RSOL Banner
Hargeysa International Book Fair
and Mooge Festival 2010

Hargeysa, 23-27 July 2010
www.hargeysabookfair.com
  Create an account
 
Somali Spelling Checker
!NEW NEW NEW!

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion
GREGORIAN

::
ISLAMIC


SOMALI


Net!Photo of the Week
Suggest one

Proud to be Somalilander!
<br/>
Somaliland Societies in Europe Annual Conference in Lyon

Proud to be Somalilander!
Somaliland Societies in Europe Annual Conference in Lyon


Old Articles
August 2010
· Laba Buug oo u Qalma Abaalmarin Caalamiya
· Hadda anigaaba dad ah! (Bandhigga buugga HIIL ee Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa)
· Black Mamba Boy - Nadifa Mohamed
· Xasuus Weedheedkii Carwada Buugaagta Hargeysa.
· Falanqaynta Qalinka: Midh Aan Ka Idhaahdo Maalmihii Macaanaa!
· Dib-u-milcsi: Bandhiggii Caalamiga ahaa ee Buugaagta Hargeysa iyo Bandhig Dhaqameedkii Mooge - 2010
· Sheeko iyo Shaahid - Warsaxaafadeed
July 2010
· Hargeysa International Bookfair and Mooge Festival

[ List all articles]

Wisdom of the Day
...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note
order it today


read it more


Gobannimo bilaash maaha!
Posted on Tuesday, January 08 @ 23:58:47 CST by redsea | read 1669 times

RSOL Book Review

Gobannimo bilaash maaha!

Cabdillaahi Cawed Cige

“Gobannimo bilaash maaha” waa curis uu inoogu deeqay Dr Jaamac Muuse Jaamac oo ah macallin, qoraa, cilmibaadhe abwaan iyo muwaaddin ku werwera himilooyin inteenna badani -weli ba anigu aan ugu horreeyo- ay mar hore ka quusteen: ku baraarujinta dhallinyarada waddaniyadda iyo barashada gobannimadooda. Jaamac wuxuu hore inoogu keenay taariikh “kooxdii macallimiintayda – My teachers’ group 2003” ujeeddadeedu ahayd in ay raadraac inoo noqoto oo aynu kaga boganno, ku xusuusanno islamarkaana cashar uga dhiganno wixii ka dhacay Hargeysa muddo kooban oo u dhexaysay Noofambar 1981- Jeenaweri 1982.

Qoraagu wuxuu soo saaray qoraallo madadaalo ah oo ina xusuusinaya dhaqanka iyo hiddaheenna oo uu ka mid ahaa Layli Goobaley oo inoogu yimi buug ahaan(AfTalyaani), barnaamij kombiyuutar iyo weliba mishiin ciyaarta kula ciyaaraya oo haddii aad khashiin tahay sidayda kaa badinaya. Wuxuu kale oo Jaamac isku dubbaridaa dhawr taxane oo uu ka mid yahay cirsankayeedh oo ah silsilad buugaag ah oo gundhiggeedu yahay kobcinta sheekooyinka afsoomaaliga ah ee mala awaalka ku salaysan. Waxqabadka iyo waxsoosaarka Jaamac Muuse Jaamac wuxuu isku gedaamay cidhifyo badan oo murti, madadaalo, aqoon iyo suugaan intaba leh; wuxuu se qoraalkan “Gobannimo bilaash maaha” inagaga keenay doc mahuraan ah oo loo baahnaa in la isku baraarujiyo; xorriyadda aasaasiga ah ee qofku uu leeyahay.



