header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


redsea-online.com: Sheeko

Search on This Topic:   
[ Go to Home | Select a New Topic ]

Sheeko iyo Shaahid: Baratan Suugaaneed: Tartankii 7aad

Bandhig
Redsea Culture Foundation iyaga oo duulaya fikradda aasaaska u ah ee ah jiritaankooda oo ah inay ka qayb-qaataan wax kasta oo horumarinaaya taabbagelinta dhigista, fidinta hiddaha iyo suugaanta; xoojinta fanka iyo farshaxanka; baahinta dhaqanka qorista iyo akhriska iyo gaar ahaan kobcinta qoraalka Af-Soomaaliga, waxa ay soo bandhigayaan Kulankii Toddobaad ee ku baratanka Sheeko Curinta Toolmoon, "Sheeko iyo Shaahid".

Sheekooyinka ka soo qaybgalayaa ma aha isku jeeddo e mawduuca sheekadu ku socoto waxa u madax bannaan qoraaga. Waxa se sannadkan lagu dheerrigelinayaa in qoraagu ku saleeyo sheekadiisa mawduuca sannadkan ee Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo sannadkan ah “Imagination” (“Suureynta” ama “Malaynta”).

Waxa kale oo sannadkan cusub baratanka qayb u gaar ah hablaha. Waxa la iclaamin doonaa kaalinta kowaad, labaad iyo saddexaad ee baratanka guud rag iyo dumarba, sida ku qeexan qodobka 9aad, iyo kaalinta kowaad, labaad iyo saddexaad ee baratanka hablaha iyaga u gaarka ah oo si gaar ah loogu hambalyayn doono. Habluhu way ka qayb galayaan, sidaa darteed, labada baratanba.

Waxa halkan ku lifaaqan xeerka Sheeko iyo Shaahid ee sannadkan 2014.


Sheeko iyo Shaahid: Baratan Suugaaneed – 2013 - Tartankii 6aad

Bandhig
Redsea-Online Cultural Foundation iyaga oo duulaya fikradda aasaaska u ah ee ah jiritaankooda oo ah inay ka qayb-qaataan wax kasta oo horumarinaaya taabbagelinta dhigista, fidinta hiddaha iyo suugaanta; xoojinta fanka iyo farshaxanka; baahinta dhaqanka qorista iyo akhriska iyo gaar ahaan kobcinta qoraalka Af-Soomaaliga, waxa ay soo bandhigayaan Kulankii Lixaad ee ku baratanka Sheeko Curinta Toolmoon, "Sheeko iyo Shaahid".

Sheekooyinka ka soo qaybgalayaa ma aha isku jeeddo e mawduuca sheekadu ku socoto waxa u madax bannaan qoraaga. Waxa se sannadkan lagu dheerrigelinayaa in qoraagu ku saleeyo sheekadiisa mawduuca sannadkan ee Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo sannadkan ah “Socdaal”.

Waxa halkan ku lifaaqan xeerka Sheeko iyo Shaahid ee sannadkan 2013.


Waxa qorey Rooble Maxamed

Wuxuu in badan ku maqnaa qurbaha gaar ahaan waddamada reer galbeedka. Waa nin aan da’diisu sidaa u waynayn oo la odhan karo wuxuu inyar uun dhaafay soddon jirkii laakiinse weli wakhti baa uga hadhsan inuu madaxa ka gooyo afartanka oo markaa dhanka kele uga saari lahayd xadkii dhalinyaronimada ee uu ku soo noolaa intii uu qaan gaadhay. Inkasta oo ay sidaa tahay haddana weli guur iskumuu dayin oo marna waxbarasho ayuu ku jiray marna wuxuu la daalaa dhacayay sidii uu u dabooli lahaa nolosha waddamada galbeedka.

Hadda ayaa dalka ugu horraysa oo sidii isagoo yar looga kexeeyay weli cag muu soo dhigin. Dhowr goor oo uu niyadda ku qabtayna hawlo kele ayuunbaa ku soo baxay oo ay noqotay inuu safarkiisan dib u dhigo. Wuxuu ku naalloon jiray inuu maruun dalka yimaado oo weliba uu aad ugu hanweynaa inuu hablaha dalka jooga ka guursado.


Waxa qorey Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed deeq)

Waa habeen madaw oo haybadiisa wata. Buuq dadeed iyo biib biib gaadhi midna ma laha. Dadka intii caafimaad qabta waa u hurdo, intii cudur qabta waa u hiin raag; intii ciil iyo caashaq qabtana waa u huq iyo hibasho. Xoolaha afartooda meesi waa u raamsi, waa u taah; waa u asool. Xayawaanka habeen socodka ah waa u qadhaabsi, waana u quud raadsi. Laba lugoodle aan aniga ahayn oo socdaa ma jiro, haddii uu jirana ma badna. Anna fool i qabatay awgeed ayaan saqdii dhexe sariirta ka booday. Xumaddii iyo xanuunkii ay lahayd ayaan kolba tiir qabsaday. Dabinta hoose ayaan foolasha ku mutay, Wajiga ayaan ururiyay; indhaha ayaan is galiyay. Gurxanka iyo guuxa gudaha maankayga ka baxaya ayaan isku maleeyay aar gantaal lala helay oo gumucu naafeeyay. Gurigii ayaa igu yaraaday, dabadeed aniga oo kankoonsan ayaan dibada uga booday. Laydh qabaw oo i martay awgeed ayaan jeedaaliyay hortayda, hareerahayga iyo heegadaydaba.


Social Community
Join us today

There are currently, 321 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com