header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


redsea-online.com: News on African Literature

Search on This Topic:   
[ Go to Home | Select a New Topic ]

Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye': Biography and Poems. Ponte Invisibile (redsea-online), Pisa, 2012, 128 pages - ISBN: 9788888934334

Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye", one of the most famous living Somali-speaking poets, was born, bred and brought up in Hargeysa, Somaliland. In the early 1970s, he was among many of his contemporaries living in Mogadishu whose works were regarded to have impact upon the prevalent socio-political situation in the country. They were mainly motivated and moved by their patriotic sentiments and leftist political bearing which was internationally popular in that era. Gaarriye was the initiator of the famous poetic combat chain better known as “Deelley” and the author of “Hagarlaawe”, his collected poems, enough to establish his eminence as great poet among Somali speakers.


Heartfelt congratulations to Nadifa Mohamed!

Nadifa Mohamed won the Ł10,000 Prize for her novel, Black Mamba Boy (HarperCollins). Born in Hargeisa, Somaliland, Nadifa Mohamed moved with her family to London when she was five. She studied History and Politics at Oxford and based her first novel on the true story of her father in the 1930s. She is working on a second novel, provisionally entitled Milk and Peace.

Black Mamba Boy is her debut Novel based on the spectacular travels of her father from his days as a young street child in Aden to his extraordinary journeys across Africa and Europe to when he finally settled in the UK

Hargeysa International Book Fair (HIBF) 2010 is delighted to invite Nadifa Mohamed back in her hometown for the book launch. The HIBF is a yearly cultural event organized by REDSEA-ONLINE.COM Cultural Foundation in collaboration with Kayd Somali Arts and Culture.

For further details on the prize, go to the Betty Trask Prize.


[Qoraaga] - Wargeyska la magac baxay ALIF, waxa uu soo baxay caddadkiisii koowaad maalintii jimcaha ee ay taariikhdu ahayd 09/04/2010. In muddo ah ba waxa u qorshaysnaa Ururka Qoraaga Somaliland in uu soo saaro Warside xanbaarsan dhaqanka, suugaanta iyo hadba buugaagta soo baxda.

Waxa aan ka maqnaan doonin waraysiyada laga qaado Qorayaasha, Dhaqanyaqaanada iyo guud ahaanba Suugaanyahannada. Inkasta oo ay maanta jiraan Mareego ama Shebekado soo gudbiya, inta kor ku xusan, haddana isku dareen iyo dhadhan toonna ma aha marka aad ka akhrisanayso Warside iyo marka aad horfadhido Shaashadda Kombiyuutarka. Caddadka koowaad ee Alif, waxa aad kala kulmi kartaa, sheekooyin maanka laga allifay, buugaag cusub oo dhowaan soo baxay iyo maanso aad u qiimo badan.

Waxa intaa dheer oo uu Warsiduhu ballan qaadayaa in aad ka akhrisankarto arrimo la xidhiidha Caafimaadka iyo warbixinno kale oo muhiim ah. Mar haddii uu yahay caddadkii ugu horreeyey ee soo baxa, laga waayi maayo dhalliilo, dhanka qoraalka iyo bilicdaba. Sidaa awgeed waxa aanu akhristayaasha uga marti nahay in ay na toosiyaan, na tusaaleeyaan si uu Warsiduhu u noqon lahaa mid dheellitiran dhan walba. Wixii faahfaahin intaa dheer kala xidhiidh Emailada hoosta ku qoran ee Tifaftirayaasha Warsidaha.


Abwaan Gaarriye Oo Loo Aqoonsaday Ninkii Ugu Horeeyay Ee Daah Furay Miisaanka Maansada Soomaalida

Oslo, November 7, 2008 (Haatuf) - Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) ayaa loo aqoonsaday inuu yahay ninkii ugu horreeyay ee daah furay miisaanka maansada Soomaaliyeed, ka dib muran socday in muddo ah oo u dhexeeyay Abwaan Gaarriye iyo Professor Cabdillaahi Diiriye Carraale ayaa ugu dambeyntii guddi xilkeed isu xilqaantay ay ku soo afjartay habeen hore dalka Norway.

Guddidan oo ka kooban odayaal, aqoonyahan iyo abwaano Soomaaliyeed ayaa magaalada Oslo ee dalka Norway gogol ugu fidiyay inay fool ka fool isugu keenaan abwaan Gaarirye iyo Prof. Carraale oo in muddo ahba isku hayay daah furka miisaanka maansada Soomaaliyeed, kuwaas oo ka dhagaystay labada aqoonyahan doodo iyo waxa uu mid waliba u daliishanayo inuu yahay ninkii daah furay miisaanka maansada Soomaaliyeed.


