Waxa qorey Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
Si joogto ah waxaa loogu faanaa ummad
ahaan in la wadaago af keli ah. Waxaa kal oo lagu faanaa af soomaaligu
in uu ka mid yahay afafka ugu waaweyn Qaaradda Afrika. Waxaa kale oo
lagu sii faanaa af soomaaligu in uu yahay af hodan ah oo maanso tiro
iyo tayo leh lagu maansheeyey. Haddana isla jeerkaas lagama waantoobo
in afaf kale loo gumoobo oo wax la isugu sheegsheego. Markaas, ugu horrayn,
waxaa la isweydiin karaa goorta ay bilaabatay iyo sida ay ku bilaabatay
qof soomaali ahi in uu soomaali kale af kale kula dhaqmo.
Halkan kaga hadli mayno erayada ciidda
ka batay ee afka iskood u galay ama ogaan loo geliyey, kamana hadlayno
dadaalxumada iyo dhayalsiga aan afka si xilkasnimo ah loo adeegsan laaxinkana
laga ilaalin. Waxaynu ka hadlaynaa sida af kale oo udbihiisa iyo dhigihiisa
wata loo marinayo meel ay ahayd in af soomaali la mariyo. Kollay anigu
waan ka qaloodaa dad soomaali ah oo af kale ku hadlaya. Weligaa ma fadhiisatay
miis ay dadku kala afaf duwan yihiin? Dhanka kalena waxaan dareemaa
in ay tahay meel lagu gumoobay.
1. Marxaladihii legdanka af soomaaliga
iyo afafka qalaad
Marxalado kala duwan ayuu af soomaaligu
la soo maray afafka kale. Waxaa ugu horraysay tii uu bilawgiiba af carbeedku
diinta soo hoos xuluushay. Waxaa ku xigtay tii imaatinka reer yurub.
Waxaa ku xigtay tii dadka waxbarashada yurubaysan helay dabadeed afafkaas
wax weyn isku mooday. Iyagana waxaa ku xigay wahaabiyiin Sacuudiga laga
soo afuufay kuwaas oo afka ay kala qaadaanba carabi jajabina ka soo
horreeyo.
Dadka afka shisheeyaha wax isku mooda
haddii sannadihii lixdannadii lagaga daba oriyey:
Af qalaad aqoontu miyaa?
Maya, maya ee waa intuu qofka Eebbe
geshaa
Ayey nala tahay annagee
Waa intuu qofka Eebbe geshaa...
Maanta taasi ma jirto, waayo soomaalida
oo dhami waxay qaayibeen gunnimadii waagaas dadka tirada yar lagu ceebayn
jiray (welina afka iyo aqoontu waa kala laba ee ogow!).
Kolkii uu qoraalka afka soomaaligu
hirgalay, waxbarashadana la soomaaliyeeyey, isla markaas ummad ahaan
jaanta la isla yara helay intii aan haddana jaanta la isla waayin, luggooyada
afafka qalaad waa laga yara nastay. Milaygaas af soomaaligu wuxuu yeeshay
haybad iyo awood, wuxuuna isu dhigay in uu loollan la geli karo afafka
sarraynta sheegta. Wax kale iska daaye markii ugu horraysay waxaa la
arkay diinta oo af soomaali ku qoran. Dhiirrashada iyo kudhaca sidaas
ahi ma aha wax iska yimid ama iska iman lahaa, waase qirid iyo dareen
ka dhashay af soomaaligu in uu beddel u noqon karo afafkii aqoonta loogu
irkanayey.
Dabadeed waxaa dhacay burburkii weynaa,
waxaana meesha ka baxay hawlihii af soomaaliga la xidhiidhay ee la isla
ogaa la islana oggolaa, siiba manaahijtii waxbarashada. Isla markaas
boqollaal kun, amaba malyuumaad, ayaa daafaha dunida u qaxay. Intii
debedda laga helay mooyee intii kalena dhulkoodii baa loogu tegay. Ingiriisi
iyo carabi ayaa aad ugu xoogaystay waxbarashada liidata ee kacaakufka
ah, mar kale ayeyna labadaas af noqdeen ”moodo”. Dabadeed loollankii
af soomaaliga iyo afafka qalaad wuxuu u gudbay marxalad kale. Maanta
af soomaaliga waxaa labada gollood ka qaniinsan laba abris oo
kala ah ingiriisi iyo carabi. Labadaa abris waxaa weheliya laba goodaaddo
oo iyaguna kala ah faransiis iyo sawaaxili.
