RSOL Banner
Somali Week Festival
23-31 October 2009
Derbyshire St., Bethnal
Green, London E2 6HG
www.kayd.org
  Create an account
 
Somali Spelling Checker
!NEW NEW NEW!

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion
GREGORIAN

::
ISLAMIC


SOMALI


Net!Photo of the Week
Suggest one

Mooge Festival / Hargeysa International Book Fair - 2009

Mooge Festival / Hargeysa International Book Fair - 2009


Old Articles

[ List all articles ]

Wisdom of the Day
...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note
order it today


read it more


Ladh: sheeko xiise iyo dhadhan taariikheed xambaarsan qaybta 1aad
Posted on Friday, May 23 @ 07:52:46 CDT by redsea

RSOL Book Review

(Halkan ka dalbo buugga Ladh)

W/Q Mahad Muuse Xirsi

Waxaan halkan ku soo gudbinayaaa gorfaynta buugga sheekada "Ladh ‘’ee uu qoray Cabdillaahi Cawed Cige. Waxaan filayaa in buuggani yahay mid akhris iyo falanqayn hoose oo qoto leh in laga sameeya istaahila. Waxaase nasiibdarradu tahay in sideedaba ay sheeko qoraalku nagu yartahay oo aan aqoon fiican loo lahayn iskabaddaa in gorfayn iyo falanqayn lagu sameeyee. Sheekada oo aan qiyaasayo in cid falanqayn cilmiyeed ka bixisay ay yartahay, ayaan waxaan halkan ku samaynayaa gorfayn dulmar ah iyadoo aan rajaynayo in halkaas laga sii wado oo laga sii qaado balse aan anigu rabo in aan daah furid iyo iftiimin yar aan ka sameeyo

DULUCDA TAARIIKHEED EE LADH HUWAN TAHAY:

Ladh waxay tahay sheeko taariikheed ka hadlaysa marxalad taariikheed, oo ah xilligii nidaamka kacaanka ahaa ee qawmiyeed uu dalka haystay, iyo dhibaatooyinka nidaamkaasi bulshada iyo mujtamaca guud ahaan iyo shakhsiyadda qofeed gaar ahaan u gaystay. .Waxay marxaladdii kacaanku ahayd natiijada silsiladda isbaddal casriyeed iyo magaalayn ama dawladayn oo soomaaalida u bilawday 1960 markii dawladda la noqday ee nidaamka qawmiyeed uu dalka ka hanaqaaday 1960. Waxay marxaladdaasi la timid isbaddal casriyeed iyo magaalayn oo xawli ah oo markiiba ku soo fatahay kuna soo caaryay nidaamkii dhaqameed ee qadiimka ahaa ee hab beeleedka toleed ku salaysnaa maxaligana ahaa ee deegaan. Waxaa nidaamka cusubi noqday mid aan lahayn xakamo iyo seeto toona oo ka badbaadisa nidaamka hore ee dhaqameed oo isagu aan taag iyo tabar badan oo uu isaga difaaco nidaamka cusub ee qawmiyeed aan lahayn. Waxaana nidaamka cusubi noqday mid wax burburinaya haddii ay noqoto dhaqan iyo akhlaaq ahaan, bulsho iyo tol ahaan,hoggaamin iyo martabad oday dhaqameed ahaanba.



Waxayna noqotay in marxaladda labada dhaqan ee aan isku tabarta iyo miisaan ahayn ay noqdeen kuwa markiiba ishardiya isna diidaya oo aan isku sansaan bannaanayn marka la yiraahdo dhaqanka casriyeed ee magaalo iyo dawladnimo iyo dhaqankii hore ee tolnimo iyo beeleed ee reernimo.

