header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


28/02/2005: Submitted for publication via web
"Dhagaxtuur Ma Been Baa?"
by Boobe Yuusuf Ducaale

Waxba yaan hordhac iyo tiigsan iyo tooxid arareed Dooc iyo dareenba maan is-raacsado. Dhagax-tuurkii Barbaarta iyo Haweenka ee 20-kii-22-kii Feeberweri 1982-kii. Maalmo halgameed. Maalmo ay Barbaarta iyo Haweenkubamuujiyeen keni adeyg ay dhagax kaga hor tegeen dabaabadihii nidaamkii Siyaad Barre. Ma ay ahayn maalmo dad ka dhexeeyay. Gaar waxa uu lahaa Barbaarta iyo Haweenka. Dhacdo gadoodkeedi dhul gariir la xejin waayay ka kiciyay xarumihii gobollada waqooyi ee dalkii Soomaaliya la odhan jiray. Maansada oo halka wargeyska inoogu jirtay haddii aynu soo xiganno. sow tii uu Hadraawi Maansadii Hanbabber sida xarraggada iyo dareenkaba leh ugu xardhay ee yidhi:

"Hanbaaber dhawaanta

Dareen ma hurdaan ah

Dagaal wata heeso

Hidday u lahayde

Hargeysi ma toostay

Hoggaanka ma diidday

Harqoodka ma tuurtay

In aanay hummaagga

Hadoodilan yeelin

Sidii hebel geel ah

Hashii Nebi Saalax

Horaaddada dhiiban

Hankeedu ma siiyay

Waxay hibanayso

Nin kay la hadlayso

Hagaag ma u sheegtay

Hadday samo weydo

In ay hantideeda

Nafteeda hurayso

Hubaal ma caddeysay

Alleylehe waa hog

Shax aan la hilmaamin

Malaa hugur tiisa

Waxaabu u haystay

In aan hayal toosan

Harraati aqoonne

Maskii hilqadaale

Ma soo hardaf booday."

Halkan, Hargeysa waxay u taagan dhamman xarumihii gobolladii Waqooyi ee kacdoonnada Barbaarta iyo Haweenku ka hano qaadeen. Haddii uu Hadraawi tuducyadaa hore ku caddeeyay ujeeddada loo dagaallmay, cidda lala dagaallamayay, in aanay dadku hummaag iyo dhalanteed qaadanayn iyo in ay naftooda halgankaa u hurayaan, waa kan isaga oo tilmamaay ciddii dagaallantay. Wuxuu yidhi:-

"Haddaanan haddaanan

Haddaanan Dhawaaqa

Hireyda wireyda

Hayaay ka cayda

Jihaadka Hargeysa

Barbaartu hagayso

Haweenka gadooday

Ka qayb gelin hawsha,"

20-kii-22-kii Feeberweri sidaa ayay taariikhda ma guurtada ah ugu xardhan yihiin. Waa maalmo shacbiya oo dadweyne. Waa maalmo gadood. Waa maalmo diidmo iyo babac-dhiig. Shacbiga oo ay hormood u ahaayeen Barbaarta iyo Haweenku ayaa gadoodkan iska lahaa. Markasta wuu dhici karayay. Goob kastana wuu ka dhici karayay.

Is weydiintu waxay tahay muxuu gadoodkaasi u dhacay saddexdii maalmood ee 20-kii-22-kii Feeberweri 1982-kii? Wuxuu u dhacay maalmaha gaarka ah, dhallinyaridii UFO ayaa Maxkamadda saarreyd oo dil iyo xabsi daa'in u taagnaa.

Maxkamaddaa iyo dhallinyaradaa taagnayd waxay gadoodkaa ku lahaayeen muddaynta. Jilayshaau waxay ahaayeen Barbaartii iyo Haweenkii gadoodka hubeysan ku tallaabsaday. Milgaha iyo maamuuska iyagaa lahaa. Xuska iyo xusuustaa iyagaa lahaa. Xurmada iyo qaddarinta iyagaa lahaa. Intii ku dhimatay, intii ku dhaawacantay, intii xabsiyada ku gashay, intii diiwaanada madow ee nidaamkii Siyaad Barre ku gashay iyo qaar kaloo badan . SHahiid Barre Xaaji Daahir Cilmi ayaa ahaa ardaygii maalintaa ugu horreysay shahiiday. Magaciisa ma maqallo. Intii la xidhay xidhay, intii ku dhaawacantay, intii abaabushay iyo intii horseedka u ahaydba ma maqallo. Maye heesihii iyo suugantii laga tiriyay maalmahan taariikheed ee ma guuranka ah?

