RSOL Banner
Somali Week Festival
23-31 October 2009
Derbyshire St., Bethnal
Green, London E2 6HG
www.kayd.org
  Create an account
 
Somali Spelling Checker
!NEW NEW NEW!

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion
GREGORIAN

::
ISLAMIC


SOMALI


Net!Photo of the Week
Suggest one

Mooge Festival / Hargeysa International Book Fair - 2009

Mooge Festival / Hargeysa International Book Fair - 2009


Old Articles

[ List all articles ]

Wisdom of the Day
...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note
order it today


read it more


LADH – buug yaab leh
Posted on Friday, August 26 @ 06:33:35 CDT by redsea

RSOL Book Review

(sawir wayn)
LADH – buug yaab leh

Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
Ibraahinhawd@hotmail.com

Judhiiba jeldiga ayaad meel fog ka garanaysaa in uu yahay buug sheeko ah. Dabadeed waxaa isku si kuugu soo degdegaya niyadsami iyo niyadxumo wada socda. Farxad bay kuu tahay in aad heshid sheeko cusub oo afkaaga ku qoran, waxaadse waayo'aragnimo xun ka haysataa buugta af soomaaliga ah siiba halabuurka sheekada. Waan qaldanaa ee waxaan helay mid ka mid ah sheekooyinkii ugu qiimi badnaa ee i soo mara.



Aan ku horreeyee, sheeko qoristu waa suugaan inagu cusub, waxaase jirta ceeb kale. Qofka soomaaliga ah ee maanta joogaa in uu qoraa noqdo waxaa ka xiga in uu af soomaaliga u dhashay iyo in uu teeb ku garaaci karo. Bes. Dabadeed wuxuu guriga dhiganayaa kumbiyuutar leh barnaamijka ”WORD” ee wax lagu qoro, wuxuuna soo saarayaa warqado badan oo ay ereyo af soomaali ahi ka buuxaan. Haba yaraatee waxaasi uma baahna in ay tayo faneed lahaadaan. In qoraalkiisa la jeclaado danayn maayo, in laga iibsado danayn maayo, in loo daabici waayo ka biqi maayo, naqdi soomaaliyeed oo dhab ah oo wax kala saaraana maba abuurra. Maya, maya, ”qoraagu” isaga ayaa wax walba isugu filan. Isaga ayaa la baxa lacagta madbacadda, isaga ayaana waxiisa suuqgeysta. Muhiim waxaa ah in uu soo saaro warqado door ah oo sita magaca ”buug” sidaasna uu ”qoraa” ku noqdo. Xaalku waa ”af soomaaliga waan qori karaa”.

Buug suugaaneed waa nuxur halabuur laga soo shiilo maskax bani aadam oo la gaadhsiiyo heer feker oo sarreeya iyo dareen nafsadeed oo xooggan dabadeed lagu liso weelka khayaaliga, ay weheliyaan hibo dabiici ah iyo aqoon barasho lagu kasbado. Haddaba hoogga maanta la arkay baa wuxuu yahay, maskaxdii soomaalida badankeedu waxay soo qufaysaa ”qashin”, af soomaaligiina waxaa laga dhigay ”qashinqub”. Bal adiguba u fiirso.

Horta asalkeeda bannaanba, haddiiba aynu yaraantii waxbarasho hellay ma ay ahayn mid u qaabaysan in ay soo saarto isla markaa dhiirri geliso awoodda iyo hibada halabuur ee ilmaha, hibadaasi ha ahaato mid cilmi, fan amaba isboorti. Imisa arday baa weligood lagu yidhi ”sheeko soo qor” , ”farshaxan sawir” i w m? Haddii uu dhaqankaasi jiri lahaa marka la waynaado ayuu qof waliba xirfadda ku habboon u risiq doonan lahaa. Imikase qof waliba maalintii uu qurbaha yimid, ee garaacista teebka bartay, ayuu sidii awr naq u da'ay guux bilaabay. Sidaas darteed wax badan oo ay dad waaweyni maanta qoraan kama duwana curiskii loo diri jirey carruurta dhigata dugsiga dhexe.