Waxay ladh noo soo bandhigaysaa hirdanka iyo dirirta loollanka u dhexeeya labadaas taariikhood iyo dhaqamadooda kala duwan ee isdiiddan isnahaysta ee hirdamaya. Waxayna labadaas dhaqan ku dul hirdamayaan iskuna haystaan mujtamaca guud ahaan iyo shakhsiyaadka afraadda bulshadu ka kooban tahay. Waxayna bulshadu markii u horraysay u kala baxday jiilka cusub ee magaalo ee laydh raaca ah iyo jiilka hore ee dhaqameed ee isna barti yaqaanka iyo fadhiidka ah oo aan horusocodka ahayn, islamarkaana aan dabooli Karin baahiyada iyo himilooyinka fikriyeed iyo dhaqan ee casriyeed ee soo kordhay ayna higsanayaan da’da yar iyo dhallinyarada cusub ee magaalada ku kacaantay. Waa halkaa halka isdiidka iyo muranku ka aloosmayo ee qisadu ka ambaqaadayso ayna maagan tahay. Waxaana kalatagga iyo iswaaga ku dhacay labada jiil ee kan hore ee dhaqameed iyo kan danbe ee casriyeed ay keentay ayna taasi dhashay qalalaase haybeed iyo aqoonsi(identity crisis) iyo iswaa xaddaaradeed iyo shakhsiyeed(zhesofrenic).

Nuxurka iyo doodda sheekada ladh:

Nuxurka qisada iyo sheekadu waxay ka dhexaloosmaysaa oo ku dhacaysaa dhadiijo oo ah xiddiga sheekada nafteeda(within) iyo Khadiijo iyo duruufaha nololeed iyo marxaladda taariikheed ee ku hareeraysan ee ay Khadiijo la kulantay. Khadiijo waxay maraysaa marxaladdo taariikheed oo kala duwan oo ay midiba midda kale ka daran tahay, iyadoo qalalaasaha aqoonsi iyo haybeed ee Khadiijo haystaa uu ka bilaabanayo hargaysa iyo deegaankii ay u dhalatay ee ay ku noolayd ee asalka ahaa(native) uuna sii marayo qaybtii 260 ee taliska madaxtooyada kacaanka oo iyadu ah mid soogalooti ah(alien), iyadoo marka danbana ku dhammaan doonta London oo dhul ajnabi oo ay u haajirtay oo saalax isku helayaan Iyadoo aakhirkiina halkaa ay si naxdin leh oo taraagadi ah(tragedy) ay ku akhiran doonaan.

Waxay sheekadu ka bilaamaysaa iyadoo ay khadiijo ay kacaantay ayna rabto in ay barrin iyo daaqsin cusub ay meyracato ayna tiigsato kana baxdo noloshii iyo habdhaqankii toleed iyo reereed ee miyi ee aysan gabdhuhu ikhtiyaarka xorriyadoodu ku xirnayd tolka iyo bulshada oo laga dooni jiray lagalana xaali jirtay odayaasha tolka iyo ehelkooda. Waxay khadiijo u taagan tahay ama ay matalaysaa waa hargeysa iyo jiilkeeda cusub ee dhallinyarada ah ee kacaamay oo raba in ay nolosha cusub ee magaalo laydheeda raacaan iyo afkaarta casriga ah ee kacaameed ee marxaladda cusub ee magaalo iyo dawladeed soo butaacay. Kuwas oo raba in ay ka talaabaan xaduudihii bulsho iyo dhaqameed ee la yiqiin ee maxaliga ahaa ee toleed iyo reereed. Waxay qisadu noo iftiiminaysaa Khadiijo iyo dhallinyaradii reer hargeysa sida ay 1960 ahaayeen.

