 |
| ...daily updates... | |
Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi suugaan |
|
|  |
Waxaa tiriyay: Yuusuf Cabdillaahi Cumar
Qaddar dhexe habeen xalay
Anigoo qushuucsanoo
Quraankii dhammeeyoo
Qalwadaydu taam talay
Qalbigoo holcanayoo
Dusha qiiq ka baxayaa
Iga qabo war igu yidhi:
Qurbahaad ku raagtoo
Qadaa kuu diyaaree
Quraankaaga mooyee
Ma qiyaastay waligaa
Qarada hawsha kuu taal
Qaddarkeeda ma ogtahay ?
Goormaad wax qabanoo
Dalkaagii ka qaan bixi?
Qayayaabay oo kacay
Waxaan idhi qisaa timad.
Qabyo inay xad dhaaf tahay
Waa la isla qirayaa.
Maxaad igu qabsanayaa?
|
Gabaygan waxa tiriyey Abdi Georgia, waxaannu kasoo xigannay oodwaynenews.com.
Firxadkii dadkeenii ku dhacay fawda nagu reebye
Faraqyada adduun maalintuu faracba meel aaday
Fidmo inay ka’iman wuu ogaa faal ninkii dhigaye
Fadhi barad hadaaqiyo ilaa fifti kuwa dhaafay
Fooraha qurbaha wax jira yaan fiiro kugu siine
Falanqada markaan baadhay een fiirshay idilkoodba
Fajac baan ka qaadoo indhuhu fiicni may arage
Bal u fiirso waxa ay faleen furuqdilkii dhoofay
|
Waxa tiriyey Yuusuf Cismaan Cabdille "Shaacir"
Maasandi Badhax-tira waxay soo baxday 18/01/2010
Qarnigan dhamaaday bilawgiisii ilaa badhtamihiisii waxa isa soo tarayay aqoonta maadiga ah ee debedaha inagaga imanaysay, taasoo aad mooddo inay maanta marayso meelihii ugu sarreysay. Haddaba waxa muuqata in aanay wali la fal gelin waxyaabihii sooyaalka ahaa ee ay bulshadu aaminsanayd sida diinta iyo dhaqanka. Maansadan koobani waxay igaga dhalatay dood-cilmiyeed loo qabtay aqoonyahannada dalka, anigase waxa shirkaa iiga bidhaamay in aanay aqoonyahannadu wali fahmin waddooyinkii loo mari lahaa bulsha weynta.
Farriintaydani waa talo ku waajahan aqoonta maadiga ah in lagu saleeyo diinta iyo hab dhaqanka bulshada si ay isula jaan qaadaan.
|
Waxa tiriyey Axmed Saleebaan Xirsi
Maanso wax ka taabanaysa, ama wax ka iftiiminaysa xaqa waalidka, gaar ahaan kaalmaha kala duwan ee hooyadu ilmaha la soo marto. Kaalmahaas oo ay habboon tahay in qofku markuu weynaado uu beddelkooda u gudo waalidkiisa. Kolleyba kaalmahaas lama dhammays tiri karo, oo xaqa waalidka wax u dhigma oo beddelkiisa ah lama heli karo, balse maansadu waxay tilmaamaysaa, in ugu-yaraan Xajka lagula tuntuunsado hooyada, amaba waalidka, kaas oo ah hammiga ugu weyn, ee waalid kasta oo muslim ahi ubadkiisa ka fisho.
Haddaba maansada oo abwaanku u bixiyey Xijaas, waxay tidhi sidan soo socota, ee akhris wacan.
|
Baqayo Rogad
Riwaayad Hal Jil Ah (One Act Play)
Waa riwaayad hal jil ah (one act play). Qisadeedu waxay ka dhacaysaa deegaan miyi ah. Xildiid oo nin oday ah ayaa waxa aad u beerqaadaysa gabadh la yidhaahdo Baar, marka hore wuxu isku dayayaa inuu gabadh qanciyo oo ay ooridiisa noqoto. Xildiid xeelado dhawr ah ayuu u adeegsanayaa sidii uu u Baar hanan lahaa. Baar inay Xildiid yeelsho daayo, odayga waalidiisa ayay ka maadaysanysaa, markuu hadhi waayona iimaan yoognimadiisa ayay ka cadhoonaysaa, kolkaas ayaa intay maagto ayay isagoo baryootamaya ka tagtasa.
Arrintaasi Xildiid aad ayay uga cadhaysiinaysaa wuxuuna u hawl-gelayaa sidii uu Baar uga aargoosan lahaa oo cagtiisa hoosteeda u keeni lahaa. Xildiid wuxu guubaabinayaa oo abaabulayaa barbaar uu adeer u yahay inay Baar u dhabar garaacaan, khasabna ugu soo xereeyaan. Riwaayadu waxay sii ambaqaadaysaa waxa duullaanka Xildiid ku danbeeyey iyo saamaynta uu ku yeeshay Baar, barbaartii weerarka ahayd iyo xitaa aayaha Xildiid laftiisa.
Waxa riwaayaddan curiyey, masraxana saaray Cabdiraxmaan Yuusuf Carten
Bulshada ku dhaqan UK waxay nasiib u yeelatay in rawaayaddan lagu soo bandhigo Somali Week Festival, 2009.
