|
Wisdom of the Day
|
| ...daily updates... | |
Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi suugaan |
|
|
 |
|
Xubnaha guddiga qabanqaabinta Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa ayaa sheegay in sannadkan la qaban doono bandhigga HIBF2013 inta u dhaxaysa 16ka ilaa 21ka bisha siddeedaad ee sannadka 2013. Bandhiggan oo galaya sannadkiisii lixaad waxa lagu martiqaaday qoraayo, halabuur, mufakiriin, suugaanyanahanno, fannaaniin isaga imanaya daafaha adduunka, oo isugu jira ajaanib iyo muwaadiniinba, kuwaas oo la wadaagaya falanqayn iyo doodo dhiggooda ku nool dalka gudihiisa.
Sannad kasta waxa jira mawduuc halkudheg u ah bandhigga. Labadii sannadood ee u danbeeyey waxa ay ahaayeen "Xusuus Wadareed" iyo "Mustaqbalka". Haddaba sannadkan waxa uu halkudheggu noqon doonaa "Socdaal". Inta tagtada iyo timaaddada qof kasta u dhaxaysaa waa socdaalka nolosha ee uu ku jiro qofkaasi. Bandhigga sannadkani waxa uu dhinacyo badan ka eegi doonaa macanaha geeddiga nolosha ee shaqsiga, jiritaanka ummadda, qaranka iyo dhammaan bulshada adduunka korkiisa ku nool.
Note:
|
|
Maalinta Suugaanta iyo Buugaagta ee
Toddobaadka Dhaqanka iyo Fanka Soomaalida ee Landhan
(Somali Week Festival 2012)
Sabtida 27 Oktoober 2012: 14.00 – 20.00
Suugaan: 14:00 – 18.00 Buugaag: 18.30 – 22.00
Hadraawi, Kaddare, Cabdalle Mansuur, Siciid Saalax, Xasan Qowdhan, Muuse Cali Faruur, Cabdidhuux, Basbaas, Cawdgale iyo abwaanno kale oo UK deggan ayaa waxa ay la wadaagi doonnaan galab aad u xiise badan qoraayada Maxamed Xasan Alto, Axmed Ismaaciil Yuusuf, Siciid Jaamac, Rashiid Gadhwayne, Abtiddoon, Jawaahir Daahir, Cabdillaahi Cawad, Cabdicasiis Xildhibaan, Saynab Daahir, Mustafe A Nuur, Mary Harper, Chantal Aboa iyo Xuseen Nuur.
|
|
Ilaahay ha u naxariisto Axmed Saakin Faarax.
Axmed Saakin Faarax Ilyas waxa uu ahaa weriye ka hawlgala Laascaanood. Waxa uu ku geeriyooday Laascaanood isaga oo aan wali toddoba iyo labaatan jirsan, ka dib markii toogasho lagu diley ee laba xabbadood lagu qoboojiyey jidhkiisa.
Waxa falkaas lagu aammusiiyey cod weriye.
Innaa lillaahi wa innaa Ilayhu raajicuun.
|
|
Waxa qortey Xamda Maxamed Xuseen Cigaal | fiyoore22@gmail.com
Gabayahow habeenbaa u dumay hanadadaadiiye
Gabayahaw hormoodbaa ka baxay hurintii maansooley
Gabayahow halyaybaa god galay lama hawaystaane
Gabayahaw horseedkii dantaa helay wedkiisiiye
Gabayahaw ninkii hiilin jiray lagu hagoog ciide
Gabayahaw hiddaha ooyayaa tebay halkiisii
Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame”
Waa maalin isniineed, bariido dabadeed wuxuunbuu i yidhi Gaarriye waa la keenayaa, burkaba ballaayo kama filane, waxaan weydiin ugu ceshay miyuu kasoo rayn waayay oo waa la iska soo celinayaa, kuye ma kaa dhabbaa oo ma ogid inuu geeriyooday. Naxdin iyo xannuun weynaa maqalka weedhahaasi, muddo ayaabay igu qaadatay inaan si dhaba u fahmo in Gaarriye geeriyooday.
|
|
Waxa qorey Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
Waa dabeecadda dadka qofku inta uu nool yahay in aan dhab loogu baraarugin wanaaggiisa iyo waxtarkiisa, se marka uu dhinto la xusuusto. Sababtu waa nacaybka dhimashada loo qabo iyo maskaxda oo aan qorshaha ku darsan karin qofkaasi in uu mar uun tegeyo oo aan dib loo arkayn. Qofka la jecel yahay iyo wanaag walba oo kale marka la haysto si abadi ah ayaa la isu siiyaa oo maskaxda ayaan aqbali karayn in la waayi doono. Waa halka ay maahmaah carbeed ka tidhaahdo ”barwaaqada la haysto la ma ogaado jeer la waayo”. Dabeecaddaa nafsiga ah ayaa keenta dadka qiimiga lihi inta ay nool yihiin badanaa in aan la waynayn, marka ay dhintaan se taallooyin loo dhiso oo xabaashooda ubax la saarsaaro.