Maalinba ninkii muraadlihi miyaanu dadka ka sheegan iyada oo ay intii badnayd iska shaqo tagtay iyaga oo aamminsan in ay xil sarnaa oo taariikhi aha guteen. Miyaan hadba kooxdii ama kii dawladda gala odhanin SNM xiligeedii wuu dhammaday, markuu caleen ahaan ugu soo dhaco Gargaarna odhan "Naafadii iyo agoontii xaggee la dhigay". Miyeynaan ka daalayn filimmada aynu kunka jeer daawannay.

Hoos aan u soo dego. 20-kii feeberweri oo habeen Isniineed ahayd ayaa tegay Ming Sing oo xaflad la yidhi munaasabaddaa ayaa lagu maamuusayaa lagu qabanayay. Bisin iyo ducaa dhacay Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa makrifoonka qaatay. Ku ye, Xaal ayaanu ka bixinaynaaye, raali ka haada wixi maanta Kheyriyada ka dhacay, dadka halkan ka hadlayayna waxaanu u sheegaynaa in ay mowduuca ku ekaadaan oo aanay siyaasadayn munaasabada. Yaabay oo garan waayay wixii saaka ka dhaay kheyriyada, hadalkii uu yidhi se hadal xun uma qaadan Shir-guddonka waxa fadhiyay dad u badan Kooxdii UFO, in kasta oo ay midkood ka soo dhacaday in qabanqabada munaasabaddan ay u igmadeen urur dhallinyaro oo aan sida muuqatay waxba ku lahayn agaasinka madashaa aanu joognay ee xusku ka dhacayay.

Yaabay! Oo is weydiiyay goorta kooxdani maalinta yeelatay ee ay gadheen heer ay meel fagaare ah ka yidhaahdaan: "Qabanqaabada munaasabadda cid ayaanu u igmannay". In aan riyoonayo iyo in aan soo jeedo ayaan kala garan waayay. Belo wa ta danbaysa.

Nimankii furitaanka xafladda noo dardaarweriyay, ayaa mar keliya is fireeyay, hadalladii meesha ka socday qadsiiyay majare siyasadeed oo malahayga la mid ahaa ama kaba fool xumaa kii subaxnimadii dhacay ee aanan goob joogga u ahayn. Wixii hadal xumo madashaa ka dhacay mar qudha ma ay waabin. Maan dhammaysan oo markiiba madashii intaan ka baxay ayaan iska hoyday. Illaahay waa ogaaye habeenkii oo dhan ayaan hadba dhinaca isu rogayay oo aniga oo aan laba indhood isu keenin ayaan salaad hore sidii ku shaqo-tegay.

Maalmihii sharfana ee ay ummaddani ka yeelatay maalmihi jaan ee Siyaad Barre ayaa baxsan la'. Oo weliba ka baxsan la' kuwii wax ku noqday ee ay ahayd in ay muuneeyaan. Waa ayaan darro haddii aynu isu aammusno oo waxba isu sheegi weynno qaladkana iska qaban weyno. Dhul, magaca maalmo, hanti iyo waxyaabo kale oo qiimo leh oo Qaran ahaan inooga dhexeeyay ayaa qof ama koxi iska qaadanaysaa oo ka aammusaynaa.

Haddii aynu soo qadnona hadalkeennu wuxu ku kooban yahay calaaalka taag wa ee qayilaadaha dadka lagu suuxiyo ee weliba inta aynu dhegta isu saarno aynu nidhaahno "Waxa dhacay ma maqasheen?"