2. Warbaahinta iyo af soomaaliga
Burburkii kelitaliska Kacaanka Oktoobar
ka dib mar qudh ah waxaa fatahmay webiyadii dareenka dadka ee muddada
dheer cabbudhsanaa. Wargeysyo daabacan ayaa tuulo walba ka soo baxay.
Fogaanmaqal iyo fogaanarag aan tiro lahayn ayaa magaalo walba ka dhex
qayliyey. Boqollaal degel ayaa mereegta sida naq kaliileed meel walba
ka soo fuuray. Dhiganayaal ciiddaa ka badan oo aan tifatirrayn ayuu
qof waliba inta uu kilkisha ku qaatay madbacad la tegay. Qof walba oo
doonayey in uu eray yidhaahdaa wuxuu u helay meel uu ku yidhaahdo iyo
si uu u yidhaahdo. Waa la wada ciilbeelay, waana la wada cadgoostay.
Ma jiro maanta qof ka cabanaya in fikraddiisa
la cadaadiyey ama in uu gudbiyo loo diiday. Qof waliba wuxuu hadlay
dadaalkiisa, garashadiisa, aqoontiisa iyo anshaxiisa. Qof waliba
wuu ciilbeelay wuuna cadgoostay. Dhallaaxda ayaa la iswada qaaday. Waxba
la isulama hadhin. Xeer la raacayey iyo xaq la dhawrayeyna ma jirin:
mid warfidineed, mid aqooneed iyo mid anshax toonna. Sidaas darteed
xadgudubka iyo xishood darradu soohdin ma ay lahayn. Run ahaantii wa
xaalad soo daahday oo ay ahayd in ay dawladnimada la bilaabato - waxay
ahayd in ay bilaabato sannadihii 60-nadii halkii ay ka bilaabatay 90-nadii.
Dabadeed sida ay abuurta dadku tahay
qunyar qunyar ayaa loo xasilay oo loo xanaaqgooyey. Waa la dardugay,
waa la kala waranjiiday, gunta iyo meesha ugu xun ayaana la soo taabtay.
Maanta sidii ay wax ku bilawdeen aad baa loo dhaamaa. Qofka warbaahinta
soomaalida la so socon jiray, welina la socdaa, wuu qirayaa muddo gaaban
horteed sida uu xaalku ahaa in ay aad uga duwan tahay sida uu maanta
yahay. Waa dhif maanta reer hebel iyo reer hebel iyaga oo qaaqaawan
in ay yooyootamaan. Wayraxa iyo waallidu weli waa ay socdaan, meel walbana
waa ay ka muuqdaan, cawradii ayaase la yara asturtay. Magacyo kale ayaa
la sheegtaa muuqaallo kalena waa la yeeshaa: xisbi, urur, gobol, maamul,
dawlad iwm. Sidaasi waa sidii ay awelba wax ku bilawdeen intii aan tolla'ayda
iyo tolaysiga loo dhardhigan. Qofku jeerka uu sii waalanayo iyo jeerka
uu soo miyirsanayo barta uu ku kulmo ayaa maanta la marayaa. Caadi ahaan
arrinkani sida uu imika yahay in uu ka wanaagsanaado mooyee ka soo dari
maayo.
Xagga af soomaaliga, warbaahinta cusubi
waxay ku hawlgashay bulqaas iyo ”iska dheh”. Sida aan xeerka wariyennimo
loo dhawrin si la mid ah ayaan afka wax lagu tebinayo dan looga gelin.
Sida la og yahay culuunta iyo xirfadaha mid waliba waxay lee dahay af
gooni ah iyo erayo u gaar ah oo u baahan barasho iyo u tababarasho.
Ha yeeshee warbaahinta cusubi aqoon la'aan iyo indho la'aan ayey sida
hawtalhamag shaqadeeda ugu dhex dhacday.
