliland ku guubaabinayaa inay si weyn oo qiiro leh u xusaan maalinta 20-ka February oo loo asteeyay ama loogu magac-daray Maalintii Dhagaxtuurka, una soo baxaan si nabadgelyo ah iyagoo xusuusanaya maalintaas wixii dhacay iyo maanta nabadda iyo xorriyadda aynu haysano, Illaahay baa mahaddaa leh, abaalkana halgamayaashii ayaa leh.

Ta kale, dhammaanteen waa inaynu isweydiino nabadda aynu haysanaa siday ku timi, iyadoo Illaahay ina siiyay haddana waxaa sababta lahaa inamadeenii ka dhiidhiyay gumaysigii kana doortay inay u dhintaan si dadkoodu xorriyad ugu noolaado, UFFO iyo SNM waa kuwii keenay nabadda maanta aynu haysano ee aynu Dawladda ku nahay, sidaas darteed waa inaynu u abaal-gudno oo wax walba laga hormariyo, waayo, dadyowga dunidu taariikhdaas oo kale waa lagu faannaa waana la qadariyaa halgamayaasha, waxaad moodaa in beryahan dambe la aasayo taariikhdii halgankaas, iyadoo xukuumadda maanta jirtaana taariikhda halganka ku koobtay 18-ka May oo ah gunaanadkii halganka, hase yeeshee waxaa qurux badan oo qiimaha dawladnimo ku jirtaa inay ku faanto halgamayaashii dalkan u soo halgamay. Markaa waxaan leeyahay xukuumaddu ha xusto maalinta UFFO ee 20 February iyo munaasibadaha kale ee SNM, haddii ay maalmahaas halganka xusi waydo oo ay qiimayn waydo, waxaa dhici doonta iyadana inaan hadhow la xusuusan doonin hadday wanaag samayso.

Maalinta 20-ka February waa maalintii uu Mujaahid Hadraawi lahaa:
Hambaabir dhowaanta
Dareen ma hurdaana
Dagaal wata heeso
Hidday u lahayde
Hargeysi ma toostay
Hoggaanka ma diidday
Harqoodka ma tuurtay
Inaanay humaagga
Hadoodilan yeelin
Sidii hebed geella
Hashii nebi Saalax
Horraadada dhiibin
Hankeegu ma siiyay
Waxay hibanayso
Ninkay la hadlayso
Hagaag ma sheegtay
Hadday samo weydo
Inay hantideeda
Nafteeda hurayso
Hubaal ma caddaysay
Haddaanan haddaanan

Haddaanan dhawaaqa
Hirayda wirayda
Hayaay ka kacaayga
Jihaadka Hargeysa
Barbaartu hagayso
Haweenka gadooday
Ka qaybgelin hawsha.

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa magacyada dhallinyaradii UFFO iyo waqtigii la xidhay:

No Magaca Taariikhda la xidhay
1. Maxamed Baaruud Cali 04/11/81
2 Axmed Maxamed Yuusuf (Jabane) 02/11/81
3 Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar-xaashi 19/11/81
4 Aadan Yuusuf Abokor 19/11/81
5 Cabdiraxmaan Cabdillaahi X. Aadan 19/11/81
6 Axmed Xasan Caabi 05/12/81
7 Xuseen Maxamed Ducaale (Berberaawi) 19/11/81
8 Maxamed Sh. Xasan Taani 19/11/81
9 Cabdillaahi Cali Yuusuf (Colaad) 19/11/81
10 Maxamed Dagaal Xirsi 11/11/81
11 Cali Cigeh Faarax (Biid) 11/12/81
12 Yuusuf Cabdillaahi Kaahin 11/12/81
13 Cismaan Cabdi Meygaag 04/12/81
14 Maxamed Cabdi Ducaale (Ayuub) 11/12/81
15 Aadan Warsame Siciid 11/12/81
16 Maxamed Cali Ibraahim 11/12/81
17 Axmed Muxumed Madar 14/12/81
18 Cumar Ciise Cawaale 04/12/81
19 Maxamed Cali Sulub 11/11/81
20 Baashe Cabdi Yuusuf 29/12/81
21 Ismaaciil Cabdi Hurre 09/01/81
22 Xasan Cabdisalaam Sh. Cali 09/01/82
23 Axmed Xasan Madar 10/01/82
24 Maxamuud Cabdi Jiciir 30/12/81
25 Maxamed Macalin Cismaan Axmed 30/12/81
26 Siciid Maxamed Ibraahim 06/02/82
27 Ismaaciil Xaashi Madar Lama xidhin
28 Xasan Cabdillaahi Cali (Ceel-geeye) 04/12/81



