header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


28/08/2005: Submitted for publication via web
Duumo iyo Duullaan
by Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

(from aftahan.com)

Duumo iyo Duullaan

Waxaa curiyey: Suldaan Cabdirisaaq Xirsi Carab ”Suldaan-Caweer”

Waxaa faalleeyey: Cabdullaahi Sh. Xuseen ”Hantiwadaag”

 

Abwaan Suldaan-Caweer wuxuu ka mid yahay hal-abuurayaasha iyo abwaannada caanka ah ee dalkeena horana wuxuu u tiriyey gabayo dhaxal gal ah oo uu ku lafagurayo dhibaatooyinka haysta bulshada oomaaliyeed iyo sidii aay uga waantoobi lahayd waxa waxyeelada u gaysanaya. Gabaygii sigaarka ku saabsanaa oo hadda kahor aanu wargayska ku qornay waxaa Suldaan.-Caweer uga hadlayey dhibaatada dhaqaale, bulsho iyo caafimaad oo sigaarku u leeyahay bulshada. Gabayga soo socda oo ku saabsan qaadkana abwaanku wuxuu si tifatiran uga soo baaraan degay waxyeelada iyo cawaaqibxumida qaadku leeyahay. Wuxuuna gabaygaan tiriyey 2.2.1997.

Mar uu noo faahfaahinayey qaadka wuxuu abwaanku noo sheegay ninka wada baabuurka siiblaha ah oo qaadka keena in shaqada eryo haddii la arko isaga oo salaad tukanaya, sharciga ugu wayn oo darawaliinta siiblaha lagu xiraana waa in uu taariku-salaad yahay, sababtoo ah baabuurka qaadka sidaa waa in uu ku socdaa xawli xad dhaaf ah si aan looga soo hormarin suuqa qaadka lagu kala iibsado.

Haddaba walaal dhagaystow ama akhristoow waxaa lagaa codsanayaa inaad ka qayb qaadato ujeeddada weyn ee gabaygaan laga leeyahay. Walaal jooji hadaad qaadka cuntid, hadaadan cunina ha bilaabin, markastana ka qayb qaado ka hortagiisa. Ogowna saasaa danteenu ku jirtaa Adduun iyo Aakhiraba.

Wuxuuna ku bilaabay:

War deelleeyda waa taan ka haray daqaqankeediiye
In dhaweyd ma dumin maansadaan daaddahayn jiraye
Waa taan darroortiyo xayiray dararti wayneyde
Durdurkii butaacada yiqiin celiyey daadkiiye

Sheekooyinkaan deexan jirey sabanku daannneeye
Dawinkiyo ma ruxo qayladii dananka waallayde
Qalinkiyo dawaaddii mudday kala dalaabeene
Goortuu danaano u bataan xiray diwaankiiye

Kuray jaqadhaf ii diray mar aan durayey mooyaane
Teeriyo intii Qaranku dumay dib uma xiisayne
Afrahaan dabooshiyo shibtaan daahay lala yaabye
Dubbe iyo Qafaarow in aan dowray la i moodye

Maantana digniin bay waddee uma dubaaxsheene
Waxaanse damalka oogta uga shiday umal darraaddiise
Deegaanka balo noo gashaan diirad ku hayaaye
Duumo iyo cudur faafay baan ku ahay duullaane
Duddadaan ka maaraynayaa doog caloolada e

Danta gama’san baan kicinayaa duhur dharaareede
Sharafkiyo damiirkaan ku oran laydin dabargooye
Dallagnaanshihiyo fiiradaan mar isdareensiine
Inta ficilku daariyo qabkaan hiil ka dayayaaye

Caqligoo dug yiri baan inuu diriro yeelsiine
Anigoo durraansiga Alliyo daacadda u heellan
Dibirtay balwadi geysatiyo Qaranka daadduumay
Dawlaanta lagu hoobtay baan day ku leeyahaye
Dufan hadduu ku haray garashadaan hawl u dirayaaye
Sharka dabqa sare fuulay baan danab ku naafayne
Qaadkiyo dukhaankaan rabaa inaan daraabaaye