Maalmaha xurmada iyo qaddarinta inaga mudan ma aha in la siyaasadeeyo o lagu yooyootamo. Madaxda Qaranka: dawlada iyo xisbiyoba hadallo la isku xumeeyo loogama fadhiyo. Dadku wuu dhego barjoobayoo ugama fadhiyaan inta hoggaaminaysa makrifoonno iyo joornaallo la isku qabsado. Miyaanay ayaan darro ahayn in aanay aragtideennuba buurtan kala jeexan dhaafsiisnayn. Bal ka warrama haddii aynaan ka war qabin oo aynaan ka hadleyn wax hareeraheenna ka dhacay ama is beddelada ka socda ka dalalka aynu jaarka nahay. Somaliya haba ugu horreysee!

Wiilasha UFO mid aan idhaahdo: Dhagaxtuurkii 20-kii-22-kii Feeberweri UFO ma aha, UFO-na ma laha Dhagaxtuurkii 20-kii-22-kii Feeberweri. Waa se laba dhacdo oo isku xidhan Muddaynta ayaa lahaydeen oo weliba gurmad la idiin ku ahaaye dadka ha ka sheeganina. Oo weliba waad ka sheegateen oo maalintii siyaasadayseene faraha uga qaada barbaarta iyo haweenka maanta leh ururrada tisqadka ah ee xuska maalintooda ka adag. Haddaad SORRA ahaan jirteen maanta urur siyaasadeedna wuu idinka baaba'ay, xisbiyo siyaasadeedna waa ka tirsan tihiine, dhex dhexad ma noqon kartaane maalmahan ka hadha.

Ma suurtowdo in aanu idinka idin xusno oo aanu iska ilowno kuwii ku dhintay ama ku dhaawacmay soo furashadiinni. La idin ma sheeline, waa la idin sheegaaye idinku ha iska sheegina. Maalmahana taariikhiga ah halka aad soo gaadhsiiseen waad ku mahadsan tihiine, ka hadha inta aydaan qudhun uga dhaadhicin. Sow tii hore loo yidhi "Hadalna sii dheh ba dhisay".

Waxa ila habboon in aad ka hadashaan oo aad culayska saartaan sababihii la idiin xidhay. Cisbitaalka Hargeysa markii aad nadiifinayseen miyaanay duur xul ahayn oo aydaan ku jirin halgan siyaasadeed? Miyaanay hawshaashi ahayd mid sharfan oo mudan in wax laga qoro oo la sheegto oo anay aasmin. Bal ka warrama Maxkamaddiinni? In kasta oo anaay gadhin, aama u dhigminba, miyaan lagu suureyn karin tii Rivonia ee Maandela la taagay iyo tii Nurenberg ee Nasiyihiinta? Miyeydaan wax ka qori karin? Buug, Riwaayad iyo filinba waa laga samayn karaa.

Hadda iyadii oo qoran waa la helayaa. Waxaad ka hadlayaa hadal qorkii maxkamaddaa lafteeda. Kuwaaba dururus laga faa'iidaysan karo ayaa ku jirta. Maxaad ku mutaysateen xabsi daa'inka iyo dilka? Ka hadla mowduucaan iyo waayo-aragnimadan aanay cidina idin la lahayne. Waa talo idin ma xaman Xaasha! idin mana caayine, inta la idin ku xanto ayuun baan idin soo qoray.

Ha dhibsanina aniga e' dhibsada inta nasteexa iskaga kiin dhigaysa ee intaa aan kor u idhi hoos idiin leh maalin kasta ama mar kasta oo ay idin arkaanba illaah wuxu igu og yahay wanaag mooyaane in aanan xumaan idin la jeclayn. Saxiibbo halgan wadaag ah ayaynu ahayn oo weligeed dibada iskuma aynaan soorin. Ma diiddani in Malamahan iyo dhacdooyinkani ay xidhiidh toos ah ama mid dadbanba leeyihiin. Waxaan diiday in la is cunsiiyo dadka qaarkina xuquudooda la duudsiiyo.

Madaxda dalka, Dawlad iyo xisbiga mid aan idhaahdo: Ma aydaan waayin madal, fagaare, qaab ama habab kale oo aad isku weerartaane, waxaanu magan idiin ka nahay in ay idinka nabad galaan maalmaha sharfan ee ummaddan u suntani. Waxaanu idin leenahay "Goojiya  ama ha goojinina, geele gu'gan dhalaya ayaa la idin ku tirinayaa". Waayaha taagan nin ogi, malahayaga weerar iyo af-lagaaddo midnaba ma haleelo.

