W/Q Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
Waa dabciga aadamiga iyo noolaha oo dhanba in haddii degaanka lagu nool yahay si uun u xumaaado in meel kale looga hayaamo. Waxaa kale oo dabciga aadamiga iyo noolaha oo dhan ka mid ah in laga qaxo aafooyinka dabiiciga iyo colaadaha, naftana lagula eerto dhul nabad ah si loo badbaado. Garaadka iyo dhaqanka dadka ayeyse u gaar tahay dhacdooyinkaas in dib loo qiimeeyo lana xusuunaado oo waaya’aragnimadeeda la isu gudbiyo iyada oo loo tebinayo sheeko ahaan, maanso ahaan, qoraal ahaan ama farshaxan ahaan.
Haddaba buugga Is-dhiib wuxuu ka mid yahay maayad xooggan oo dhowaan halabuurka soomaalida ku soo rogmatay. Waa nooc qoraal cusub oo ka dhashay xaaladaha nololeed ee lagu sugan yahay labaatankii sano ee ugu dambeeyey. Waa soo gudbinta, sii gudbinta iyo kaydinta waayaha qofeed ee qaybta ka ah waayaha ummadeed.
Is-dhiib marka hore waa guudmar ku saabsan barakaca laxaadka leh ee dadka soomaalida ku dhacay laga soo bilaabo dagaalkii sokeeye ee sannadkii 1988 ilaa maanta. Qaybtan waxaa si gaar ah la inoo dul taagayaa xeryaha qaxootiga ee Kiiniya iyo Yaman oo ka mid ah meelaha ugu badan ee loo qaxay, goortii loo qaxay iyo sidii loogu qaxay. Noloshaas iyo taariikhdeeda ayaa la innaga siinayaa aragti iyo aqoon guud, iyo dhib iyo dheef wixii dhulalkaa lagala kulmay. Waa duni ay libinta iyo liibaantu ku yar yihiin.
Marka xigtana buuggu waa qisooyin xusuus ah oo goosgoos ah oo laakiin wada leh dhexroor mideeya oo ay qoraagu toos uga soo warinayso dadkii ay ku dhaceen.
Mawjadda buuggani ka midka yahay waa xusuus-reebid ku saabsan colaadda sokeeye, burburka, barakaca iyo tahriibta; iyo haddana midabtakoorka, daltabyada, cudurrada nafsadeed iyo guuldarrooyinka qurbaha. Hore waxaynu u soo aragnay qoraallo door ah oo heerarkaa iyo marxaladahaa kala duwan wax ka sheegaya. Waxaa ka mid ah buugaagta ay ka mid yihiin “Tuugo sharciyeysan” oo uu Maxamed-Deeq Cabdi Madar wax kaga sheegay sidii dadnimada ka baxsanayd ee ay askarta Kiiniya sannadihii sagaashannadii ula dhaqmeen soomaalida, “Goobjooge – dagaalkii al-Itixaad iyo Cabdillaahi Yuusuf” oo uu Maxamed Xirsi Guuleed ku soo bandhigay xusuus-taariikheed ku saabsan dagaalladii 1992 Gobolka bari ku dhex maray wadaaddada iyo jabhaddii SSDF, “Socdaalkii dheeraa” oo uu isagana Sayid M Yuusuf “Dhegey” inoogu soo gudbiyey taariikh qofaysan oo ku saabsan barakicii weynaa ee sannadkii 1988 ka dhacay dhulkii loo aqoon jiray gobollada waqooyi maantana loo yaqaan Somaliland.
Waxaynu kale oo aragnay sheekooyin gaaggaaban oo ku saabsan adaygga nolosha qurbaha kuwaas oo ay ka mid yihiin “Guri ba’ay” Maxamed Baashe, “Naf ma leh” Cabdillaahi Cawed Cige, “Nin gumoobay” Ibraahin-Hawd, “Talo-seeg” Maxamed Daahir Afrax iyo qaar kale oo badan. Maansooyinku iyagu tiro iyo xaddi ma leh. Waa masalo ay tahay in aad wax looga qoro; wax ka qoristaas oo mar laga helayo fahan iyo wacyi ku saabsan xaaladda maanta, mar kalena waxtar taariikheed u leh facan iyo facyada dambe labadaba. Buuggan Is-dhiib halkaas ayuu ku abtirsadaa.
Is-dhiib ugu horrayn waa waaya’aragnimo iyo waano waxkuqaadasho leh oo ku socota barbaarta isku miidaaminaya naftoodana ku halligaya socdaallada halista iyo halaaggu ka buuxaan oo marar badan geeri looga dhaco marar kale oo badanna dhaawacyo nafsadeed iyo kuwo jidh ahaaneedba lagala kulmo. Haddii socdaalladaas lagu raadinayo guul nololeed waxay noqon karaan, in badanna noqdaan, guuldarro iyo wadkii oo cagaha lagu doontay.
