 |
| ...daily updates... | |
Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi suugaan |
|
|  |
Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran redsea-online.com |
|
|
Ibraahin Yuusuf Axmed - Hawd Aanadii Negeeye Ponte Invisibile Ed, Pisa, 2007 ISBN: 88-88934-05-7 - Qiimaha: 17.50 Euro
“Aanadii Negeeye” waa sheeko culus oo raadgoobaysa diillimaha kala jaadjaadka ah ee jeegaanta maxkaxda aadamiga: mar waa siqiir danbi-laawe ah oo bulshaduu ku korayaa ay xumaan ku habayso; marna waa cadaawad lagu bogsiinayo aargoosasho, kufsi, dhac, tuugo, xatooyo xoolo dadweyne; marna waa bayaaminta itaal darrida aadamiga oo waa kalgacal iyo jacayl nadiif ah; mar waa damac adduun iyo cidi kaama sarrayso ku taam; marna waa xaqiijinta waxa ummad dhan nolosheedii maanta ka dhigay ummad la’aan. Waxay sheekadani tahay digniin ah wixii dhacay, ee ku dhacay soomaali, waa wax soo noqon kare e, ummadyahay ka digtoonaada.
Order it now |
|
Ibraahin Yuusuf Axmed, oo lagu naanayso “Hawd” wuxuu ku dhashay Hawd, wuxuuna imminka deggan yahay dalka Iswiidhen. Waa qoraa ku xeeldheer sheekooyinka gaagaaban, si xoog lehna akhristeyaasha internetku ula socdaan qoraalladiisa kusoo baxa degellada afsoomaaliga wax ku daabaca. Waa Allifaa leh maansooyin, wuxuuse Ibraahin ku caan yahay xirfaddiisa faaqidaadeed ee dhismekalkaalka ah ee uu ku sameeyo qoraallada afsoomaaliga kusoo baxa. Ibraahin wuxuu hore u qorey buugga “Soomaaliya: Qaran iyo Qabiil” oo kasoo baxay dalka Iswiidhen 1998kii. “Aanadii Negeeye” waa sheekadiisii ugu horreysay ee nooceeda ah ee uu daabaco. |
Faalada martida
- Akhriste - 2010-05-16 04:13:00
Maryan axmed - Fa-rxiyo2010@hotmail.com Waxaan ina way din sida an u fahmi karo erayad asal ka ah wayo fahan koda way i ku adag yihin mahad sanid

- Akhriste - 2010-04-11 12:23:33
maxamed ismaaciil jaamac "xaaji" - dahabi21@hotmail.com dhiganaha ( buuga) la yidhaaahdo aanadii negeeye waa dahab la aslay waa dhaxal qaaliya waa hanti aan duugoobayn wuxuu la nooolaan doonaa fac ba faca uu ka danbeeyo waan yaabay markaan akhriyaay waana ka fuqi waayay waxana ku duugan waayo aragnimo iyo talooyin dahsoon oo aan la tirin karin walleee waaqoraa asal ah ibraahin hawd waa rageedii nin sare oo caqli badan dheh

- Akhriste - 2010-04-07 19:11:21
Marian - aibogor@hotmail.com asc walaal waxaan rabey buugga maana faay meesha igu dhow oon ka dalban karo

- Akhriste - 2010-02-06 14:02:07
Maxame axmed cabdi - Dhego@hotmail.com Waxan raba inad igelisan sawiro o ad iga ogo latan waxan ahay wil u dhashay dalka kenya

- Akhriste - 2009-02-21 03:50:28
ismail hussein ali - inaxabeeb@hotmail.com asalaamu calaykum waraxmatulaahi wa barakaato walaal waxa aan aad iyo aad ugu bahanahay meesha laga helaayo buuga la dhaho aanadii nageeye ee uu qoraya ibraahim yusuf axmed iyo buuga la dhaho sirata guurka walaal labadaas buug aad ayaan ugu bahanahay xagaan ka helay waad mahadsanatahiin
wabilaahi tawfiiq
RSOL: ka dalbo halkan IIBSO. Haddii aad joogto Somaliland, waxaad ka doonataa dukaanka REDSEA.

