header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran
redsea-online.com

Axmed-Keyse Cali Rooble
Hal kaga dayo
Tallinna Raamatutrükikoda, Tallinn, 2009
ISBN: 91-976661-4-9 -

Waa buug-aqooneed loo baahanyahay in si qoto dheer loo fahmo. Da’yarta soo koraysa waxa uu buuggani u yahay wehel ay dugsadaan, wax ka bartaan, isku dhereriyaan tusaalooyinka dhex ceegaaga buugga. Axmed-Keyse Cali Rooble, waxa uu hormood u noqday buugaagtii loo baahnaa in laga faa’iidaysto oo wax ku kordhin kara noloshaada iyo himilooyinka aad higsanayso. Waxa uu buuggani kor u qaadayaa niyaddaada, oo uu ku leeyahay ha ka caajisin hawlaha wanaagsan ee aad bilawday ama aad muddoba ku dhexjirtay. Bilawgaba waxa aad buugga kula kulmaysaa weedhahan: “Qofkasta oo bulshada ka mid ah waxa looga baahanyahay in uu dedaal sameeyo oo uu ku aado waajibka saaran, gartana waxa uu ku wanaagsanyahay, waddadeedana maro si uu wanaag adduun iyo mid aakhiroba u gaadho”.


Dadkii akhriyey waxay ka yidhaahdeen:

"Hal kaga dayo" waa hage aad u qiime badan oo ay tahay in uu qofkasta oo dhallinyaro ahi akhriyaa!

- Jaamac Muuse Jaamac


Buuggan "Hal kaga dayo" waa buug ka duwan kuwii aan hore uga bartay qoraayada Soomaaliyeed. Wuxuu marka horeba soo bandhigayaa tiirarka horumarka ee haddii uu qofku cuskado uu ku fanan karo meelo sare oo nolosha ka mid ah. Waa hal ku dhigyo xikmadeed oo uu ku xagga danbe ku xusayo tusaaleyaal u marag furaya xaqiiqnimadooda.

Maxamed Xirsi Guuleed (Abdibashir)


Da’yarta soo koraysa waxa uu buuggani u yahay wehel ay dugsadaan, wax ka bartaan, isku dhereriyaan tusaalooyinka dhex ceegaaga buugga.

Sayid M Yuusuf.


