|
Wisdom of the Day
|
| ...daily updates... | |
Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi suugaan |
|
|
 |
|
Waxa qorey Maxamed Xasan "Alto"
Waxaa dhowaan mar kale qabsoomay Festifaalka Toddobaadka Soomaalida [FTS] ee London ee sannadlaha ah oo gacansaar la lahaa Redsea Online. FTS 2011ka wuxuu festifaalladii taxanaha ahaa ee London, Boqortooyada Midowdey, ku qabsoomi jirey laga soo billaabo 2004tii, ka galay taariikh lama illaawaan ah. Wuxuu noqday kii ugu tayo iyo tamar wacnaa. Waxay dulucda FTS ee sannadku ahayd tarjumid. Waxaa la soo bandhigey buugag tarjuban oo tiro badan. FTS wuxuu sannadkan wada shaqeeyn la lahaa Xarunta Tarjumidda Maansooyinka iyo Agaasimaheeda Gabyaa Sarah Maguire. Waxay XTM tarjuntay maansooyin xul ah oo ay leeyihiin dhowr gabyaa oo ku casumnaa FTS.
|
|
Sannadkan oo mowduuca lagaga hadlayay Toddobaadka Dhaqanka ee Somali Week Festival uu ahaa turjumaadaha ayaa waxa lagu xusay sannadguuradii 30aad ee ka soo wareegtay geeridii Alle ha u naxariistee Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal. Waxa lagu soo bandhigay madasha buug lagu soo ururiyey warbixino ay ka qoreen shaqsiyaddiisa dadkii yaqaannay Muuse Ismaaciill Galaal. Buuggaas oo isku dubbaridey Jaamac Muuse Jaamac waxa u sameeyey hordhac professor I M Lewis, waxana qoraalladooda lagu soo bandhigay Anita S Adan, Sheila Andrzjeweski, Martin Owen, Georgi Kaptchits, Alexander Zholkovsky iyo Sarah Maguire iyo Jaamac Muuse Jaamac.
Waxa ka hadlay Muuse Galaal, oo soo koobay aqoontii iyo cilmibaadhistii laga dhaxlay Jaamac Muuse iyo Martin Owin oo labaduba ku dheeraaday qiimaha ay leedahay culuuntii uu ka tagay marxuunka iyo sida loogu baahan yahay in aqoontaasi ay ifka marlabaad ugu soobaxdo si cilmibaadhayaasha maantu uga dhigtaan tixraax, islamarkaana ay ummadda inteeda kale u gaadho.
Wuxuu sheegay Jaamac Muuse in Muuse Ismaaciil ahaa "cilmibaadhe, saynisyahan, xusuus xejiye, abwaan iyo suugaan dhaadhi shaqadiisa lagu xusuusan doono kaalintii uu ku lahaa qoritaanka farta soomaaliga ee hadda la adeegsado iyo kaydintii uu kaydiyey aqoon badan oo ku salaysan hiddaha soomaalida. Ayaamihii u danbeeyey ee noloshiisa waxa uu ahaa odey-soomaali talo loola tago", waxaanuu ka warramay meelihii uu cilmibaadhista ku sameeyey Muuse oo ay ka mid yihiin Xiddigska, Taawisha Roobka, Faalka
|
|
All photos: © by Chiara Ceolin
This year’s Somali Week Festival was finally launched last night with an opening speech of the evening by the deputy mayor Richard Barnes, to a fully seated Oxford house. The deputy mayor stressed the importance of the cultural contribution by Somali people to the diverse, vibrant and creative London.
The theme of the festival this year is Translation, and a number of highly distinguished writers, poets, musicians and intellectuals are invited to present translated work and discuss the importance of translating literature.
|
|
Waxa qorey Maxamed Xirsi Guuleed (abdibashir)
Waa qoraallo taxane ah oo uu Maxamed Xirsi Guuleed kaga sheekaynayo Gabayadii dhirta iyo xayawaanka ee Cali Mooge Geeddi iyo waliba daahfur uu ku samaynayo shaqsiyadda suugaanyahannimo ee Alle ha u naxariistee Cali Mooge Geeddi.
Qaybta kowaad: HIBO HIIL WAYDAY(1)
Qaybta labaad: HIBO HIIL WAYDAY(2)
|
|
Waxa tirisey Canab Guuleed
Gabaygan la yidhaa Baal dahab waxa tirisay Canab Guuleed sannadkan 2011ka waxayna kaga qayb gashay oo ay ku soo bandhigtay carwadii buugaagta ee sannadkan Hargeysa lagu qabtay (Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa).Canab waa badhiggii saddexaad ee ay Hargeysa kaga qayb gasho. Ka qaybkalkaa bandhigga iyo iyada oo akhriday buugga la yidhaa Guri waa haween ee uu qoray Maxamad Baashe Xaaji Xasan iyo qaar kale oo badan ayaa ku dheliyey inay tiriso gabaygan. Waa abaalgud ay ugu talagashay inay ugu hiiliso qorayaasha Soomaaliyeed oo ay qaarkood halkan ku xustay.
Bilawgiiba furaheenna waa, lagu badbaadshaaye
Baal kama maraynoo belaa, lagu xijaabaaye
Bismillaahi barakada Allaa, barada noo taalle
Isusoo boqoollaye dadow, barashadii waarta
|
|
Waxa qorey Cabdillaahi Cawad Cige
Waxa aan ka degay garoonka dayuuradaha ee Berbera bishii Julaay 11keedii, waxa aan Somaliland dib uga dhoofay 18kii Sebtember. Muddadaas aan dalka ku sugnaa waxa aan arkay halis badan oo bulshadu, iskeed iyo jujuub ba, dhexqaaddo. Waxa ka mid ah baabuurta rakaabka ee u kala gooshta magaalooyinka, mid loo sameeyay inuu afar rakaab ah qaado ayaa siddeed qof iyo xamaamadoodii lagu cufayaa.