Waxaa Khadiijo hor ordaya oo balag u lulaya maqbuul oo horwada nolol sare, nimco barwaaqo sida riyadii 1960 reer hargeysa ay koonfurtu balagga caddaaladda, sinnaanta iyo midnimada soomaaliweyn loogu lulay. Waxaa Khadiijo la tusay daar weyn oo magaalada ka duwan oo ay dhiri hadoodishay kana daahday magaalada inteeda kale sida daarta halkudhaggii soomaaliweyn ee waqooyiga lagu beerlaxawsaday laguna qalday ee xeradhaafiyay. Khadiijo waxay jeclaatay in ay wax ka ogaato kacaanka nolosha magaalo ee casriyeed ee cusub ee xururufta ah, maaha in aad waligaaba wadiiqa qudha aad raacdid bay iskula shawrtaa waa in aad mararka qaarkood dariiqa weyn cagta saartaa oo bal xawaarahaaga tijaabisaa, mala waxaan khadiijo u caddayn in darriiqa weyn ee magaalo iyo casriyeed boholo badan yahay oo ay maqbuul oo miiran ay tuban yihiin.

Waxay Khadiijo iyadu macaansanaysaa sheekada qeybteeda fiican waayo waa daacad miskiin war moog ah (innocent) oo aan khataraha iyo boholaha nolosha casriyeed ee magaalo iyo khatasheedu aysan hore u soo marin, fitnada nolosha magaalana warmoog ka ah oo aan wax uga bilawnayn oo ku cusub(naïve). Waxay ka helaysaa oo ku socda batalaale, hargeysa club,daadihinta raamsiga beerlaxawsiga iyo dhunkashada diirran, qaybta kalese uma dhegafiyooba xaska,raranka,cadaabta, dulmiga, kufsiga, xayo ka qaadka,iyo abeesooyinka jiifa iyo tukhaantukha ina-rag.

Waxaa taas la mid ah sida aysan soomaalidu 1960 aysan ugu dhacsanayn raranka ku duugan diirimaadka halkudhagyada qurxoon ee diirran ee macmacaan ee soomaaliweyn sida aysan Khadiijo ugu dhacsanayn in nimco waliba ay nusqaanteeda leedahay. Waa bulsho dhallinyaro ah oo cusub oo aan dawladnimo iyo xaaladeed iyo khatarta iyo fitnada ku tagrifalka awooddu leedahay aan wax ka aqoon waxna ka arag, sidoo kale khadiijana waa dhallinyaro iyo caadadeede aysan ka fekerin waxa soo socda balse ay ku xisaabtamaan waxa jooga oo kaliya: waxa la yiri isma oga ismith iyo ninkii eyro soofsadaye isma oga agoon iyo ninkii aabaheed dilaye isma oga Khadiijo iyo raga raxma malgay iyadana sugaya waa kaaf iyo kaladheeri

Waxaa halkan ku hardamayaa xoogag taariikheed oo wax burburinaya iyo kacaan qawmiyeed oo soogalooti ah(alien) oo aan dhalad ahayn oo ay garwadeen ka yihiin askar jaan oo koonfur ka soo ambaday oo maqbuul horboodayo. Waxaa qolooyinkan kacaamaysani ay yihiin kuwo mudeecnimada amarka xisbiga iyo kacaanku ay waajib la noqotay kuna talaxtagay fulinta wareegtooyinka kacaanka.

