RSOL Banner
Somali Week Festival
23-31 October 2009
Derbyshire St., Bethnal
Green, London E2 6HG
www.kayd.org
  Create an account
 
Somali Spelling Checker
!NEW NEW NEW!

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion
GREGORIAN

::
ISLAMIC


SOMALI


Net!Photo of the Week
Suggest one

Mooge Festival / Hargeysa International Book Fair - 2009

Mooge Festival / Hargeysa International Book Fair - 2009


Old Articles

[ List all articles ]

Wisdom of the Day
...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note
order it today


read it more


Ifafaalaha rejo ee dhallinyarada
Posted on Sunday, May 03 @ 11:07:42 CDT by redsea

Opinion - Fikrado Waxa qortey Ayaan M. Cashuur

Waxa aan ka qayb galay xafladdii sannadguuradii saddexaad ee Naadiga Akhristayaasha Hargeysa iyo bandhig buugeedkii saddexaad ee Naadiga Halkaraan Burco. Waxa farxad wayn ii ahayd inaan arko dhallinyaro sidaas u faro badan oo isugu timid faaqidaad buug iyo aqoon iswaydaaris. Qof kasta oo kulammadaas joogay waxa uu dareemayay ifafaale jiil cusub oo maskaxdoodu u diyaar tahay in ay ka badbaadaan aafooyinka waayadan danbe hadheeyay ummaddeena, hammigooduna yahay mid lagu diirsanayo oo rejo wayn ku gelinaya.

Kulanka Naadiga Akhristayaasha Hargeysa waxaa lagu soo bandhigay buugga uu qoray Jamaal Cali Xuseen ee Diiwaanka Qosolka. Buuggan waxaa lagu soo ururiyay sheekooyin gaagaaban kuna salaysan xikmado maad ah, oo ka soo jeeda hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida. Waxaa soo raaca sheekooyinka iyo maadda nolosha cusub oo ku salaysan calool xanuunka ama qosolka mugdiga ah ee musuqmaasuqa, qabyaaladda iyo dhaqanka cusub ee jabka iyo jaadku keeneen ee shaxaadka, baryada iyo hanyaraanta u badan.



Habeenkaas kulanka waxa bilayay oo si fiican ugu soo diyaargaroobay “saaxiibada ama xerta diiwaanka qosolka” oo iyagu la shaqeynayay muddo qoraaga, ka na tirsan naadiga.

Waxa isna xerta iyo naadigaba ka mid ahaa Mustafe Aadan Nuur oo ah qoraagii ku guulaystay tartan qarameedkii Sheeko iyo Shaahid ee sannadkii hore, halkaasna ku guddoomay buuggii koowaad ee Sheeko iyo Shaahid oo ay ku jirto sheekadiisii tartanka ku guulaysatay iyo sheekadii kaalinta labaad gashay. Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” ayaa guddoonsiinta buugga fuliyay.

Buugga Sheeko iyo shaahid waxa iyana sheekooyin ku kaabay qorayaasha Ibraahim Yuusuf Axmed “Hawd”, Cabdillaahi Cawed Cige iyo Dayib Axmed Askar. Sheekadii ay ku soo baxday heestii Jacayl dhiig ma lagu qoray ee abwaan Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi" ayaa iyana buugga lagu daray.

Isku imaadkan oo isagu qiiro badan xambaarsanaa waxa aad loola sii qushuucay toban miridh oo filim ah oo naadigu kasoo diyaariyeen waxqabadkooda, himiladooda iyo buuggaagta ay soo bandhigeen saddexdii sano ee ay soo jireen. Waxa kulanka aad uga soo qaybgalay ardayda dugsiyada sare iyo jaamacadaha Hargeysa.

Labada kulan ee Burco iyo Hargeysa ba waxa aad markii ba ka dareemaysay maqnaanshaha da’ha dhexe iyo kuwa waaweyn.

Naadiga halkaraan

Naadiga Halkaraan waa naadi cusub, dhallinta naadigu na way ka da’a yar tahay ta naadiga Hargeysa, waxaa ka muuqda baahi faro badan oo ay u qabaan akhriska iyo aqoonta, danaynayaanna inay isku yimaadaan. Waxay ku nool yihiin magaalo ay waxgaradkeedii iyo odayadeedii meelkasta ku aloosayaan siyaasad iyo macamaraad.

Buugga ay habeenkan soo bandhigeen waa Barbaarsame, waxa Sahra oo buugga soo bandhigaysay iyo dhalinta inteedii kale muujiyeen farxadda iyo mahadda ballaadhan ee ay u hayaan qoraagii buuggu inuu soo sharfay oo ka soo qaybgalay xafladdaas.

Waxaa sidoo kale iya na hubaal ah in Xasan Cabdi Madar ku diirsaday in buuggiisa ay soo bandhigto gabadh da’ yar oo sida quraanka dusha uga xafidsan, waa himilada qoraa walba inuu helo cid ehel u noqota farriintiisa.

Baarbaarsame waa buug ku saabsan dadaalka iyo tacabka ay tahay waalidka iyo bulshadu inay galiso ilmuhu inta uu yar yahay, haddii aynu doonayno in bulsho wanaagsani abuuranto.

