header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


redsea-online.com: Short Essay

Search on This Topic:   
[ Go to Home | Select a New Topic ]

Waxa qorey Maxamed Xirsi Guuleed (abdibashir)

Waa qoraallo taxane ah oo uu Maxamed Xirsi Guuleed kaga sheekaynayo Gabayadii dhirta iyo xayawaanka ee Cali Mooge Geeddi iyo waliba daahfur uu ku samaynayo shaqsiyadda suugaanyahannimo ee Alle ha u naxariistee Cali Mooge Geeddi.

Qaybta kowaad: HIBO HIIL WAYDAY(1)

Qaybta labaad: HIBO HIIL WAYDAY(2)


Waxa qorey Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne)

Marka hore Urur iyo Xisbi:
Waxaa la yidhi marka hore ha la samaysto ururro, ka dibna ha loo gudbo xisbiyo. Waa magacyo isku mid ah oo haddana la leeyahay maya ee aynu midba si ka dhiganno. Urur waa maxay? Waa isu-tag iyo xidhiidh kasta oo leh yool, ujeeddo, xeer uu ku hawlgalo iyo hab-dhismeed uu isku hoggaamiyo. Sidaas darteed dawladi waa urur, hay’ad madani ahi waa urur, shirkad ganacsi waa urur, xisbi siyaasadeed waa urur oo cid kasta oo hab iyo hannaan shaqo iyo hoggaan midaysan lihi waa urur. Goor dhow iyo goor dheer, ha sii jiro ama ha baaba'o e ma jiro wax diidaya in aynu bilowga horeba ugu yeedhno xisbi. Maxaa xikmadda ah ee ay ku fadhidaa in aynu nidhaa: “May ee marka hore waa urur ka dibna, haddii uu doorashada ku soo baxo waa xisbi! Midda kale waxaa la yidhi haddii uu doorashada ku soo bixi waayo halkaas buu ku tirtirmayaa! Oo taas iyo xorriyadda muwaaddinka, xaqii u lahaa in uu samaysto xisbi siyaasadeed, sidee la isu waafajinayaa?


Dayac muuqda:
Mar hore, lix iyo labaatan sannadood ka hor, bishii Noofambar 1986kii ayaan baabuur xururuf leh ku maray Huddisa iyo agagaarkeeda. “Fooxlaha islaamaha, faraqooda baadhiyo, waar ma faaliyaad tahay, maxaa felegga kugu diray, warka faalladiisa na, faahfaahin maayee, fahan oo ujeeddada, faraskaagi laga badi” iyo dhaayo la'aan aanan dhulmarin ayaa dharaartaas iga daahay haddii dayac ka jiray jidka hallaasiga ah iyo agagaarkiisa.


Isha Qarsoon waa qoraalo taxane ah oo uu Cabdillaahi Cawed Cige ku eegayo Somaliland iyo safarkiisa xagaaga 2011. Halkan ka eeg qoraalladaas:


Qoraalkani waxa uu qayb ka yahay aqoon-baadhis ay wada sameeyeen hay’adda Candlelight iyo Jaamicadda Camuud. Waxana uu ku saabasan yahay sida uu doorsoonka cimilo u saameeyey xoolo-dhaqatada.

Waxa AfSoomali u dooriyey: Ahmed Ibrahim Awale

Dhaqan-ahaan, xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed, xilli go’an mooyaane, si joogto ah sumalka uguma daraan idaha. Waxana ay sidaas u yeelaan in dhalmadoodu aaney ugu beegmin xilli adag (sida Jiilaalkii oo kale), oo aaney isugu darsamin caatonimo iyo dhalitaan, ka dibna laga yaabo in ay abaarta ku riiqdaan oo ka soo doogi waayaan. Habeenka la yidhaahdo "Dambasame" ayaa ah amminta ay xoolo-dhaqatadu sumalka idaha ku sii deyso si ay u rimaan. Habeenkaasi waxa uu ka horreeyaa 150 maalmood xilliga uu roobka gu’gu bilaabmo. Sidoo kale, Dambasamuhu waxa uu ku dhacaa ama galaa 120 cisho ka dib habeenka Dab-tuurka (Dab-shidka ama Nayruuska) oo Soomaalidu ku suntato habeenka 1aad ee Sannadka Soomaalida. Habeenkaas (Dambasame) waxa uu ku beegmaa badhtamaha Deyrta (bisha Nofembar), kolkaas oo (sida ay Soomaalidu u taqaan) dayaxu la jiro xiddigaha ‘Urur-ka” oo ay Soomaalidu u taqaanno “Laxo”. Sidaasbey iduhu 150 cisho ka dib dhalaan oo ugu beegmi jireen xilli roobku si fiican u da’ay (hilaaddii 15ka Abril). Waana xilliga la yidhaahdo “marka ay laxo dhacaan, ayey laxo dhalaan”. Is-beddelka ku dhacay habeen-tirisigaas, oo loo tiirin karo doorsoonka cimilada, waxa ay badi bulshada reer-guuraaga ahi dareentay bilowgii toddobaataneeyadii boqolleydii (qarnigii) laga soo gudbey.