Sannadkii 1969kii waxa jamhuuriyaddii la odhan jiray Soomaaliya ku habsaday qabar meel daran iyo meel daaddays laga soo afrogay oo ay hoggaanka u hayeen rag isu arkayay isbeddel wadayaal, haseyeeshee adhaxda ka jebiyay mid ka mid ah xuquuqda aasaasiga ah ee qofkasta; gobannimada qofku ugu madaxbannaan yahay hawl maalmeedkiisa. Isbeddelka kooxdaasi kula dul kufeen bulshadii ay taladeeda boobeen ma baabi’in gobannimadii qofka oo keli ah ee wuxuu raad xun oo aan dhammaanayn kaga tegey jiilalkii dambe ee soo kacay. Waa raadka ku abuuran maskaxda wasiirka da’da yar ee haddana u haysta inuu muwaaddinka suuqa jooga wax dheer yahay, waa raadka qofka rayidka ah ee dulman ku kellifaya inuu baryo ka madaxda ah, halkii ay ahayd inuu gobannimadiisa dalbado oo keli ah. Waa raadka keenaya in idaacad loo arko arrin dawladeed, askari loo arko mid wax xidha, wargeys loo arko cadow haddii uu gacanta maamulka dalka ka baxsan yahay. Waa raadka wasiir ka tirsan dawladda Somaliland oo dhowaan la weydiiyay cabudhinta saxaafadda iyo xorriyadda qawlku kaga warceliyay; “Waxaasi waa wax yaryar, marka xorriyaddii weyneyd la helo ayaa ka yaryar laga sheekaynayaa ee imika maxaa laga soo hadalqaadayaa”

Sidii loo laabi lahaa, ee dib loogu celin lahaa raadka ragaadkaas keenay, ee maanka dhallinyarada looga furfuri lahaa ayuu curiskani kow ka yahay. Wuxuu curisku ka duulayaa Qodobka 32aad ee Dastuurka JSL oo qeexaya; “Xorriyadda bannaanbaxa, ra’yi dhiibashada, saxaafadda iyo warbaahinta kale”

Qodobkan iyo qodobada dastuurka oo dhan in la barto waa lama huraan. Qodobka se 32aad wuxuu isagu dheer yahay qodobbo badan tilmaamista gobannimada qofku leeyahay. Qoraalku wuxuu curiska ku bilaabay gogoldhig ay soo bandhigeen muwaadiniin magac iyo maamus labadaba bulshada ku leh, islamarkaana u muuqda dar fahamsan waxa ay ka hadlayaan.

Waxa ka mid ah muwaadiniintaas garyaqaan Ibraahim Xaashi Jaamac oo odhaahdiisa ay ka mid tahay; “Xorriyaddu waa sida hawada oo marka aad haysatid kama fekertid, marka aad weydid ee aad cabudhid ayaad ogaanaysaa waxa kaa maqan, laakiin haddii aanad hore taas uga feejignaan oo iska ilaalin, waxa laga yaabaa in aanad hawo fiican mar kale helin adiga oo jidh iyo maskaxba weli caafimaad qaba. Keligaa maaha ee haddii aanad walaalkaa iyo jaarkaaga marka cabudhintaasi ku timaaddo aanad wax ka qaban, adigana markay ku soo gaadho ma laga yaabaa in aan cid kale oo neefta ku siisaaba hadhin? Weedhan gobannimo ama xorriyaddu maaha bilaash, macnaheedu waa taas oo markaad haysatid, had iyo jeer ilaalin iyo feejignaan ayay u baahan tahay”

Cabudhinta ra’yiga iyo dhibaatooyinka ka dhasha ayuu aqoonyahanku inoo tilmaamayaa, weliba in aad cabudhintaada oo keli ah ka dagaallanto maaha ee waa inaad cabudhinta jaarkaaga, jaalkaaga iyo muwaaddinka kula gudboon oo dhan ka dagaallantaa. Gobannimadaadu waxa ay ku sidkan tahay tayda oo ku sidkan tiisa, oo ku sidkan gobannimadeeda oo ku sidkan tooda, oo ku sii sidkan teenna, oo dhammaan ku nool ilaalinteenna iyo u feejignaanteenna.

