header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


10/06/2006: Submitted for publication via web
Jabintii Jeelka Madheera Qaybtii 3-aad: Afduubkii Diyaaraddii Somali Airline Ee Afar Iyo Labaatankii
by Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (Alpha)

(from somaliland.org)

Isbadalkii labada gaadh, waa gadhkii xalay iyo kii saaka soo galaye iyo tirsashadii gaadhkii subaxaasi uu na tirsaday ka dib, ayaa waxaa soo galay mid ka mid ah laba maxbuus oo ka shaqeeya qabta uuna daba socdo mid ka mid ah askartii subaxaasi gaadhka ahayd oo la odhan jiray Ceelaabe. Qabta oo sideedaba ahayd meel qaab dhismeedkeeda iyo qaab nololeedkeeduba aad u adkaa waxaa sida caadada ah albaabada nalaga furi jiray laba xilli oo kala ahaa subaxa hore iyo galabtii. Labadaa xilli kaliya waxaa naloo saari jiray kaadi tag iyadoo marba qol la kaadi gayn jiray, wixii ka danbeeya furitaanka galabtii iyo tirinta uu na tiriyo ninka maalintaa gaadhka haystana muu jiran furitaan danbe oo layska furaayey ilaa subaxnimada danbe. Waxaa albaabka qolalka noo horyaalay daasado ah kuwa lagu keeno caanaha budada waa caano beedhe'e kuwaasi oo uu ku kaadshi jiray habeenkii hadba qofka ay kaadiyi qabataa, halka aanu saxaradana u isticmaali jirnay baco haddiiba ay dhacdo in qof habeenkii saxaro qabataa. Waxaa markaa qabta ka shaqayn jiray laba maxbuus oo laga keeni jiray xerada weyn, had iyo jeerna waxaa naloo soo xulijiray laba maxbuud oo u dhashay gobolada lagaga hadlo afka loo yaqaan May-mayga si uu u yarado is fahankayagu. labadaa nin mid ka mid ah oo afka soomaaligiisu waxooga dhaamay ka kale ayaa markaa subaxii kolba noo sheegi jiray wixii warar ah, wararkaasi oo qolada jeelka ku jirtaa ee asxaabtayada ahayd noogu soo dhiibi jireen, halka maalmaha qaarna wararka naloogu soo qori jiray warqad buuri ku jiro hoosteeda, in karta oo taa inamada shaqaalaha noo ahi ka biqi jireen in lagu qabto.

Jeedsashadii uu Ceelaabe ku jeestay makhsin looga yeedhay, ayaanu anaguna ninkaa maxbuuska ahaa oo markaa naga qaadayey daasadkii kaadidu ku jirtay aanu ku nidhi waar Ibraahim maxaa cusub. Intuu hareeraha iska eegay afkana soo saaray albaabkii garaa'idka ahaa ayuu si xanshashaq ah noo yidhi " waar iska aamusa diyaarad ayaa laydiin afduubaye " intaa ka dibna wuu naga dhaqaaqay isagoo hareeraha eegaya kana baqaya in askarigu arko isagoo wax noo sheegaya. Farxad, fajac iyo amakaag ayay nagu noqotay warkaa kala dhiman ee uu ninkaasi noo sheegay, anagoo aan fursad danbe u helin inaanu ninkaa wax ka sii weydiino siday wax u dhaceen iyo cidda Diyaaradda af duubtay, habeenkaana waxaanu seexanay anagoo waran nagu taagan yahay. Mid ka mid ah sideeda qol ee qabtu ka kooban tahay ayaa waxaa xiligaa ku jiray nin la odhan jiray Dabo geel oon isagu dil ahayn ee ciqaab ahaan uu u keenay ninkii jeelka haystay, waxaana subaxii danbe ee maalintaa diyaaradda la fa duubay lagu soo lamaaneeyey ninkaa Dabo geel Cali Xasan Aadan ( Cali Banfas ) . Subaxnimadaa waxaa jeelka soo gaadhay liisklii ay codsadeen nimankii diyaaradda afduubay oo ay kaw ka ahaayeen kooxdayadii madheera ku jirtay, waxaana Cali Banfas markii uu magaciisa liiskaa ku