In door ah ayaan ku talojiray in aan u kuurgalo xaaladda adeegga caafimaad ee magaalada Burco. Uma baahnid in aad kuurgasho, uma na baahnid aqoontii Aynistayn(Einstein), halkaas sida birta laydhka uun istaag oo wax eeg.

Wax badan baan eegay, waxa na iiga soo baxay sawir murugo leh. Baahida guud ee bulshada ka haysata waxa loogu yeedho daryeelka aasaasiga ah waxa kaga sii daran aayaxumada aqoonyahanka, siyaasiga iyo hoggaanka bulshada. Il u furan oo xal lagaga baxo dhibaatooyinka isdul tuurani ma jirto, waa agaraadam.


Isha Qarsoon waa qoraalo taxane ah oo uu Cabdillaahi Cawed Cige ku eegayo Somaliland iyo safarkiisa xagaaga 2011. Halkan ka eeg qoraalladaas:


Waxa qorey Mahdi Sheekh Cabdi

Kuma weeyi keenna jecel inuu guul daraysto? Ilama aha in maskax fayoobi ku dhiiranayso jawaabta ah “ani” ee su’ashan suaal kale aynu iswaydiino maxaan u guul daraystaa halka qaar kale yihiin Guulystayaal? Jawaabta looma bixin karo si kula soo booda ah waayo kuwo iyagu had iyo jeer hareera jooga Darka Guul darada ayaa ku adkaysta inay had iyo jeer yihiin kuwo faashiliin ah, waxayna ku dheganyihiin in dhigooda kale yihiin kuwo Guulaysta, nasiib darro kuwani way badan yihiin meel kastana way joogaan waqti kastana waa la helayaa gaar ahaana waqtigan aynu joogno iyo Bulshadeenan

Sida ku dhacday Wiilkan Dhalinyarada ah ee agtayda Bunka ku cabaya ee ka sheekaynaya inuu ka qalin jabiyay mid ka mid ah Jaamacadaha Dalka, subax kastana uu u soo jarmaado shaqo raadis ishana la raacraaco Warbaahinta dalka hadii uu arko Boos shaqo oo banana uu degdeg u geeyo Codsigiisa balse ilaa hadda aanu maalina ku soo bixin xataa Liiska la kala hufay.


Waxa Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed deeq)

Kuguma dhalan, kuumana dhalan. Haddana dharaartii aynu kulanay baad dhinbiil caashaq wadnahayga ku beertay. In badan ayaan afkayga ka dhawray ku dhawaaqa kalgacalka aan kuu qabo. Maantase waxaan kuu cadaynayaa in jacaylkaagu jidhkayga bariinsaday. Kalgacalka igu talaalmay ee aan kuu qabaa wuxuu gaadhay heer aan bogayga iyo beerkayga dhexdooda kaaga bineeyo beer aad ku raaxaysato. Xidhiidhkaa dahsoon ee dareenadeena hoose isku hayaa haddii uusan jirin, erayadani kama soo burqadeen halbawlaha jidhkayga. Kuuma war wareen, kaamana walaaceen.

Soddon gu' oo aad duq hoos gal galanaysay waxay yididiilo tireen gurboodkaaga gaashaan qaadka ah. Waxaad wayday haybadii aad adduunka ku lahayd. Waxaana hagaasay hormoodnimadii ay Afrika iyo Carabiba kugu majeeran jireen. Heeryada ku saarnayd sida aad u qabatintay iyo nuux nuuxsi la'aantaada waxaan moodi jiray inaad doqon tahay. Haddase waxan ogaadey inaad samirkii Ayuub lahayd. Oo maxaan u ogaan waayay miyaadan hal hays ka dhigan tuducan gabayga ah "Sabre oo sabre, illaa uu sabirku ka caajiso sabirkayga". Miyaanu sabirka laftiisu maanta ka caajisnayn sabirkaaga? Oo tolow haddii aanu Soomaali nahay ma kula mid baanu nahay oo waxa iman doonta maalin uu sabirku ka caajiso sabirkayaga?.