Kacaanka wareegtooyinkiisa iyo awaamiirtiisa fulintooda waxaa qayb ka ah faal cajiib qaba oo la yiraahdo raadgure. Waa faal soo saara taariikhda nololeed ee qofka si loo kacaameeyo uuna guulwade u noqdo, intaad baadho qofka noloshiisa hore oo dhan ayaad baddalaysaa, xiriirka qofku la soo yeeshay waalidkii, qaraabadiisa, reerkiisa, tolkiis iyo ciddii ay isku dhaw yihiin oo dhan. Waxii aad saluugto oo dhan oo xiriirkaas ka mid ah waxaad ku baddalaysaa wax adiga kula quman kacaanka dantiisuna tahay ee naasibaya. Waa halka iyo barta sheekada isdiidkeedu ka aloosmayaan waa halka qolooyinka qawmiyeed ee kacaamaysani ay wax kasta adeegsanayaa si xiriirkaas bulsho ee dhaqameed ee soo jireenka ah ee taariikheed ay qasab iyo jujuub ugu baddalaan. Waxaana kacaanku barni u adeegsanayaa si uu xiriirkaas dabiiciga ah ee dhaqameed ee dhalashada toleed ee soo jireenka ah ku salaysan ugu baddalo xiriir cusub oo dhalanteed iyo qosol kujab ah oo kacaameed oo hayb aqoonsi jaallanimo iyo guulwadayn ku salaysan. W axaana si xiriirka noocaas ahi u hirgalo lagamamaarmaan ah in qalbigaddoon dhallainyarada iyo jiilka cusub ee magaalo lagu sameeyo oo ay taloobaan islamarkaana la naqraaciyo lana kabtuuro. Waa in jiilka danbe ee magaalo iyo jiilkii hore ee dhaqameed la iska horkeenaa lana kala gooyaa oo aysan isku iman iskuna hiillin oo aysan dareen tolnimo iyo iskudamqasho toona yeelan. Waa in wiilka ama gabadha reer hargeysa iyo waalidkiis iyo ehelkiisa la isqabadsiiyaa, waa in waalidka reer hargeysa ahi ay ilmahoodu ka yaacaan oo ay ka toloobaan oo ay gooyaan isna diidaan oo ay ka naqraacaan.

Waxaa halkan sheekadu iftiiminaysaa isbarbardhigga dhallinyaradii reer hargeysa oo casriyeed ee magaalo ee 1960 koonfur loo kabtuuray ee u yaacay ee qawmiyad doonka ismooday ee soomaaliweyn lagu beerlaxawsaday iyo, sidoo kale sida gabdhihii reer hargeysa ee Khadiijo ka mid tahay oo waalidkood iyo ehelkood ka doortay askari jaan oo koonfur laga soo afrogay. Waa nooc falka ka mid ah oo dhallinyarada lagu falo laguna madiideeyo oo lagu waalo laguna nacsiiyo lana qabadsiiyo in ay ehelkooda iyo dhaqankooda iyo xeerkooda iyo haybtooda toleed iyo ehelnimo ay ka doortaan xeerka iyo dhaqanka casriyeed ee jaallanimo iyo guulwadayn ee kacaameed iyo qawmiyeed, ama carabayn mid ku salaysan ha noqoto ama mid yurubayn ku salaysan ha noqdee. Lana rabo in bulshada iyo beelaha maxaliga ah ee toleed lagu soo rogo laguna dirqiyo hay’ado jaan oo soogalooti ah(alien) oo meel kale laga soo afrogay . Waxaa meesha ku hardamaya oo iskuhaysta hay’ado jaan oo casriyeed oo qawmiyeed oo yurub laga soo bawsaday oo ay askar soogalooti ah oo ay maqbuul iyo shuqbaal horboodayaan oo aan hayb iyo ina’ayo toona aan lahayn iyo hay’ado reer hargeysa ah oo dhalad ah(native) oo ay inamo reer hargeysa ah ay matalayaan oo la yaqaan ayna sahal, cilmi iyo xasan ka mid yihiin. Waxaa la isku haystaa oo lagu hardamayaa dhallinyarada wiilal iyo gabdhaba oo qaarna baabuur kala jiidan iyo daara waaweyn lagu indha sarcaadiyay qaarna qawmiyad doon iyo soomaaliweyn lagu indha sarcaadiyay oo laydha raacay oo ehelkoodii iyo tolkood hay’ado iyo askar jaan oo koonfur laga soo afrogay ka doortay kana raacay oo ka toloobay.

Markii ay hay’adihii iyo askarta jaan ee soogalootiga ahi ay gacanta ku dhigeen hay’adihii iyo reerihii dhaladka ahaa ee toleed(native)ee maxaliga ahaa ee reer hargaysa ayay noqotay in reeraha iyo bulshada sidii la doono laga yeelo loolana dhaqmo, iyadoo si qasab ahna loo qaawiyay loona karaamatiray si loo dareensiiyo taagdarridooda, iyadoo la leeyahay waxaan kaa hayaa sir,waa mabda’a hay’adaha kacaaneed ee qawmiga sheegtaa ay ku shaqeeyaan waa nooc kufsi siyaasadeed ah sida qaawintii iyo kufsigii khadiijo lagu sameeyay oo kale.