Is-dhiib in kasta oo sida aynu soo xusnay uu yahay dhacdooyin dhab ah oo taariikh ahaan loo soo guuriyey, haddana wuxuu u qoran yahay hab farshaxan macaan oo suugaanaysan. Dabadeed filin walba oo cabsi badnaa oo aad daawatay iyo qiso faneed walba oo qar-iskatuurnimo lahayd oo aad akhriday waxaa ka sii wada daran socdaallada isbiimaynta ah ee ay barbaarta soomaalidu ku maqiiqan yihiin. Waa socdaallo aad u adag kana baxsan duruufaha dadku u adkaysan karo oo ay geeri iyo silic ku gadaaman yihiin. Ayaandarrooyin badan oo halkaa ku jira ayey Saciida Sh Axmed oo lagu naanayso “VIP” si dhiirran inoogu soo warinaysaa.
Buuggan oo aan anigu u bixin lahaa “Hilinnadii cadaabta” wuxuu ina marinayaa dhammaan waddooyinka cadaabta kuwaas oo dhex mara hayjadaha lamadegaanka, fiidda buuraha, badaha kacsan iyo dhulalka qalaad. Hilinnadaas waxaa ku goglan hanfiga soomalhaadka, juubaha jiilaashinka iyo dayradhaafka, diihaasha iyo dhanqalanka, daalka iyo silica, baqdinta iyo bahalaha dadcunka ah ee beer iyo baabbacaba ku socda. Intaa waxaa dheer dulmiga shisheeyaha, kufsiga iyo dhaca, hiil la’aanta iyo ciilka joogtada ah. Socotadaas ayaankadaran saaxiibka ugu dhowi waa dhimashada, wehelkooda joogta ahina waa gaajada, harraadka iyo cabsida. Ilayska nolosha iyo bidhaanta rajadu goor walba waa dirqi iyo dinniiq.
Waddooyinka cadaabtu waa ay badan yihiin, waxaase ugu caansan oo hadh iyo habeen la qulqulayaa kuwa isaga gudba soohdimaha Soomaaliya iyo Kiiniya, Soomaaliya iyo Itoobbiya, Soomaaliya iyo Yaman, Yaman iyo Sacuudiga, Itoobbiya iyo Suudaan, Suudaan iyo Liibiya, Liibiya iyo Tuunis, Tuunis iyo Marooko, Marooko iyo Isbeyn, Suuriya iyo Turkiga, Turkiga iyo Giriigga, Liibiya iyo Talyaaniga iyo ugu dambayn Talyaaniga iyo Yurubta Waqooyi. Intaas iyo inta u dhaxaysa waxaa quban lafaha dhallinyaro soomaaliyeed. Dalkoodiina waxaa xabbad la dhex taagan maangaabyo madaxnimo aanay macnaheeda fahansanayn aad u hadalhaya.
Is-dhiib waalid iyo ubadkiisii iyo dad isu wada qaali ah ayaa nolol iyo geeriba ku kala dhaqaaqaya. Qofkii dadka kuugu xigay dunidana aad ugu jeclayd ayaad maydkiisa hororrada badweyn ku sooraysaa oo dalqada ugu ridaysaa. Gabdho soomaaliyeed ayaa rag soomaaliyeed hortooda lagu faraxumaynayaa oo aan hiil yarna u hidin karayn. Waa meel walba, waa goor walba waana cid walba: Afrika, Carab iyo Yurub intaba. Sow ma aad maqli jirin “Haad iyo haanraawe kaa dhereg!”?
Ma maqashay Dulcad, Xarshin, Harta Sheekh iyo Kaam Abbokor? Ma maqashay Utange, Ifo, Kaakuma, Dhadhaab, Dhagaxley iyo Xagardheer? Ma maqashay Madiinatul-Shacab, al-Kowd, al-Jaxiim iyo al-Kharas? Mase maqashay Beerta? Intaas iyo in kaleba waa wershadaha ay soomaalidu ku gumowday, ku silicday kuna dhimatay ka dib markii ay sida xun iyo sida xilka leh u jabtay. Intaas oo cadaabood ayuu buuggani ina marinayaa.