arkay yidhi qabta geeya taliyihii xabsiga madheera Saalax oo loo sheegay inuu ninkani yahay ninka gabayaaga ah ee Afweyne qaaq kaga siiyey. Wakhtigaasi wuxuu ahaa wakhti jeelka weyn loo ogolaa dhagaysiga idaacadaha waxaanay dad badani haysteen Radio yo halka maalintaa wixii ka danbeeyey laga mabnuucay. Waxaa noo yimid Cali Xasan ( Banfas ) oo soo dhagaystay wixii idaacad Af soomaali, English iyo Carabiba ku hadlaysay, waxaanu Cali naga dhargiyey wixii war ahaa ee diyaaraddaa ku saabsanaa iyo halka xaal markaa marayey. Todoba cisho oo diyaaraddaasi maqnay, lix casho oo ka mid ahaa waxay ahaayeey lixdii casho ee noloshayada kolayba ugu farxadda badnaa, jawigayaguna hadba wuxuu la jaan qaadayey marxaladaha kala duwan ee hadba wararka diyaaraddu marayeen. Itoobiya ayaa layna gaynayaa, maaha waxaa la yidhi Masar ayaa dhex-dhexaadinaysa oo Qaahira ayaa laynoo qaadayaa, maahee talyaaniga ayaa ku dhex jira oo waxaa layna gaynayaa Rome, waxaanu hadba caasimad wadan leeyahay ka dagnaba waxaa maalin jimce ah oo naloo yimid naloo sheegay inuu afweyne Alla uma naxariistaan uu diiday wax alla wixii shuruud lagu xidhay diyaaraddaa, haday noqoto sii dayntayada iyo hadday noqoto inuu dilka naga jabiyaba, diyaaraddiina barri sabtida ku soo noqonayso soomaaliya oo la soo dayn doono.
Waxa kale oo wakhtigaa qabta naloogu keenay xaaji Cabdi cawad ( indho deero ) iyo koofiyad dheere, isagoo wkhtigii diyaaradda la afduubay indho deero joogay dalka yaman waxaanu nooga waramay sidii ay wax u dhaceen. Xaaji Cabdi iyo koofiyad dheere waxay ka soo hadheen afartan qof oo lagu toogtay magaalada Burco sanadkii afar iyo sideetankii, kuwaasi oo lagu soo oogay inay ka mid yihiin S.N.M.
Dilka afartankaa qofi wuxuu meesha ka saaray sheeko aanu isku maaweelin jirnay oo ahay " waar afweyne ma wuxuu ku dhacaa inuu todoba nin oo Isaaqa oo arday ah uu mar qudhaata wada toogto, iyo waliba walaahi inaanu inaga danbaynayn haddii uu ina toogto, labadaa arimood oo ay soo gunaanadeen arintaa foosha xumayd ee ka dhacday Burco oo aanay jirin wax gadood ah oo shicibku ka muujiyay.
Shan iyo labaatankii November ee sanadkaa afar iyo sideetankii ayuu ahaa wakhtiga uu noo qornaa dilkayagu kaasi oo uu Afweyne hore arjigayagii cafiska ahaa uu kaga soo jawaabay iimaansada, Sida uu ii sheegay Aabihii afduubka diyaaraddaa somali airline Alleh naxariistii janno ha ka waraabiyee Cawil cadami oo markaa ka shaqaynaayey xafiiska Ismaaciil Axmed Ismaaciil taliyihii ciidanka asluubta soomaaliyeed. ( Cawil cadami waxaanu ku kulanay Tuulada Aadan waraabe jabintii jeelka ka dib ), waxa kale oo jirtay maalintaa afduubka diyaaradda maalin ka hor oo uu gaadhka lahaa ninkii la odhan jiray Xasan Cabdi ee aan qaybtii hore ee sheekada ku xusay, ayaanu Xasan Cabdi soo galin gudaha qabta, waxaanay gaadhkiisii baxeen anagoon arag Xasan Cabdi baxdo iyo dhacdo. Maalin sadexaaddii oo uu gaadhkii xasan Cabdi soo noqday ayaa markii subaxnimadii naloo furayey kaadi gaynta, ayaan aanigoo aan wali musqusha galin cadayanayana aan askarigii markaa albaabka naga furay oo la odhan jiray Muuse ku idhi " waar Muuse ilaa dorraad Xasan Cabdi maanaan arage maxaa ku dhacay.