Taas waxaa weheliya buugga soomaaliyeed oo aan sidiisaba lahayn, welgiina yeelan, cid u shaqaysa ama ka sahqaysata. Waxaa ugu khayr roonaa mishiinkii Xamar oolli jirey ee lagu magacaabi jirey Madbacadda Qaranka, taas oo qoraalka uu Kacaanku raalli ka noqdo la gelin jirey. Iyadiina niman xanaaqsan baa ku cadho burburay. Qoraalka iyo qoraaga soomaaliyeed in la dhiirrigeliyo daaye waxa la qorayaa haddiiba ay macne yeelan lahaayeen waxaa la waayey cid daabacda oo bulshada gaadhsiisa.

Waxba yaan horumarinta dhaqanka iyo ilbaxnimada ummadeed laga fekerine, maxaa loo waayey shirkado iyo shakhsiyaad gaar ah oo buugga soomaaliyeed ka shaqaysta? Haddii la gartay in laga ganacsado jaad, googgarad, macawis iyo xawaalad, maxaa loo garan waayey ka ganacsiga buug ay suuq u yihiin dhawr iyo toban malyuun oo soomaali ahi? Jawaabtu aniga oo huba waxay tahay, waxaynu nahay dad aad ugu liita keenista hindse cusub. Waxaa caado ah in sida la isu dul tuban yahay qof uun wax yar bilaabo dabadeed waxaas lagu qamaamo.

Judhiiba jeldiga ayaan ka gartay in uu yahay buug sheeko ah. LADH. Hore ayaan magacaas ugu arkay Internet-ka. Qoraaga buuggana, Cabdillaahi Cawed Cige, sagaashannada dhexdoodii ayaan markii u horraysey arkay gabayo uu tiriyey oo tayo fiican. Oo sheekadana ma qoraa…ma qori yaqaan, mise xaalkiisu waa ”af soomaaliga waan qori karaa”? ayaan isweydiiyey. Shakigaasi waa gar waayo qoraallo badan oo ”sheeko” lagu sheegay ayaan ku soo hungoobay.

Waxaan bilaabay LADH in aan akhriyo. In yar ka dibna waxaa igu dhacay yaab iyo filanwaa! Runtii waxan aad akhriyaysaa ma sheeko soomaali baa? Malaha waad ismoodsiisay ee waa af kale? Bal sii wad! Siddeed saacadood oo aanan akhriskiisa u xiiqtiran weydiintaasi cabbaarkiiba mar ayey igu soo noqonaysey. Markii aan dhammeeyeyna mar kale ayaan sii yaabay. Waxaan aad ugu farxay heerka aanan marnaba filayn ee sheekada, iyo in ay sheeko faneedda soomaalidu u gudubtey marxalad cusub.

Horta aan ka afeefto sheekada aan sidaas u ammaanayaa in ay leh dahay dhaliilo xagga teebka ah. Xuruufta, ereyada iyo weedhaha intuba waxay u qoran yihiin si ciriiri ah. Xataa ereyo aan waxba isu ahayn baa erey ahaan isugu dheggan. Dhaliishaas badankeeda waxaa yeelan kara tifotirka iyo ciddii daabacday. Waxaad dareemaysaa in lagu dadaalay buuggu in uu noqdo tirada ugu yar ee bogag ah ee suurto gasha. Wuxuuna noqday 173 bog oo aan nefis lahayn.

Dhaliishaas waxaa labaysa in aan dan laga gelin qaar ka mid ah xeerarka sheeko qorista. Waxaa ugu daran marka ay shakhsiyaadku wada hadlayaan oo aan hadalkoodu kala baxsanayn. Sida caadada ah maaraynta doodda dadka dhex maraysa waxaa lagu kala saaraa in qof walba hadalkiisa la geliyo edeg ”…” ama in jiitin laga horraysiiyo –…iyada oo qof walba dooddiisa sadar cusub laga bilaabayo. In kasta oo qaabka aftahamo ee sheekada darteed aan arrintaas dhib lagala kulmayn, haddana shaki la'aan waxaa ka qurux badnaan lahayd kana fududaan lahayn in xeerkaas la raaco.

LADH, waa gocasho iyo xasuus xun oo caloosha, maskaxda iyo wadnaha gunta u fadhida oo sida fulkaanada marka ay doonto qaraxda. Markii afka qalaad lagu tarjumay wuxuu noqday (Anguish).