Dunjiga magaca Soomaali baan digasho gaarsiine
Bulshadaan u daalicin inay hog isku duugeene
Tashi daawo lagu goobayaan daaqadda u furine
Shacabkaan darbaalka uga rogi walax ka diimoone

Waayeel dariiqii gefaan dawaga barayaaye
Waagaan dayeysnaan jiraan dooh is oran waayey
Doqontooyadaydii horaan dib uga sheekayne
Da’da soo kacdiyo aaraankaan run u daraasayne
Waxaan dalandalka u reebayaa xaal daruuriyahe

Waxaa daacad amalkeedu yahay duugga wax u roone
Damaciyo hankiyo aayahay dulucdu maanshayne
Darbad aniga igu saabsan baa daarran meel kale e
Dantuna waa dhammaantiin inaad iiga dayataane

Meeshuuse naxwu daarran yahay dooddi waw marage
Dabakhaaddu waxay shaabbahdaa ciil danaanigaye
Waa dux iyo hawraar nusuus loo daliishadaye
Nin ragay dardaaran u tahee doqon ka xeeldheere

Dhaaxaanse gacalkoo dalbaday diiday arartiiye
Dirir ceel-ka-geeyiyo sidii qiiqalyada roobka
Ama webi ka daan iyo ka daan daafta sare buuxshey
Ama mowjaddoo diran hirkoo dooxay gabiyaasha
Xalay baan saqdhexe soo dallacay kii dihnaan jiraye
Waa kaa duleedyada jabsaday duubka xaaxiguye
Maskax dihatay dalaggay dhashay yaa xuubdillaacsadaye
Aan dambariyo caawana tix bay damacday laabtiiye:

War jaadow haddaanan ka dayn sow i dili maysid
Duugtaadu sow diif xun oo igu dambayn maaha
Jirro lama dalbee sow xanuun ilama doonaysid
Sow duubiyada xoogga weyn diriq ka yeel maaha

Afdalooshe sow kii cankiyo daanka dhibay maahid
Dalqada iyo sow qawlallada daqar ku yaal maahid
Dubka jaaha iyo sow indhaha daaf ku noqon maysid
Sow daakhilkaygiyo qalbiga daanno galin maysid
Sow dacar madow iyo ilkahadoog ka dhigi maysid

Dooddiyo sirtaydoo la helo daganti sow maaha
Dulmi iyo xasarad sow saqdhexe doon i oran maysid
Sow wiilka dabadeed dhashaa kaaga dayey maaha
Hawshoo dayacan sow hurdada dug ima siinaysid
Shaarkoo dillaaciyo anoo dacas la’aan jooga
Sow dacalka oo lay qabtiyo dayn i badi maysid

Sow farax daqiiqado socdiyo dib u shallay maahid
Sow kii darooriga badnaa doorka hore maahid
Habeenkoo dalool tagay markii loo darbado jiifka
Kan daadaalka xuni sow wuxuu daaqi jiray maahid

Teer iyo dorraad galab anoo dhab u daliigaayey
Oo aan xalayto u dibjiray haatanna u doodan
Oo aan dacaam iyo hunguri saarin dibintayda
Dabra-celinta sow kaan mar kale doonan jiray maahid

Sow kii dibboodiyo lahaa duur ku dhaxa maahid
Dumarkiyo ilmaha sow midkii dayrin jiray maahid
Sow dawdarnimo muuqatiyo dibadwareeg maahid
Dufkubixiyo sow kii lahaa doorisada maahid
Sow doobabka Islii midkii daafta qubay maahid

Daqayadiyo sow kii garbaha daalin jirey maahid
Daynabada iyo sow midkii dooqa dhimay maahid
Sow darinta geesteeda midig kii dacdaray maahid
Sow kii xigaalka isku diray laba dalool maahid
Sow dagaalka qoys weyn midkii dumin yiqiin maahid