Ururada Dhallinyarad iyo Haweenkana mid aan ku idhaahdo: Waad joogtaan heer aad ku hanaataane, maalmihiinna xejista oo ka adkaada alooska munasabadaha lagu xusayo idinka oo aan cidna ka jeedin cidna u jeedin.

Qormadani waa mid shakhsiya oo aanan cidna kaga wakiil ahayn. Ugu danbaynna aan afeef ka dhigto tuduc Hadraawi lahaa oo ku jiray tixdiisii Daalacan ee Deelleeyda:

"Geenyadayda Daalacan

Dabar Saari maaye

Dibso aan idhaahdoo

Dagagaro ayaamee

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

cankaabo@hotmail.com



The views published here are solely those of its authors (Boobe Yuusuf Ducaale) and do not necessarily reflect those of REDSEA-ONLINE.COM.
All articles on redsea-online

1. 15/05/2012 Gathering to commemorate Dr. Abdishakur Shiekh Ali Jowhar - Commemoration committee
2. 11/05/2012 Press Release from Camden Creative: Are you Somali of any age and background, and are moving permane - Camden Creative
3. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 31 October - Festival Books presents
4. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 30th October - Comedy Night with Boon Xirsi, Prince Abdi, Abdi Bahdoon &other
5. 20/09/2009 SWF - Events: Thursday, 29th October - Film night and Djibouti artist evening
6. 20/09/2009 SWF - Events: Wednesday, 28th October 2009 - One act the play ‘Baqayo Roged’
7. 20/09/2009 SWF - Events: Tuesday, 27 October 2009 - BME involvement in public bodies
8. 20/09/2009 SWF - Events: Monday 26 October 2009 - Young People and citizenship
9. 20/09/2009 SWF - Events: Sunday, 25th October 2009 - Family Day: Storytelling day for children and their parent
10. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 24th October 2009 - A day of pure poetry
11. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 23rd October 2009 - Launching of the Festival
12. 03/08/2009 Opinion on: Book review - Whose world is it any Way? By Shamis Hussein - Omer Aden E-mail : omerliban@gmail.com
13. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Lixaad - Isniin 27 Julaay 2009
14. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta shanaad - Axad 26 Julaay 2009
15. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta afraad - Sabti 25 Julaay 2009
16. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta saddexaad - Jimce 24 Julaay 2009
17. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Labaad - Khamiis 23 Julaay 2009
18. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Kowaad - Arbaca 22 Julaay 2009
19. 21/02/2009 Xog-waranka Abwaan Cabdilaahi Cawed Cige - Mustafe Sh. Cumar
20. 12/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Saddexaad - Axmed Yuusuf Ducaale
21. 11/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Labaad - Axmed Yuusuf Ducaale
22. 10/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Kowaad - Axmed Yuusuf Ducaale
23. 30/05/2008 Boqorka shaqsiyaddu waa kuma? Qaybtii 1aad - Farduus Siciid Dirir
24. 16/05/2008 HALABUUR, Journal of Somali Literature and Culture - hal-abuur
25. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982-kii ee dugsiga sare ee Timacade(qalax) ee Gabiiley, qaybtii 2-aad - Cali Cumar Xasan
26. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982 iyo dugsiga sare ee Tima-cade ama Qalax (Gabiley) - Cali Cumar Xasan
27. 22/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA. QAYBTII AFRAAD. - By Alpha
28. 20/02/2008 QAYBTII SADEXAAD EE LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA - By Alpha