- Akhriste - 2008-09-23 10:14:18
Abdishakur - Ibraahiim84@hotmail.com Waan salaamayaa qoraaga buuga iyo waliba read sea salaan kadib buugaan nairobi malaga heli karaa jawaab iyo meesha iigu dhaw markaan nairobi joogo

- Akhriste - 2008-08-18 12:35:05
Ahmed Riiraash - ahmedyasin20@hotmail.com marka hore salaan diiran, Buugan aanadii nageeye oo aan baryahan akhriskiisa ku mushquulsanaa runtii, waa la yaabay sida uu qoraagu u qoray iyo kalmadaha somaliga ah ee uu adeegsanayo, runtiina waxaan odhan karaan Ibrahin Hawd, waa nin aqoon iyo karti u leh habka wax loo qoro, isaga oo buugan marka aad akhrido uu bog-boga kale ka xiiso badan yahay, markaa waxaan leeyahay Thanks alot for your book mr, hawd,

- Akhriste - 2008-05-26 21:37:20
jamac - jaamac@yahoo.com sxb buugan iyo wax la mid in aad la soo shir tagtid maysan aheyn, lakiin waxaan rajeynayaa in aad ka waan oobi doontid maan-gaabnimada sidan oo kale ah.

- Akhriste - 2008-05-26 20:43:04
jamac - jaamac@yahoo.com sxb buugan iyo wax la mid in aad la soo shir tagtid maysan aheyn, lakiin waxaan rajeynayaa in aad ka waan oobi doontid maan-gaabnimada sidan oo kale ah.

- Akhriste - 2008-05-07 11:21:18
c/nuur - nuurho@hotmail.com runtii sheekooyinka intaan akhriyay waa ay xiiso badan yihin waliba waxa aan aad u sii xiiseeyay waxa ka mid ah af soomaaligenii asalka ahaa oo aan islahaa imika waa la ilaabayba in uu qoraagu sicajiib ah u adeegsanaayo.
taas oo dhalinta yar yar ee afsoomaligu ku adagyahy ay ka faaiidayan karto
waa mahadsantihin

- Akhriste - 2008-05-07 11:19:56
c/nuur - nuurho@hotmail.com runtii sheekooyinka intaan akhriyay waa ay xiiso badan yihin waliba waxa aan aad u sii xiiseeyay waxa ka mid ah af soomaaligenii asalka ahaa oo aan islahaa imika waa la ilaabayba in uu qoraagu sicajiib ah u adeegsanaayo.
taas oo dhalinta yar yar ee afsoomaligu ku adagyahy ay ka faaiidayan karto
waa mahadsantihin

- Akhriste - 2007-10-20 02:04:04
hussein Mohamed Abdilahi - xmataanoo@hotmail.com buuggan oo aan in badan maqlay waxaan akhriyay kala badh, intaas aan ka akhriyay waxa ka buuqatay fikraddo aad u sareeya oo biklaa turxaan ah oo uu qoraagu ku shubay bogag ka mida buugga.
waxa nuhimadu tahay inaan xuso qaabka qorralka somaligga ee laysku waa faqsan yahay ee uu qorraagu tixgaliyay isagoo meel iska dhigay inu iisa socodsiyo
Falada qaybteeda labaaad waxaan rajaynayaa inaan ka bixiyo kolkaan dhamaystiro akhriska buuggan .

- Akhriste - 2007-06-08 11:23:24
Caliqeyr M. Nuur. - Caliqeyr@hotmail.com Shalay ayaan dhammeeyey akhriska "Aanadii Negeeye". Hubaal, intii aan arkay buug sheeko ah oo af-soomaali ku qoran isaga ayaa iila qiima badnaa. Waxaa la sheegaa qofku marka uu dhimanayo in hortiisa la keeno wixii uu noloshiisa soo falay oo dhan. Sidaas ayuu buuggani hortaada u soo dhigayaa eersigii qaran-dunkeenna. Qofkii u sii fiirsadana wuxuu u bidhaaminayaa halka uu xalku ku duugan yahay.
Malaha ninkani waa aabbihii soomaalida dhalay ayaan idhi ka dib markaan u bogay dhexdhexaadnimadiisa iyo kolayga murtida la higaagan ee uu inoo hibeeyey.
Miyaanay akhristayaashu taas ku obsan doonin? Miyaanu qoraagu billad mutaysan? Uga yaraan waa inaan uga mahad-celiyo qorista buuggan xigmadda badan.
Caliqeyr: Qoraagii "Horor iyo Kalgacal"

