 |
| ...daily updates... | | Haweenkuna waa duggaal
Deeqdaada badh bay yihiin
Waxaa lagu daaqayaa
Siday u dul leeyihiin
Shar daalacan baa jiree
Iyagu dedan bay dhasheen
Dunuubta ninkay badhxaan
Rabbow ducadayda sii
Samaa dumar noogu dhiib,
Raggana dummaddooda saar
Waxay dumiyeen Rabbow
Haddaanay xumaanta deyn.
M I W Hadraawi. |
|
|  |
Welcome to redsea-online
We are trying to build a bridge, an invisible bridge, to connect two different worlds in the jungle of the Information Technology;
We promote Somaliland culture in the written word and we wish to collect books, traditional games, software and any other references that have to do with Somaliland people and culture. We wish to expose these first hand references to the visitor;
We host and maintain a somali-english-italian trilingual online dictionary;
We wish to build a Somaliland Cultural House in the era of Information Technology.
|
|
W/Q Mustafa A.Nuur
manmustafa@gmail.com
Waxaan is waydiiyay gorfaynta ay buuggaagta Soomaalidu qorto ku sameeyaan akhristayaasha soomaaliyeed, gorfayn ma yihiin oo ma ku filan yihiin in loo qaato tusaale markasta oo buuggaasi la soo hadal qaaddo?
Maxaa looga baahanyahay in buug la gorfeeyo? Waa maxay aragtida ay xambaarto gorfaynta buuggaagtu ee ay u gudbiso akhristaha? Gorfaynta buug lagu Sameeyaa maxay faa’iido ugu filantahay qoraha buugga? Markase buug la gorfaynayo ma qoraha buugga iyo shaqsiyadiisa ayaa hagaysa gorfayntaada oo isaga sawirkiisa nololeed ayaa hortaada yaala marka aad qalinka iyo warqada is dul qabato,mise waxa uu qoray iyo inta aad ka fahamtay oo keliya ayuu qalbigaaga iyo maskaxdaaduba ku maqantahay oo aad wax ka odhanaysaa ama aad gorfaynaysaa?
|
Dadka akhirska jecel waxaa loogu bishaaraynayaa in uu dib u dhashay wargeys-xilliyeedkii HALABUUR ee Suugaanta iyo Dhaqanka Soomaalida, ee sannadihii sagaashannada ka soo bixi jirey dalka Ingiriiska.Waa wargeys-xilliyeed caalami ah oo xambaarsan murti iyo aqoon aaney jirin meel kale oo laga heli karo iyadoo ku qoran afkaaga hooyo.
HALABUUR wuxuu xambaarsan yahay qoraallo cilmi ah, warbixin aqooneed, iyo suugaan jaad walba leh; sida gabayo, heeso, sheekooyin, riwaayado, murti, maahmaah iyo waraysiyo xiisa leh oo intuba ku kala qoran labada af ee Soomaaliga iyo Ingiriiska.
HALABUUR dadka wax ku qora badankoodu waa aqoonyahanno dunida laga yaqaan, xeeldheerayaal Soomali iyo ajnabiba leh, qorayaal iyo abwaanno Soomaaliyeed oo caan ah iyo hal-abuurro dhallinyaro ah oo kaa haqabtiraaya hibo soo ifaysa.
HALABUUR wuxuu kaa doojinayaa harraadka aad u qabto dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Wuxuu kula socodsiinayaa waxyaabaha cusub ee ka dhacaya dalka iyo meel kastoo ay ku nool yihiin dadka Soomaliyeed.
Note: (read this article in english: here
|
W.Q Farduus Siciid Dirir
fardusita624@hotmail.com
princessaminafardus@gmail.com
Noloshii reer miyiga ama reer guuraaga ee soo jireenka ahayd, ayaa sida lawada ogsoonyahay ku dhisnayd haweenka.
Haddaba iyadooy sidaa tahay intee in le’eg ayaa qofta dumar ahi xannaano heli jirtay? Sida aan ku hayo taariikhda dhabta ah ee xilligaas, may jirin inyar oo xanaanayn ahi iyo naxariis midna haddana cabasho iyo hawl dib uga dhac midna may lahayn.
Aan uga sii daadago ujeedddayda iyo waxa igu kalifay.