Daarta weyn ee khadiijo la geeyay ee lagu qalanayaa ee qaybta 260 wax walba waa gooni dhismuhu waa gooni oo reer hargeysa kama tirsana(outsider), askariga kadinka fadhiyaa darayskiisu waa gooni, soo dhawayntiisu waa gooni, xataa afka uu wax ku soo dhawaynayaa waa gooni waxa la adeegsanayaa af casri ah iyo jaalle lama ogola inaadeer iyo tolow iyo gacaliye. Jaalle waa astaanta sinnaanta ee qawmiyeed ee sooaamliweyn,maqbuul oo shaqada daarta weyn ka socota ee saqiirka lagu qasho IYO mashruuca qawmiga ah ee soomaaliweyn madaxda ka ah ayaa la faray ka dib markii mid ka mid ah saraakiisha mashruuca qawmiyeed madaxda ka ah ay dishay gabadh uu kufsaday in maalintaas laga bilaabo in maqbuul lagu amray laguna canaantay in dadka aad hawlgalinaysaa marka hore aad kacaamaysaa oo ay jaallayaal noqdaan ayna toloobaan. Waana in qalbigaddoon lagu sameeyo kuna abtirsadaan soomaaliweyn oo jaalle loogu yeero ayna guulwadayaasha kacaanka noqdaan waayo, bulshada aad la dhaqmayso ee reer hargeysa iyo mujtamaca toleed ee maxaliga ahi waa canaasiir kacaandiid ah iyo diinlaawayaal u tafaxaydan duminta kacaanka qawmiyeed iyo guulaha uu gaaray.

Waris Muuse waxaa lagu amaray in ay barqo ay gabadheeda ay kacaanka ay ka soo xaadiriso. Waris Muuse iyadu waa reer hargeysa waana jiilkii hore ee dhaqameed ee toleed waxaanad mooddaa in ay dawkaas taariikheed ee toleed ee ay u taagan tahay in ay ka boodsan tahay kana biyadiidan tahay durbaanka kacaanku tumayo iyo balagga uu lulayo ee ku aaddan barashada tusaalaha kacaanka iyo curdanku kacaanku u baaqayo ee ay curadeedu ka mid tahay in aan horumar dal iyo ilbaxnimo nololeed iyo taariikheed iyo barako kale toona aan midna caruurta loo dalbanayn ee ay baroortu ceesaanta ka weyn tahay maxayse ka tari kartaa? Xooggaga taariikheed ee kacaameed ee wax burburinaya kacaandiid waaa daldiid daldiid waa samadiid samadiid dhitada u taal maaha mid waris looga sheekaynayo samadiidaw dabin baa kuu dhiga lagugu dilidoono.

la soco qaybta danbe

Mahad herse
mahherse@talktalk.net




Ka eeg halkan maqaalladii Mahad Muse Herse - mahad


© 2009 - redsea-online.com
Material may be reproduced freely
if redsea-online.com is mentioned as the source
Gobannimo © 2009 - redsea-online.com
Xogtan waa loo sii daabici karaa bilaash
haddii la xuso in laga soo xigtey redsea-online.com
 
Related Links
· More about RSOL Book Review
· News by redsea


Most read story about RSOL Book Review:
“Aanadii Negeeye”
Sheeko dareen hoose leh oo uu qorey Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”


Article Rating
Average Score: 0
Votes: 0

Please take a second and vote for this article:

Bad
Regular
Good
Very Good
Excellent



Options

Printer Friendly Page  Printer Friendly Page

Send to a Friend  Send to a Friend


Gobannimo Bilaash Maaha!
www.redsea-online.com