Hubka danana iyo siiblihiyo daallinkiyo haadka
Kan dafiyo ka daba boodayiyo wax uma daayaanka
Darbijiifka laamaha qubtiyo daadadka u jeeta
Dafirkiyo markhaatiga kan sidey wax uga doonaaya
Hormo dar Alle wada beenisaa kaa dukaansada e
Jirrise iyo daroogo iswataa dago ma reebaane
Degdega iyo sow kii lahaa duug la qodo maahid

Danbaaburo shar wadataad tihiyo coliyo duufaane
Dargadda lagugu haystaa Ibleys daar ku leeyahaye
Duddo nabada adigaa dhex dhiga dabiyo baansiine
Dakanaale goortaad raggii daab isgu dhiibtey
Sow kii dalkaygiyo qarribay dal iyo maal maahid

Dibkannaaxa iyo maalqabeen sabanku daafeeyey
Da’yarta iyo waayeelka iyo Daahi lagu dhaato
Jahli miduu qalbiga daahay iyo kii cilmiga daadshey
Diriciyo hudqeellada intuu dayr isugu geeyo
Sow Daahir iyo kii rag kale dood u simay maahid

Naftase inaan daryeellaa Ilaah noogu daabacaye
Dibindaabyo mooyee markaad daar u gali waydey
Diihaalka gaajiyo markaad diifta ku illowday
Ku dareensay aadmigu sidii kud iyo daacuune
Dacasowga anigoo sidii doon u kici waayey
Dangaraaro-dhaca sow midkaan doc ula iil maahid

Goortuuse dullaal iyo mallaal dar uga heesaayo
Durba SOO DHACYEEY! qayladoo kor u dalluumaysa
Sidii doogsin orodkii markii loo horrado dowda
Daqdaqdiyo xishood li’idu waa daanno kugu taale
Sow kii daloonbiga dhurwaa kaga darraa maahid

Inaad sharafta duullaan ku tahay dalandalkii sheegye
Daawili udgoon iyo xariir daabac lagu gaafay
Darmo qurux leh adigaa ka dhiga meel dukaafadahe
Sandaloolka uurada gashiyo diiqadiyo siifta
Dambas iyo sigaar dabadi iyo harago duudduuban
Qashinkiyo qoryaha daadsan baan kaaga didayaaye
War daymadiyo sow kaan necbaa daawashada maahid

Daliilaha axkaamtiyo siday werisay diinteennu
Dayib waxaan ahayn inaan cunaa deelka kuma taale
Darafeeynka sow laba bayaan duul u dhexa maahid
Sow shuhubo nooca ugu daran tan u da weyn maahid
Sow beer waxyigu nooga digay daris u dhow maahid

Warsan iyo bishimo doodan baa layna daakiraye
Adiguna duqyaankiyo naxliga yaad ku darartaaye
Waxaan xan iyo deelqaaf ahayn kaama degayaane
Carrabse dabarla iyo ways xigaan dabaqa naareede
War sow daacaddiyo aamuskii iima wada diidin

Dirhamka iyo sow xoolihii deegta kuma qaadin
Dakhligii arlada sow ajnabi uma dallaalaynin
Sow doollarkaygoo u kaca dawlad kale maahid
Anoo cayr la duluglaynayuu ii dawaro uunku
Dirirdhabiyo Nayroobi sow deeq u fidi maaha

Goortaanse dhab kuu sii dayee dul iyo baar eegay
Dacwaddiyo cibaadada Alliyo diinta fidinteeda
Dariskiyo xannaanada bulshada daaficiyo guusha
Doc loo dhigaba adigaan lahayn dux iyo liibaane
War sow labada daarood midkaan dayaba hoog maahid

Dirkaagiyo ibleyskuba khalqiga waad ku digataane
Marka hore qofkaad duufsataan dib isu haaraanye
Awalse way dagtaye haatanaan kaa digniin helaye
Haddii aan dib kuu soo gatoo kaala baxo duunyo
War sow inaan nusuustii dardaray daahir noqon mayso?