Waxad moodaa dhawaanahan in ay soo burqamayaan haweenka qaatay qallinka oo khadka darsaday, marka la barbar dhigo sanadkan u danbeeyey, oo hableheenii aad moodo in ay ka xuub siibanayaan caalamkii ay dadkeenu ku xabbisi jireen dumarka ee ahaa ‘‘gabadhu waa inay fikirkeeda ku koobto nafteeda iyo caruurteeda ama gurigeeda’’.
Waa guul inoo soo korodhay haddaynu nahay haween iyo ragba, gaar ahaan haweenka. Illeen dee booskeenii wuu banaan yahee, midkalena la socdoo dalka iyo dadka inta maanta ka dhimani waa inteenii oo dhinaceena ayaa looga soo gallay wadankeenee.
|

by Izzy Birch (2008-05-13)
from (http://www.pambazuka.org/en/category/books/48048)
‘Why write a book about Somaliland, a lightly populated region on the edge of Africa which, if the international community had its wish, would be reincorporated into a federal Somali state?’ The author, Mark Bradbury, answers his own question by filling an important gap in the literature on Somali studies. The book, written by someone who has been deeply engaged with the region for many years, provides a comprehensive and inspiring account of how people in Somaliland and its diaspora ‘debated, defined and created a new polity’ in the aftermath of war, and in so doing challenged normative assumptions about what states look like and how they are built.
The book tells the story of the process of state-building in Somaliland from the start of European colonisation in the early 19th century to the holding of multi-party elections in September 2005. Two notable characteristics of the political system that has taken shape in Somaliland since it declared its independence from Somalia on 18 May 1991 are its fusion of modern and traditional forms of political organisation and its strong roots in society.
|
W.Q Farduus Siciid Dirir
fardusita624@hotmail.com
princessaminafardus@gmail.com
Salaanta islaamka ayaan idinku wada salaamayaa, akhristayaal iyo soo daabacayaashaba.
Waxa aan aad ula yaabbanahay sida dhallintii dalka iyo dadkaba loo qayb-qaybiyay ee yagii laysaga hor keenay!!.
Kaba darane sida ay u kala raacsanyihiine waliba ugu kala doodayaan.
Kaba sii darane sida ay isugu hubaan, ee mararka qaar ugu dhaaranayaanba iyo waliba siday wakhtigooda ugu hurayaan.
Ninkii yaabay muxuu yidhi ma anaa waalan? Mise cadan baa laga heesayaa? Anna waxaan leeyahay dhallintii halkee loo wataa? Halkee loo dareersaday, loola qulqulay?
|
 W/Q Cabdillaahi Cawed Cige
Maxaad ku falaysaa hurdada, sow xafladdii berri u ambabiximaysid? Ayay naftaydu igula shawrtay habeenkii Sabtida. Nacasnimada jooji, haddii aad si fiican u gami’weydo naf yahay sidaad wacdaraha dumar iyo rag ka dhigi doonaan madasha loo ballansan yahay u liqi doontaa; ayaan naftaydii kula taliyay. Hurdadii kama dhergin, naftii se wixii ay goobtaas kala kulantay xusuus dheer iga dheh.
Maalintii Sabtida ee bisha Mey 10ka ahayd, waxa madal caan ah oo York Hall loo yaqaan, kuna taal xaafadda Bethnal Green ee Bariga Landhan ka dhacday xaflad ayay qabanqaabadeeda ka soo shaqaysay Ayaan M Cashuur. Xafladdaasi waxa ay hordhac u ahayd dabbaaldegga 17 guurada ka soo wareegtay soo noqoshadii Jamhuuriyadda Somaliland, waxa loo qorsheeyay in taageero dhaqaale loogu ururiyo Jaamacadda Burco, gaar ahaan qaybta Afka Soomaaliga iyo Dhaqanka.
Martiqaadka xafladdu wuxuu dhababaco noogu yimi magaalada Liverpool. Waxa aannu madashii xafladda isu daruurrinnay afartii galabnimo.
Inkasta oo aannu, sida wakhtiyaynta barnaamijka ku caddayd, soddon miridh habsan ahayn, haddana sidii, dhaqan ahaan, caadada inoo ahayd waxa aannu gaadhnay madashii oo dadku qalamaanyo ku yahay.
|
W/Q Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
Waa dabciga aadamiga iyo noolaha oo dhanba in haddii degaanka lagu nool yahay si uun u xumaaado in meel kale looga hayaamo. Waxaa kale oo dabciga aadamiga iyo noolaha oo dhan ka mid ah in laga qaxo aafooyinka dabiiciga iyo colaadaha, naftana lagula eerto dhul nabad ah si loo badbaado. Garaadka iyo dhaqanka dadka ayeyse u gaar tahay dhacdooyinkaas in dib loo qiimeeyo lana xusuunaado oo waaya’aragnimadeeda la isu gudbiyo iyada oo loo tebinayo sheeko ahaan, maanso ahaan, qoraal ahaan ama farshaxan ahaan.
