header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


redsea-online.com: Suugaan - gabayo

Search on This Topic:   
[ Go to Home | Select a New Topic ]

Waxa tirisey Canab Guuleed

Gabaygan la yidhaa Baal dahab waxa tirisay Canab Guuleed sannadkan 2011ka waxayna kaga qayb gashay oo ay ku soo bandhigtay carwadii buugaagta ee sannadkan Hargeysa lagu qabtay (Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa).Canab waa badhiggii saddexaad ee ay Hargeysa kaga qayb gasho. Ka qaybkalkaa bandhigga iyo iyada oo akhriday buugga la yidhaa Guri waa haween ee uu qoray Maxamad Baashe Xaaji Xasan iyo qaar kale oo badan ayaa ku dheliyey inay tiriso gabaygan. Waa abaalgud ay ugu talagashay inay ugu hiiliso qorayaasha Soomaaliyeed oo ay qaarkood halkan ku xustay.

Bilawgiiba furaheenna waa, lagu badbaadshaaye
Baal kama maraynoo belaa, lagu xijaabaaye
Bismillaahi barakada Allaa, barada noo taalle
Isusoo boqoollaye dadow, barashadii waarta


Waxa qorey Cabdillaahi Cawad Cige

Waxa aan ka degay garoonka dayuuradaha ee Berbera bishii Julaay 11keedii, waxa aan Somaliland dib uga dhoofay 18kii Sebtember. Muddadaas aan dalka ku sugnaa waxa aan arkay halis badan oo bulshadu, iskeed iyo jujuub ba, dhexqaaddo. Waxa ka mid ah baabuurta rakaabka ee u kala gooshta magaalooyinka, mid loo sameeyay inuu afar rakaab ah qaado ayaa siddeed qof iyo xamaamadoodii lagu cufayaa.

Waxa aan ka degay garoonka dayuuradaha ee Berbera bishii Julaay 11keedii, waxa aan Somaliland dib uga dhoofay 18kii Sebtember. Muddadaas aan dalka ku sugnaa waxa aan arkay halis badan oo bulshadu, iskeed iyo jujuub ba, dhexqaaddo. Waxa ka mid ah baabuurta rakaabka ee u kala gooshta magaalooyinka, mid loo sameeyay inuu afar rakaab ah qaado ayaa siddeed qof iyo xamaamadoodii lagu cufayaa.

Waxa ka mid ah dayaca jidadka waaweyn oo halis gaar ah ku haya baabuurta. Waxa ka mid ah qashinka jidadka magaalooyinka lagu dhex urursho, fursad ka wanaagsan oo bakteeriyada iyo jeermiska la siin lahaa ma jirto. Waxa ka mid ah dayaca cisbitaallada ka muuqda oo halistiisa ku haya bulshada, gaar ahaan kuwa jilicsan ee bukaansocodka, haweenka uurka leh iyo dhallaanku ka mid yihiin.

Waxa se jirta halis kale oo aan soo arkay.


Language: not set

Gabayo

Dugaal

Dugaal
Waxa tiriyey Faarax Axmed Cali (Faarax Gammuute)

"Hohe malaha Soomaalidaan, hoos waxbaw dayine", ayaa, Alle haw naxariistee, Cabdullaahi Suldaan, 'Timacadde', laga reebay. Mar waxaan idhaahdaa, "Inuu tan soo gaadho, mawqif lagu hirtana uu ka qaato, midh lagu yeeshoodana uu ka yidhaahdo ayay ahayd". Marna umalkeedaan uga tudhaaye, maansaa waxay tidhi:

Durriyadaa layga beeray
Anay igu dayanayaane
Inaan danta guud wanaajo
Dariiq igu toosan weeye
Xil baa dumadayda saaran
Daryeel weli iga sugaaya
Hiyigu daaraan huraysa
Hadduu hadba iga damqaayo
Rag baa iil deden dhex jiifa
Xaggaygana soo dayaaya


by Rhoda Rageh

This poem is about HIV/AIDS through the eyes of a child born with AIDS.

I open my eyes to a world I do not understand.
A plague I know not how I acquired, nor do I know
Who to blame because those responsible of my
Plight?– birth ?are not here to help or hear me out.
Stares, pity, blame for my predicament still I know.


Waxa tiriyey Bashir Goth

Tixdan soo socota oo ka hadlaysa qiimaha uu leeyahay kitaabku (buuggu) waxa igu dhaliyey maalinta aan tiriyey aniga oo aan wada socono nin saaxiibkay ah oo la yidhaahdo Axmad Xasan Caynaan (Mawliid) oo ah nin muusiga gaar ahaan tumista kamanka khabiir ku ah isla markaana ah nin akhriska jecel ayaan ogaanay in la furay bandhigii kutubta ugu horreeyey ee lagu qabto magaalada Abu Dhabi. Mawliid baan ku idhi ina kici aan bandhiga kutubta tagnee. Nasiib darro labadayaduba markaa waan shaqo la’ayn oo lacag maanaan haysan. Mawliid baa iigu jawaabay aan iskaga joogno lacag ma haysanee. Waxan ku idhi waar kutubta lacag la’aan loogama joogee ogaanshaha kutubta la bandhigay oo aan rogrogno ishana ka buuxsano ayaa inagu filane ina keen. Markii aan ka soo noqonnay ayaan maansadan tiriyey aniga oo saaxiibkay uga caqli celinaya qiimaha uu buuggu leeyahay. Magaca maansaduna wuxu tilmaan u yahay baalasha uu leeyahay buuggu.