Waxaa qoray oo soo diray: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”.





The views published here are solely those of its authors (Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”) and do not necessarily reflect those of REDSEA-ONLINE.COM.
All articles on redsea-online

1. 15/05/2012 Gathering to commemorate Dr. Abdishakur Shiekh Ali Jowhar - Commemoration committee
2. 11/05/2012 Press Release from Camden Creative: Are you Somali of any age and background, and are moving permane - Camden Creative
3. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 31 October - Festival Books presents
4. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 30th October - Comedy Night with Boon Xirsi, Prince Abdi, Abdi Bahdoon &other
5. 20/09/2009 SWF - Events: Thursday, 29th October - Film night and Djibouti artist evening
6. 20/09/2009 SWF - Events: Wednesday, 28th October 2009 - One act the play ‘Baqayo Roged’
7. 20/09/2009 SWF - Events: Tuesday, 27 October 2009 - BME involvement in public bodies
8. 20/09/2009 SWF - Events: Monday 26 October 2009 - Young People and citizenship
9. 20/09/2009 SWF - Events: Sunday, 25th October 2009 - Family Day: Storytelling day for children and their parent
10. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 24th October 2009 - A day of pure poetry
11. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 23rd October 2009 - Launching of the Festival
12. 03/08/2009 Opinion on: Book review - Whose world is it any Way? By Shamis Hussein - Omer Aden E-mail : omerliban@gmail.com
13. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Lixaad - Isniin 27 Julaay 2009
14. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta shanaad - Axad 26 Julaay 2009
15. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta afraad - Sabti 25 Julaay 2009
16. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta saddexaad - Jimce 24 Julaay 2009
17. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Labaad - Khamiis 23 Julaay 2009
18. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Kowaad - Arbaca 22 Julaay 2009
19. 21/02/2009 Xog-waranka Abwaan Cabdilaahi Cawed Cige - Mustafe Sh. Cumar
20. 12/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Saddexaad - Axmed Yuusuf Ducaale
21. 11/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Labaad - Axmed Yuusuf Ducaale
22. 10/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Kowaad - Axmed Yuusuf Ducaale
23. 30/05/2008 Boqorka shaqsiyaddu waa kuma? Qaybtii 1aad - Farduus Siciid Dirir
24. 16/05/2008 HALABUUR, Journal of Somali Literature and Culture - hal-abuur
25. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982-kii ee dugsiga sare ee Timacade(qalax) ee Gabiiley, qaybtii 2-aad - Cali Cumar Xasan
26. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982 iyo dugsiga sare ee Tima-cade ama Qalax (Gabiley) - Cali Cumar Xasan
27. 22/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA. QAYBTII AFRAAD. - By Alpha
28. 20/02/2008 QAYBTII SADEXAAD EE LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA - By Alpha
29. 18/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAX TUURKA, Qaybtii labaad - By Alpha
30. 17/02/2008 Qaybtii Koowaad 20-Febaury 1982. Lix iyo Labaatan guuradii Dhagax Tuur - By Alpha
31. 11/02/2008 Barmaamij ku saabsan dadka xiskoodu dhiman yahay - Maxamed-Keyse