The views published here are solely those of its authors (Aamina Maxamuud Diiriye, Hargeysa, Somaliland) and do not necessarily reflect those of REDSEA-ONLINE.COM.
All articles on redsea-online

1. 15/05/2012 Gathering to commemorate Dr. Abdishakur Shiekh Ali Jowhar - Commemoration committee
2. 11/05/2012 Press Release from Camden Creative: Are you Somali of any age and background, and are moving permane - Camden Creative
3. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 31 October - Festival Books presents
4. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 30th October - Comedy Night with Boon Xirsi, Prince Abdi, Abdi Bahdoon &other
5. 20/09/2009 SWF - Events: Thursday, 29th October - Film night and Djibouti artist evening
6. 20/09/2009 SWF - Events: Wednesday, 28th October 2009 - One act the play ‘Baqayo Roged’
7. 20/09/2009 SWF - Events: Tuesday, 27 October 2009 - BME involvement in public bodies
8. 20/09/2009 SWF - Events: Monday 26 October 2009 - Young People and citizenship
9. 20/09/2009 SWF - Events: Sunday, 25th October 2009 - Family Day: Storytelling day for children and their parent
10. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 24th October 2009 - A day of pure poetry
11. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 23rd October 2009 - Launching of the Festival
12. 03/08/2009 Opinion on: Book review - Whose world is it any Way? By Shamis Hussein - Omer Aden E-mail : omerliban@gmail.com
13. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Lixaad - Isniin 27 Julaay 2009
14. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta shanaad - Axad 26 Julaay 2009
15. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta afraad - Sabti 25 Julaay 2009
16. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta saddexaad - Jimce 24 Julaay 2009
17. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Labaad - Khamiis 23 Julaay 2009
18. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Kowaad - Arbaca 22 Julaay 2009
19. 21/02/2009 Xog-waranka Abwaan Cabdilaahi Cawed Cige - Mustafe Sh. Cumar
20. 12/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Saddexaad - Axmed Yuusuf Ducaale
21. 11/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Labaad - Axmed Yuusuf Ducaale
22. 10/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Kowaad - Axmed Yuusuf Ducaale
23. 30/05/2008 Boqorka shaqsiyaddu waa kuma? Qaybtii 1aad - Farduus Siciid Dirir
24. 16/05/2008 HALABUUR, Journal of Somali Literature and Culture - hal-abuur
25. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982-kii ee dugsiga sare ee Timacade(qalax) ee Gabiiley, qaybtii 2-aad - Cali Cumar Xasan
26. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982 iyo dugsiga sare ee Tima-cade ama Qalax (Gabiley) - Cali Cumar Xasan
27. 22/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA. QAYBTII AFRAAD. - By Alpha
28. 20/02/2008 QAYBTII SADEXAAD EE LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA - By Alpha
29. 18/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAX TUURKA, Qaybtii labaad - By Alpha
30. 17/02/2008 Qaybtii Koowaad 20-Febaury 1982. Lix iyo Labaatan guuradii Dhagax Tuur - By Alpha
31. 11/02/2008 Barmaamij ku saabsan dadka xiskoodu dhiman yahay - Maxamed-Keyse
32. 28/01/2008 Qudbigii Suugaanta – Gabay - Bashiir Good
