Gobannimo bilaash
maaha!
Cabdillaahi
Cawed Cige
“Gobannimo bilaash maaha”
waa curis uu inoogu deeqay Dr Jaamac Muuse Jaamac oo ah macallin, qoraa,
cilmibaadhe abwaan iyo muwaaddin ku werwera himilooyin inteenna badani
-weli ba anigu aan ugu horreeyo- ay mar hore ka quusteen: ku baraarujinta
dhallinyarada waddaniyadda iyo barashada gobannimadooda. Jaamac wuxuu
hore inoogu keenay taariikh “kooxdii macallimiintayda – My teachers’
group 2003” ujeeddadeedu ahayd in ay raadraac inoo noqoto oo aynu
kaga boganno, ku xusuusanno islamarkaana cashar uga dhiganno wixii ka
dhacay Hargeysa muddo kooban oo u dhexaysay Noofambar 1981- Jeenaweri
1982.
Qoraagu wuxuu soo saaray qoraallo madadaalo
ah oo ina xusuusinaya dhaqanka iyo hiddaheenna oo uu ka mid ahaa Layli
Goobaley oo inoogu yimi buug ahaan(AfTalyaani), barnaamij kombiyuutar
iyo weliba mishiin ciyaarta kula ciyaaraya oo haddii aad khashiin tahay
sidayda kaa badinaya. Wuxuu kale oo Jaamac isku dubbaridaa dhawr taxane
oo uu ka mid yahay cirsankayeedh oo ah silsilad buugaag ah oo
gundhiggeedu yahay kobcinta sheekooyinka afsoomaaliga ah ee mala awaalka
ku salaysan. Waxqabadka iyo waxsoosaarka Jaamac Muuse Jaamac wuxuu isku
gedaamay cidhifyo badan oo murti, madadaalo, aqoon iyo suugaan intaba
leh; wuxuu se qoraalkan “Gobannimo bilaash maaha” inagaga keenay
doc mahuraan ah oo loo baahnaa in la isku baraarujiyo; xorriyadda aasaasiga
ah ee qofku uu leeyahay.
Sannadkii 1969kii waxa jamhuuriyaddii
la odhan jiray Soomaaliya ku habsaday qabar meel daran iyo meel daaddays
laga soo afrogay oo ay hoggaanka u hayeen rag isu arkayay isbeddel wadayaal,
haseyeeshee adhaxda ka jebiyay mid ka mid ah xuquuqda aasaasiga ah ee
qofkasta; gobannimada qofku ugu madaxbannaan yahay hawl maalmeedkiisa.
Isbeddelka kooxdaasi kula dul kufeen bulshadii ay taladeeda boobeen
ma baabi’in gobannimadii qofka oo keli ah ee wuxuu raad xun oo aan
dhammaanayn kaga tegey jiilalkii dambe ee soo kacay. Waa raadka ku abuuran
maskaxda wasiirka da’da yar ee haddana u haysta inuu muwaaddinka suuqa
jooga wax dheer yahay, waa raadka qofka rayidka ah ee dulman ku kellifaya
inuu baryo ka madaxda ah, halkii ay ahayd inuu gobannimadiisa dalbado
oo keli ah. Waa raadka keenaya in idaacad loo arko arrin dawladeed,
askari loo arko mid wax xidha, wargeys loo arko cadow haddii uu gacanta
maamulka dalka ka baxsan yahay. Waa raadka wasiir ka tirsan dawladda
Somaliland oo dhowaan la weydiiyay cabudhinta saxaafadda iyo xorriyadda
qawlku kaga warceliyay; “Waxaasi waa wax yaryar, marka xorriyaddii
weyneyd la helo ayaa ka yaryar laga sheekaynayaa ee imika maxaa laga
soo hadalqaadayaa”
Sidii loo laabi lahaa, ee dib loogu
celin lahaa raadka ragaadkaas keenay, ee maanka dhallinyarada looga
furfuri lahaa ayuu curiskani kow ka yahay. Wuxuu curisku ka duulayaa
Qodobka 32aad ee Dastuurka JSL oo qeexaya; “Xorriyadda bannaanbaxa,
ra’yi dhiibashada, saxaafadda iyo warbaahinta kale”
Qodobkan iyo qodobada dastuurka oo
dhan in la barto waa lama huraan. Qodobka se 32aad wuxuu isagu dheer
yahay qodobbo badan tilmaamista gobannimada qofku leeyahay. Qoraalku
wuxuu curiska ku bilaabay gogoldhig ay soo bandhigeen muwaadiniin magac
iyo maamus labadaba bulshada ku leh, islamarkaana u muuqda dar fahamsan
waxa ay ka hadlayaan.