Cabdishakuur Cali Jowhar oo guddoomiye ka ah, Sanduuqa Xorriyadda Ra’yi dhiibashada Somaliland ayaa isaguna yidhi; “Aragtida dhabta ah ee gobannimada Somalilandta cusubi higsanaysaa waxa ay ina faraysaa inaynu wada kobcinno, wada daryeello oo aynu wada dhaqangelinno gobannimada. Waa inaynu si weyn taariikhda wax uga barannaa una fahannaa in micnaha dhabta ah ee gobannimadu yahay halbawlaha jiritaanka qofka. Marka aynu si qoto dheer u dhuuxno micnaha gobannimada waxaynu ogaanayna in meel aan xorriyatul-qawl jirin, aanay gobannimo jirin. Meel aanay idaacado aan dawladda hoos iman, wargeysyo xor ah oo aan dawladdu faafreeb ku samayn, telefiishinno dawladda ka madaxbannaan, iyo muwaadin haysta gobannimo gaadhsiisan heer uu ra’yigiisa u cabbiri karo meeshuu doono, siduu doono isaga oo aan cabsi ka qabin cunaqabatayn; intaas oo dhammi meel ay ka maqan tahay waa meel gobannimo ka maqan tahay”

Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde, xubin Golaha Wakiillada; ahaana Guddoomiye kuxigeenkii Guddiga Qabanqaabada Aftida Dastuurka ayaa isaguna gobannimo iyo ra’yi dhiibashada dhinac kale ka taabtay isaga oo leh; “Marka la tarminayo ku dhaqanka iyo dhawritaanka madaxbannaanida fikirka iyo xorriyadda ra’yi dhiibashada waxa habboon in loo abuuro madal siman, loona siman yahay oo cidina aanay si gaar ah ugu faa’iidaysan karin, haddii kale waxa ay madaxbannaanidaasi si fudud ugu dhalanrogan kartaa badeecad(commodity) ay ka dukaansan karaan oo keliya inta hantida leh ama aqoonta casriga ah leh, bulshada inteedii badnaydna ay ka af xidhan tahay, haddaanba mararka qaarkood looga dhigan shaabuug lagu karbaasho”

Wuxuu Cabdiqaadir ina dareensiinayaa masuuliyadda ina wada saaran si loo ilaaliyo ra’yi dhiibashada lafteeda oo aan ninka taajirka ahi ugu talaxtegin illayn wuu ka idaacad, telefiishan ama wargeys badnaanayaa qofka saboolka ah.

Curiska “Gobannimo bilaash maaha” wuxuu soo bandhigayaa qoraal siddeed cutub ah oo uu aqoonyahanku inagaga haqabtirayo waxa ay gobannimo tahay, heerarka gobannimoddoon, kobcinta gobannimada, gobannimo jacaylka, suugaan iyo cutubka ugu dambeeya oo ah lifaaq ka kooban Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa intaas oo bog la inoogu daliiliyay in u madaxbannaanida fikirka iyo xorriyadda ra'yi dhiibashadu aanay ahayn wax baadi ku ah dhaqanka Soomaaliyeed ee ay soo jireen yihiin.

Wuxuu qoraagu ina hogatusaalaynayaa in xorriyadda ra’yi dhiibashada ama gobannimadaada guud ahaan ay iyana barbar socoto masuuliyad saaran muwaaddinkasta oo aan ahayn oo keli ah ilaalinta xuquuqdaas aasaasiga ah, ee ah iska dhawrista ka gudbista xadka kuu yaal oo ah halka xorriyaddaadu ku dhammaato in ka kale tiisu ka bilaabanto.

Curiskani waa bilow faa’iido door ah u yeelan doona bulshadeenna gaar ahaan dhallinyarada soo koraysa iyo faca cusub oo uu qoraagu ahmiyad weyn siinayo in ay si door ah u guntadaan gobannimadooda.