6:00-10:00 28ka Oktoober 2009
|
Posted by redsea on Sunday, October 18 @ 19:35:50 CDT (531 reads)
(comments? | Score: 0)
|
|
Bishii May ee sannadkii 2008dii ayey Canab Guuleed u socdaashay tuulada la yidhaa Ismaaciil Diiriye oo ka tirsan gobolka Oodweyne, dhulkaas oo ah deegaankii ay Canab ku dhalatay kuna barbaartay. Canab intii ay socdaalka ku jirtay waxay indhaheeda ku aragtay dhaqan guur ku dhacay dadka, duunyada, deegaanka iyo qalabkii reer guuraaga Soomaalidu adeegsan jireen. Haddaba gabaygan Dhaqan-goob oo ay kaga hadlayso arrimahaa murugada leh ayaa maskaxdeeda ka soo maaxday maalmahaa ay socdaalka ku jirtay. Canab Guuleed waxay gabaygan ku soo bandhigtay oo ay kaga qayb gashay bandhiggii dhaqanka, suugaanta iyo carwadii buugaagta ee loogu magac daray MOOGE ee Hargeysa ka socday 22kii-27kii bishii Juulaay 2009ka. Canab Guuleed gabaygan hodanka ah ee Dhaqan-goob waxay fagaarahaa ka tirisay galabnimadii bishu ahayd 24kii Juulay 2009ka, maalintaa oo ahayd xilligii loo qoondeeyey suugaanta haweenka ee bandhiggii MOOGE. Waxay ku bilawday sidan.
Ga’da gabay haddaan gacalkayow, guudka ka higgaadsho
Gilgishaye haddaan soo gembiyo, waxan la guuxaayo
Gobo’ runa haddaan sheego oon, gole ka faalleeyo
Garawshiiyo maan helin tolow, garasho waa yaabe
Anoo galab carraabaaya oo, beesha yara gaadhay
Gadaashaa dambaa layga yidhi, gacalo soo jooge.
|
Waxa tiriyey Kayd Maxamed Cabdalla
Suugaanta maad laga dhigtee maydka laga yeelay
Ayadoo madluuntaan arkoo murugo haysaaye
Miridhkaan la joogsaday warkay miimka ka caddaysay
Waxay tidhi madoobaadayeey ima maqlaysaane
Maankaa i doorsamay waxay maanso bidayaane
Nimankii i maamuli jiree magaca ii yeelay
Macnahayga way garanayeen marinadaydiiye
Way mala habaabeen kuwaa maanta ii hadhaye
Maalay la qooshiyo sidii mur iyo daybaaqda
Imikay maroor ugu gabyaan maaxda hadalkiiye
Yaa meeriskaygii qaribay ma hadho weeyaane?
|
Waxa qorey Mustafe A Nuur
Waxaan ku toosay dhawaaqa telefoonka gacanta lagu qaato ka baxaya. Waxaan dareemay in farriinni isoo gaadhay, inta baddana qaybta farriimaha waxaan ku bartay in ay farriimo muhiim ah iiga soo dhacaan. Sida: Xayaysiis-yada ay shirkadda Telesom u samayso shirkadaha ganacsatada, iyo bushaarooyin kale oo qiimo le. Waxaa kale oo mar-mar iiga baaqi jiray saaxiibkay Muxiyaddiin oo iiga soo sheegi jiray warar farxad le oo kala duwan. Telefoonkii ayaan soo dhuftay anniga oo aan aad indhaha u kala hayn, oo hurdo badan oo aan ku jiray lasii qurducsanaya. Waxaan faro hurdo la tabcaan ah ku guji-yay telefoonkii, markaasaan akhriyay farriintii.
|
Waxa tirisey Caashaluul Maxamuud Yuusuf
Maansadan la magac baxaday "Xaqa suxufigee lumay" waxay soo baxday 17/02/2009.
Xaqa suxufigee lumay
Xabaalaha kan lagu guray
Xasuuqaan ladabar jaray
Xabsiyaday ka buuxaan
Xuriyadaan lasiinayn
Xeerkeebay ku taalaa.
Suxufiga in lagu xidho
Xabsiyada dambiilaha
Xabbad lagu dillaacshoo
Xuquuqdood la duudsiyo
Xaqdhawr aan la siinayn
Xeerkeebay ku taalaa.
|
Waxa qorey Jamaal Cali Xuseen
Sheekadani waa sheeko run ah, maansada la socotana qoraha ayaa ku daray. Qosolka
iyo murtida suugaaneed ka sokow wuxuu qoraalkani dhiibayaa farriin culus oo hoga tusaalayn ah.
Waa xagaagii 1999kii, goobtu waa magaalada Hargeysa oo uu booqasho ku joogay Jamaal xilligaasi isagoo ahaa qurbo-joog degganaa waddanka Trinidad and Tobago ee Jasiiradaha Carribean-ka. Safar dheer ka dib, wuxuu Hargeysa u yimi si uu fasax fiican ula qaato Hooyadii iyo Aabbihii (Ilaahay haw naxariistee Aabbihii oo markaa xanuusanayey). Aroor hore markii salaaddii subax la tukaday ee uu diiggiina ciyey, ayaa waxaa gurigii ku soo garaacaya si qaylo dheer nin da'diisu meel dhexaad tahay oo macawis iyo shaadh gashan.
Ninkii ayuu Jamaal garan waayay oo markii danbe ee uu isu sheegay noqday nin ay isku reero ahaayeen (isku jilib hoose). Haddaba sheekadan qosolka farriinta iyo maansada wadataa waxay dhex maraysaa Jamaal iyo ninkaa magaciisa la odhan jiray "Dhegolaqash" Ilaahay ha u naxariistee. Haddaba waxaa hadalkii bilaabaya Dhegolaqash.
Dhegolaqash: "Waar anigu nin tolkaa ah baan ahay waxaanan kuugu imi inaad aniga intaas uun iga baddashid" isagoo markaa farta ku fiiqaya hugii uu gashanaa gaar ahaan macawista iyo shaadhka.
|
|  |
There are currently, 85 guest(s) and 0 member(s) that are online. Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!
|
| Maqaal Xul Ah | | A brilliant work co-ordinated through many continents by Rhoda A. Rage. Read it more |
|
|
|