Dhawr iyo toban gu’ ka hor waxaa uu qoraaga Soomaaliyeed ee sheekooyinka gaaban iyo qoraal tibaaxeedka (essays) ku dooday in konton sannadood kadib dhallinyarada Soomaaliyeed ee xilligaa ay ku adkaan doonto akhriska Hal Karaan, waa diiwaanka maansada Hadraawi e. Siciid Jaamac Xuseen wuxuu tilmaamayey sida af Soomaaligu ku sugan yahay xaalladda nasiib darrada ah ee la soo darastay Soomaalida awgeed: dagaal sokeeye oo keli talisnimo ka dhashay, dawlad la’aan iyo qax.
Marka bulsho doorato qaab aan shaqayneyn si ay uga soo kabato kufitaan wadareed, afka (luuqadda) ayaa ka mid noqda dhibbanayaasheeda ugu horreeya. Karti darrada wadareed ee naga haysata sidii aan dib u eegi lahayn una falanqeyn kari lahayn laab danqashada nagu raagtay waxay, qeyb ahaan, ka soo jeeddaa hiddo afeedka aan la lafa gurin oo weli saameyn badan ku leh garashada qofka Soomaaliga ah.
Maxamed Ibraahin Warsame oo dadku u yaqaannaan Hadraawi waa gabayaa iyo riwaayad sameeye aqoontiisa ballaaran ee dhaqanka Soomaalida iyo fursadda uu u helay inuu wax barto, barena noqdo ay qaabeysay adduun araggiisa. Dad badani waxay Hadraawi u arkaan inuu “ugu weyn yahay [dhinaca hal abuurka suugaaneed] maansoyahannada Soomaaliyeed ee nool.” In ka badan toban sannadood kadib markii la daabacay diiwaankisii Hal Karaan, waxa Maxamed Baashe, oo ah qoraa wax ku qora wargesyka Jamhuuriya ee saldhiggiisu yahay Hargeysa iyo London laguna doodi karo inuu ka mid yahay qorayaasha Soomaaliyeed ee tirada yar ee wax ku ku qora af Soomaali badhax tiran xilligan oo habaynta af Soomaaligu hakatay, uu qoray buug ku saabsan sooyaalka maansada Hadraawi.
Hal Ka Haleel waa buug ka kooban labo qeybood oo loo sii kala qeybshay waaxyo. Qeybta hore waxay ka hadlaysaa taariikh nololeedka gabayaaga,billowgii hal abuurkiisa intii uu ku noolaa Cadan (Yemen), sida uu uga soo muuqday suugaanta af Soomaaliga iyo markii dawladdii kacaanka ay gabayaaga xabsiga dhigtay.
Qaybta labaad waxa uu qoraagu buuggu si cufan uu ugu lafa gurayaa wax soo saarka suugaaneed ee Hadraawi oo uu Maxamed Baashe ugu yeedhayo maansada run ku sii durugga ah.
Gabayada iyo heesaha Hadraawi sameeyey waxay dhaliyeen dood ku saabsan nooca xukun ee ummadda Soomaaliyeed ku hoos nooleyd intii uu geyiga Soomaaliyeed ka talinayay maamulka keli taliska ahaa (1969-1991) iyo dagaalka sokeeye. Askartii dalka ka arriminaysay iyo mucaaridkii hubeysnaaba si qaldan bay isbaddal- doonnimada Hadraawi u garteen. Hoos isuma dhigin Hadraawi si uu u ammaano kuwa awoodda haysta, mana oggolaan in tixgelinno hooseeya ay aragtidiisa ceeryaamiyaan. Tani waa mid ka dhigaysa sooyaalka Hadraawi mid sii jireysa.
Hal Ka Haleel
Qore: Maxamed Baashe
Daabacay: Bashe Publications
ISBN No: 0-9547674
Waxa Maxamed Baashe uga dhex muuqda gabayada Hadraawi isbeddel dhinaca adduun aragga ah. Berigii hore waxa uu Hadraawi eedda xukunka xun uu saari jirey hoggaamiyayaasha. Haddase waxa uu Hadraawi qabaa in qaab dadku u fikiro--ku danaysiga qabyaaladda, lunsiga hantida ummadda iyo u xume-u –xuubsisiga--ay tahay tan hadda gondaha haysata Soomaalida oo ku dabartay xaalad micno darri ah.
Gabayada Hadraawi samyeey sannadihii sagaashanaadka (1990-) waxa ka muuqda dhowrista deegaanka iyo dareen tariikheed. Waxa uu gabayaagu isku deyayaa inuu ogaado sababta Soomaalida dhabarka ugu jeedisay qeybo ka mid ah dhaqankeeda oo qarniyo soo jirey, aqoonna ku dhisnaa sida aamminaadda, is cafinta, samirka, samafalka iyo xaq dhowrka qofka yar iyo qofka weyn.
Hal Ka Haleel waa buug wax ku biirinaya cilmi baarista Soomaaliyeed. Wuxuu hodminayaa af Soomaaliga. Qoraagu wuxuu sameeyey dhawr erey sida tobanle (decade) ka sokow sida geesinnimada leh ee u isticmaalayo af Soomaaliga si uu u bandhigo fikrado aan la taaban karin marka uu u kuur galayo
Hadal- maldaheedyada Hadraawi adeegsado.
Shaqsiyadda Hadraawi ee buugga ka soo baxaysa ma aha mid qof ma gafe ah, waase mid gabayaa laabtiisu deggan tahay kuna kalsoon wax soo saarkiisa suugaaneed.
W. Q. Liibaan Axmad
libahm@gmail.com
Ka eeg halkan maqaalladii Liibaan Axmad - libahm