Waxa aan ka degay garoonka dayuuradaha ee Berbera bishii Julaay 11keedii, waxa aan Somaliland dib uga dhoofay 18kii Sebtember. Muddadaas aan dalka ku sugnaa waxa aan arkay halis badan oo bulshadu, iskeed iyo jujuub ba, dhexqaaddo. Waxa ka mid ah baabuurta rakaabka ee u kala gooshta magaalooyinka, mid loo sameeyay inuu afar rakaab ah qaado ayaa siddeed qof iyo xamaamadoodii lagu cufayaa.
Waxa ka mid ah dayaca jidadka waaweyn oo halis gaar ah ku haya baabuurta. Waxa ka mid ah qashinka jidadka magaalooyinka lagu dhex urursho, fursad ka wanaagsan oo bakteeriyada iyo jeermiska la siin lahaa ma jirto. Waxa ka mid ah dayaca cisbitaallada ka muuqda oo halistiisa ku haya bulshada, gaar ahaan kuwa jilicsan ee bukaansocodka, haweenka uurka leh iyo dhallaanku ka mid yihiin.
Waxa se jirta halis kale oo aan soo arkay.
|
|
Waxa saaka ku geeriyootay magaalada Landhan Faadumo Qaasim Hilowle. Faadumo waxa ay ka mid ahayd hobolladii Waaberi. Faadumo ehelkeedu waxa ay sheegeen in aanay u jiifin xanuun ah oo warwar keenaa, balse isla maanta uun lagu soo boodey.
|
|
Dugaal
Waxa tiriyey Faarax Axmed Cali (Faarax Gammuute)
"Hohe malaha Soomaalidaan, hoos waxbaw dayine", ayaa, Alle haw naxariistee, Cabdullaahi Suldaan, 'Timacadde', laga reebay. Mar waxaan idhaahdaa, "Inuu tan soo gaadho, mawqif lagu hirtana uu ka qaato, midh lagu yeeshoodana uu ka yidhaahdo ayay ahayd". Marna umalkeedaan uga tudhaaye, maansaa waxay tidhi:
Durriyadaa layga beeray
Anay igu dayanayaane
Inaan danta guud wanaajo
Dariiq igu toosan weeye
Xil baa dumadayda saaran
Daryeel weli iga sugaaya
Hiyigu daaraan huraysa
Hadduu hadba iga damqaayo
Rag baa iil deden dhex jiifa
Xaggaygana soo dayaaya
|
|
by Shafi Mahamoud
Dear friends and family
I will take part in the BUPA Great Birmingham Run on 23 October 2011 to support a important project which aims to build the first public library in Somaliland in the city of Ceerigaabo .
Imagine a nation that has risen up from the ashes after a brutal dictatorship which has destroyed everything and all community cohesion and rebuilt itself into one of the greatest democracies in Africa , however has not yet managed to build a single library for its citizens?
During a recent ‘Moving Library’ tour across Somaliland , the severity of the problem posed by the lack of libraries and the disadvantage that it places on our young population became painfully obvious. Ceerigaabo, which is 15 hour drive from the Capital Hargeysa, has a population of 70% young people. The city has no arts and cultural centers, not a single library or book shop, no magazines or newspapers or internet or wireless available. Access to a public library will give the people of Ceerigaabo `specially the young, the opportunity to read and discover the kind of powerful information that will make a difference to their lives and by extension to the whole Somaliland community.
Note: Please distribute this flyer to your friends
|
|
Waxa qorey Mahdi Sh. Abdi Ahmed
Kala carrawgii, Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa ee Sanadkan, fiid ay intii isku balwad ahayd goob isugu timid, ayaa ruux kastaa dhiniciisa raali uga noqday. Bandhiggu sida uu u qurxoonaa maalmihii uu socday, waxana uu ku diirsaday mugga iyo haybadda dadka goobta isugu yimid, waxayna dareensan yihiin inay caawa tahay wadhaamintii dhiisha usbuucba la ruxayay iyo subageedii oo la wada sugayo, ruux kastaana diyaarsay dhitadii dheefta subagiisa, sida mahiigaan beerihii helayna maashayn doona inta isku hiwaayada ah ee goobta ku sugan.
Alla wacnaayaa Bbrcadkii dhiisha sida fiican loo culay loona iidaamay ka soo baxay, dhulkuu qaboojiyay ninkii goob joog ahaa ayuunbaa, dhiiftiisii garanaya, kii ka maqnaana codsi muxtaram ayuu diray oo mar labaad dhiisha culayga loogu celiyo caanahana dib loo lulo.
wayna noqotay, sidii aanu filaynay, “Xusuus Wadareed” Masrixiyad intii Goobta Joogtay marna ka qoslinaysay marna qiiro gelinaysay, qaabka riywaayada loo dhigay ayaa ahayd “hadal is dhaafsi”.
|
|
 |
Social Community
| Join us today |
There are currently, 79 guest(s) and 0 member(s) that are online. Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!
|
Editor Pick
|
| A brilliant work co-ordinated through many continents by Rhoda A. Rage. Read it more |
|
|
|