Waxaa lagu dhaqmaa hadal aan af ahaan
qummanayn, xirfad ahaan hagaagsanayn, anshax ahaanna habboonayn. Soo
qaado eray beryahan aad loo u jecel yahay oo ah ”hadaaq”. Waxaa
si caadi ah loo yidhaahdaa ”Madaxweynuhu/wasiirku wuxuu maanta shir
jaraa'id kaga hadaaqay…”. Eraygaasi waa dhawaaqa ilmuhu inta aanay
hadalbaran, haddii qof weyn lagu sheegana waa cay laga wado ”sidii
ilmo yar ayuu wax aan macno lahayn ku hadlay”.
Warbaahinta sidaas u faaftay una xoogaysatay,
ee sidaas u xansaska iyo xashiishka badan, ee sidaas u af iyo anshaxba
hoosaysa, waxaa ka mid ah qayb lagu gudbiyo afaf shisheeye. Gaar ahaan
af ingiriisigu warfaafinta cusub wuxuu ka helay sed libaax. Taas waxaa
keenay; 1) dadkii hore ee waxbartay in door ah oo ka mid ahi afkaas
ayey wax ka taqaannay; 2) soomaalida debedda u qaxday in aad u badani
waxay gashay dhulalka lagaga hadlo afka ingiriiska; 3) degellada mareegta,
oo ugu badan meelaha warfaafinta ingiriisiyeysan lagu soo gudbiyo, ma
aha meelo lagaga hawlgalo xirfad aqoonnimo ee waa uun xorriyad laga
faa'iidaystay.
Dhaqanka saxaafadda ee sidaas u gurracan
iyo af ingiriiska lagu ibtiloobay waxaa la iska weydiin karaa: Afka
loo wada dhashay ee la isla wada garanayo in la iimaansan waayo maxaa
keenay? Ma qof aan afkiisu ku fillayn, qoraal iyo akhrisba, dabadeed
sidan fursad ka dhiganaya ama looga dhigayo, oo ku xilqarsanaya ama
loogu xilqarinayo? Ma golayaasha tifatirka warfaafinta ayey gacaltooyo
nafsadeed afka qalaad ku dirqiyeysaa? Ma ilbaxnimada uu afkaasi huwan
yahay ayaa ogaan iyo ogaan la'aan middood ama labadaba loogu jabayaa
oo la isu dhiibay? Ma akhriste baas oo af soomaaliga lagala caalwaayey
oo laga inaabsaday ayaa afka qalaad lagu sasabanayaa? Mise af soomaaliga
qudhiisa ayaan waxtarkiisa lagu kalsoonayn oo kuwan kale gurmad iyo
xoojin looga dhigayaa?
3. Aqoonta iyo af soomaaliga
Eedaha aynu qodobkan ku soo qaadi doonno
waxaa ka xil iyo ceebla aqoonyahannada habeen iyo dharaar u adeega dadkooda,
in badanna ku adeega afkooda. Kuwaasi hebello halkan lagu magacaabi
karo waa ay ka badan yihiin. Xitaa siyaasadda oo ay awel inta iimaanka
laga qaaday ku xoonsanayd beryahan waxaa muuqata in aqoonyahanku ku
siqayo, gaar ahaan Somaliland. Golaha Wakiillada Somaliland doorashadii
ugu dambaysay waxaa galay koox xul ah oo ay aqoontooda, wacyigooda iyo
tayadooduba sarreeyaan. Waxaa hadhay kooxdaasi in ay taranto iyo in
ay u gudubto Golaha Fulinta (xukuumadda). Puntland qudheeda saansaan
yar oo taas hore la mid ah ayaa ka muuqata.
Haddii aynu aqoonsan nahay xaqiiqada
cilmiyeed ee baadhitaan dheer ka dib ay garashada wanaagsani ka bixisay
sida ay u kala tagganaan karaan waxbaridda iyo waxbarashadu, baraha
iyo bartuhu iyo manhajka iyo maskaxdu, oo ay caddaatay mararka qaar
arrimahaasi halkii ay si habboon isu dhali lahaayeen isuna danayn lahaayeen
in ay isu noqon karaan cadaw, iyo waxbarashadu mar walba in aanay ahayn
guul iyo liibaan uu qofka bartay helay ee ay noqon karto guuldarro iyo
ayaandarro dadnimadiisa ku dhacda, oo ay jiri karto aqoon qofka addoon
uga dhigta cid awelba addoonnimo u qoondaysay, markaas waa in la hubiyaa
taasi sida ay inagu tahay ama inagu ahayn.