(www.qoraaga.com)

Dhowaan waxa soo baxay buug la magacbaxay ROGE, buuggaas oo uu qoray qoraagii qoray buuggii la odhanjiray LADH. Waa qoraaga, abwaanka caanka ah ee Cabdillaahi Cawed Cige, oo aynu uga barannay suugaan hufan, iyo qoraallo xiise leh. Cabdillaahi waxa uu ku caanbaxay maansada soomaaliyeed gaar ahaan gabayga oo uu inbadan inoo soo bandhigay gabayo aad u heersarreeya. Dhanka qoraalka waxa uu muddo dheer wax ku qori jiray mareegaha soomaaliyeed oo uu maqaallo xiise leh ku soo bandhigay.

Kuwaas oo u kala qaybsanaa kuwo ku saabsanaa dhanka siyaasadda iyo dhaqankaba. Cabdillaahi, muddo dheer ayuu dalkii hooyo ka maqnaa, balse waxa aad mooddaa in uu shalay ka yimi marka aad eegto qoraalada uu qoro iyo erayada afsoomaaliga ee uu adeegsado. Waxa aad mooddaa in uu Hawdkii maalmo ka soo maqnaa. Waxa uu ku faanaa reermiyinimada oo ah runtii wax lagu qabweynaado. Maadaama oo dadkeenu ka soo jeedo miyiga boqolkiiba inta badan. Waxa aan ka qaaday waraysigan isaga oo jooga magaalada liverpool ee carriga Ingiriiska.

Waxa aan kaga qaaday emailka oo aan weydiimaha ugu diray isaguna uu ku soo warceliyey. Waakan waraysigii na dhexmaray aniga oo ah Sayid Maxamed Yuusuf iyo qoraaga caanka ah Cabdilaahi Cawad Cige.

Weydiin 1: Waxa aad dhowaan soo saartay buug la magacbaxay ROGE. Bal warbixin kooban naga sii sida uu ku dhashay ROGE iyo muddadii uu kugu qaatay qoritaankiisu.


(www.qoraaga.com)

Waxaa soo qaban qaabiyey Abaal marintan oo ahayd sannadkii labaad ee la bixiyo Ururka Qoraaga Somaliland

(Somaliland Writers Associtaion)

Waxaa Maalintii Axadda oo ay taariikhdu ahayd 13 july 2008, lagu qabtay xarunta dalka Sweden ee Stockholm, xaflad aad iyo aad u qiimo leh, oo si fiican looga soo shaqeeyey. Xafladdaas oo lagu qabtay xaafadda Rinkeby, waxaa ka soo qayb galay marti sharaf ka kala timid dalalka Ingiriiska iyo Talyaaniga. Munaasabadan oo loogu talo galay in la guddoonsiyo Abaal marin, qoraagii ku guulatstay Buugga sannadka 2007.

Waxa kaloo munaasabadaas ka soo qayb gashay Amuun Cabdillaahi oo ka soo socotay xagga warabaahinta (Radio Sweden qaybta afka soomaaliga). Waxaa iyana munaasabadan ka soo qayb gashay Ayaan Maxamuud oo ka timid cariga Ingiriiska oo, hormoodna ka ah ururka soo qaban qaabiya kulanka ka dhaca dalka Ingiriiska ee lagu casuumo Abwaannada Soomaaliyeed. Waxaana sannadkii hore lagu casuumay Abwaanno ay ka mid yihiin, Gaarriye, Xasan Ganey, Cabdiqays iyo Hadraawi.


Dadka akhirska jecel waxaa loogu bishaaraynayaa in uu dib u dhashay wargeys-xilliyeedkii HALABUUR ee Suugaanta iyo Dhaqanka Soomaalida, ee sannadihii sagaashannada ka soo bixi jirey dalka Ingiriiska.Waa wargeys-xilliyeed caalami ah oo xambaarsan murti iyo aqoon aaney jirin meel kale oo laga heli karo iyadoo ku qoran afkaaga hooyo.

HALABUUR wuxuu xambaarsan yahay qoraallo cilmi ah, warbixin aqooneed, iyo suugaan jaad walba leh; sida gabayo, heeso, sheekooyin, riwaayado, murti, maahmaah iyo waraysiyo xiisa leh oo intuba ku kala qoran labada af ee Soomaaliga iyo Ingiriiska.

HALABUUR dadka wax ku qora badankoodu waa aqoonyahanno dunida laga yaqaan, xeeldheerayaal Soomali iyo ajnabiba leh, qorayaal iyo abwaanno Soomaaliyeed oo caan ah iyo hal-abuurro dhallinyaro ah oo kaa haqabtiraaya hibo soo ifaysa.

HALABUUR wuxuu kaa doojinayaa harraadka aad u qabto dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Wuxuu kula socodsiinayaa waxyaabaha cusub ee ka dhacaya dalka iyo meel kastoo ay ku nool yihiin dadka Soomaliyeed.