29. 18/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAX TUURKA, Qaybtii labaad - By Alpha
30. 17/02/2008 Qaybtii Koowaad 20-Febaury 1982. Lix iyo Labaatan guuradii Dhagax Tuur - By Alpha
31. 11/02/2008 Barmaamij ku saabsan dadka xiskoodu dhiman yahay - Maxamed-Keyse
32. 28/01/2008 Qudbigii Suugaanta – Gabay - Bashiir Good
33. 25/11/2007 Hal-Abuur magazine relaunched - redsea
34. 11/11/2007 Gorfaynta Buugga “People on the Move” ee uu qoray Dayib Cabdi Askar. - Prof. Jaamac Aadan Cali
35. 11/11/2007 A critical review on “People on the Move” - By Prof. Jama Adan Ali
36. 29/06/2007 Buugga KARAAN: Xadhka-jiid ma gayo maamul Qaybta 2aad - Maxamed Yuusuf (Keyse)
37. 26/06/2007 Shirsannadeedkii Ururka Qoraaga Somaliland oo ka dhacay Stockholm 16/06/2007 - qoraaga.com
38. 26/06/2007 Buugga KARAAN Iyo Maansada Kasmo - Maxamed Yuusuf (Keyse)
39. 23/10/2006 Tixda Cabdilaahi Suldaan Timacadde & Ereyga “Soomaali” - Yasin Jaamac Nuux (Suldaan)
40. 13/08/2006 Baroordiiq (Tacsi) Abwaan Axmed Ismaaciil "Qaasin' - aftahan.org
41. 12/08/2006 Tacsi - Ururka Qoraaga Somaliland
42. 02/08/2006 Taariikh ku saabsan magaalooyinka Saylac, Berbera iyo Sheekh - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
43. 26/07/2006 Wargelin Muhiim ah: Xafladda Gardaadinta “Guri Waa Haween” ee Magaalooyinka Bristol iyo Cardiff - Maxamed Baashe Xasan
44. 17/07/2006 Book Signing Ceremony - Gobaad Communications & Press
45. 01/07/2006 Milicsiga maansooyinkii Abwaan "Qaasim" (Dad musbaar dhegaha kaga jiraan, maqal ka tuugaaye. 1964 Q. - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
46. 01/07/2006 Jebintii Jeelka Madheera Qaybtii 4-aad: Qorahu Wuxuu Soo Saari Doona Buug Ku Dhamaystiran Dhacdadani - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (alpha) — Bristol, Uk
47. 30/06/2006 Milicsiga maansooyinkii dhaxalgalka ahaa ee Abwaan "Qaasim" (Sidii baa ducaaloow biyaha loo dawariya - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
48. 10/06/2006 Jabintii Jeelka Madheera Qaybtii 3-aad: Afduubkii Diyaaraddii Somali Airline Ee Afar Iyo Labaatankii - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (Alpha)
49. 08/06/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Qaybtii 2aad - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
50. 5/6/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
51. 26/03/2006 OGEYSIIS:TODOBAADKA SOMALILAND EE YURUB - SSE
52. 23/03/2006 Labada Aqal Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Wadajir U Qaabiley Qoraa Weyn Oo Kenyaan Ah - somaliland.org
53. 20/03/2006 NETWORK OF DEVELOPMENT RESEARCHERS: HALF-DAY SEMINAR - SSE
54. 14/03/2006 School book with images of Prophet Muhammad banned in Somaliland - BBC Monitoring
55. 27/02/2006 GURI BA’AY - Maxamed Baashe X. Xasan
56. 20/02/2006 Milicso Maalmihii Ina Soo Maray – 20-ka February - Aamina Maxamuud Diiriye, Hargeysa, Somaliland
57. 19/02/2006 GPS: Burco Iyo Horumarku Maxay Ku Colloobeen? - Cabdillaahi Cawed Cige
58. 18/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan – 1944kii (qaybtii 6aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
59. 09/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (1944kii – 2006da) Q. 4aad - Boobe Yuusuf Ducaale
60. 08/02/2006 Safar Salaama iyo Xaflad Sagooti ah oo loo Samaynayo Abwaanka Gaarriye - aftahan.com
61. 08/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan 1944kii – 2006da (Q. 3aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