|
|
Waxa qorey Cabdalla Xaaji Cusmaan
Bandhiggii buugta ee sannadkan 2012ka lagu qabtay Hargeysa uu ka duwanaa kuwii ka horreeyey. Waa marka horee waxa ka soo qayb galay qorayaal iyo wariyeyaal Soomaali iyo shisheeyaba leh oo Soomaalida dhexdeeda iyo caalamkaba magac ku leh. Waxa ka mida Maxamuud Sheekh Axmad Dalmar, Siciid Saalax Axmad, Boobe Yuusuf Ducaaleh, Nadiifo Maxamad, Siciid Jaamac, Mary Harper oo ah tifaftiraha wararka Afrika ee BBCda, Georgi Kapchits iyo qaar kale. Horaa loo yidhi, «Ninba ceesaantii ceel keentay» Qof
walba buuggii amma buugtii uu qoray ayuu badka keenay oo uu soo bandhigay, intaa waxa dheeraa dhawr maktabadood oo Hargeysa ku yaal ayaa iyaguna buugtii ay hayeen oo dhan soo bandhigay. Markaan qiyaasay buugta sannadkan la soo bandhigay aad iyo aad bay uga badnaayeen kuwii gu’yaashii hore.Guud ahaan jadwalkii bandhiggu
sidii loogu talagalay buu u socday kuna dhammaaday.
|
|
by Bashir Goth
hanua.blogspot.it
With the death of Mohammed Hashi Dhamac (Gaarriye), the Somali people have lost a great poet and a literary custodian. Apart from the many masterpieces and deeply intellectual poetry that he left behind, Gaarriye will be remembered in particular by his monumental efforts in founding and teaching the metrical structure of Somali poetry. He is to the Somali poetry as what Al Khalil ibn Ahmed Al Farahidi is to Arabic poetry. I was honored to have met Gaarriye in 1997 when we both participated in a poetry evening at a fund-raising event for Amoud University in Abu Dhabi. One cannot find words to mourn the loss of such a literary giant, but silence at such a great calamity is not an option from a fellow poet. Therefore, I wrote the following elegy to capture at least some glimpses of his memory as a poet.
Abiidaba nin loo go’o
Oo lagu galaashiyo
Geesigu ma waaree
*****
|
|

By Poetry Translation Center
Everyone at the PTC is devastated by the tragic news that Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye' has died after a long and painful illness. Not only have we lost a much loved friend, but the world has lost one of its greatest poets.
Gaarriye contribution to the success of the PTC is simply incalculable. His magnificent poetry, read with his amazing energy and force, astonished English-speaking audiences who had never before encountered a poet like him. Through his powerful performances, many people in the UK were introduced to one of the greatest of all world poetries, that in the Somali language. We are enormously grateful to Martin Orwin, who first introduced us to Gaarriye's poetry in 2004, and to his translators - Martin himself, Maxamed Xasan 'Alto', David Harsent (who translated Gaarriye in 2005 for our World Poets' Tour) and Bill Herbert (who worked closely with Martin and Gaarriye himself during our second World Poets' Tour in 2008).
|
|
By Rhoda A Rageh Death is part of life and everyone will go one day sooner or later. May Allah SWT give him His Mercy and lead him to Jannah. May all that he has taught others through his poetry and rhetoric become good deeds for him in the Day of Judgment. Raising awareness is guiding others to knowledge which is a fine deed. He has given his poetry generously. He has awakened minds to knowledge. He has inspired others. He has addressed friends and foe with fine humour.
Gaariye’s death is not only about him, he took with him an encyclopedic knowledge, positive energy constant inspiration and thought provoking poetry for a society that needed wisdom most. This makes his death more biting. May Allah SWT make it bearable for his immediate family and for people of Somaliland.
|
|
Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" (1951-2012)
Organizers of Somali Week Festival and their partners mourn the death of Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”, one of the most famous living Somali speaking poets. Gaarriye's last night premature death reaches us few days after the death of Faisal Omer Mushteeg, an other prominent artist. The organizers of the festival, their partners and the visiting artists share the loss of Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” with his family and friends.
Our heartfelt condolences go out to his family, friends and colleagues.
Ilaahay ha u naxariisto. Aammiin.
|
|
 |
Social Community
| Join us today |
There are currently, 77 guest(s) and 0 member(s) that are online. Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!
|
Editor Pick
|
| A brilliant work co-ordinated through many continents by Rhoda A. Rage. Read it more |
|
|
|