32. 28/01/2008 Qudbigii Suugaanta – Gabay - Bashiir Good
33. 25/11/2007 Hal-Abuur magazine relaunched - redsea
34. 11/11/2007 Gorfaynta Buugga “People on the Move” ee uu qoray Dayib Cabdi Askar. - Prof. Jaamac Aadan Cali
35. 11/11/2007 A critical review on “People on the Move” - By Prof. Jama Adan Ali
36. 29/06/2007 Buugga KARAAN: Xadhka-jiid ma gayo maamul Qaybta 2aad - Maxamed Yuusuf (Keyse)
37. 26/06/2007 Shirsannadeedkii Ururka Qoraaga Somaliland oo ka dhacay Stockholm 16/06/2007 - qoraaga.com
38. 26/06/2007 Buugga KARAAN Iyo Maansada Kasmo - Maxamed Yuusuf (Keyse)
39. 23/10/2006 Tixda Cabdilaahi Suldaan Timacadde & Ereyga “Soomaali” - Yasin Jaamac Nuux (Suldaan)
40. 13/08/2006 Baroordiiq (Tacsi) Abwaan Axmed Ismaaciil "Qaasin' - aftahan.org
41. 12/08/2006 Tacsi - Ururka Qoraaga Somaliland
42. 02/08/2006 Taariikh ku saabsan magaalooyinka Saylac, Berbera iyo Sheekh - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
43. 26/07/2006 Wargelin Muhiim ah: Xafladda Gardaadinta “Guri Waa Haween” ee Magaalooyinka Bristol iyo Cardiff - Maxamed Baashe Xasan
44. 17/07/2006 Book Signing Ceremony - Gobaad Communications & Press
45. 01/07/2006 Milicsiga maansooyinkii Abwaan "Qaasim" (Dad musbaar dhegaha kaga jiraan, maqal ka tuugaaye. 1964 Q. - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
46. 01/07/2006 Jebintii Jeelka Madheera Qaybtii 4-aad: Qorahu Wuxuu Soo Saari Doona Buug Ku Dhamaystiran Dhacdadani - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (alpha) — Bristol, Uk
47. 30/06/2006 Milicsiga maansooyinkii dhaxalgalka ahaa ee Abwaan "Qaasim" (Sidii baa ducaaloow biyaha loo dawariya - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
48. 10/06/2006 Jabintii Jeelka Madheera Qaybtii 3-aad: Afduubkii Diyaaraddii Somali Airline Ee Afar Iyo Labaatankii - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (Alpha)
49. 08/06/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Qaybtii 2aad - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
50. 5/6/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
51. 26/03/2006 OGEYSIIS:TODOBAADKA SOMALILAND EE YURUB - SSE
52. 23/03/2006 Labada Aqal Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Wadajir U Qaabiley Qoraa Weyn Oo Kenyaan Ah - somaliland.org
53. 20/03/2006 NETWORK OF DEVELOPMENT RESEARCHERS: HALF-DAY SEMINAR - SSE
54. 14/03/2006 School book with images of Prophet Muhammad banned in Somaliland - BBC Monitoring
55. 27/02/2006 GURI BA’AY - Maxamed Baashe X. Xasan
56. 20/02/2006 Milicso Maalmihii Ina Soo Maray – 20-ka February - Aamina Maxamuud Diiriye, Hargeysa, Somaliland
57. 19/02/2006 GPS: Burco Iyo Horumarku Maxay Ku Colloobeen? - Cabdillaahi Cawed Cige
58. 18/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan – 1944kii (qaybtii 6aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
59. 09/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (1944kii – 2006da) Q. 4aad - Boobe Yuusuf Ducaale
60. 08/02/2006 Safar Salaama iyo Xaflad Sagooti ah oo loo Samaynayo Abwaanka Gaarriye - aftahan.com
61. 08/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan 1944kii – 2006da (Q. 3aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
62. 06/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (Qormada 2aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