Soomaalidu meel ay joogtaba waxa ay weligeed si qaldan oo maroor ah u raran jirtay ra’yi foorora oo gob iyo gun bulshada u qaybiya. Waxa aan qabaa haddii aan 1969kii muwaaddinka Soomaaliyeed laga qaadeen gobannimadiisa ra’yi dhiibasho oo afartankaas sannadood ay barbaartu ku soo ababi lahaayeen ra’yi dhiibashada xorta ah, in maanta aan gob iyo gun kala tilmaamisteeda muhmal ku jireen. Ma ay dhicin, waana midda uu qoraagu inagu dareensiinayo gabayga qiimaha leh ee Maxamed Ibraahim Hadraawri oo mawduucaas duudsiga gobannimada qofka si mug leh u taabtay;


“Dhafdhaf iyo halhays been ah baad soo dhabdhabateene

“Dhugatiyo cad xaaraan ah iyo dhoohan may cunine

“Dhamaas lagu takooriyo ma jirin caado dhaaf kale’e

Dhab cad iyo ma haysaan daliil meel la sii dhigaye

“Dhaqankaas cambaaraynayaa saaray dhiillada’e.

Farriinta, digniinta iyo baraarujinta ku ladhan gabayga Dhulgariir waa mid qoto dheer oo aan tuducyo laga soo qaato lagaga kaaftoomayn, waxa se xusid mudan sida ku cad sadarka Dhab cad iyo ma haysaan daliil meel la sii dhigaye in ra'yi dhiibasho xor ah oo laga soo horay maan bisil lagaga gudbi lahaa, haddii imika la is dabaqabtona lagaga gudbi karo, duudsiga xuquuqda asaasiga ah ee qof, qoys, qabiil ama ba qaran.

“Curiska Gobannimo bilaash maaha” dhalashadiisu wuu ka raagay maanka Soomaalida waxa se cad in aanu marnaba seegin biyadhaciisii oo ah bartii uu abwaanka weyraxsan ee gujada lagu hayay, isaguna waxa kale maanka ku hayay ka yidhi;

Taariikhda jeer aan hubsado, nalagu taandheeyay

Tirinmaayo maansooyinkaad, igu tuhmaysaane

Tiiraanyadeedaan qabaa, hay takliifina'e.

Wacnaydee in curiskan dhalashadiisa loogu hiilin lahaa maalintaas abwaanku gabayga tirinayay, waa se aroor iyo waayaheed oo maantaba sidaas uu abwaanku u sheegay ayaa taariikh aan la hubin, oo daliil loo haynin sida Dhulgariir tilmaamay, weli qof, qoys iyo qolo gobannimadoodii loogaga qaadayaa.

Taas baa ka dhigaysa curiskan toosh lagu soo hirto oo inoo furaya barashada, garashada iyo garwaaqsashada gobannimadeenna iyo u gargaarka midka tiisu cidhiidhi ku jirto.

“Gobannimo bilaash maaha, iisii daa maxaa kaa laalaadiyay ee aad iigu haysataa sow ma lihi, ma lihid, ma lihin, oo ma wada lihin?”

Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK edleh@hotmail.com




Ka eeg halkan maqaalladii Cabdillaahi Cawed Cige - cccige


© 2010 - redsea-online.com
Material may be reproduced freely
if redsea-online.com is mentioned as the source
Gobannimo © 2010 - redsea-online.com
Xogtan waa loo sii daabici karaa bilaash
haddii la xuso in laga soo xigtey redsea-online.com
 
Related Links
· Somaliland Forum
· More about RSOL Book Review
· News by redsea


Most read story about RSOL Book Review:
“Aanadii Negeeye”
Sheeko dareen hoose leh oo uu qorey Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”


Article Rating
Average Score: 0
Votes: 0

Please take a second and vote for this article:

Bad
Regular
Good
Very Good
Excellent



Options

Printer Friendly Page  Printer Friendly Page

Send to a Friend  Send to a Friend


Gobannimo Bilaash Maaha!
www.redsea-online.com