Sheekadan LADH ma aha sida ay sheekooyinka soomaalidu u badan yihiin halabuur daacadmiskiin (naive) ah oo ay wax waliba sidii lala jeclaan lahaa u dhacayaan. Maya, aayaha nolosha waxaa jaangoynaya oo hagaya xaqiiqooyin foolxun oo aan calooljileec iyo miskiinnimo waxba ka tarayn. In runta fooshaxun ee nolosha halkeeda loogu tago, oo la soo taabto cadaabta gunteeda, barta dabku ka soo shidmo, waxay u baahan tahay bisayl maskaxeed iyo dhiirranaan aan xad lahayn.

Gabadh yar oo shan iyo toban jir ah ayaa lagu hayaa qol ay taal sariir ay hareeraha kaga shidan yihiin nalal u eg kuwa qalliinka cisbitaallada. Waxaa u soo wada galay toddoba sarkaal oo qaaqaawan, iyaduna waa keligeed. Qalad dhacay ha moodin ee waa naqshaddii u dambaysey ee uu soo hindisay Jaalle Maqbuul oo qaabbilsan u raaxaynta saraakiisha sarsare. Saraakiishu noocan cusub ee loogu tumay ma ka heleen? Haa, waxaa u daliil ah markii ay cokanaadeen jawaabtoodu waxay ahayd: “War illayn duulku in la wadaagaa bay ku dhadhan suubban yihiin!”

Dabadeed waxaa ina dul heehaabaysa weydiin ah: isirka soomaaligu ma wuxuu eeday askari macnaha nolosha iyo nuxurka qarannimada u yaqaan amarkutaaglayn iyo tumasho silloon? Inta aynaan isu jawaabin ayeynu u gudbaynaa duni kale iyo xilli kale. Waxaa ugu horreeya aarsiga koowaad. Waa in ay ka aarsataa cid kasta oo ay ka adag tahay, xataa nafteeda. Dadnimadu haddii ay dhimatay ma iyadaa dishey? Waa sidan:

“Wuxuu ku jiraa sardho dheer. Waxay saartay miis ballaadhan oo qolka uu jiifay dacal yaallay. Waxay ka furtay maro ku duubnayd. Isaga oo qaawan ayey ku kala bixisay miiskii. Waxay qabatay afka si aanu u ooyin. Inta ay qaadatay neef weyn ayey mindidii kaga soo qabatay ganaca bidixda oo isu wareejisey...”

Ubadliqa waa magaalo, ama waxay ahaan jirtey magaalo. Magac laga miskiin maahee Ubadliqa waxay kula baxday afar boqol iyo shan carruur ah oo lagu laayey. Lafahooda caddaaday iyo qalfoofka madaxooda ayey cagtii la qaadaa ku joogsanaysaa. Xilliguna waa habeen mugdi ah.

Xaaladda sidan ah adeegsiga falka iyo faalku ma reebbana. Moorada Jila godkeeda aamusan, oo shan kiiloo mitir in ka yar looga arooro, waxaa bixiyey khabiir lagu magacaabo Birlise, kaas oo ay awooddiisu gaadhsiisan tahay in uu dhirta kaga hadliyo. Awooddaasi waxay kale oo gaadhsiisan tahay in ay qalin cas madoobayso, oo weliba ka dhaliso afar kale oo madmadow. Birlise caado uma lahayn in uu faalka ku dagaallamo, waxaase beddeshey qisadan:

“Waxaa dhinac yaal mindhicirkii oo ay ilaa xalay qudhaanjo ku xoonsanayd. Inta uu madaxa soo qabtay oo dhegtiisa u dhoweeyey ayuu isaga oo codkiisu gariirayo ku yidhi: ‘Hooyo, maxaa dhacay?' ‘Askar baa timid...'”

LADH waa cadaab aan dhammaad lahayn. Muuqaalka nabadeed ee jeldiga buuggu waa iska farsamaxumo ee ha ku dagmin. Weji faraxsan iyo xaqiiqada sheekadani waa laba kala fog. Waa Hargeysa iyo London, iyo dhul kale oo wada habeen iyo xanuun ah. Duniduna tan uun ma aha ee waxaa loo gudbayaa qaar kale.

