|  | 18/02/2006: Submitted for publication via web XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan – 1944kii (qaybtii 6aad)
 by Boobe Yuusuf Ducaale
 
“Awrka didibso baan idhi,Nacaskana dud baan idhi,
 Kelidii danaystaha,
 Daribtii intuu cunay,
 Naga raba durduurtee,
 Waxba deeqi waayeen,
 Is-na dhagax-dixeed iyo,
 Deebaaq liq baan idhi,”
 Ha dacwiyin Denbiiloow,
 Ibraahin-gadhle, Jabuuti,
 30/3/1980kii,
 Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail,com
 
 Intii uu noolaa ayaa mar Ibraahin lagaga duubay cajalad Video ah dalka 
		Imaaraadka, gaar ahaan magaalada Dubay. Barnaamajkaas dhammaadkiisii 
		ayaa Ibraahin la weydiiyay su’aal ahayd, maxaad dadweynaha kula 
		dardaarmaysaa. Ibraahin wuxu ku jawaabay tixdan Miimleyda ah ee soo 
		socota. Bal hadda u fiirsada hummaagyada iyo muuqaallada aan adkayn, 
		haddana uu sida fudud ee farshannimada leh u dhigay. Kaas ayuu ahaa 
		Ibraahin Sheekh Saleebaan. Suugaantiisuna taas ayay ahayd. Wuxu yidhi:
 
 “Midigtaadu yey noqon,
 Mid tolkeed u muruq weyn,
 
 Murjinkaagu yuu noqon,
 Magli dila walaalkii,
 
 Magacaagu yuu noqon,
 Mid xumaan ka marag-kaca,
 Sida macawisaa qaar,
 Ninba maalin yuu xidhan,
 Hadba kii muraadle ah,
 Hawga dhigin maqaar-saar,
 
 Mar waxaad dhandhamisiyo,
 Mijin qaad ah haw dhiman,
 Hana talin masiibiyo,
 Wax makhluuqa kala dila,
 
 Maskaxdaadu yay noqon,
 Maqal lagula leeyahay,
 Yaan toban muftaax iyo,
 Lagu furan masaabiir,
 
 Waxaad shalayto mudatiyo,
 Mahadhada xusuusnoow,
 Halkii qorigu kaa muday,
 Mar labaad lugtaadiyo,
 Cagtu yaanay kula marin,
 
 Maantiyo dantaadiyo,
 Yaan mililku kaa lumin,
 Maalmaa danbeeyiyo,
 Waxa maqanna faallee,
 
 Maalkaagu yuu noqon,
 Musdanbeedka reerkiyo,
 Makhsinkaad u hoyatiyo,
 Masallaha Rasuulkiyo,
 Ku Masaajid lagu gubo,
 Muhmal laguma guuree,
 Danni ma-hure haw dilin,
 Maan fayow ha ceebayn,
 Ha marmarin waxaan jirin,
 Maamuuska sharaftana,
 Ka ilaali meydhaan,
 Miyirkiyo hubsiintuna,
 Maro weeye la huwado,
 
 Marantida haweenkana,
 Hodan lagama maarmee,
 Marba kii aroosiyo,
 Ha maaweelin qayrkaa,
 Adiguba marwada dumar,
 Meher waad ku geydaa,
 Miinxiiska ruux kale,
 Waxa kaaga magac-roon,
 Ha laguu mashaxaradee,
 Adigoo mid guursada,
 
 Gool meesha lagu qalay,
 Mud haddaan lagaa siin,
 Mandharaari cunisteed,
 Waxa kaaga magac roon,
 Ma-dhaafaanka hilibkiyo,
 Adoo meydhaq deydaya,
 
 Macfal la isu soo baxay,
 Haddi anad muftiga noqon,
 Mowliidka ka akhriya,
 Maamuus la’aantii,
 Waxa kaaga magac roon,
 Machad laga aflaxayiyo,
 Adigoo maqaam fura,
 