Waxa ka mid ah muwaadiniintaas garyaqaan
Ibraahim Xaashi Jaamac oo odhaahdiisa ay ka mid tahay; “Xorriyaddu
waa sida hawada oo marka aad haysatid kama fekertid, marka aad weydid
ee aad cabudhid ayaad ogaanaysaa waxa kaa maqan, laakiin haddii aanad
hore taas uga feejignaan oo iska ilaalin, waxa laga yaabaa in aanad
hawo fiican mar kale helin adiga oo jidh iyo maskaxba weli caafimaad
qaba. Keligaa maaha ee haddii aanad walaalkaa iyo jaarkaaga marka cabudhintaasi
ku timaaddo aanad wax ka qaban, adigana markay ku soo gaadho ma laga
yaabaa in aan cid kale oo neefta ku siisaaba hadhin? Weedhan gobannimo
ama xorriyaddu maaha bilaash, macnaheedu waa taas oo markaad haysatid,
had iyo jeer ilaalin iyo feejignaan ayay u baahan tahay”
Cabudhinta ra’yiga iyo dhibaatooyinka
ka dhasha ayuu aqoonyahanku inoo tilmaamayaa, weliba in aad cabudhintaada
oo keli ah ka dagaallanto maaha ee waa inaad cabudhinta jaarkaaga, jaalkaaga
iyo muwaaddinka kula gudboon oo dhan ka dagaallantaa. Gobannimadaadu
waxa ay ku sidkan tahay tayda oo ku sidkan tiisa, oo ku sidkan gobannimadeeda
oo ku sidkan tooda, oo ku sii sidkan teenna, oo dhammaan ku nool ilaalinteenna
iyo u feejignaanteenna.
Cabdishakuur Cali Jowhar oo guddoomiye
ka ah, Sanduuqa Xorriyadda Ra’yi dhiibashada Somaliland ayaa isaguna
yidhi; “Aragtida dhabta
ah ee gobannimada Somalilandta cusubi higsanaysaa waxa ay ina faraysaa
inaynu wada kobcinno, wada daryeello oo aynu wada dhaqangelinno gobannimada.
Waa inaynu si weyn taariikhda wax uga barannaa una fahannaa in micnaha
dhabta ah ee gobannimadu yahay halbawlaha jiritaanka qofka. Marka aynu
si qoto dheer u dhuuxno micnaha gobannimada waxaynu ogaanayna in meel
aan xorriyatul-qawl jirin, aanay gobannimo jirin. Meel aanay idaacado
aan dawladda hoos iman, wargeysyo xor ah oo aan dawladdu faafreeb ku
samayn, telefiishinno dawladda ka madaxbannaan, iyo muwaadin haysta
gobannimo gaadhsiisan heer uu ra’yigiisa u cabbiri karo meeshuu doono,
siduu doono isaga oo aan cabsi ka qabin cunaqabatayn; intaas oo dhammi
meel ay ka maqan tahay waa meel gobannimo ka maqan tahay”
Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde, xubin
Golaha Wakiillada; ahaana Guddoomiye kuxigeenkii Guddiga Qabanqaabada
Aftida Dastuurka ayaa isaguna gobannimo iyo ra’yi dhiibashada dhinac
kale ka taabtay isaga oo leh; “Marka
la tarminayo ku dhaqanka iyo dhawritaanka madaxbannaanida fikirka iyo
xorriyadda ra’yi dhiibashada waxa habboon in loo abuuro madal siman,
loona siman yahay oo cidina aanay si gaar ah ugu faa’iidaysan karin,
haddii kale waxa ay madaxbannaanidaasi si fudud ugu dhalanrogan kartaa
badeecad(commodity) ay ka dukaansan karaan oo keliya inta hantida leh
ama aqoonta casriga ah leh, bulshada inteedii badnaydna ay ka af xidhan
tahay, haddaanba mararka qaarkood looga dhigan shaabuug lagu karbaasho”
Wuxuu Cabdiqaadir ina dareensiinayaa
masuuliyadda ina wada saaran si loo ilaaliyo ra’yi dhiibashada lafteeda
oo aan ninka taajirka ahi ugu talaxtegin illayn wuu ka idaacad, telefiishan
ama wargeys badnaanayaa qofka saboolka ah.