Horta waxbarashadu waa xaalad dhex
taal saddex dhinac oo kala ah: aqoon, bare iyo arday. Saddexdaas dhinac
waxa ay yihiin isuna yihiin iyo xidhiidhkoodu caynka uu yahay ayey ku
xidhan yihiin midhaha ka dhex abuurmayaa macaan iyo qadhaadh.
Aqoonta meesha lagu hayaa ma tahay mid habboon oo tayo leh barashadeedana
looga dhacayo badhaadhaha la raadinayo? Baraha meesha joogaa ma yahay
mid haya aqoontaas kor ku xusan si habboonna u gudbin kara? Ardayga
meesha fadhiyaa ma yahay qof nool oo dareen iyo garashaba kaalin firfircoon
ku leh doorashada, xulashada iyo ka qaybqaadashada waxa uu baranayo,
mise waa weel wixii la doono lagu shubayo?
Arrimahaas kor ku xusan jawaabtooda
ugu horraysa waxaa laga raadin karaa afka aqoonta, afka baraha iyo afka
ardaygu in ay midaysan yihiin oo islee yihiin iyo in kale. Waayo aqoontu
aqoon uun ma aha ee waxay lee dahay jinsiyad, abtirsi, summad iyo sawrac
raacinaya afka sida iyo dabadeed dhaqanka afkaas u gaarka ah. Taas haddii
aan loo feejignaan, oo aan afkaas iyo dhaqankaas ku milan horta aqoonta
laga saarin, afka iyo dhaqanka loo taagan yahayna lala falgelin, waxaa
dhici karta, oo dhacda, in ay dadka ka ambiso ujeeddada iyo danta. Amaba
waxaa dhici karta, oo dhacda, aqoontaasi in ay noqoto dhagax aan wacyiga
iyo garashada dadka ku milmi karin.
Tusaale yar oo qodobkaas sare ku saabsan
aan inoo soo qaado. Curiyeyaasha kiimikada sida aynu wada og nahay idilkood
waxaa lagu daahfuray Qaaradda Yurub, sidaas darteed waxaa la siiyey
magacyo af yurub ah. Tusaale ahaan curiyaha carbon sidaas uu
u yahay ayaa ilmaha soomaalida lagu bari jiray (kollayna weli lagu baraa).
Si walba oo ardayga eraygaas loogu qeexo fahmadiisa dhab ugama daaddego
waayo ma aha wax afkiisa iyo wacyigiisa ku jira. Markaa waxay ahayd
erayga in ardayga loogu sheego waxa uu yahay ee ah dhuxul - dhuxushii
ay hooyadii saaka quraacda ugu soo dubtay. Markaas ayuu eraygu ilmaha
u noqon lahaa sokeeye uu garanayo oo si wacan abuurtiisa u yaqaan. Dhammaan
jaadadka culuuntu waa sidaas.
Isdiidmada garaadka ilmaha iyo afka
aqooneed waxaa laga yaabaa in ay isla koraan oo weligood iyaga oo wada
socda haddana nafsad ahaan isdheehi waayaan. Shaki la'aan waa sababta
koowaad ee diidday aqoonta iyo farsamada casriga ahi in ay Afrika ku
kobcaan kuna midhodhalaan, iyo in aqoontaas iyo farsamadaas heer kale
loo gudbiyo horumarna lagu sii sameeyo. Waa wax yurubaysan oo qalaad.
Waa wax baas oo meel daran laga keenay oo in sida midho daray duudduubka
lagu liqo mooyee aan khayr kale lahayn. Dabadeed inta aan dheef laga
helin ayaa lagu mergadaa.
Fahanka iyo fahandarrada ka sokow,
afka wax lagu bartaa wuxuu hadhow saamayn weyn ku yeeshaa hab-fekerka
cidda wax ku baranaysa, ogaan iyo ogaan la'aanbana ciddaas wuxuu siiyaa
qofnimo cusub. Qofnimadaas cusub waqtiga iyo tamarta ugu badani waxay
kaga baxaan la qabsashada aqoonta dhaqanka afka cusub iyo sidii ay u
waafajin lahayd waayaheeda nololeed, waxayna noqotaa qofnimo dhibban
oo qabta jahawareer iyo iswaayid. Waxay ahayd waqtiga iyo tamartu in
ay ku baxaan waafajinta aqoonta la helay waayaha dhabta ah ee loo taagan
yahay (waayaha dhabta ah ee loo taagan yahay waxaynu ula jeednaa duruufaha
nololeed iyo degaan ee lagu jiro iyo danaynta horumarintooda).