Haddaba buugga Is-dhiib wuxuu ka mid yahay maayad xooggan oo dhowaan halabuurka soomaalida ku soo rogmatay. Waa nooc qoraal cusub oo ka dhashay xaaladaha nololeed ee lagu sugan yahay labaatankii sano ee ugu dambeeyey. Waa soo gudbinta, sii gudbinta iyo kaydinta waayaha qofeed ee qaybta ka ah waayaha ummadeed.
|
W/Q Cabdillaahi Cawed Cige
(C) CCC2008
Haddii aad sheekadan akhriyaysid waxa, boqolkiiba boqol, hubaal ah in aad nooshahay. Haa nooshahay, naftii kugu jirto oo aanad weli dhiman.
Maya, su’aalaha aad doonayso in aan kaaga jawaabo kuu gelimaayo waxa aan se kaaga bilaabayaa markii Negaad iigu dambaysay iyo sidii arrin ahaa. I raac oo bal ila wadaag noloshaydii, badhaadhe iyo ba ka ay ahayd. Waxa se aan ku qabo dunidayda cusub iyo in aan idinka raystay iyo in kale waa sheeko aanan kuu furfurayn.
***
I. Habeenkii amranaa
Wakhti madasha arooska sidan looga soo buuxsamay ma aan ogayn, anigu kolkaan meesha soo galay cid badani ma joogin, lix miis baa la fadhiyay aniguna ka toddobaad oo barta caruuska iyo caruusadda loo goleeyay u dhow ayaan keligay iska fadhiistay. Waxa aan ahaa meyd soconaya, wadnahayga gariirka ka baxayay wuxuu ruxayay feedhahayga oo dhan, caguhu way i barareen, baabacooyinka dhidid baa hibitiqayay, afka waxa ka dhammaatay candhuuftii, in aan suuxo ayaan miridh kasta ka cabsi qabay. Cadaadis iyo culays aan ka baqayay inay i dilaan ayaa igu yuururay, in aan dhinto ma aan jeclayn, dunida waxba kama aan qabsan, xoolo igu filan ma dhaqan, daaro badan ma lahayn, waxaas oo dhan waxa iiga sii darraa inantii qalbigayga ruxday ee noloshaydu daraaddeed u marmaroorsantay in aan ka dhinto oo iyada oo aan HAA i odhan ka dhaqaaqo ma jeclayn, maxaa se dhacay?
|
Raising funds for SABAR
A project committed to support a family with large disable people. The projects aims it to deliver rehabilitation and support for extremely vulnerable and marginalised groups, specifically groups of disabled persons. The group is now being formalised with the charity commission. Established and initially sustained and personally funded in London by a volunteer (Mrs. Farah). Initial funding consisted of digging bore holes and wells, building accommodation, identifying carers and establishment of credit facilities with local food. The funds raised during this event will assist in the construction of suitable living accommodation, which will relief the family from the hardship they are facing currently.
High Profile Delegates:
Maxamed Ibrahim Warsame Hadraawi
Sheikh Abu Hanifa (Islam Channel)
Sheikh Suhaib Hassan (Islam Channel)
Sheikh Usman Usuli (Finsbury Mosque)
Sheikh Saeed (Al-Huda Mosque)
|
|
Tacsi - Siciid Maygaag Samatar
|
|
Bahda REDSEA-ONLINE waxay tacsi u dirayaan dhammaan ummaddeena uu ka baxay Siciid Maygaag Samatar oo ku geeriyooday waddanka Maraykanka (USA).
Innaa lillaahi wa innaa ilayhu raajicuun
|
Posted by redsea on Thursday, May 08 @ 13:43:10 CDT (29 reads)
(comments? | Score: 0)
|
|
|  |
There are currently, 21 guest(s) and 0 member(s) that are online. Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!
|
| Maqaal Xul Ah | | A brilliant work co-ordinated through many continents by Rhoda A. Rage. Read it more |
|
| Naga Wardhowr! | | Sheeko iyo Shaahid KULANKA 1aadeeTARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA |
|
|
|