Curiska “Gobannimo bilaash maaha”
wuxuu soo bandhigayaa qoraal siddeed cutub ah oo uu aqoonyahanku inagaga
haqabtirayo waxa ay gobannimo tahay, heerarka gobannimoddoon, kobcinta
gobannimada, gobannimo jacaylka, suugaan iyo cutubka ugu dambeeya oo
ah lifaaq ka kooban Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa intaas
oo bog la inoogu daliiliyay in u madaxbannaanida fikirka iyo xorriyadda
ra'yi dhiibashadu aanay ahayn wax baadi ku ah dhaqanka Soomaaliyeed
ee ay soo jireen yihiin.
Wuxuu qoraagu ina hogatusaalaynayaa
in xorriyadda ra’yi dhiibashada ama gobannimadaada guud ahaan ay iyana
barbar socoto masuuliyad saaran muwaaddinkasta oo aan ahayn oo keli
ah ilaalinta xuquuqdaas aasaasiga ah, ee ah iska dhawrista ka gudbista
xadka kuu yaal oo ah halka xorriyaddaadu ku dhammaato in ka kale tiisu
ka bilaabanto.
Curiskani waa bilow faa’iido door
ah u yeelan doona bulshadeenna gaar ahaan dhallinyarada soo koraysa
iyo faca cusub oo uu qoraagu ahmiyad weyn siinayo in ay si door ah u
guntadaan gobannimadooda.
Soomaalidu meel ay joogtaba waxa ay
weligeed si qaldan oo maroor ah u raran jirtay ra’yi foorora oo gob
iyo gun bulshada u qaybiya. Waxa aan qabaa haddii aan 1969kii muwaaddinka
Soomaaliyeed laga qaadeen gobannimadiisa ra’yi dhiibasho oo afartankaas
sannadood ay barbaartu ku soo ababi lahaayeen ra’yi dhiibashada xorta
ah, in maanta aan gob iyo gun kala tilmaamisteeda muhmal ku jireen.
Ma ay dhicin, waana midda uu qoraagu inagu dareensiinayo gabayga qiimaha
leh ee Maxamed Ibraahim Hadraawri oo mawduucaas duudsiga gobannimada
qofka si mug leh u taabtay;
“Dhafdhaf iyo halhays been
ah baad soo dhabdhabateene
“Dhugatiyo cad xaaraan ah iyo
dhoohan may cunine
“Dhamaas lagu takooriyo ma
jirin caado dhaaf kale’e
“Dhab cad iyo ma haysaan
daliil meel la sii dhigaye
“Dhaqankaas cambaaraynayaa
saaray dhiillada’e.
Farriinta, digniinta iyo baraarujinta
ku ladhan gabayga Dhulgariir waa mid qoto dheer oo aan tuducyo laga
soo qaato lagaga kaaftoomayn, waxa se xusid mudan sida ku cad sadarka
Dhab cad iyo ma haysaan daliil meel la sii dhigaye in ra'yi
dhiibasho xor ah oo laga soo horay maan bisil lagaga gudbi lahaa, haddii
imika la is dabaqabtona lagaga gudbi karo, duudsiga xuquuqda asaasiga
ah ee qof, qoys, qabiil ama ba qaran.
“Curiska Gobannimo bilaash maaha”
dhalashadiisu wuu ka raagay maanka Soomaalida waxa se cad in aanu marnaba
seegin biyadhaciisii oo ah bartii uu abwaanka weyraxsan ee gujada lagu
hayay, isaguna waxa kale maanka ku hayay ka yidhi;
Taariikhda jeer aan hubsado, nalagu
taandheeyay
Tirinmaayo maansooyinkaad, igu tuhmaysaane
Tiiraanyadeedaan qabaa, hay takliifina'e.
Wacnaydee in curiskan dhalashadiisa
loogu hiilin lahaa maalintaas abwaanku gabayga tirinayay, waa se aroor
iyo waayaheed oo maantaba sidaas uu abwaanku u sheegay ayaa taariikh
aan la hubin, oo daliil loo haynin sida Dhulgariir tilmaamay, weli qof,
qoys iyo qolo gobannimadoodii loogaga qaadayaa.
Taas baa ka dhigaysa curiskan toosh
lagu soo hirto oo inoo furaya barashada, garashada iyo garwaaqsashada
gobannimadeenna iyo u gargaarka midka tiisu cidhiidhi ku jirto.
“Gobannimo bilaash maaha, iisii daa
maxaa kaa laalaadiyay ee aad iigu haysataa sow ma lihi, ma lihid, ma
lihin, oo ma wada lihin?”
Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK edleh@hotmail.com
Ka eeg halkan maqaalladii Cabdillaahi Cawed Cige - cccige