Aqoonta la soo helay iyo waayaha ummadeed
ee loo soo helay ee isdiiddani waxay dhalaan qofnimo leh hab-feker gumaysan,
gunnimadaas oo laba siyood isu muujisa. Ismuujinta hore waa yurubnimada
(galbeednimada) oo si laxaad leh loogu jabo, gaar ahaan af ingiriisida
(iyo faransiiska Jabuuti) iyo wax walba oo uu afkaasi sido. Midda labaadna
waa hannaanka diineed ee wahaabiyada Carra'edeg ku cusub oo si ogaan
iyo waalli ah u carabaysan. Qolada hore aqoonta iyo aqoonyahannimada
waxay ka dhigeen wax ku lammaansan oo aan sinaba uga fuqi karin afka
iyo hab-fekerka yurub, qofka taas weydiin ka keenana uma garaabaan.
Qolada dambena diinta waxay ka dhigeen carabnimo aan gorgortan lahayn,
qof kasta oo carabnimada diidaana wuxuu ugu suntan yahay gaal.
Gunnimadaas maskaxeed ee aan qof fayoobi
beenin karin laguma jujuubna ee waxaa ka furan doorasho ama beddel.
Waa iyada oo ay labada qolaba si miyirqab ah u garwaaqsadaan af soomaaligu
run ahaantii in uu lee yahay awood lagu gudbin karo laguna baran karo
toyashada maskaxeed ee loo baahan yahay oo dhan, haddii ay kala dhinnaani
jirtana ay tahay wax ku xidhan maqnaanshaha iyaga kartidooda iyo kaalinta
ay qudhoodu gabeen. Dhaliilaha af soomaaliga loo hayo ee ah in aanu
ahayn af leh hodantinnimo eraybixineed oo ku filan culuunta iyo farsamada
casriga ah waa dhaliil aan gar ahayn waayo waa isla dadka wax dhaliilaya
kuwa dhaliishaas leh ee waxqabadkooda la tebayaa. Giraanta aad adigu
weligaa is'hor dilindillaynayso ma eersan kartid waayo maantaba waad
iska hor leexin kartaa si aanay berri kuu xayirin.
Af soomaaligu ma guulaysan doono inta
uu qofkii waxbartaaba waxsoosaarkiisa maskaxeed la magangelayo af iyo
dhaqan kale, taasi ha ka ahaato hawlyaraysi amaba danaysiye. Af soomaaligu
ma guulaysan doono, halka uu taagan yahayna hore ugama dhaqaaqi doono,
inta aan la helin dad u quudha ulana badheedha in ay geliyaan dhammaan
culuunta jirta iyo kartida halabuur, hawl kastaba taasi ha lahaatee.
Kobcinta iyo xoojinta ay dadka aqoonta
lihi afkooda siin karaan waxaan ka arkay maqaal aan dhowaan ka akhriyey
Ibraahin Maygaag Samatar. Maqaalkaas oo qudh ah inta aan xusuusan ahay
waxaan ka bartay saddex eray oo loo adeegsaday qaab igu cusub aadna
u habboon. ”Tab iyo xeel” ayaan markii koowaad la kulmay iyaga oo
noqday ”strategy and tactics”.
Ka kalena waa ”kudhac” oo noqday "initiative” iyo ”creative".
Sidiisaba qof weyn, oo weliba tacliin
sare lihi, marka uu dad soomaali ah la hadlayo in uu adeegsado af aan
soomaali ahayn maxaa lagu sheegi karaa? Anigu waxaan ku sheegi karaa
arrimahan soo socda ama qaarkood:
- in uu yahay qof yaraantii
af qalaad u jabay oo dantu badday dabadeed aan adeegsiga afkiisa ka
adkayn.
- in uu yahay qof wada fikrad
shisheeye oo afkaasi xambaarsan yahay taas oo uu doonayo in uu soomaalida
ka dhex faafiyo.