62. 06/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (Qormada 2aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
63. 04/02/2006 GEERIDII GADHLAY SHEEGAYAAN GACAL HA WAAYAANE - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
64. 04/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Marxuun Ibraahin Gadhle - Boobe Yuusuf Ducaale
65. 01/02/2006 Ibraahim Gadhle: Hal Abuur Iyo Gabayaa ka Galbaday Suugaanta Soomaalida - haatuf.net
66. 31/01/2006 Tacsi Geeridii Abwaan Ibraahin Aw Saleebaan (Gadhle) - RSOL
67. 30/01/2006 Sannad wanaagsan - 1427 - RSOL
68. 20/01/2006 Habka Dhismaha Maansada Soomaaliyeed - Cabdi Miigane Guuleed & Maxamed Cabdillaahi Riiraash
(somalistartpage.com)
69. 25/01/2006 Wareysi Dr. Georgi Kapchits - wardheernews.com (Copyright WDN 2006)
70. 18/01/2006 Somaliland Societies in Europe: War saxaafadeed - SSE
71. 31/10/2005 Nin Gumoobay - Ibraahin Yuusuf Axmed
72. 31/10/2005 Dhagartii Oogle (Sheeko) - Ibraahim Yuusuf Axmed
73. 11/10/2005 Somali poetry event: The great Somali poet Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye' in UK - redsea
74. 10/09/2005 MADHXINTA AFSOOMAALIGA - Maxamed Bashe X. Xasan
75. 07/09/2005 From Mechanic to Civic Leader: One man's active leadership brings better energy options to an entire - (from awdalnews.com)
76. 03/09/2005 Kuma ayuu ahaa Cabdilaahi Suldaan Maxamed "Timacade" - Abdifatah O. Abdi
77. 28/08/2005 AIDS And Circumcision - Rhoda A. Rageh
78. 28/08/2005 Duumo iyo Duullaan - Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
79. 28/08/2005 Dhibaatooyinka ku xeeran qoraalka afsoomaaliga iyo hirgelintiisa - Maxamed Bashe X. Xasan
80. 14/05/2005 "LADH" waa buug murugo, xiise, xasuus iyo xanuun intaba kugu beeraya - RSOL - Editor
81. 18/02/2005 Yusuf Haji Aden Was a Great Educationist - SSE Chairman
82. 18/02/2005 Tacsi Ururka Somaliland Forum - Guddiga Dhexe Somaliland Forum
83. 15/02/2005 Obituary: Yusuf Haji Aden was a great man - Mohamud Tani
84. 17/02/2005 Aas Heer Qaran Ah Oo Loo Sameeyey Abwan Yusuf Xaji Aadan
85. 03/01/2005 Ujeedo Xog Ururuuin Ka Timid Ururka Qoraaga Somaliland - SWA
86. 06/03/2004 Students Uprising Of Feb 20th Observed By SONYO - the Somaliland Times, ISSUE 109, Feb 21, 2004
87. 04/03/2004 Warsaxaafadeed "Ururka Qoraaga Somaliland" - UQS, Sweden
88. 28/02/2004 20-ka February oo markii ugu horeysay laga xusay magaalada London - London (Jam) - from www.jamhuuriya.info
89. 27/02/2004 20-Ka February Oo Loo Aqoonsaday Maalinta Dhallinyarada Somaliland - Haatuf, Hargeysa Feb, 22, 2004
90. 25/02/2004 «Materia Cinese Chinese Matter»: per una comunicazione universale - Elisabetta Marino, l'Unità 06.02.2004
91. 12/02/2004 Bandhig Buug: Jamhuuriya
92. 23/12/2003 “Materia cinese”: i ponti invisibili di Lina Unali - Elisabetta Marino
93. 16/08/2003 The Vice President told youngs in his Party that "My Teachers' Group" is a good example to follow.
94. 20/06/2003 Barre Hagi Elmi Ahmed: Tribute to an unknown martyr - Jama Musse Jama
95. 29/05/2003 Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalikayga Maalintaas (20-ka February 1982) - Khadar Ali Gas
96. 24/03/2003 A new section dedicated to the Somali Books
97. 21/01/2003 "Il Gazzettino" newspaper reviewed Layli Goobalay
98. 20/01/2003 Layli Goobalay on "IntercultuRadio" Radio
99. 4/12/2002 "Il Secolo XIX" reviewed Layli Goobalay
100. 3/12/2002 Layli Goobalay on Italian National Radio

Social Community
Join us today

There are currently, 179 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com