header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran
redsea-online.com

Ibraahin Yuusuf Axmed - Hawd
Soomaaliya: Qaran iyo Qabiil
African Triangle, Solna, Sweden, 1998
ISBN: 91 972314-6-0 -

Dhabarka buugga:
Guud ahaan wax ka sheegidda iyo ka doodidda sababaha dhaliya dhacdooyinka taariikhda iyo natiijooyinkooda danta iyo ujeeddada laga yeeshaa ma aha oo kali ah dhib iyo dheefba in lagu cabbiro waddada mustaqbalka la raacayo iyo waxyaalaha ay lama huraanka tahay in loo digtoonaado amma laga digtoonaado, ee sida ay iila muuqato waa furaha xalka ugu muhimsan ee mushkiladaha ummadaha soo food saara. Aniga oo halkaa ka duulaya, taana maanka ku haya, isla markaana dareensan baahida weyn ee ay ummadda soomaalidu u qabto qoraallo wadciga yaalla ka turjumaya, qoraallo ka dhar la' xinka iyo jibbada qabiilka, ayay ila noqotey in aan halkan kusoo bandhigo waxyaalaha ay aragtidayda, aqoontayda kooban iyo waayo-aragnimadayda qof ahaaneed i tuseen in ay sabab hore iyo md dambeba u ahaayeen dumista qarannimadii qaaliga ahayd ee aan ku abtirsan jirey. Isla sidoo kalena wax kaga sheego sida iigula quruxda badan ee loo baahanyahay in ay Soomaaliya iyo soomaalidu u ekaadaan mustqabalka.


Ibraahin Yuusuf Axmed, oo lagu naanayso “Hawd” wuxuu ku dhashay Hawd, wuxuuna imminka deggan yahay dalka Iswiidhen. Waa qoraa ku xeeldheer sheekooyinka gaagaaban, si xoog lehna akhristeyaasha internetku ula socdaan qoraalladiisa kusoo baxa degellada afsoomaaliga wax ku daabaca. Waa Allifaa leh maansooyin, wuxuuse Ibraahin ku caan yahay xirfaddiisa faaqidaadeed ee dhismekalkaalka ah ee uu ku sameeyo qoraallada afsoomaaliga kusoo baxa. Ibraahin wuxuu hore u qorey buugga “Soomaaliya: Qaran iyo Qabiil” oo kasoo baxay dalka Iswiidhen 1998kii. “Aanadii Negeeye” waa sheekadiisii ugu horreysay ee nooceeda ah ee uu daabaco. Buuggani ma ah iib, suuqana wuu ka baxay oo dib looma daabicin.

Faalada martida

  1. Akhriste - 2014-02-08 12:01:56
    mohamed abdullahi mohamed - nimcale1@yahoo.com
    marka hore waxan salaamayaa shaqalaha webka waxana marka xigta bogaadinayaa qoraaga wayn ibrahin hawd, si wayna aan u jeclahay qoraaladisa iyo bugaagtisa, gaar ahan buugga nageeye anago arday somali ilaa 50 gaarayso ayaa mar wiil inoo keenay buugga markaasaa layska boobay buugga waliba kuwan wax aqriska jaclayn xitaa 2 mar in kabadan ayey dhameeyeen, buugga waxaad moodaa inaad daawanayso sheekada markad aqrinayso, marbad qoslaysaa hadana wad murugonaysaa markale waad amakaagaysaa... CODSI waxan u baahanahay buugga Somaliya Qaran iyo Qabiil inan ibsado fadlan iisoo dira hadad ogtihin meel an ka heli karo
  2. Akhriste - 2011-08-09 13:36:58
    hamse abdi ibrahim - xamse_4@hotmail.com
    waxaan kamid ahaa kana mid ahay naadiga akhristayasha halkaraan waxaan akhriyay buugaata taxana cir san ka yeedh laba kamid ah oo kala ah ROGE iyo AANADII NAGEEYE waxaan mudo horjooge ka ahaa naadiga akhristayaasha halkaraan waxaan dhammeeyay halmar buuga aanadii nageeye runtii waa buug muuqaallo kaladuwan kasiinaya waayhii kala duwanaa ee somaliya soo martay runtii waa buug maskaxdaada daaq geynaya sawirro xanuun badan oo aanaan u soo taagnayn natusay ugu danbayntii waxaan leeyahay mr hawd waxaad qabatay shaqo adag oo xaqooqdii waayahaa jirtay ka waramaysa runna ku salaysan inkastoo dad badan oo facayga ahi ay kamadsadan nageeye iyo maraxaladuhuuu soo maray oo anay uba dhacsananyn dhamacada iyo halaaga ad buuga ku kala bixisay. burco iyo aanadii nageeye. reer burco waa bulsho had iyo goor hadal badan xigmadina aanay ka madhnayn hadal badnaantooda runtii iskuma taxallujiyaan wax akhrisla lkn mudo aan halkaraan aan qolka kayda buugaagta horjooge ka ahaa waxaa dibnaha layku goostay buuga AANADII NAGEEYE oo runtii hal koobina aanu kahaynay ugu danbayntii waxaan filayaa inad taariikhda mugdiga badan ee soomaalida ee reerka iyo tol tolka ku dhisan aad wax badan ka qori doonto
  3. Akhriste - 2009-07-04 14:30:12
    aanadii nageeye - jawaze@hotmail.co.uk
    run ahaantii aad baan uga helay akhriska buugan gaar ahaan xaqiiqada dhabta ah ee ujeedadiisu ku salaysan tahay waxan gaar ahaan aad uga sii helay erayada murtida ah ee xiisaha leh iyo qoraalka af soomaaliga ee uu qoraagu u xushay inuu u isticmaalo sheekadan cajaa ibka ah run ahaantiina waxyaabo badan bay ii kordhisay waxayn dhab ahaan ku salaysnayd wixii ka dhici jiray wadankeenii INKASTOO ay jireen waxyaabo yar yar oon ku sifayn karo inay ahaayeen * EXAGERATION* al muhiim aadbaan uga helay akhriska buugan wuxuuna run ahaantii i sii jeclaysiiyay akhriska buugta soomaaliga ah
  4. Akhriste - 2009-03-22 02:59:32
    Abdala Abdirahman Muhumed - hanad0912@hotmail.com
    walaahay aadbaan ugufaraxsanahay waayo waxaan u arkaa inay jiraan dad utaagan horumarka Afsoomaaliga ani waxaaban kacabsanayay in lawaayo cid gacan ta ku haysa Mahad ALLAA mudan
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!

Faallee buuggan / Comment this book
Magaca / Name
Dalka / Country
Email
Faallo / Comment
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey.

Mahad badan
REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section

Social Community
Join us today

There are currently, 190 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com