Waxa qortey Ayaan M. Cashuur
Waxa aan ka qayb galay xafladdii sannadguuradii saddexaad ee Naadiga
Akhristayaasha Hargeysa iyo bandhig buugeedkii saddexaad ee Naadiga
Halkaraan Burco. Waxa farxad wayn ii ahayd inaan arko dhallinyaro
sidaas u faro badan oo isugu timid faaqidaad buug iyo aqoon
iswaydaaris. Qof kasta oo kulammadaas joogay waxa uu dareemayay
ifafaale jiil cusub oo maskaxdoodu u diyaar tahay in ay ka badbaadaan
aafooyinka waayadan danbe hadheeyay ummaddeena, hammigooduna yahay mid
lagu diirsanayo oo rejo wayn ku gelinaya.
Kulanka Naadiga Akhristayaasha Hargeysa waxaa lagu soo bandhigay
buugga uu qoray Jamaal Cali Xuseen ee Diiwaanka Qosolka. Buuggan waxaa
lagu soo ururiyay sheekooyin gaagaaban kuna salaysan xikmado maad ah,
oo ka soo jeeda hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida. Waxaa soo raaca
sheekooyinka iyo maadda nolosha cusub oo ku salaysan calool xanuunka
ama qosolka mugdiga ah ee musuqmaasuqa, qabyaaladda iyo dhaqanka cusub
ee jabka iyo jaadku keeneen ee shaxaadka, baryada iyo hanyaraanta u
badan.
Habeenkaas kulanka waxa bilayay oo si fiican ugu soo diyaargaroobay
“saaxiibada ama xerta diiwaanka qosolka” oo iyagu la shaqeynayay
muddo qoraaga, ka na tirsan naadiga.
Waxa isna xerta iyo naadigaba ka mid ahaa Mustafe Aadan Nuur oo ah
qoraagii ku guulaystay tartan qarameedkii Sheeko iyo Shaahid ee
sannadkii hore, halkaasna ku guddoomay buuggii koowaad ee Sheeko iyo
Shaahid oo ay ku jirto sheekadiisii tartanka ku guulaysatay iyo
sheekadii kaalinta labaad gashay. Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame
“Hadraawi” ayaa guddoonsiinta buugga fuliyay.
Buugga Sheeko iyo shaahid waxa iyana sheekooyin ku kaabay qorayaasha
Ibraahim Yuusuf Axmed “Hawd”, Cabdillaahi Cawed Cige iyo Dayib Axmed
Askar. Sheekadii ay ku soo baxday heestii Jacayl dhiig ma lagu qoray
ee abwaan Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi" ayaa iyana buugga lagu
daray.
Isku imaadkan oo isagu qiiro badan xambaarsanaa waxa aad loola sii
qushuucay toban miridh oo filim ah oo naadigu kasoo diyaariyeen
waxqabadkooda, himiladooda iyo buuggaagta ay soo bandhigeen saddexdii
sano ee ay soo jireen. Waxa kulanka aad uga soo qaybgalay ardayda
dugsiyada sare iyo jaamacadaha Hargeysa.
Labada kulan ee Burco iyo Hargeysa ba waxa aad markii ba ka
dareemaysay maqnaanshaha da’ha dhexe iyo kuwa waaweyn.
Naadiga halkaraan
Naadiga Halkaraan waa naadi cusub, dhallinta naadigu na way ka da’a
yar tahay ta naadiga Hargeysa, waxaa ka muuqda baahi faro badan oo ay
u qabaan akhriska iyo aqoonta, danaynayaanna inay isku yimaadaan.
Waxay ku nool yihiin magaalo ay waxgaradkeedii iyo odayadeedii
meelkasta ku aloosayaan siyaasad iyo macamaraad.
Buugga ay habeenkan soo bandhigeen waa Barbaarsame, waxa Sahra oo
buugga soo bandhigaysay iyo dhalinta inteedii kale muujiyeen farxadda
iyo mahadda ballaadhan ee ay u hayaan qoraagii buuggu inuu soo sharfay
oo ka soo qaybgalay xafladdaas.
Waxaa sidoo kale iya na hubaal ah in Xasan Cabdi Madar ku diirsaday in
buuggiisa ay soo bandhigto gabadh da’ yar oo sida quraanka dusha uga
xafidsan, waa himilada qoraa walba inuu helo cid ehel u noqota
farriintiisa.
Baarbaarsame waa buug ku saabsan dadaalka iyo tacabka ay tahay
waalidka iyo bulshadu inay galiso ilmuhu inta uu yar yahay, haddii
aynu doonayno in bulsho wanaagsani abuuranto.