63. 04/02/2006 GEERIDII GADHLAY SHEEGAYAAN GACAL HA WAAYAANE - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
64. 04/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Marxuun Ibraahin Gadhle - Boobe Yuusuf Ducaale
65. 01/02/2006 Ibraahim Gadhle: Hal Abuur Iyo Gabayaa ka Galbaday Suugaanta Soomaalida - haatuf.net
66. 31/01/2006 Tacsi Geeridii Abwaan Ibraahin Aw Saleebaan (Gadhle) - RSOL
67. 30/01/2006 Sannad wanaagsan - 1427 - RSOL
68. 20/01/2006 Habka Dhismaha Maansada Soomaaliyeed - Cabdi Miigane Guuleed & Maxamed Cabdillaahi Riiraash
(somalistartpage.com)
69. 25/01/2006 Wareysi Dr. Georgi Kapchits - wardheernews.com (Copyright WDN 2006)
70. 18/01/2006 Somaliland Societies in Europe: War saxaafadeed - SSE
71. 31/10/2005 Nin Gumoobay - Ibraahin Yuusuf Axmed
72. 31/10/2005 Dhagartii Oogle (Sheeko) - Ibraahim Yuusuf Axmed
73. 11/10/2005 Somali poetry event: The great Somali poet Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye' in UK - redsea
74. 10/09/2005 MADHXINTA AFSOOMAALIGA - Maxamed Bashe X. Xasan
75. 07/09/2005 From Mechanic to Civic Leader: One man's active leadership brings better energy options to an entire - (from awdalnews.com)
76. 03/09/2005 Kuma ayuu ahaa Cabdilaahi Suldaan Maxamed "Timacade" - Abdifatah O. Abdi
77. 28/08/2005 AIDS And Circumcision - Rhoda A. Rageh
78. 28/08/2005 Dhibaatooyinka ku xeeran qoraalka afsoomaaliga iyo hirgelintiisa - Maxamed Bashe X. Xasan
79. 14/05/2005 "LADH" waa buug murugo, xiise, xasuus iyo xanuun intaba kugu beeraya - RSOL - Editor
80. 28/02/2005 "Dhagaxtuur Ma Been Baa?" - Boobe Yuusuf Ducaale
81. 18/02/2005 Yusuf Haji Aden Was a Great Educationist - SSE Chairman
82. 18/02/2005 Tacsi Ururka Somaliland Forum - Guddiga Dhexe Somaliland Forum
83. 15/02/2005 Obituary: Yusuf Haji Aden was a great man - Mohamud Tani
84. 17/02/2005 Aas Heer Qaran Ah Oo Loo Sameeyey Abwan Yusuf Xaji Aadan
85. 03/01/2005 Ujeedo Xog Ururuuin Ka Timid Ururka Qoraaga Somaliland - SWA
86. 06/03/2004 Students Uprising Of Feb 20th Observed By SONYO - the Somaliland Times, ISSUE 109, Feb 21, 2004
87. 04/03/2004 Warsaxaafadeed "Ururka Qoraaga Somaliland" - UQS, Sweden
88. 28/02/2004 20-ka February oo markii ugu horeysay laga xusay magaalada London - London (Jam) - from www.jamhuuriya.info
89. 27/02/2004 20-Ka February Oo Loo Aqoonsaday Maalinta Dhallinyarada Somaliland - Haatuf, Hargeysa Feb, 22, 2004
90. 25/02/2004 «Materia Cinese Chinese Matter»: per una comunicazione universale - Elisabetta Marino, l'Unità 06.02.2004
91. 12/02/2004 Bandhig Buug: Jamhuuriya
92. 23/12/2003 “Materia cinese”: i ponti invisibili di Lina Unali - Elisabetta Marino
93. 16/08/2003 The Vice President told youngs in his Party that "My Teachers' Group" is a good example to follow.
94. 20/06/2003 Barre Hagi Elmi Ahmed: Tribute to an unknown martyr - Jama Musse Jama
95. 29/05/2003 Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalikayga Maalintaas (20-ka February 1982) - Khadar Ali Gas
96. 24/03/2003 A new section dedicated to the Somali Books
97. 21/01/2003 "Il Gazzettino" newspaper reviewed Layli Goobalay
98. 20/01/2003 Layli Goobalay on "IntercultuRadio" Radio
99. 4/12/2002 "Il Secolo XIX" reviewed Layli Goobalay
100. 3/12/2002 Layli Goobalay on Italian National Radio

Social Community
Join us today

There are currently, 152 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com