U fiirso soomaalida Kiiniya u qaxday in badan sida loola dhaqmay:
“Inta ay askartaasu soo qabtaan koox soomaali ah ay silsilad ku wada xiraan ay jidka wareejiyaan si ay u helaan bal dad qof ka mid ah garta kooxdaas oo looga bixiyo lacagta ay ku doonayaan ee baadda ah, ilaa la helo dad lacagtaa bixiyana maalintaas oo dhan la wareejiyo dadkaa sida xoolo oo kale.”
Iyo waxa ka dhacay soohdinta Yaman iyo Sacuudiga:
“Waxay goobtaas noogu geysteen xadgudub weyn oo ahaa in gabdhaheennii sharafta lahaa ee soomaaliyeed dhammaan halkaa lagu kufsaday si xunna loola dhaqmay, raggeenniina nala garaacay ilaa aan ka ilmayno.”
Run ahaantii seben xumaadkan xitaa waxaa la arkay dad soomaaliyeed oo la addoomiyey oo lagu adeegtay. Maxaad samayn kartaa haddii inta sida dameerka laguu rarto goortii lagaa dan dhammaysto ee dhididkaaga lagu siin lahaa lagugu yidhaahdo “carar haddii kale waa lagu dilayaa!”? Wixii la doono ayaa lagugu samayn karaa adiguse waxba ma samayn kartid. Ka sii darane, inta badan dadka ayaankadaran ee hilinnada cadaabta qulqulaya ee ku le’anaya ama la gumaynayaa waa barbaar ku jirta marxaladdii noloshooda ugu qiimiga badnayd, wiilal iyo gabdhaba.
Ummaduhu marka ay gobta yihiin ma yeelaan waana ay ka dhintaan in ay ummad kale u gumoobaan. Taas ayaa halganka ugu kulul loo galaa. Laakiin isla umaddaasi marka ay gumowdo in ay halganto iska daaye iyada qudheeda ayaa gunnimada cagaheeda ku doonata kana dhigata badbaado. Sida hore ayey soomaalidu ahayd markii ay iska xoraynaysay gumaysiga reer yurub, sidan dambe ayeyna noqotay markii ay ka soo daba hayaantay reer yurubkii ay beri dhowayd iska xoraysay. ”Sarreeyoow ma nusqaamoow/ Aan siduu yahay eegnee/ Kaana siib kanna saar!” ayaa si dadnimo leh loogu luuqaynayey markii calanka gumaysiga iyo gunnimada hoos loo dejinayey. Bal haddaba eeg ayaandaranayaasha maanta socdaal dhimasho ahaa oo ay doon kharaab ah kaga soo gudbeen Badda Dhexe ka dib waxa dhacay:
” Markaan dhammaanteen ku soo daadannay xeebtii waxaan bilawnay in aan jejebinno doontii aan saarnayn. […] Markaan ka soo degnay buurtii ayaa wiilal nala socday ku qayliyeen ’Waxaan joognaa Talyaaniga! Calankii Talyaanigu waa kaa ee eega!’ Markii aan calankii eegnay waxaa noo caddaatay in aan soo cagadhigannay jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.”
Qisada ugu dheer uguna xanuunka iyo naxdinta badan waxaa la inooga soo tebinayaa gabadh dhallinyaro ah oo loo bixinayo Nasra. Nasra waxaynu kala soo ambabaxaynaa magaalada Xamar, waxayna innala maraysaa wixii ay ba iyo balanbal martay si ay u gaadho nolol dhaanta tii Soomaaliya ee ay qawadday; Soomaaliyada ay xabbadda iy gaajadu qaybsadeen.
Nasra, oo ah qalanjada ama xiddigta koowaad ee buuggan, waxaa lagu naanaysi karaa Nasra-Biimo, run ahaantiina ma aha qof caadi ah. Waa shakhsiyad aad u dhiirran, aad u adkaysi badan, aadna u go’aan adag. Intii aanay qaadin cudurka halista ah ee ”dhoof” waxay nolol iska liidata qoyskooda kula joogtay Muqdisho. Dabadeed mar keliya ayey hareeraheeda ka wayday saaxiibbadii ay isku faca ahaayeen ee soo wada koreen oo debedaha u yaacay, waxaana meeshoodii ka soo buuxsamay quruun kale. Mar keliya ayey magaaladeedii garan wayday. Isla markaas ayey dalka soo galeen laba cudur (sida ay tidhi) oo kala ahaa guur waalan iyo dhoof waalan, horena waa tii loo yidhi ”Balaayo guur ama guurso ayey ku tidhaahdaa”. Nasra waxaa haleelay dhoofka waalan, kaas oo aad uga khatarsanaa sidii ay bilawgii moodaysay.