Waxa uu qoraagu inooga bilaabayaa marka labo dhallinyara ahi isku
banbaxdo oo ay go’aansadaan inay isguursadaan iyo sidii ay ugu diyaar
garoobi lahaayeen waalidnimada foodda ku soo haysa. Marka laga tago
waalidka iyo bulsho ahaan hawsha iyo masuuliyadaha sugaya, waxa uu si
gooni ah Xasan Cabdi uga faalloonayaa dhibaatooyinka kala duwan ee ku
hareeraysan ilmaha iyo xaaladahooda kala duwan, sida kuwa aan waalidka
lahayn, waalidkood aanu xilkooda gudan ama qurbaha ku barbaaraya ee
waalidkooda looga baahan yahay dadaal dheeraad ah.
Buuggani waxa uu nagu baraarujinayaa siyaabaha kala duwan ee aynu uga
qayb qaadan karno inaynu korinno ciyaal waalidkii iyo bulshadu ba u
aydo.
Qoraagu isaga oo khibraddiisa macallinimo adeegsanaya waxaa uu aad uga
hadlayaa ilmaha sidii asluub, dhaqan, samo, naxariis, masuuliyad,
dadnimo, madaxbannaani loogu beeri lahaa. Farriinta ugu muhiimsan ee
buuggu waa in ilmaha yari yahay weel madhan, waalidka iyo bulshada na
marti uga yahay aqoon iyo inay u jeexaan jid wanaagsan, innaga ku
xidhan tahay sida aynu arrintaas ugu fashilmayno ama uga jibbo
keennaa.
Kulankan waxaa iya na qurxiyay xubno ka tirsanaa naadiga Maskaxmaal ee
Boorame iyo Naadiga Hargeysa oo qayb ka ahaa kulanka soona jeediyiyay
talooyin ku saabsan bandhigyada danbe iyo sidii loo sii loo xoojin
lahaa naadiga. Kulankan dhallinta Burco waxaan isaga laftigiisa ka
maqnayn maad oo waxaa lagu soo gaba gabeeyay dhawr su’aalood oo
halxidhaale ah oo ku salaysan aqoonta dhaqanka. Halkaas oo lagu
guddoonsiinayay hadiyado ay ka mid yihiin buugaag ay naadiga ugu
deegeen xubno ka mid ah Qoraaga Somaliland iyo redsea-online.com.
Muhiimad weyn waxa iyana lahayd joogitaanka Abwaan Maxamed Ibraahim
Warsame "Hadraawi", Ahmed Aw-Geedi iyo Hinda Maxamed Jaamac oo ka
tirsan jaamacadda Burco.
Abwaan Maxamed Ibraahim waxa oo xusay in aynu kasoo guurray miyigii oo
aynu magaalo nimid, haddeer na la inooga fadhiyo inaynu la nimaadno
xaaddaarad iyo ilbaxnimo taasi na jidka kaliya ay ku iman kartaa yahay
in la helo aqoon, taas na la helimaayo haddii aan wax la akhriyin.
Gebogabadii waxaa hubaal ah, inkasta oo ay kaalintoodii gabeen
waxgaradka iyo aqoonyahayankii dhallinta ka kalkaalin lahaa
baadigoobka himiladoodu, in dhallintu ku guulaysteen in ay dadka
tusaan inay suurtagal tahay in laga leexdo mugdiga iyo aqoonxumada
hadhaysay jiilashii hore.
Qurba joogga iyo waxgaradka waddanka waxaa looga baahan yahay iyaga oo
marna fara galinayn dhalinta iyo maamulkooda inay ku soo taageeraan
fikrado, aqoon iyo buugaag si ay uga nabadgalaan siyaasadda qalloocan,
qabyaalada iyo hunguriga is huwan oo aafeeyay seddexdii jiil ee ka
horreeyay.
Waxaa markaas laga yaabaa inay ku guulaystaan inay abuurmaan jiilaal
cusub oo hankooda iyo waddaniyadoodu ka sarrayso hungurigooda iyo
baahiyahooda faraha badan.
Ugu danbayn waxaan hambalyaynayaa labada naadi oo iyagu ugu faca wayn
ee Maskaxmaal iyo Hargeysa Readers Club oo jidkaas u bilaabay
dhallinta iyo shakhsiyaadkii ay ka midka ahayd Farduus Siciid Dirir ee
ku dhiirigaliyay magaalooyinka kale in dhallintu ka abuubulato naadiyo
akhris, innaga na inoo suurtageliyay in aan hello dhallinyaro iyo
waddan aan usoo hilowno.
Ayaan M. Cashuur
Kayd- Ururka Fanka, Hiddaha iyo Dhaqanka.
Ka eeg halkan maqaalladii Ayaan M Cashuur - ayaan