Muuse: doraad ayuu yara wis-wisay. isagoo Muuse madaxa hoos u dhigaya.
Alpho: oo maxuu ka wis-wisay ee ku dhacay. anigoo aad u shakiyey.
Muuse: maalintaa gaadhkayagii hore ayaa ciidan duub cas ah la keenay jeelka markaasaa nalagu yidhi ardayda ayaa la tooganayaa, markaa wuu idiin soo gali kari waayey. isagoo isaga laftiisu yara naxsan.
Alpho: oo imika meeyey ciidankii ? anigoo isuba qaatay in lay toogtay aadna u naxsan.
Muuse: subaxnimadii danbe ayaa la qaaday. isagoo iga sii dhaqaaqaya.
Wakhtigaasi wuxuu ahaa wakhti ay buuraha gacanlibaax ka socdaan dagaaladii kun iyo sagaal boqol iyo afar iyo sideetankii, waxaanu Cali Banfas noo sheegay in taliyaha xabsigu uu maalin walba la hadli jiray xamar isagoo leh waxaa lala baxayaa ardaydii dilka ahayde sida ugu dhakhsaha badan dilka ha loogu fuliyo.
Keenistii Cali Banfas na loogu keenay qaybta dilka isaga yeelkadiiye waxaanu anagu ka hellay warar faro badan iyo waliba maaweelo isuga jirta gabayo iyo sheekooyin, isagoo intuu qabta nagula jirayna tiriyey laba gabay iyo masafo.
Fiidkii galabnimo jimco ah oo dadkii noo yimid noo sheegeen dagaalkii Burco duuray iyo geeridii Alla ha u naxariistee mujaahidkii weynaa ee Max'd Xaashi lixle, ayaa Banfas isasoo taagay albaabka qolkii uu ku jiray oo qolkii aanu ku jirnay ugu toosan xag shan iyo afartan digrii ah.
Cali Banfas: Cabdirisaq ma haysaa wax waraaqo ah ( isagoo yara guuxaya )
Alpho: Waxaan hayaa dhawr kartoon oo caleentii shaahu ku jirto. Waxaa wakhtigaa naloo keeni jiray caleen shaah oo ku jirta kartoono yaryar oo huruud ah illaa kiilloona qaada, warqad cadina kartoonka iyo shaaha u dhaxayso kaasoo lagu soo sameeyey dalka kiiniya.
Haddii aan caleentii ku jirtay karaatoonta isugu geeyey daasad caano niidoo ka dhamaaday daasaddiina aan ku soo fadhiistay albaabka hortiisa, Calina soo taaganyahay albaabka qolkiisa walina uu guuxayo aanan u sheegay inaan diyaar ahayna wuxuu guuxiisii isku badalay masafada dheer uu uu yidhaa " HADAANAN HADAANAN, HADAANAN GADOODKA LIXLOW GU' GA MAANTA LA SOO HADHIN GUUSHA".