In duni kale loo gudbo waxaa kaa xiga dareen nafsadda ka soo duxa, feker maskaxda ku soo dhaca ama indho muraayadda lagu eego. Dunida abaalmarinta iyo aargudashada aqal weyn oo ku yaal niman baa waxay ku xeeran yihiin dab malab u eg ama malab dab u eg. Nin waliba wuxuu haystaa geesbiciid uu markiisa dabka ku xurbinayo. Meel kale waxaa ka heesaya gabdho dhabta ku haysta suxuun waaweyn iyo mindiyo. Ma hilib bay areerimayaan? Agtooda waxaa ku xidhan sadddex nin oo qaaqaawan kuwaas oo ay haragga ka bixinayaan. Mid baa xiniin soo goysey oo saaxiibaddeed u tuurtay. Iyaduna inta ay xiniinta duulaysa hawada ka qabatay oo aad ugu fiirsatay ayey tidhi: “Ma waxa qaddarkaas ah ayuu dal dhan ku soo baabi'iyey?!” Weedhaas macnaha ku jira ayuu hoogga oo dhami ku jiraa. Halkaas ayey wax waliba ka bilawdaan kuna dhammaadaan.

Merfeshka qayilaadda London isagu malaha wuxuu u dhexeeyaa laba adduunyo oo midna ma raacsana? Run ahaantii goob lagu qayilo uun ma aha ee waxaa kale oo lagu xagtaa lafaha. Lafaha la feentay waxay u tuuran yihiin sida godadka bahalaha. Mar kale merfeshku waa gole lagu fekero oo dhammaan mushkiladaha dunida lagu xalliyo. Sheekadan LADH warbixinta ay merfeshkaas ka soo tebinayso waxaa ka mid ah:

“Weligaa ha filin nin fiidkii laba uurbeyto ama caqaar Hereri ahi ku degtay in uu xal keeno. Sidaas xaajooyinka laguma furfuro. Waa in jabaqdu go'daa oo sanqadha gawsaha isjiidhaya laanta ku dhex jirta ka yeedhayaa u ekaadaa dayaanka madfaca goobta. Haddii maskaxda qaybteeda caqligalka iyo fiirsashadu ku dhaqaaqdo xawli gaaban, qaybta go'aannada gaadhaana xawaare lamafilaan ah ku oroddo, wuxuu madaxeennu keenaa qaraarro aan kala go lahayn oo qaarkood macne samaynayaan qaarkoodna iga-gee yihiin. Kuwaas macnaha yar samaynaya waxaa gaaban cimrigooda. Waxay nool yihiin inta qaadku dhammaanayo. Marka la kaakaco ee meesha la fiiqayo ayay daataan oo qashinka la qubayo raacaan. Kuwa kalena subaxii marka la isweydiiyo ayay noqdaan: wallaahay arrinkaas xalay waa la isla soo qaaday, laakiin wax halkii ka sii wada maan maqal. Shardiga keliya ee ku xidhan in arrinka merfeshka la soo dhex dhigay xal loo helaa waa imaatinka marqaanka. Mar haddii marqaanku soo dego wax waliba waa dhag.”

Malaha isla garannay arrintu in aanay cadaabta ka fogeyn. Laakiin cadaabtaas jacayl iyo farxadi ma ka jiraan? Haa, waxaan u marag ah LADH:

“Saaka Khadiiji aad bay u faraxsan tahay. Ma aha farxadda aynu naqaanno ee waa qof aan welgii farxad arag mid yididdiilo gelisa.Waa ku farax in aad nooshahay aad ku faraxdo. Ma aha farxad aad ku faraxdo nimcada aad haysato, waa farax aad ku faraxdo nin ku ag taagan oo aan ku dilayn, ama aan ku faraxumaynayn. Ma aha farxad aad ku faraxdo gacan gacaltooyo oo laguu fidiyey.”

Haa, farxaddu waa noocaas. Jacaylkuna waa nooc aan ka duwanayn. Waxaa jira jacayl isla marka uu qalbiga ka soo go'ayo nacayb la socdo. Toddobaadkiiba mar baa kawaanka dhiig laga soo shaxaadaa. Ama shimbiraha magaalada ayaa la soo qabqabsadaa. Dabadeed dhiigga ayaa la isku dhammuuqaa, ilmahana lagu dhammuuqaa, gurigana lagu dhammuuqaa. Jacaylkaasi wuxuu shaqeeyaa inta aan ladhku soo kicin, marka uu soo kacana waxaa loo kala hoydaa haamaha qashinka iyo suuqa dawarsiga. Jacaylka sidaas ah ubadka ka beermaa wuxuu cunaa saabuunta, wuxuu cabbaa shambooga, waxaa ka daata timaha, wuxuuna yeeshaa cirridka geela, afkiisana waxaa ka daadata xumbo cagaaran. Meeshuna weli waa London.