- in uu yahay qof garaad xun
sidaas darteed afka shisheeyuhu u lee yahay qiimo ka duwan ka uu caadi
ahaan afku lee yahay.
- in uu yahay qof wacyi ahaan
fahanka uu afka ka haystaa gurracan yahay oo aan ka bixin gumayntii
maskaxeed ee ay xilli fog reer yurubku dunida badeen, oo aan garwaaqsanayn
haddii lagu dadaalo af soomaaliga qudhiisa in lagu kaaftoomi karo.
Dadkaasi marka la isku qaado waxba
kagama duwana shisheeyaha. Maya ee run ahaantii qaarkood shisheeyaha
af soomaaliga jecel ee innagala shaqeeya ayaaba inooga sokeeya.
Qofka af shisheeye ku xoogsada, sifaha
uu doonaba ha ugu xoogsadee, ee kadabkiisa kula soo baxa, inta aynu
qalinkiisa ka nabadgelayno wuu ammaanan yahay wuxuuna mudan yahay taageero
buuxda. Afrika wax la quuto ayaaba laga la yahaye qof dunida isaga qadhaabsi
tegay muxuu cid yeelay? Waxaase habboon in uu sidaas isu arko loona
arko. Ma aha in uu dadkiisa khatalo oo wax aanu u ahayn isaga dhigo,
mana aha dadkiisu in ay ku kedsoomaan oo waxtar aqooneed oo aanay ka
helayn ka quuddarreeyaan.
Kala tagganaanta aqoonyahanka afafka
kale ku xoogsada iyo filashada togan ee bulshadiisa, iyo sida joogtada
ah ee ay labadu isagu hungoobaan, weligeed lagama hadlin dhabna la isulama
soo qaadin. Isagu dabcan wuxuu iskaga raaxaysanayaa harawsiga uu soomaali
badan maskaxda kaga haysto ee ah in uu yahay ”Aqoonyahankooda”,
dadkuna harawsigaas ayey qaayibaan iyaga oo aan isweydiin ”Aqoonyahankoodu”
waxa uu iyaga ugu filan yahay. Soomaalidu run ahaantii waa dad aad u
niyad iyo kalsooni wanaagsan marka ay tahay waxa loo yaqaan ”aqoon”
iyo ”aqoonyahan”. Waa ay ku faanaan, ka haybaystaan, aadna uga dhursugaan
qofka ay aqoonyahanka u yaqaannaan. Goor walba waxaad maqlaysaa tabasho
nuxurkeedu yahay ”aqoonyahanku muxuu arrinta wax uga qaban waayey?”.
Haddiiba ay run noqon lahayd in uu jiro ”aqoonyahan” arrinka wax
ka qaban kari lahaa waxaa la moog yahay qofkaasi in aanu baddaaba ku
jirin ee dunida lacagta haysata isaga xoogsi tegay. Adiga ayaa tirsada
ee horta isagu ma ku tirsadaa?
Aqoonta aynu halkan kaga hadlaynaa
ugu horrayn waa ta qoran jaad kastaba ha lahaatee. Intaas oo qoraallo
ah oo ay maskax dad soomaaliyeed af kale ku dhigtay waxay saboolnimo
ku ridaysaa af soomaaliga, waxayna hiil iyo hodantinnimo siinaysaa afafka
la adeegsaday. Dadaal walba oo la gelin lahaa in aqoonta afkeeda lagu
qoraa waxay guul u noqon lahayd af soomaaliga, waxayna siin lahayd tamarta
iyo awoodda af-aqooneed ee maanta lagaga cabanayo. Afafka waaweyn ee
dunida ma jiro mid aan soo marin heerkan oo aan xilli xilliyada ka mid
ah la quudhsan jirin marka ay tahay u adeegsiga aqoonta iyo fekerka.
Mana jiro af guulaysan lahaa haddii ay dadkiisu kula dhaqmi lahaayeen
fulaynimada iyo hamrashada uu aqoonyahanka soomaalidu afkiisa maanta
kula dhaqmayo.
Qofka duruuf heshay darteed aan awood
u lahayn in uu af soomaaligiisa u adeegsado shaqada iyo waxsoosaarka
maskaxeed ma aha dhibaatadaas uu qabo in uu qurxiyo ama ka dhigo wax
caadi ah, waayo qurux ma leh caadina ma aha. Haddii aan la qirin in
ay tahay dhibaato uu qabo wuxuu noqonayaa duuflaal majarehabow ku rida
inta yaryar ee isaga ku dayanaysa ee moodi karta guusha iyo libinta
aqooneed in ay ku xidhan tahay hadba sida af qalaad loogu talaxtago.