Cali Banfas ayaa wuxuu iga codsaday gabay aan tiriyey kun iyo sagaal boqol iyo laba iyo sideetankii maalmihii dhagax tuurka, kaasi oon Cali hore ugu tiriyay maalmo aanu ku jirnay jeelka Hargaysa oo ahayd maalmihii dacwadayadu socotay. Haddii maalintaasi ay ahayd maalin dagaal ba' ani ka dhacayo nawaaxiga cadaadlay iyo buuraha gacan libaax, gariirkuna aanu maalintaasi oo dhan ka la go'in anna aan ku soo gunaanaday tixdii Cali i weydiiyey tuducyadii ugu danbeeyey oo ahaa :
Dirirtaan gingimay maalintii, dhagaxu guuxaayey,
Juun iyo maalintii gacab libaax, gaadhka lagu meershay,
Oomaar dharaartuu gurdamay, gumaca jiidhaayay,
Maxamuud dharaartuu ganbiyey, weerar iyo gaadmo,
<\s><\s>Wacdaraha dharaartaan gaystayey gubatay waanwaani,
Gumadaay dharaartaan lahaa, dhalinay guushiiye,
dharaartuu xaqaygii gudhnaa, giijay ibihiisa,
Duqaydii nac-naca loo gadaa gooni joogsadaye,
Waxse nala gudboonaa inaan gaydh, u dirirnaaye,
Kolhaddii waxaan uga gollaa, layla garan waayey,
Gam'i maayo jeeroon hantiyo, gacaladaydiiye,
gulufyada laheenseeyey iyo, gaasaska aan dhawro.
wuxuu Cali Banfas hore ka bilaabay gabay dhawr boqol oo bayd ah aanu ku bilaabay "Cabdow gaasaskaad dhawrraysaa, maanta soo galaye.
Waxa kale oo uu Cali intii uu qabta nagula jiray uu dhamays tiray tix gabay ahayd oo uu unkay maalintii markii dilka nalagu qaaday, saati oo uu markii geelle uu xukunkayaga dhameeyey uu Cali yidhi " haw baqab Bidhiidhaw wakhtigi ways badalayaaye " Bidhiidh waa Ilaahay ha u naxariistee Cabdiraxiim Max'd Baaruud oo ka mid ahaa todobadayadii dilka ahaa.
Dilkii cadeeye, dhucda iyo Max'd faroole.
Maalinta Arbacadu waxay maalmihii danbe isugu soo biyo shubaray maalinta la qaado dadka dilka ah, waxaana la joojiyay booqashadii dadku ay soo booqan jireen dadkooda xidhan. Cida kali ah ee inay Arbaca tahay noo sheegi jirtay nana xusuusin jirtay wuxuu ahaa sheekh ismaaciil Carab oo iasgu ahaa qofka kaliya ee loo ogolaaday in saacad loo keeno. Sheekhu isaga ayaa maalintaa odhan jiray" waar waa Arbaca eey" manay jirin wax sheeko ah amma hadal ah amaba ciyaaro ah ( turub iyo dubnadtoona ) oo maalintaa aad ka maqlaysay amma lagu ciyaarayay qabtu, maxaabiistuna waxay ahaayeen kuwo qaadis u joog ah. Xataa waxaa maxaabiista ku yaraa dhaqdhaqaaqa, waxa qudhaata oo aad arkaysayna waxay ahayd quraan akhris iyo wardiga oo tusbaxo dhagtaa hayo. arbacooyinku sii kala darane haddii sheekhu uu yidhaa " waar waa Arbaca bil u danbaysana " maxaabiistu waxay wada lahaayeen il geeriyaad.
Waxa kale oo jirtay laba cisho ka hore maalintaasi ayaa mid ka mid ah inamadii noo shaqayn jiray uu noo sheegay in xabashida jeelka ku jirtaa ay sheegeen inay jeelka meel u dhaw ka soo qodeen shan xabaalood, waxaana labadaa cishaba farta wadnaha ku wayey isku kiis ahaa oo ka koobnayd shan qof iyagu ahaa kuwa kaliaya ee maalintaa isasiiyey in la qaadi doono, waxaanuse aad uga yaabanayn xabaalaha jeelka agtiisa laga qoday iyadoo qofka lagu toogan jiray magaaladii laga soo xukumay.
