RSOL Banner
Somali Week Festival
23-31 October 2009
Derbyshire St., Bethnal
Green, London E2 6HG
www.kayd.org
  Create an account
 
Somali Spelling Checker
!NEW NEW NEW!

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion
GREGORIAN

::
ISLAMIC


SOMALI


Net!Photo of the Week
Suggest one

Mooge Festival / Hargeysa International Book Fair - 2009

Mooge Festival / Hargeysa International Book Fair - 2009


Old Articles

[ List all articles ]

Wisdom of the Day
...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note
order it today


read it more


Gorfeyn: Hal Ka Haleel
Posted on Monday, October 01 @ 03:38:34 CDT by redsea

RSOL Book Review Dhawr iyo toban gu’ ka hor waxaa uu qoraaga Soomaaliyeed ee sheekooyinka gaaban iyo qoraal tibaaxeedka (essays) ku dooday in konton sannadood kadib dhallinyarada Soomaaliyeed ee xilligaa ay ku adkaan doonto akhriska Hal Karaan, waa diiwaanka maansada Hadraawi e. Siciid Jaamac Xuseen wuxuu tilmaamayey sida af Soomaaligu ku sugan yahay xaalladda nasiib darrada ah ee la soo darastay Soomaalida awgeed: dagaal sokeeye oo keli talisnimo ka dhashay, dawlad la’aan iyo qax.

Marka bulsho doorato qaab aan shaqayneyn si ay uga soo kabato kufitaan wadareed, afka (luuqadda) ayaa ka mid noqda dhibbanayaasheeda ugu horreeya. Karti darrada wadareed ee naga haysata sidii aan dib u eegi lahayn una falanqeyn kari lahayn laab danqashada nagu raagtay waxay, qeyb ahaan, ka soo jeeddaa hiddo afeedka aan la lafa gurin oo weli saameyn badan ku leh garashada qofka Soomaaliga ah.



Maxamed Ibraahin Warsame oo dadku u yaqaannaan Hadraawi waa gabayaa iyo riwaayad sameeye aqoontiisa ballaaran ee dhaqanka Soomaalida iyo fursadda uu u helay inuu wax barto, barena noqdo ay qaabeysay adduun araggiisa. Dad badani waxay Hadraawi u arkaan inuu “ugu weyn yahay [dhinaca hal abuurka suugaaneed] maansoyahannada Soomaaliyeed ee nool.” In ka badan toban sannadood kadib markii la daabacay diiwaankisii Hal Karaan, waxa Maxamed Baashe, oo ah qoraa wax ku qora wargesyka Jamhuuriya ee saldhiggiisu yahay Hargeysa iyo London laguna doodi karo inuu ka mid yahay qorayaasha Soomaaliyeed ee tirada yar ee wax ku ku qora af Soomaali badhax tiran xilligan oo habaynta af Soomaaligu hakatay, uu qoray buug ku saabsan sooyaalka maansada Hadraawi.

Hal Ka Haleel waa buug ka kooban labo qeybood oo loo sii kala qeybshay waaxyo. Qeybta hore waxay ka hadlaysaa taariikh nololeedka gabayaaga,billowgii hal abuurkiisa intii uu ku noolaa Cadan (Yemen), sida uu uga soo muuqday suugaanta af Soomaaliga iyo markii dawladdii kacaanka ay gabayaaga xabsiga dhigtay.

Qaybta labaad waxa uu qoraagu buuggu si cufan uu ugu lafa gurayaa wax soo saarka suugaaneed ee Hadraawi oo uu Maxamed Baashe ugu yeedhayo maansada run ku sii durugga ah.

Gabayada iyo heesaha Hadraawi sameeyey waxay dhaliyeen dood ku saabsan nooca xukun ee ummadda Soomaaliyeed ku hoos nooleyd intii uu geyiga Soomaaliyeed ka talinayay maamulka keli taliska ahaa (1969-1991) iyo dagaalka sokeeye. Askartii dalka ka arriminaysay iyo mucaaridkii hubeysnaaba si qaldan bay isbaddal- doonnimada Hadraawi u garteen. Hoos isuma dhigin Hadraawi si uu u ammaano kuwa awoodda haysta, mana oggolaan in tixgelinno hooseeya ay aragtidiisa ceeryaamiyaan. Tani waa mid ka dhigaysa sooyaalka Hadraawi mid sii jireysa.

Hal Ka Haleel
Qore: Maxamed Baashe
Daabacay: Bashe Publications
ISBN No: 0-9547674

Waxa Maxamed Baashe uga dhex muuqda gabayada Hadraawi isbeddel dhinaca adduun aragga ah. Berigii hore waxa uu Hadraawi eedda xukunka xun uu saari jirey hoggaamiyayaasha. Haddase waxa uu Hadraawi qabaa in qaab dadku u fikiro--ku danaysiga qabyaaladda, lunsiga hantida ummadda iyo u xume-u –xuubsisiga--ay tahay tan hadda gondaha haysata Soomaalida oo ku dabartay xaalad micno darri ah.

Gabayada Hadraawi samyeey sannadihii sagaashanaadka (1990-) waxa ka muuqda dhowrista deegaanka iyo dareen tariikheed. Waxa uu gabayaagu isku deyayaa inuu ogaado sababta Soomaalida dhabarka ugu jeedisay qeybo ka mid ah dhaqankeeda oo qarniyo soo jirey, aqoonna ku dhisnaa sida aamminaadda, is cafinta, samirka, samafalka iyo xaq dhowrka qofka yar iyo qofka weyn.

Hal Ka Haleel waa buug wax ku biirinaya cilmi baarista Soomaaliyeed. Wuxuu hodminayaa af Soomaaliga. Qoraagu wuxuu sameeyey dhawr erey sida tobanle (decade) ka sokow sida geesinnimada leh ee u isticmaalayo af Soomaaliga si uu u bandhigo fikrado aan la taaban karin marka uu u kuur galayo

Hadal- maldaheedyada Hadraawi adeegsado.

Shaqsiyadda Hadraawi ee buugga ka soo baxaysa ma aha mid qof ma gafe ah, waase mid gabayaa laabtiisu deggan tahay kuna kalsoon wax soo saarkiisa suugaaneed.

W. Q. Liibaan Axmad

libahm@gmail.com




Ka eeg halkan maqaalladii Liibaan Axmad - libahm


© 2009 - redsea-online.com
Material may be reproduced freely
if redsea-online.com is mentioned as the source
Gobannimo © 2009 - redsea-online.com
Xogtan waa loo sii daabici karaa bilaash
haddii la xuso in laga soo xigtey redsea-online.com
 
Related Links
· More about RSOL Book Review
· News by redsea


Most read story about RSOL Book Review:
“Aanadii Negeeye”
Sheeko dareen hoose leh oo uu qorey Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”


Article Rating
Average Score: 3.8
Votes: 5


Please take a second and vote for this article:

Bad
Regular
Good
Very Good
Excellent



Options

Printer Friendly Page  Printer Friendly Page

Send to a Friend  Send to a Friend


Gobannimo Bilaash Maaha!
www.redsea-online.com