Faalada martida

  1. Akhriste - 2012-02-09 03:42:19
    xayaat - xayaatii123@hotmail.com
    waxaan salaamaya dhamaan bahda redsea buuga aad buu uwanaag san yahay waxaan si gaar ah ugu mahadd celinayaa qoraayga buugan waxaan doonaya buug raashiin karis ah inaad kusoo biirisaan siaan uguy faaideesano dhamaan teen waad mahad san tihiin dhaman shaqaalaha bahdan iyo maamulahaba waxaan idin ku dhaafayaa asalamu caleeykum warax matu laahi wabarakaatuhu
  2. Akhriste - 2011-03-15 14:40:43
    ZAHRA - MAAMO55@HOTMAIL.COM
    WALAAL WAXAAN IDIN KA CODSANAA IN AAD II TIX GALISAAN COD SIGAYGA WAXAANA RABAA BUUGA RAAXADA GUURKA IYO BARAARAHA QOOYSKA WAADNA MAHAD SAN TIHIIN QORAALADIINA WACAN WALAALAHA THANKS
  3. Akhriste - 2010-11-15 12:52:53
    cabdinuur - cabdinuur2020@hotmail.com
    waxan umahad celinyaa dhamman dadkii ka qayb qatay buugan waxan ka cod sanayaa la iga siyo infromation buxa
  4. Akhriste - 2010-11-15 12:51:49
    cabdinuur - cabdinuur2020@hotmail.com
    waxan umahad celinyaa dhamman dadkii ka qayb qatay buugan waxan ka cod sanayaa la iga siyo infromation buxa
  5. Akhriste - 2010-10-10 13:18:53
    hada anigaw - shafka_571@hotmail.com
    waxaan marka hore salaan aad u qiimo iyo qaayo badan hawada u marinayaa qorayaasha buuga halkagadayo iyo dhamanba qorayaasha soomaaliyeed buugani waa buug ku hagaya hadaad is tiraahdo raac buugan aad baanan ugu mahad naqaya qorayaasha buuga
  6. Akhriste - 2009-10-24 03:55:23
    Abdihakim Ahmed Abdalla - ileye705@hotmail.com
    anigu fikrad ahaan hal mid ayaan buugan ka odhanyaa kadib markii aan akhriyey buuga ayaan hadana waxaan isku eegay buugan iyo bulshad (
  7. Akhriste - 2009-10-19 10:24:00
    mohiyadin - uity031@hotmail.com
    dhamaantii aad iyo aad baan u salaamayaa salaan qaali ah Buugan waa buug u mihiim ad dhamaan dhalinta soomaliyeed hadaba waxaan ku Rajoweyn yahay in meelkast o magaca somalia kamuuqdo loo diro aad iyo aad baad u mahadsan tihin waxaan aad iyo aad ugu mahdcalinayaa qoraaga buug aad baad u mahadsan tahay walaal
  8. Akhriste - 2009-10-17 15:57:00
    Musa - haji_musa@hotmail.com
    Qalinkaa wax suureeya kugu sima xagaad doontid . Hal kaga dayo waa buugii u horeeyay ee noociisa ah ee uu qoro qore Soomaaliyeed . waana buug qiima weyn ugu fadhiya bulshada afka Soomaaliga ku hadasha siiba dhalinta maanta ee aan anigu ka midka ahay . waxaan u hambalyaynayaa qoraagan da'a yar ee Ahmed Keyse waxaanan leeyahay ahmed hawsha xagaas ka sii wad Illaahayna ha kugu garab galo .' Musa Dalmar
  9. Akhriste - 2009-10-11 11:49:39
    Nimo Ismail Ibrahim - nimcoibrahim5552@hotmail.com
    Run ahaantii Waxaan Hambalyo Balaadhan u soo jeedinayaa Ahmed Keyse Ali, isaga oo maanta hormood u ah Dhalin badan oo somaliyeed, maanta waxaan odhan karaa Halk kaga Dayda Ahmed Kayese Ali Rooble Nimo
  10. Akhriste - 2009-10-09 13:42:45
    Aydurus - adruus@hotmail.com
    muugan waa buug aad iyo aad u fican aniga waan ka helay
  11. Akhriste - 2009-08-29 08:11:48
    Bile Hashi/ Qoraa soomaaliyeed - bile@bile.se
    ninki baa yiri; hadaan shalay ogaan lahaa waxaan maanta ogahay, maanta meel kalaan joogi lahaa! Buugan waa buug waxtar weyn uleh dhalinta soomaliyeed, wuxuu xambaarsan yahay talo, digniin, wacdi, tusaale. Khibrad aad bilaash ku heli doontid
  12. Akhriste - 2009-07-26 10:49:31
    abdiqadir dahir mahamed - abdiqadirlive@hotmail.com
    Anigoo ka mid ah dhalinyarada ku noo magaalada Hargeysa Caasimada Somaliland waxan aad u xiiseeya buugta iyo sheekooynka wax laga faa'iidikaro sida buugan 'HAL KAGA DAYO' waa buug caja'ib ah oo runtii aad ii dhiiri galiyay waana buugta an ilaa imka arkay ka ugu wanaagsan wuxu ku tusayaa in aad dadaal badan oo aad samaysa aad ku gaadhi kartid horumar laakiin sida dadka qaar aanad odhan maxaan samayna dalku waa bilaa shaqo, weedhaha sida aadka ah aan ula yaabay waxa ka mida "Ma aha in aad waxa walba haysato si aad meel saro u gaadho.Laakin waa inaad meel sare gaadhaa si aad wax walba u heshid. by.Abdiqadir Dahir Mahamed abdiqadirlive@hotmail.com Hargeisa Somaliland.
  13. Akhriste - 2009-07-05 07:39:02
    Ahmed-Keyse - ahmed.roble@gmail.com
    Waad mahadsantihiin saxiibayaal, faaladiinan qiimaha lehna waan idinka gudoomay. Waxaan dhamaan bulshada u rajeynaynaa wanaag waara.
  14. Akhriste - 2009-07-02 09:23:35
    Ahmed Ali Kahin - awcalir@hotmail.com
    scwr salaan qaaliya kabacdi aad iyo aad baan ugu farxay buugan gaar ahaan magaca iyo Qoraaga oo aan sifiican u garanayo Ahmed kayse runtii waan ka filaayay buugaas iyo Qaar ka sii qiimo badanba NB: maan akhriyin buuga balse sxbkay ayaan jeclaystay in aan farxada la qaybsado mahadsanidiin WSCWR
  15. Akhriste - 2009-06-29 13:13:49
    Maxamed Aadan Tarabbi - tarabi07@hotmail.com
    Waxaan Aaad Ugu faraxsanahay inaan akhriyo buug uu qoray shaqsiyad aan aqoon fiican u leeyahay runtiina igu abuuray dhiiri galin iyo niyad wanaag Axmed Ali Rooble ka hore akhrinnaye ka labdd noo soo dadaji!
  16. Akhriste - 2009-06-21 01:46:35
    Muktar Bashir Mudey Artist & Graphicdesigner - mbmudey8@yahoo.com
    WAXAAN AAD U JECLAADAY HALKA AAD HAWSHA SOOMAALIDA WAQTIGAN LOO HAYO AAD KA ABAARTEEN,.. WAANA WAX JIILKA HADDA JIRA AY BAAHI U QABAAN WADA WAX QORISTA, TV Ayaan iminka idinka soo daawaday, NINWALIBA WAXA UU KU SIFOOOBO TAARIIQDA AYAA XUSI DOONTA, MAHADSANIN
  17. Akhriste - 2009-06-21 01:29:59
    Muktar Bashir Mudey Artist & Graphicdesigner - mbmudey8@yahoo.com
    WAXAAN AAD U JECLAADAY HALKA AAD HAWSHA SOOMAALIDA WAQTIGAN LOO HAYO AAD KA ABAARTEEN,.. WAANA WAX JIILKA HADDA JIRA AY BAAHI U QABAAN WADA WAX QORISTA, TV Ayaan iminka idinka soo daawaday, NINWALIBA WAXA UU KU SIFOOOBO TAARIIQDA AYAA XUSI DOONTA, MAHADSANIN
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!

Faallee buuggan / Comment this book
Magaca / Name
Dalka / Country
Email
Faallo / Comment
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey.

Mahad badan
REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section

Social Community
Join us today

There are currently, 194 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com