Note: (read this article in english: here


XASAN SHEEKH MUUMIN IYO MAALMAHA SOOMAALIYEED
(Halabuurkii, Heesaagii, Laxan-dhaadhigii, Taariikhyahanka ahaa)

(25/12/1931kii – 14/1/2008da)

(Innaa Lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun)

“Hawraar gahaydhiyo,
Maah-maah go’ xidhatiyo,
Gololada sarbeebta ah,
Halka ay ku gorortiyo,
Godankiyo ishaad tahay,”


Maansada Galaal, Hadraawi

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale
cankaabo@hotmail.com

Qormadan oo ah mid aan hore u qoray bal se aan dib u nakhtiimay waxaan milgo iyo maamuusba uga dhigayaa Xasan Sheekh Muumin oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Oslo ee xarunta u ah dalka Norway. Xasan Sheekh Muumin raad aan tirmayn iyo saxeex aan meydhmayn ayuu kaga tegay guud ahaanba fanka Soomaaliyeed isaga oo mowhibad u helay in uu curiye la jecel yahay oo la majeerto ka noqdo dhowr dhudood. Fannaan buuxa oo aanay taariikhdu hilmaamayn dhaxal aan dhammaanaynna ka tegay ayuu ahaa. Waxay isku bah noqonayaan yeekayaashii fanka ee ka horreeyay ee uu ka midka ahaa Cabdillaahi Qarshe. Xasan Sheekh Muumin taariikhdu ku xusi meyso oo keliya in uu ahaa fannaan, bal se ta la yaabka leh ee aan lagu aqoonine waxay ahayd taariikhyahannimadii wax loo dhigaa jirin. Sida uu taariikhda u hayay una yaqaannay intii la sheekaysatay waxay ku ridday dhabanno-hays. Sideeda ayaa loo yidhi dadka qaarkii marka ay dhintaan “Laybereeri” dhan ayaa duugmay. Waa Xasan Sheekh Muumin oo kale. Alla ha naxariisto e’ maxaan jeclaa in aan wax ka duubo markaan maalmo is-xigay dhegaystay taariikhihii uu hayay. Ilaahay baan inoo calfin, intii ag joogtay maalmihiisii ugu danbeeyayna siday wax uga duubeen mooyi.


By Maxamed Daahir Afrax
mdafrax@gmail.com

A distinguished poet, playwright, actor, broadcaster, educator and a great innovator, Xasan Shiikh Muumin was borne on 25 December 1931 in the historic costal town of Saylac. He was the only son of a middle class family in the Somali standards of the time. His father, Shiikh Muumin, was a small trader and highly respected man of religion. At the age of nine, Xasan moved with his family to the inland small town of Borame where he grew up and received his Koranic and elementary education in the 1940s. Thus, in his sedentary background, Xasan was rather unique among noted Somali playwrights of his generation, most of whom were from rural (mainly pastoral) backgrounds. Nonetheless, Xasan was not any less versed with Somali traditional culture than any of his fellow dramatists from pastoral origins, as could be observed from his work most of which is deeply rooted in Somali oral tradition.

In his professional life, Xasan took up several employments, the longest and most significant of which was his work for the state-owned national radio station, Radio Mogadishu (1968 – 1976). He worked there as a broadcaster, producer of cultural programmes and as a composer of poems, songs and radio dramas.



Note: * A Somali word for a distinguished, multi-talented literary/artistic creator..

Maxamed Daahir Afrax is a Somali writer, journalist and literary scholar, Editor of HALABUUR Journal of Somali Literature and Culture, President of the Somali-speaking Writers Centre of International PEN


(article from books.monstersandcritics.com) © 2007 dpa - Deutsche Presse-Agentur
Frankfurt/Cape Town - Somali novelist Nuruddin Farah tops the list of African authors at the Frankfurt Book Fair, which features an Africa Day this year.

Farah, who has been described as the most important author to come out of the continent in the last 25 years and won the Neustadt International Prize for Literature in 1998 for his work Secrets, is seen as a strong contender for the Nobel Literature Prize.

He is also often hailed as a feminist writer for his treatment of women characters in his English-language novels.

Writing is 'just my job,' the 61-year-old told Deutsche Presse- Agentur dpa. His latest work Knots - the second novel in his third-published trilogy - has just been published.

He is scheduled to participate in a panel discussion on the 'high art of African storytelling' at the book fair that has also drawn the participation of several African intellectuals, authors and rising literary names.

In conversation, the softly-spoken Farah displays a knack for a good story or anecdote, drawing from his spells living in various African countries and his frequent visits abroad.


Social Community
Join us today

There are currently, 167 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com