Aakhirkana, siddeed iyo afartan makiinadood oo mooye bir ah lagu tumay ayaa lagu darsanayaa caano diirran oo hayl leh iyo wax kale. Dabadeed waa duni kale. Adduunyooyinka wada argaggaxa lihi sida ay isugu eg yihiin ee isugu dhafan yihiin darteed lama kala garan karo. Tee baa tee ah? Tee ayeynu joognaa? Ma ta ragga haragga laga siibayo ee xiniinyahooda lagu dheelayo, mise ta gabdhaha yaryar marka laga dhergo daaqadda laga tuurayo? Ma ta haanta qashinka loo hoyanayo, mise ... mise?

LADH waxay sheekooyinka kale ee soomaalida la wadaagtaa in aan shakhsiyaadka qisada muuqooda aad loo qeexin, taas oo inaga caawin lahayd shakhsiyaddu in ay xasuusta maskaxda ku dhegto. Tusaale ahaan hebli waa ay qurux badan tahay iyo hebel wuu xoog weyn yahay kagama kaaftoomi karro barashada qofka aynu doonayno in aynu si wanaagsan u baranno.

Waxaa jira dad nolosha ay wax ka qorayaan iyo waxa ay qorayaan midba meel ka keena oo isku dhabdhaba. Laakiin qisadani waxay daacad u tahay waxa ay ka hadlayso oo keliya. Wax kale dan kama leh, ujeeddo kalena ma leh, sidaas darteed uma baahna in ay meelo kale u shaxaad tagto. Ma jirto fikrad keliya, weedh keliya, xataa erey keliya oo aan buuxinayn waxa lagu tilmaamayo. Dabadeed waxaynu hellay dhambaal dhammays tiran. Sida runta ah ee ay qisadu isu haysato waxaad mooddaa sawirro nool oo ay kamaradi inoo soo gudbinayso. Run ahaan waa marxalad cusub oo ay sheeko qoristeennu u gudubtey. Sida macaan ee ay dhabta iyo dhalanteedku isugu badhxan yihiin waa si casri ah oo wax badan la wadaagta hab-faneedka caalamiga ah ee casrigan ee loo yaqaan “postmodernism”.

Waa sheeko baraarujinaysa, mayee hambaaber ku ridaysa, wacyiga dhaqan iyo nololeed ee guud ahaan soomaalida gaar ahaanna inta Dunida Galbeedka qaxootiga ku ah. Ugu horrayn sheekadani waxay dhaqaajinaysaa oo yaxyax ku ridaysaa damiirka aan weli dhiman ee qoyska soomaaliyeed ee qurbaha. LADH waa qiso ina xasuusinaysa dhaawacyada nafsadeed iyo bulsho ee ina soo gaadhay sida ay u qoddo fog yihiin. Weydiintuse waxay tahay: imisa qof baa nasiib ama awood u leh in ay akhriyaan?

Ugu dambayn laba arrimood baan hubaa. Ta hore, sheeko faneedda soomaalida waxaa u beryay waah cusub. Ta labaad, Cabdillaahi Cawed Cige, ninka uu buuggiisa koowaad kan yahay wuxuu soo wadaa wacdaro.

Ibraahinhawd@hotmail.com



Note: Fikradda maqaalkan waxaa ka mas'uul ah Qoraha oo kaliya.

© 2009 - redsea-online.com
Material may be reproduced freely
if redsea-online.com is mentioned as the source
Gobannimo © 2009 - redsea-online.com
Xogtan waa loo sii daabici karaa bilaash
haddii la xuso in laga soo xigtey redsea-online.com
 
Article's Poll
Ma Akhidey LADH?

Haa, waan raacsanahay Ibraahim wuxuu ka yidhi
Haa, laakiin kumana ku raacsani Ibraahim
Maya maan akhriyin "Ladh"


[ Results | Polls ]

Votes: 12 | Comments: 0

Related Links
· More about RSOL Book Review
· News by redsea


Most read story about RSOL Book Review:
“Aanadii Negeeye”
Sheeko dareen hoose leh oo uu qorey Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”


Article Rating
Average Score: 0
Votes: 0

Please take a second and vote for this article:

Bad
Regular
Good
Very Good
Excellent



Options

Printer Friendly Page  Printer Friendly Page

Send to a Friend  Send to a Friend


Gobannimo Bilaash Maaha!
www.redsea-online.com