33. 25/11/2007 Hal-Abuur magazine relaunched - redsea
34. 11/11/2007 Gorfaynta Buugga “People on the Move” ee uu qoray Dayib Cabdi Askar. - Prof. Jaamac Aadan Cali
35. 11/11/2007 A critical review on “People on the Move” - By Prof. Jama Adan Ali
36. 29/06/2007 Buugga KARAAN: Xadhka-jiid ma gayo maamul Qaybta 2aad - Maxamed Yuusuf (Keyse)
37. 26/06/2007 Shirsannadeedkii Ururka Qoraaga Somaliland oo ka dhacay Stockholm 16/06/2007 - qoraaga.com
38. 26/06/2007 Buugga KARAAN Iyo Maansada Kasmo - Maxamed Yuusuf (Keyse)
39. 23/10/2006 Tixda Cabdilaahi Suldaan Timacadde & Ereyga “Soomaali” - Yasin Jaamac Nuux (Suldaan)
40. 13/08/2006 Baroordiiq (Tacsi) Abwaan Axmed Ismaaciil "Qaasin' - aftahan.org
41. 12/08/2006 Tacsi - Ururka Qoraaga Somaliland
42. 02/08/2006 Taariikh ku saabsan magaalooyinka Saylac, Berbera iyo Sheekh - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
43. 26/07/2006 Wargelin Muhiim ah: Xafladda Gardaadinta “Guri Waa Haween” ee Magaalooyinka Bristol iyo Cardiff - Maxamed Baashe Xasan
44. 17/07/2006 Book Signing Ceremony - Gobaad Communications & Press
45. 01/07/2006 Milicsiga maansooyinkii Abwaan "Qaasim" (Dad musbaar dhegaha kaga jiraan, maqal ka tuugaaye. 1964 Q. - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
46. 01/07/2006 Jebintii Jeelka Madheera Qaybtii 4-aad: Qorahu Wuxuu Soo Saari Doona Buug Ku Dhamaystiran Dhacdadani - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (alpha) — Bristol, Uk
47. 30/06/2006 Milicsiga maansooyinkii dhaxalgalka ahaa ee Abwaan "Qaasim" (Sidii baa ducaaloow biyaha loo dawariya - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
48. 10/06/2006 Jabintii Jeelka Madheera Qaybtii 3-aad: Afduubkii Diyaaraddii Somali Airline Ee Afar Iyo Labaatankii - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (Alpha)
49. 08/06/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Qaybtii 2aad - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
50. 5/6/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
51. 26/03/2006 OGEYSIIS:TODOBAADKA SOMALILAND EE YURUB - SSE
52. 23/03/2006 Labada Aqal Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Wadajir U Qaabiley Qoraa Weyn Oo Kenyaan Ah - somaliland.org
53. 20/03/2006 NETWORK OF DEVELOPMENT RESEARCHERS: HALF-DAY SEMINAR - SSE
54. 14/03/2006 School book with images of Prophet Muhammad banned in Somaliland - BBC Monitoring
55. 27/02/2006 GURI BA’AY - Maxamed Baashe X. Xasan
56. 19/02/2006 GPS: Burco Iyo Horumarku Maxay Ku Colloobeen? - Cabdillaahi Cawed Cige
57. 18/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan – 1944kii (qaybtii 6aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
58. 09/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (1944kii – 2006da) Q. 4aad - Boobe Yuusuf Ducaale
59. 08/02/2006 Safar Salaama iyo Xaflad Sagooti ah oo loo Samaynayo Abwaanka Gaarriye - aftahan.com
60. 08/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan 1944kii – 2006da (Q. 3aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
61. 06/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (Qormada 2aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
62. 04/02/2006 GEERIDII GADHLAY SHEEGAYAAN GACAL HA WAAYAANE - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