- Akhriste - 2007-04-28 16:52:09
Idris Omar Farah - Idriis@Cox.net Salaan dabadeed,
Buuggan "Aanadii Negeeye" waa buug yaab leh! Labo jeer baan akhriyey. Markii hore sheeko ahaan ayaan u akhriyayoo waxaan is lahaa gunta sheekada iyo shakhsiyaadka metelaya ayaan doonayey inaan ogaado meesha ay ku dambeeyaan. Markii labaad, oo iyadu dhib badnayd, inaan farrinta sheekada iyo cibaarooyinka ka ratibmaya wax ka ogaado ayaan isku dayey. Runtiina wax badan baa iigu dhiman oo lama wada gaari karo risaaladda sheekadan iyo qoraageedaba. Qoraaga laftiisa oo ah nin aad u cajaa'ib badan ayaan ahayn wax yar Fekere Sare (philosopher). Ninkii Akhriyey Buugga la yiraahdo "THE REPUBLIC" ee uu qoray Plato, buugganna akhriya, waxaa suuragal ah inuu ka arko wax is shabahaya xagga falsafadda, aragtida, doodda iyo fahamka waddaniyadda. Haddii mid (qof) uu dul joogsan waayo meelaha qaar oo cabbaar si kamma ah u fekeri waayo, dabcan nuxurka sheekada ayuunan helin ama dan buunan ka lahayn ama waa labadaba.
Haddii Giriigu ku faanaan Socrates, Plato, Aristotal iyo kuwo la mid ah, ummadda Soomaalidu xaq bay u leedahay inay sheegato nin la yiraahdo Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd", Hawdna nin mudan waa yahay.
Soomaaliyeey haddii dhego idiin daloolaan buuggan akhriya oo qof walbow naftaadu iska ka dhex raadi, haddii aad iska dhex waydona qof aad taqaan baad ka dhex helaysaa.
Salaan Badan

- Akhriste - 2007-03-31 01:38:02
haji aweys musalam al-jayr - oogle_02@hotmail.com as/wr/wb run ahanti bugan wuxu tabanaya bogaha dahson ee somalida maanta waxan ogaday in somali ay ku jiran rag muhim ah sida ibrahim yusuf ahmed (hawd) waxan u xaqiiqsaday in u yahay qora xirfad dheer. waxan kugu burinaya in ad meshas kasi wadid hawsha

- Akhriste - 2007-03-04 08:45:30
Abdi M.Saleiman(Mingiste) - abdi_saleiman@hotmail.com waan akhriyey buugga Aanadii negeeye,runtii waxaan odhan karaa waa buug aad iyo aad u qaali ah, waa laga heli karo sheekooyin badan oo hab cilmi ah loo sawiray,waxaan aamin sanahay qoraha iyo in ka qayb qaadatay soo saarintu waa shaqsiyaad la odhan karo,waa aqoon yahaniin dhab ah,leh xirfada qoraaleed.Waxaan kula talin lahaa in aanay ka caajisin howsha qaali ah ee ay hayaan.
waad mahadsantihiin

- Akhriste - 2007-01-10 05:27:42
Yusuf Ahmed Mohamed - Hinif78@yahoo.com salaan dhamaantiin.
Buugan ayaan ugu baahanahay dhakhso ee sidee ayaan u heli karaa , ama u dalban karaaaaa
RSOL:
[walaal noo soo sheeg halkaad deggaantahay, haddii kale waxaad ka dalban kartaa halkan.]

- Akhriste - 2007-01-09 17:26:06
fartuun - fartuun2512@hotmail.com a/c
salaan kadib walaal waxaan rabaa buuga magaciisu yahay
AANADII NAGEEYA ee meeshee iigu dhaw oo aan ka dal ban karaa adinkoo mahadsan w/c
RSOL:
[walaal waxaad ka dalban kartaa halkan.]

Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!| Faallee buuggan / Comment this book |
|
|
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey. Mahad badan REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section |
|
|  |
| Maqaal Xul Ah | | A brilliant work co-ordinated through many continents by Rhoda A. Rage. Read it more |
|
|
|