Waxay saacaddu dhagta haysaba wakhtiguna uu yahay mid aad moodo inuu maalmaha kale ka gaabinayaba waxaa na dhaafay wakhtigii dadka la qaadi jiray oo u dhaxaysa salaadda duhur ilaa salaadda casar.Mar qudhaata ayay dadka afkooda ka soo wada booday naqas weyn oo goorahanba ku taagnaa markaasaa makhsin walba ay dabadda uga soo baxday Alxamdulillaahi Rabil caalamiinta ay maxaabiistu Ilaahay ugu shukri naqayaani. Layska sheekaysay, lawada hadal, sigaarkii buftaa lagu hayay saaka oo dhanna lagu badal raashin iyo qofba wuxuu cuni karo oo anigoo dhabarka ku haya gidaarka makhsinka aanu ki jirno ayaa Cabdi Ismaaciil oo albaabka kanbadhuudhay dub u soo baxay kuna soo tiirsaday gidaarkii aan dhabarka ku hayey.
Cabdi Ismaaciil: caawa waxbaa la qaadayaa. Cabdi Ismaaciil wuxuu takhasus ku noqday dhaqdhaqaaqa askarta maalmaha wax la qaadayo wuxuuna markii danbe noqday inuu sii sheeko marka wax la qaadayo.
Alpho: Waar Cabdi imikaynu nafisnaye inagadaa yabaal danbe taag uma hayno'e.
Cabdi ismaaciil: Wallaahi wax baa la qaadayaa.
Alpho: maxaad aragtay eed ka shakiday
Cabdi Ismaaciil. Daahir Xasan ( waa ninkii haystay askarta maalintaa gaadhka haysay ) wuxuu guntanaa go cad mid kalana wuu hagoognaa, wuu iska bixiyey oo wuxuu soo xidhay dirayskiisii, dab uu halkaa goori dhoorka ku shitayna wuu bakhtiiyey, hebel iyo henbelna halkaasay isa soo taageen.
Haddii Cabdi intaa yidhi anna aan aad u dhagaysanayo ayaa waxaa sanqadahy silsiladda dheer ee dadka marka la qaadayo lagu xidh-xidho oo ku duubnayd albaabka hore ee qabta laga soo galo.Shaki kuma jiro in wixii Cabdi sheegayay ay dhab tahaye habeebkaa waxaanu is nidhi kuwa la qaadayaa waa idinka oo laga baqay in maalin cad laydin qaado. Waxaa soo galay Daahir Xasan oo wata ilaa labaatan askari. Badnidaa askarta iyo Daahir Xasan oo siduu u soo socday isasoo hortaagay makhsinkii aanu ku jirnay anagoo afar ah iyo waliba ka dhaqaaqiddii uu naga dhaqaaqay isna hortaagay makhsinkii kale ee sadexdayadii kale ku jireena( todobadayadu waxaanu ku kala jirnay laba makhsin oo afarna ay mid ku jirtay sadexda kalana mid kale ) waxaanu isasii dhacsiinay in aan shaki ku jiran cidda la qaadayaa inay anaga tahay. Daahir xasan intuu ka dhaqaaqay makhsinkaa kale oo Max'd Baashe iyo ay ku jirraan ayuu is hortaagay makhsin ka soo hor jeeday waxaanu yidhi mee caddeeye iyo way kan. Dharkaaga cad gasho iyo waaban gashanahay haddii lays dhaafsadayna wuxuu u dhaqaaqay makhsin kare oo uu ku jiray nin lo odhan jiray Max'd farroole da' ahaana aad u weynaa. Mee Max'd Farroole iyo waykan iyo dharka cad gasho haddii lays waydaarsadayna wuxuu Daahir xasan u sii dhaafay makhsin kale oo uu ku jiray nin maskaxda ay wax uga dhinnaayeen oo la odhan jiray Dhucda. Mee Dhucdii iyo waa kan dharka cad gasho dhaha iyo waabu gashanyahay haddii ay isdhaafsadeen Daahir Xasan iyo Maxaabiistii Dhucda makhsinka kula xidhnaydna wuxuu Daahir xasan bilaabay furista makhsinadii sadexda ninku kala jireen.
Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin
Abdirisaqa lpho.
Bristol.
U.K.



The views published here are solely those of its authors (Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (Alpha)) and do not necessarily reflect those of REDSEA-ONLINE.COM.
All articles on redsea-online

1. 15/05/2012 Gathering to commemorate Dr. Abdishakur Shiekh Ali Jowhar - Commemoration committee
2. 11/05/2012 Press Release from Camden Creative: Are you Somali of any age and background, and are moving permane - Camden Creative
3. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 31 October - Festival Books presents
4. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 30th October - Comedy Night with Boon Xirsi, Prince Abdi, Abdi Bahdoon &other
5. 20/09/2009 SWF - Events: Thursday, 29th October - Film night and Djibouti artist evening
6. 20/09/2009 SWF - Events: Wednesday, 28th October 2009 - One act the play ‘Baqayo Roged’
7. 20/09/2009 SWF - Events: Tuesday, 27 October 2009 - BME involvement in public bodies
8. 20/09/2009 SWF - Events: Monday 26 October 2009 - Young People and citizenship
9. 20/09/2009 SWF - Events: Sunday, 25th October 2009 - Family Day: Storytelling day for children and their parent
10. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 24th October 2009 - A day of pure poetry
11. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 23rd October 2009 - Launching of the Festival
12. 03/08/2009 Opinion on: Book review - Whose world is it any Way? By Shamis Hussein - Omer Aden E-mail : omerliban@gmail.com
13. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Lixaad - Isniin 27 Julaay 2009
14. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta shanaad - Axad 26 Julaay 2009
15. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta afraad - Sabti 25 Julaay 2009
16. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta saddexaad - Jimce 24 Julaay 2009
17. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Labaad - Khamiis 23 Julaay 2009
18. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Kowaad - Arbaca 22 Julaay 2009
19. 21/02/2009 Xog-waranka Abwaan Cabdilaahi Cawed Cige - Mustafe Sh. Cumar
20. 12/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Saddexaad - Axmed Yuusuf Ducaale
21. 11/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Labaad - Axmed Yuusuf Ducaale
22. 10/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Kowaad - Axmed Yuusuf Ducaale
23. 30/05/2008 Boqorka shaqsiyaddu waa kuma? Qaybtii 1aad - Farduus Siciid Dirir
24. 16/05/2008 HALABUUR, Journal of Somali Literature and Culture - hal-abuur
25. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982-kii ee dugsiga sare ee Timacade(qalax) ee Gabiiley, qaybtii 2-aad - Cali Cumar Xasan
26. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982 iyo dugsiga sare ee Tima-cade ama Qalax (Gabiley) - Cali Cumar Xasan
27. 22/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA. QAYBTII AFRAAD. - By Alpha
28. 20/02/2008 QAYBTII SADEXAAD EE LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA - By Alpha
29. 18/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAX TUURKA, Qaybtii labaad - By Alpha
30. 17/02/2008 Qaybtii Koowaad 20-Febaury 1982. Lix iyo Labaatan guuradii Dhagax Tuur - By Alpha