63. 04/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Marxuun Ibraahin Gadhle - Boobe Yuusuf Ducaale
64. 01/02/2006 Ibraahim Gadhle: Hal Abuur Iyo Gabayaa ka Galbaday Suugaanta Soomaalida - haatuf.net
65. 31/01/2006 Tacsi Geeridii Abwaan Ibraahin Aw Saleebaan (Gadhle) - RSOL
66. 30/01/2006 Sannad wanaagsan - 1427 - RSOL
67. 20/01/2006 Habka Dhismaha Maansada Soomaaliyeed - Cabdi Miigane Guuleed & Maxamed Cabdillaahi Riiraash
(somalistartpage.com)
68. 25/01/2006 Wareysi Dr. Georgi Kapchits - wardheernews.com (Copyright WDN 2006)
69. 18/01/2006 Somaliland Societies in Europe: War saxaafadeed - SSE
70. 31/10/2005 Nin Gumoobay - Ibraahin Yuusuf Axmed
71. 31/10/2005 Dhagartii Oogle (Sheeko) - Ibraahim Yuusuf Axmed
72. 11/10/2005 Somali poetry event: The great Somali poet Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye' in UK - redsea
73. 10/09/2005 MADHXINTA AFSOOMAALIGA - Maxamed Bashe X. Xasan
74. 07/09/2005 From Mechanic to Civic Leader: One man's active leadership brings better energy options to an entire - (from awdalnews.com)
75. 03/09/2005 Kuma ayuu ahaa Cabdilaahi Suldaan Maxamed "Timacade" - Abdifatah O. Abdi
76. 28/08/2005 AIDS And Circumcision - Rhoda A. Rageh
77. 28/08/2005 Duumo iyo Duullaan - Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
78. 28/08/2005 Dhibaatooyinka ku xeeran qoraalka afsoomaaliga iyo hirgelintiisa - Maxamed Bashe X. Xasan
79. 14/05/2005 "LADH" waa buug murugo, xiise, xasuus iyo xanuun intaba kugu beeraya - RSOL - Editor
80. 28/02/2005 "Dhagaxtuur Ma Been Baa?" - Boobe Yuusuf Ducaale
81. 18/02/2005 Yusuf Haji Aden Was a Great Educationist - SSE Chairman
82. 18/02/2005 Tacsi Ururka Somaliland Forum - Guddiga Dhexe Somaliland Forum
83. 15/02/2005 Obituary: Yusuf Haji Aden was a great man - Mohamud Tani
84. 17/02/2005 Aas Heer Qaran Ah Oo Loo Sameeyey Abwan Yusuf Xaji Aadan
85. 03/01/2005 Ujeedo Xog Ururuuin Ka Timid Ururka Qoraaga Somaliland - SWA
86. 06/03/2004 Students Uprising Of Feb 20th Observed By SONYO - the Somaliland Times, ISSUE 109, Feb 21, 2004
87. 04/03/2004 Warsaxaafadeed "Ururka Qoraaga Somaliland" - UQS, Sweden
88. 28/02/2004 20-ka February oo markii ugu horeysay laga xusay magaalada London - London (Jam) - from www.jamhuuriya.info
89. 27/02/2004 20-Ka February Oo Loo Aqoonsaday Maalinta Dhallinyarada Somaliland - Haatuf, Hargeysa Feb, 22, 2004
90. 25/02/2004 «Materia Cinese Chinese Matter»: per una comunicazione universale - Elisabetta Marino, l'Unità 06.02.2004
91. 12/02/2004 Bandhig Buug: Jamhuuriya
92. 23/12/2003 “Materia cinese”: i ponti invisibili di Lina Unali - Elisabetta Marino
93. 16/08/2003 The Vice President told youngs in his Party that "My Teachers' Group" is a good example to follow.
94. 20/06/2003 Barre Hagi Elmi Ahmed: Tribute to an unknown martyr - Jama Musse Jama
95. 29/05/2003 Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalikayga Maalintaas (20-ka February 1982) - Khadar Ali Gas
96. 24/03/2003 A new section dedicated to the Somali Books
97. 21/01/2003 "Il Gazzettino" newspaper reviewed Layli Goobalay
98. 20/01/2003 Layli Goobalay on "IntercultuRadio" Radio
99. 4/12/2002 "Il Secolo XIX" reviewed Layli Goobalay
100. 3/12/2002 Layli Goobalay on Italian National Radio

Social Community
Join us today

There are currently, 141 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com