Waxa uu qoraagu inooga bilaabayaa marka labo dhallinyara ahi isku banbaxdo oo ay go’aansadaan inay isguursadaan iyo sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen waalidnimada foodda ku soo haysa. Marka laga tago waalidka iyo bulsho ahaan hawsha iyo masuuliyadaha sugaya, waxa uu si gooni ah Xasan Cabdi uga faalloonayaa dhibaatooyinka kala duwan ee ku hareeraysan ilmaha iyo xaaladahooda kala duwan, sida kuwa aan waalidka lahayn, waalidkood aanu xilkooda gudan ama qurbaha ku barbaaraya ee waalidkooda looga baahan yahay dadaal dheeraad ah.

Buuggani waxa uu nagu baraarujinayaa siyaabaha kala duwan ee aynu uga qayb qaadan karno inaynu korinno ciyaal waalidkii iyo bulshadu ba u aydo.

Qoraagu isaga oo khibraddiisa macallinimo adeegsanaya waxaa uu aad uga hadlayaa ilmaha sidii asluub, dhaqan, samo, naxariis, masuuliyad, dadnimo, madaxbannaani loogu beeri lahaa. Farriinta ugu muhiimsan ee buuggu waa in ilmaha yari yahay weel madhan, waalidka iyo bulshada na marti uga yahay aqoon iyo inay u jeexaan jid wanaagsan, innaga ku xidhan tahay sida aynu arrintaas ugu fashilmayno ama uga jibbo keennaa.

Kulankan waxaa iya na qurxiyay xubno ka tirsanaa naadiga Maskaxmaal ee Boorame iyo Naadiga Hargeysa oo qayb ka ahaa kulanka soona jeediyiyay talooyin ku saabsan bandhigyada danbe iyo sidii loo sii loo xoojin lahaa naadiga. Kulankan dhallinta Burco waxaan isaga laftigiisa ka maqnayn maad oo waxaa lagu soo gaba gabeeyay dhawr su’aalood oo halxidhaale ah oo ku salaysan aqoonta dhaqanka. Halkaas oo lagu guddoonsiinayay hadiyado ay ka mid yihiin buugaag ay naadiga ugu deegeen xubno ka mid ah Qoraaga Somaliland iyo redsea-online.com.

Muhiimad weyn waxa iyana lahayd joogitaanka Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi", Ahmed Aw-Geedi iyo Hinda Maxamed Jaamac oo ka tirsan jaamacadda Burco.

Abwaan Maxamed Ibraahim waxa oo xusay in aynu kasoo guurray miyigii oo aynu magaalo nimid, haddeer na la inooga fadhiyo inaynu la nimaadno xaaddaarad iyo ilbaxnimo taasi na jidka kaliya ay ku iman kartaa yahay in la helo aqoon, taas na la helimaayo haddii aan wax la akhriyin.

Gebogabadii waxaa hubaal ah, inkasta oo ay kaalintoodii gabeen waxgaradka iyo aqoonyahayankii dhallinta ka kalkaalin lahaa baadigoobka himiladoodu, in dhallintu ku guulaysteen in ay dadka tusaan inay suurtagal tahay in laga leexdo mugdiga iyo aqoonxumada hadhaysay jiilashii hore.

Qurba joogga iyo waxgaradka waddanka waxaa looga baahan yahay iyaga oo marna fara galinayn dhalinta iyo maamulkooda inay ku soo taageeraan fikrado, aqoon iyo buugaag si ay uga nabadgalaan siyaasadda qalloocan, qabyaalada iyo hunguriga is huwan oo aafeeyay seddexdii jiil ee ka horreeyay.

Waxaa markaas laga yaabaa inay ku guulaystaan inay abuurmaan jiilaal cusub oo hankooda iyo waddaniyadoodu ka sarrayso hungurigooda iyo baahiyahooda faraha badan.

Ugu danbayn waxaan hambalyaynayaa labada naadi oo iyagu ugu faca wayn ee Maskaxmaal iyo Hargeysa Readers Club oo jidkaas u bilaabay dhallinta iyo shakhsiyaadkii ay ka midka ahayd Farduus Siciid Dirir ee ku dhiirigaliyay magaalooyinka kale in dhallintu ka abuubulato naadiyo akhris, innaga na inoo suurtageliyay in aan hello dhallinyaro iyo waddan aan usoo hilowno.

Ayaan M. Cashuur
Kayd- Ururka Fanka, Hiddaha iyo Dhaqanka.




Ka eeg halkan maqaalladii Ayaan M Cashuur - ayaan


© 2009 - redsea-online.com
Material may be reproduced freely
if redsea-online.com is mentioned as the source
Gobannimo © 2009 - redsea-online.com
Xogtan waa loo sii daabici karaa bilaash
haddii la xuso in laga soo xigtey redsea-online.com
 
Related Links
· Somaliland Forum
· More about Opinion - Fikrado
· News by redsea


Most read story about Opinion - Fikrado:
Maankaaga la kaasho


Article Rating
Average Score: 5
Votes: 1


Please take a second and vote for this article:

Bad
Regular
Good
Very Good
Excellent



Options

Printer Friendly Page  Printer Friendly Page

Send to a Friend  Send to a Friend


Gobannimo Bilaash Maaha!
www.redsea-online.com