31. 11/02/2008 Barmaamij ku saabsan dadka xiskoodu dhiman yahay - Maxamed-Keyse
32. 28/01/2008 Qudbigii Suugaanta – Gabay - Bashiir Good
33. 25/11/2007 Hal-Abuur magazine relaunched - redsea
34. 11/11/2007 Gorfaynta Buugga “People on the Move” ee uu qoray Dayib Cabdi Askar. - Prof. Jaamac Aadan Cali
35. 11/11/2007 A critical review on “People on the Move” - By Prof. Jama Adan Ali
36. 29/06/2007 Buugga KARAAN: Xadhka-jiid ma gayo maamul Qaybta 2aad - Maxamed Yuusuf (Keyse)
37. 26/06/2007 Shirsannadeedkii Ururka Qoraaga Somaliland oo ka dhacay Stockholm 16/06/2007 - qoraaga.com
38. 26/06/2007 Buugga KARAAN Iyo Maansada Kasmo - Maxamed Yuusuf (Keyse)
39. 23/10/2006 Tixda Cabdilaahi Suldaan Timacadde & Ereyga “Soomaali” - Yasin Jaamac Nuux (Suldaan)
40. 13/08/2006 Baroordiiq (Tacsi) Abwaan Axmed Ismaaciil "Qaasin' - aftahan.org
41. 12/08/2006 Tacsi - Ururka Qoraaga Somaliland
42. 02/08/2006 Taariikh ku saabsan magaalooyinka Saylac, Berbera iyo Sheekh - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
43. 26/07/2006 Wargelin Muhiim ah: Xafladda Gardaadinta “Guri Waa Haween” ee Magaalooyinka Bristol iyo Cardiff - Maxamed Baashe Xasan
44. 17/07/2006 Book Signing Ceremony - Gobaad Communications & Press
45. 01/07/2006 Milicsiga maansooyinkii Abwaan "Qaasim" (Dad musbaar dhegaha kaga jiraan, maqal ka tuugaaye. 1964 Q. - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
46. 01/07/2006 Jebintii Jeelka Madheera Qaybtii 4-aad: Qorahu Wuxuu Soo Saari Doona Buug Ku Dhamaystiran Dhacdadani - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (alpha) — Bristol, Uk
47. 30/06/2006 Milicsiga maansooyinkii dhaxalgalka ahaa ee Abwaan "Qaasim" (Sidii baa ducaaloow biyaha loo dawariya - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
48. 08/06/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Qaybtii 2aad - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
49. 5/6/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
50. 26/03/2006 OGEYSIIS:TODOBAADKA SOMALILAND EE YURUB - SSE
51. 23/03/2006 Labada Aqal Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Wadajir U Qaabiley Qoraa Weyn Oo Kenyaan Ah - somaliland.org
52. 20/03/2006 NETWORK OF DEVELOPMENT RESEARCHERS: HALF-DAY SEMINAR - SSE
53. 14/03/2006 School book with images of Prophet Muhammad banned in Somaliland - BBC Monitoring
54. 27/02/2006 GURI BA’AY - Maxamed Baashe X. Xasan
55. 20/02/2006 Milicso Maalmihii Ina Soo Maray – 20-ka February - Aamina Maxamuud Diiriye, Hargeysa, Somaliland
56. 19/02/2006 GPS: Burco Iyo Horumarku Maxay Ku Colloobeen? - Cabdillaahi Cawed Cige
57. 18/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan – 1944kii (qaybtii 6aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
58. 09/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (1944kii – 2006da) Q. 4aad - Boobe Yuusuf Ducaale
59. 08/02/2006 Safar Salaama iyo Xaflad Sagooti ah oo loo Samaynayo Abwaanka Gaarriye - aftahan.com
60. 08/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan 1944kii – 2006da (Q. 3aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
61. 06/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (Qormada 2aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
62. 04/02/2006 GEERIDII GADHLAY SHEEGAYAAN GACAL HA WAAYAANE - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