BAALALLE
Inkastoonan bini hayn
Jeebku i bannaan yahay
Kama baaqdo ee garo
Halka lagu bandiggo iyo
Kutubtaan bariidshaa
***


Dhadhansiga karaanka uu Salaan Carrabay u lahaa aftahannimadu waxay sawir kaamil ah ka bixisaa carwo-suugaaneed ay in yari nasiib u yeelato. Waxa ka mid ah suugaantiisa tixda "silsilad" ee abwaanku kula garramayo mar ay xididkiisa is jiidheen.

[...]

Seben waliba kiisii horuu, sahansanaayaaye
Saadaasha roob waxay waddaa, sagal kaliileede
Guguna Samuulad kama baaqsadiyo, Seer-ma-weyadada’e
Dhirtuna waxay ka sana qaadataa, sagalka Nawriishe
Soon-qaadku biluhuu u yahay, saacidiyo khayre
Sayid-ayaamna waa Jimcaha, laga siyaartaaye
Subxaanyadana seegmada ishaad, saawisaa bahale
Wax Jadeerku sana-qaad u yahay, Soonah iyo Hiile
Carmana waa ku Saar geeda kale, sudhan waliidkeede.

Salaadna laguma waajibin qofkii, suufiyaad qaba'e,
Nin Ilaah wax siiyaa, beryuu sadaqadaystaaye
Goortuuu sakada raaciyaa, loo sayidiyaaye
Markaasuu samaan iyo helaa, saacidiyo khayre,
Rusushii arlada loo sakhiray, sikhiga iimaanka
Iyaguba samaan kalama tagin, saadadii hore’e
Waar maadaa ka saa’ida kuwii, samada loo nuurshey?

[...]


Today, we celebrate the end of the year 2010. A year with intensive and fruitful projects for our foundation and in particularly for our main target projects on literature, culture and arts in Somaliland. For the occasion, we are delighted to share with our readers a short peom written by one of our regular column contributors, Rhoda Rageh. The peom was written earlier for the wedding of the author's niece.
Enjoy!

I want your home serene and safe for you and your spouse.
I want your helping hand always to reach out for his.
I want your husband to hold your hand lovingly for life.
I want your union filled with love, laughter and lure.
I want your cheerful smiles in your company combine.
I want the food you feed him be sweet to salivate.
I want your beauty to swell him with bride.


Waxa tirisey Hoodo-Ayaan Suldaan Aadan Faarax

Gabaygan oo ah gabay mala awaal ah waxaan curiyay 10/10/2010. kadib markii aan akhriyay buuga qaylo-dhaan deegaan ee uu qoray Axmed Ibraahin Cawaale, oo naftayda ku abuuray dareen aan la qiyaasi karin oo naxdin leh oo ka dhashay baylahda uu deegaankeennu ku sugan yahay.

HA. S. F.

Geedkii wadaamo gooyee
Jaynihii gobta ahaa
Goynta kala xishoodee
Waddadii garbaha iyo
Goonyaha ka mariyeen
Garnaqsaday ayaan ahee
Gayigaan ku aallo
Kuwa gaarka u lahoow
Bulsho waxay gumowdaa
Markay geedaheeda
Gudin intay u qaaddoo
Gumaadoy idlaysoo


14 Sebteember 2010

Miidaamo abidkeed, ismaqiiqiddeedaa
Qabri loogu moosaa, maqal baanay baran weli

Mugdi waxad ku garataa, maqanaha iftiinkee
Wax kaloo macneeyoo, maareeya loo waa

Marag waxan u haystaa, Mustafe ba siduu yidhi
“Maaleeyo taallaa, malab qiimo leeyahay”
Waxa muunaddeeda leh, nabaddiyo ismaqalkoo
Maamuuska noloshaa, laga wada macaashaa
Inta ay masiibadu, minankeeda jiiftaa
Miisaanka aayaha, nin maroodi le’eg yahay
Kol haddii se muruq go’o, ama murugto xaajadu
Rag ismaagganaa iyo, gardarrooyin muuqdaan
Ninna maalanmaayoo, horaa looga marag kacay
Adna maanta sheekada, waxan maagganahay filo

Ma intaan ma haystiyo, mid wasiir ahaa iyo
Maareeye keen iyo, maqal reerkan jaan iyo
Madaxdii badh baa maqan, iyo meeyey kii hadhay
Ku mashquulsanaa baa, muska looga soo dhacay?


Waxaa tiriyay: Yuusuf Cabdillaahi Cumar

Qaddar dhexe habeen xalay
Anigoo qushuucsanoo
Quraankii dhammeeyoo
Qalwadaydu taam talay
Qalbigoo holcanayoo
Dusha qiiq ka baxayaa
Iga qabo war igu yidhi:

Qurbahaad ku raagtoo
Qadaa kuu diyaaree
Quraankaaga mooyee
Ma qiyaastay waligaa
Qarada hawsha kuu taal
Qaddarkeeda ma ogtahay ?
Goormaad wax qabanoo
Dalkaagii ka qaan bixi?
Qayayaabay oo kacay
Waxaan idhi qisaa timad.
Qabyo inay xad dhaaf tahay
Waa la isla qirayaa.
Maxaad igu qabsanayaa?


Social Community
Join us today

There are currently, 135 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com