 Geela maalintii raac,
 Makhribkiyo habeenkana,
 Aan kugu ag maalee,
 Ha maggaabin caanaha,
 Maaheyska kugu yidhi,
 Sii mililiciisaa,
 Waxa kaaga magac roon,
 Macaluusha gaajada,
 Haba laga masoobee,
 Adigoo markaha rida,
 
 Gebegabada sheekadan taariikhiga ah ee aan ku gawl-gawlayo suugaantii 
		iyo noloshii saaxiibkay Tukaale ama Ibraahinba, bal immikana wax aan 
		badnayn idiin ka soo qaado loollan suugaaneed oo dhex maray Yam-Yam iyo 
		Ibraahin, labadoodaba Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo e’.
 Ibraahin oo SNM ka tirsanaa iyo Yam-yam oo daafacayay nidaamkii Siyaad 
		Barre waxa dhex maray afar maanso oo ay isugu jawaabayeen. Waa taariikh 
		oo naxli iyo turxaan midna ugama jeedo. Yam-yam oo aanu qudhiisa saaxiib 
		ahayn wuxu nagu soo maray Hargeysa intii aanu dhiman oo uu dhowr bilood 
		nala joogay. Waxa nasiib wanaag ahayd in ay berigaa Hargeysa ku kulmeen 
		oo ay wada joogeen Ibraahin-Gadhle in badanna qayilaad iyo qedoba 
		wadaageen. Yam-yam cidina Hargeysa kuma guhaadin waxna looma raacin bal 
		se si gobannimo iyo qaddarinba leh ayaa loogu soo dhaweeyay looguna 
		sooryeeyay.
 
 Soo hadal-qaadka tixahan ay is-weydaarsadeen Ibraahin iyo Yam-yam waa 
		taariikh bal se xumaan ugama gol lihi.
 
 Yam-yam ayaa tixaha ku horreeyay oo bilowgii tiriyay tix uu ku 
		magacaabay “Ina Gaado-ku-nool” oo uu SNM-ta ula jeeday. Siduu hordhaca 
		maansadaa ku sheegay wuxu ugu dabbaal-degayay Heshiiskii dhex maray 
		Mengistu Xayle Mariam iyo Maxamed Siyaad Barre ee 1988kii. Tuduc 
		maansadaa ku jiray oo Yam-yam lahaa oo Heshiiskaas lagu muunaynayay ayaa 
		odhanayay:
 
 “Gudgudaa I miray xalay,
 Daruur baa I guud timid,
 Wixii haro galsho lahaa,
 Xareed baa ka galac tidhi,”
 
 Ibraahin maansadaa Ina Gaado-ku-nool ee Yam-yam wuxu kaga jawaabay tix 
		uu ugu wanqalay Gar-naqsi. Aniga oo aan halkan ku soo wada qaadan karayn 
		maansadii oo dhan, bal aan idiin soo qabto tuduc jawaab u ahaa tuducaa 
		Yam-yam oo odhanayay:
 
 “Gariir baa ku miray xalay,
 Madfac baa ku guud yimid,
 Wixii haro galsho lahaa,
 Dhiig baa ka galac yidhi,”
 
 Intaas oo keliya ma ahayne, Yam-yam ayaa haddana soo diray tix kale oo 
		magaceedu ahaa: Dhux-tagoogo. Mar kale iyo marar kale oo badanba Ilaahay 
		labadoodaba ha u naxariistee, Ibraahin ayaa tixdaana kaga jawaabay tix 
		kale oo uu u bixiyay Tuhun-reeb. Waqti kale oo intan ka faro badan marka 
		aan helo ayaan ku yar hakan doonaa afartaa maanso ee jawaabta isu ahaaba, 
		haddii Eebbe idmo.
 
 Sidii ayuu Ibraahin-Gadhle goobihii suugaanta iyo saanaddaba la isku 
		hummaajiyay kaga soo baxay isago oo guulasytay oo goofaaf iyo xarrogaba 
		sanka taagaya. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo, wanaaggii uu 
		Soomaali u galayna ha ka abaal-mariyo.
 DHAMMAAD
 |