63. 04/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Marxuun Ibraahin Gadhle - Boobe Yuusuf Ducaale
64. 01/02/2006 Ibraahim Gadhle: Hal Abuur Iyo Gabayaa ka Galbaday Suugaanta Soomaalida - haatuf.net
65. 31/01/2006 Tacsi Geeridii Abwaan Ibraahin Aw Saleebaan (Gadhle) - RSOL
66. 30/01/2006 Sannad wanaagsan - 1427 - RSOL
67. 20/01/2006 Habka Dhismaha Maansada Soomaaliyeed - Cabdi Miigane Guuleed & Maxamed Cabdillaahi Riiraash
(somalistartpage.com)
68. 25/01/2006 Wareysi Dr. Georgi Kapchits - wardheernews.com (Copyright WDN 2006)
69. 18/01/2006 Somaliland Societies in Europe: War saxaafadeed - SSE
70. 31/10/2005 Nin Gumoobay - Ibraahin Yuusuf Axmed
71. 31/10/2005 Dhagartii Oogle (Sheeko) - Ibraahim Yuusuf Axmed
72. 11/10/2005 Somali poetry event: The great Somali poet Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye' in UK - redsea
73. 10/09/2005 MADHXINTA AFSOOMAALIGA - Maxamed Bashe X. Xasan
74. 07/09/2005 From Mechanic to Civic Leader: One man's active leadership brings better energy options to an entire - (from awdalnews.com)
75. 03/09/2005 Kuma ayuu ahaa Cabdilaahi Suldaan Maxamed "Timacade" - Abdifatah O. Abdi
76. 28/08/2005 AIDS And Circumcision - Rhoda A. Rageh
77. 28/08/2005 Duumo iyo Duullaan - Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
78. 28/08/2005 Dhibaatooyinka ku xeeran qoraalka afsoomaaliga iyo hirgelintiisa - Maxamed Bashe X. Xasan
79. 14/05/2005 "LADH" waa buug murugo, xiise, xasuus iyo xanuun intaba kugu beeraya - RSOL - Editor
80. 28/02/2005 "Dhagaxtuur Ma Been Baa?" - Boobe Yuusuf Ducaale
81. 18/02/2005 Yusuf Haji Aden Was a Great Educationist - SSE Chairman
82. 18/02/2005 Tacsi Ururka Somaliland Forum - Guddiga Dhexe Somaliland Forum
83. 15/02/2005 Obituary: Yusuf Haji Aden was a great man - Mohamud Tani
84. 17/02/2005 Aas Heer Qaran Ah Oo Loo Sameeyey Abwan Yusuf Xaji Aadan
85. 03/01/2005 Ujeedo Xog Ururuuin Ka Timid Ururka Qoraaga Somaliland - SWA
86. 06/03/2004 Students Uprising Of Feb 20th Observed By SONYO - the Somaliland Times, ISSUE 109, Feb 21, 2004
87. 04/03/2004 Warsaxaafadeed "Ururka Qoraaga Somaliland" - UQS, Sweden
88. 28/02/2004 20-ka February oo markii ugu horeysay laga xusay magaalada London - London (Jam) - from www.jamhuuriya.info
89. 27/02/2004 20-Ka February Oo Loo Aqoonsaday Maalinta Dhallinyarada Somaliland - Haatuf, Hargeysa Feb, 22, 2004
90. 25/02/2004 «Materia Cinese Chinese Matter»: per una comunicazione universale - Elisabetta Marino, l'Unità 06.02.2004
91. 12/02/2004 Bandhig Buug: Jamhuuriya
92. 23/12/2003 “Materia cinese”: i ponti invisibili di Lina Unali - Elisabetta Marino
93. 16/08/2003 The Vice President told youngs in his Party that "My Teachers' Group" is a good example to follow.
94. 20/06/2003 Barre Hagi Elmi Ahmed: Tribute to an unknown martyr - Jama Musse Jama
95. 29/05/2003 Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalikayga Maalintaas (20-ka February 1982) - Khadar Ali Gas
96. 24/03/2003 A new section dedicated to the Somali Books
97. 21/01/2003 "Il Gazzettino" newspaper reviewed Layli Goobalay
98. 20/01/2003 Layli Goobalay on "IntercultuRadio" Radio
99. 4/12/2002 "Il Secolo XIX" reviewed Layli Goobalay
100. 3/12/2002 Layli Goobalay on Italian National Radio

Social Community
Join us today

There are currently, 150 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com