Sheeko: Waxa qorey Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed deeq)

Maan guursan, imanay guursan; ee waanu is guursannay. Ma jecli inaan kaaga warramo sidii ay ku noqotay ooridayda iyo goortii aannu is guursannay, baahi badanna uma qabtid ogaanshahooda. Waayo hadh iyo habeen waxaad aragtaa dad gurigooda la yagleelayo iyo sida ay isku guursanayaan, annaguna dadkaas ayuun baanu ka mid nahay. Haddiise laga tegi waayo waxaannu wada joognaa muddo ku siman sannad. Muddadaa dhib iyo dheefba waxaannu kala mudannay waxay ku yaallaan diiwaanka xusuus qorkayaga. Ka soo gudub, haddii aan iyana wax yar kaaga bidhiiqiyo qaabkii is calmashadayada, horta sida aad sawiran karto laba qof mid uun baa wax caashaqa, ka kalena waa la jeclaadaa. Haddaba aniga ayaa jeclaaday, iyaduna iguma nicin kalgacalka iyo caashaqaas. Bal iyaba waa yaabe, aniga oo jecel, haddana bilowgii si bay iigu ad adkayd, is fahankayagu ma wanaagsanayn; la jooggeeda aad uma jeclaysan jirin, la kulankeedana waaban ka meer meeri jiray.


Waxa qorey Faarax X. Maxamed "Canbaashe"

Waa Sannad abaar ah oo xoolihii intii noolayd caato awgeed istaageen. Intii duxda lahaydna beri hore jiilaalka daba dheeraaday lagu mooday. Waxay in badan oo waayeel ahi ka sheekeeyaan in tan oo kale aanay beryahan soo marin. Laakiin marka run loo hadlo, waqtiga inta abaarta iyo inta aaranka ahi waa isu dhigmaan ee iyaga ayaan ka gaashaman oo aan haba yaraatee u diyaargaroobin. marka dhibicda roob ahi raagtona waxay isugu sheekeeyaan tan oo kale inama soo marin.

Reer Doogmareeb waxay isugu jiraan xoolo dhaqato iyo xoogaa tuulada ku war wareega oo meherado yar-yar ku haysta. Xilliga barwaaqada ah ayey tuuladu aad u camirantahay, marka degaanka xoola dhaqatadu ku soo dhowaado. Marka jiilaalku soo galona waa laga hayaama oo halkii dhibic roob lagu haybiyo ayaa loo dhaqaajiyaa geediga. Sidaasoy tahay haddana socoto iyo safar mar mar soo dhaca ayaa ku kulma. Waa halka benderka u ah ee xogta, garta, iyo wixii kale ee war iyo wacaal ah lagu kala qaato, oo soomaalidu sideedaba waa war ku nool. Goor galab ah oo cadceedu galbeed u badatay ayaa tuuladii waxa isugu yimi dhawr oday, qaar socoto ah, kuwo sahan ahaa oo ku sii hakaday iyo qaar kale oo baadi doon ahaa. cidina uma ballansanayn wax qorshe ah oo ku talo gal ah. Hase ahaatee sidii sheekadii iyo haasaawihii loo waday ayaa la isweydiiyey, “oo sidaynu yeelnaa waatanoo Jiilaalkii daba dheeraa reerihiina wax dufan ah oo dib loo rogo laguma oga’e ayaa lagu celcelceliye” horta caawaaba inoogu daran ee xagaynu ka helnaa wax oomati oo aynu ku meel gaadhno ayaa la raaciyey”.


by Cabdillaahi Cawed Cige

“Taxies” said the stress-filled voice of a lady on the phone.
“Can you send me a cab please?” I said.
“Where are you luv?” She asked.
“Toxteth Town Hall” I replied.
“The blue door luv?” She wanted to make it sure I guess.
“Yes, the big blue door” I confirmed to her. “And where are you going luv?”
“Renshaw Street” I told her my destination.
“Be with you in a minute” She said and hung up the phone.

It was not literally a minute but it was quick. I jumped into the front seat and greeted the driver, a middle aged, slightly overweight male. “Good morning sir” I wanted to have a safe journey so I followed my initial ‘Hi’ with a more formal greeting. He sounded and looked fed up. I know this guy, I travelled his cab before. He’s never happy. We had long discussions about the current economic climate and his views of the causes. He thought particular sort of people were to blame the economic difficulties we are in.

“Where are you going?” He said grudgingly. I am trying to avoid having the same argument with him again and again.
“Renshaw Street please” I said.


Social Community
Join us today

There are currently, 195 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com