Cudurkan halista ah runtiisa maba ay fahansanayn ilaa ay cadaabtii ifka cagaha ku martay. Markaas ayey baraarugtay. Markaas ayey nolosha nacday oo diyaar u noqotay in ay baabuur lalaya iska tuurto, ama doon badweyn jibaaxaysa iska xoorto, ama dugaagga lamadegaanka ku qatan hilibkeeda ku quudiso. Waxaa kale oo dhici karta in meel daaddays hoggaanku ugu go’o. Nacabka kufsiga iyo xadgudubka u muhanayaana wuxuu ugu dul weehanayaa sida ay haaddu raqda ugu dul weehato. Iyaduna waa gabadh da’yar oo ugub, waana keligeed.
Nasra-”Biimo” in kasta oo ay sidaa u miiggan tahay, sidaas u dhiirran tahay, sidaana u go’aan adag tahay; in kasta oo ay dalal badan isaga tallawday, Yurubtii ay jannada u haysatayna cagaha soo dhigtay, marka warkeeda inooga dambeeya waxba faro kuma hayso. Cudur nafsadeed ayaa u soo kordhay. Haddii ay telefeeshinka bad ka aragto waa ay bukoonaysaa.
Saciida Sh Axmed run ahaantii farriimahan xanuunka badan waxay u maamushay, u qortay, una soo gudbisay si aad u wacan oo aan marnaba laga xiisogoynayn. Farshaxannimada ay buugga gelisay ayaa dhacdooyinkii dhabta ahaa u rogay suugaan dhadhankeeda iyo tayadeeduba sarreeyaan. Qisada Nasra ee buugga ugu dheer ma jiri doono qof akhriyey oo inta uu dunida ku nool yahay illaawi doonaa.
Dhanka kalena, Saciida iyo buuggeedani waxay tusaale habboon iyo kudayasho u yihiin gabdhaha soomaalida oo kaalintooda waxqorista aad loo tebayo. Iyada oo waxa la qoraaba weli iska yar yihiin waa nasiibdarro haweenku in ay aad ugu sii liitaan. Haddaba Is-dhiib marka dhinacaa iyo dhinacyo kaleba laga eego si weyn ayaa loogu diirsanayaa.
Buugga waxaa ku qoran ”maansooyin” door ah oo lagu cabbirayo dareenka ayaandaranayaasha laga sheekaynayo, mase kala hubno cidda curisay in ay tahay iyaga iyo in ay tahay qoraaga. Run ahaantiina ”maansooyinkaasi” kuma dhisna dheellitir ama miisaan. Maansada in dheellitirka iyo qaafiyaddaba laga xoreeyaa waa ay habboon tahay, waase in looga xoreeyaa si kale oo sidii hore lagu doorsaday. Laga garaabi maayo haddii iyada oo weli qaafiyadda iyo dheellitirka la dabajoogo haddana iyaga qudhoodii la ilaalin waayo. Sidaas darteed buuggan qaayaha badan cidna ugu tilmaami maayo in ay maansooyin u doonato, waxaanse u tilmaamayaa in loo doonto ujeeddadii loo qoray.
Is-dhiib waxaa loo qoray oo lagaga boganayaa ogaanshaha dhaqanka tahriibta iyo hoogga dhaqankaas ku xeeran. Saciida Sh Axmed iyaduna dhambaalkan waxay inoo soo gaadhsiisay sida ugu qurux badan, ugu sarraysa, uguna macaan. Waxay kale oo gunaanadka innagu xusuusisay qoraalkani in uu kow u yahay taxane ay qaybtiisa kalena soo socoto.
Akhri oo ku dhaqan, iskuna day naftaada iyo dadka aad jeceshahayba in aad ka badbaadiso halista iyo qudhgooyada ku jirta tahriibta. Akhriste, adiguna, fadlan, buugga u iibso laba sababood: 1) waa ta koowaade, in aad u baahan tahay in aad akhrido qoraal sidan u qiimo iyo waxtar badan; 2) waa ta labaade, in ay waajib kugu tahay in aad dhiirrigeliso qoraallada afka soomaaliga ku qoran si aynu ummad ahaan iyo af ahaanba u badbaadno.
Sifaha buugga:
- Cinwaanka: IS-DHIIB
-
Qoraaga: Saciida Sh Axmed ”VIP”
-
Soosaaridda koowaad: 2008, Belgium
-
Soosaaraha: Saciida VIP (saidavip@gmail.com)
-
Sifaha: 73 bog, 6" x 9" (perfect binding, black and white interior ink)
-
Qiimaha: €6.99
-
Ka iibso halkan:
- http://www.lulu.com/content/2003140
Ka eeg halkan maqaalladii - Anonymous