Dadka sidan u dhaqma haddii la eedeeyo
siyaalo dhawr ah ayey isu caabbiyaan. Mar waxay yareeyaan qiimaha afka,
sidiisaba, iyaga oo yidhaahda ”afafku waa isku mid kii la adeegsadaana
waa isla kii kale”. Qaarkood arrinka waxay u cuskadaan diin iyaga
oo ku dooda afafka oo dhan in Ilaahay abuuray oo aan la kala lahayn.
Taasi run iyo garasho habboon midna ma aha. Af walba waxaa leh dad,
jiritaanka dadkaas iyo jiritaan la'aantooduna waxay ku xidhan yihiin
sida ay afkooda iyo waxa afkaas ku hoyda ugu dhaqmaan una ilaashadaan.
Qaarkood waxay dhab u rumaysan yihiin af soomaaliga iyo waxa uu huwan
yahayba in looga guuro af kale iyo waxa uu huwan yahay. Dadkaas waxaa
ugu horreeya kuwa diinta iyo af carbeedka isku midka ka dhiga ee marka
ay carabaynta u qiilbannaynayaan yidhaahda ”af soomaaliga looma baahna
ee waxaa loo baahan yahay afka Diinta”.
Fikradda ah afafka dunidu in ay isku
mid yihiin kii lagu dhaqmaana la mid yahay kii kale run laga sheegi
maayo ee waa marmarsiinyo xun. Taas haddii daacad laga yahay af soomaaliga
loo dhashay ayaa xujadaas qudheeda loogu danayn lahaa inta af kale lagu
sababaynayo.
Qodobkani jeerka uu carabaysan yahay
iyo jeerka uu yurubaysan yahayba waa isku ujeeddo, waase ujeeddo isdiiddan:
carabayntu waxay nacab u tahay yurubaynta, sida kalena waa la mid. Fikraddu
marka ay carabaysan tahay waxay qayb ka tahay aragti dhalanteed ah oo
u doodda ummadaha muslinka ah oo dhan in la carabeeyo calan qudhana
la wada hoos keeno. Jeerka ay yurubaysan tahayna waxay toos ugu taxan
tahay dhalanteed kale oo sheegaya in aan loo baahnayn soohdimaha qarammada
iyo dhaqammada u dhexeeya.
Labada fikradood iyada oo aan midina
run ahayn, runna noqon karin, sida aynu aragno waxaa kala wata laba
qolo oo sidooda isu neceb, waxaana loo tartamayaa in ummado dhan la
isir guuriyo ama la liqo. Mid walba waxaa dad ay garashadoodu liidato
gashata oo ku indhosarcaadisa quwad u halgamaysa sarraysiinta waxeeda
iyo burburinta wax walba oo kale. Maayadaha xoogga leh iyo wax walba
oo ay maayadahaasi sitaan in lagu hafiyo isirrada kale, wax walba oo
ay isirradaasi gaar u lee yihiinna lagu baabbi'iyo, ayaa looga jeedaa
”burburinta soohdimaha”. Af soomaaliga iyo af ingiriisida haddii
oodda la isaga qaado ka milmaya ee la waayayaa waa keenna aan lahayn
iscaabbigii loo baahnaa iyo hay'adihii ilaalin lahaa.
Fikradda burburinta soohdimuhu kolka
ay yurubaysan tahay waa tii gumaysigii hore oo dhar cusub loo geliyey.
Xusuuso reer yurubku dadyawgii ay gumeeyeen in ay ku odhan jireen ”Ku
mahadiya afkayaga aannu idinkaga xoraynnay kiinnii cawaannimada ahaa,
iyo ilbaxnimadayada aannu idinkaga soo saarray daayeernimadii aad ku
jiri jirteen”. Taas ayuu oggol yahay qofka diidaya ama aan qiimayn
karin kaalinta uu afku ku lee yahay jiritaanka iyo waaridda ummadaha.
Ibraahinhawd@hotmail.com
Ka eeg halkan maqaalladii - Anonymous