header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran
redsea-online.com

Cumar Kaahin Caynaashe
MA'NAXE - Taariikhdii Jabuuti oo Tafqyatiran
Edition Mer Rouge, Ottawa, 2008
ISBN: 980-0-9809985-0-4 -
Qiimaha: $20.00 Canadian

Buugan taarikh galka ah ee MA’NAXE xasuus iyo qiimayn qaranimo huwan waxa hagar la’aan ugu qoray, Alle ha u naxariistee, Cumar Kaahin Caynaashe, isagoo jeclaystay in uu idinla wadaago halgan kii siyaasadeed ee noloshiisa oo ku salaysan marxaladihiidadka reer Jabuuti uu soo mariyay gumaysigii Fransiisku. Cumar Kaahin oo kamid ahaa hogaamiyayaashii xisbigii gobonima doonka «African Movement» ee Maxamuud Xarbi madaxa ka ahaa. Xisbigaa oo kamid ahaa dhaq-dhaqaaqyadii ugu horeeyay in aay ka qayb qaataan «African League» iyagoo ahaa kuwo mabda’oogu aanu ku koobnaayn dalka gudihiisa oo kaliya in ay kala dagaalamaan isticmaarkii haystay Jabuuti. Sidaasina ahayd sida ay u doorteen magacaa turjumaaya halgamayaasha Jabuuti ee «African Movement» in ay kaga mid noqdaan Afrikada inteeda kale ee aay wada wadaagaan arrin iyo dareen gumeysi diid ah iskuna kaashadaan. Halgan kooduna noqdo mid caam ah oo aduunweeynaha intiisa kale laga yaqaan. Hawshaas ay galeen mid intaa ku koobnayd ma’ahayn ee waxay ahayd mid taxana ah kuna gudanayeen wajibkooda wadaniga ah.


Alle ha u naxariistee Cumar Kaahin Caynaanshe intii aanu geeriyoon ayuu qorey (2004) buuggan Ma'naxe. Waxaa hawshii dhammays tirey, Ilaahay ha ka jizaai siiyee, carruurtiisa Fadxiya Cumar Kaahin Cabdiraxman Cumar Kaahin oo soo saaray sannadkan 2008ka.

Faalada martida

  1. Akhriste - 2009-05-08 14:00:36
    tarwa - mtarwa@hotmail.com
    buugan waxaad kala xidhiidhi kartaa fathiakahin@gmail.com cell #416-553-0656 or abdourahman_kahin@yahoo.ca cell# 613-889-7177 iyaga ayaa kuu soo diri doona mel wal ood joogtaba lactana xawaalada soomaalida ayaa la soo dhigaa sida dahabshiil iyo kuwa lamid ahba
  2. Akhriste - 2009-05-01 16:11:32
    ilyas Elmi hosh - ilyaas33@hotmail.com
    Asc.walalayaal waxaan u baahanahay buuga manaxi sedee ayaan u hile karaa.allaha u naxriistee cumar kaahin caynaashe
  3. Akhriste - 2009-05-01 16:09:54
    axmed cumar abdilaahi - kaadsade@hotmail.com
    asc waxaan ubahanahay buuga manaxe ee uu qoray alaha unaxariistee cumar kaahin caynaashee marka sida aan lacagta idinku soo diro iisoo sheega fadlan
  4. Akhriste - 2009-03-22 14:01:32
    xaamed cali - jacayl12
    walaalayaal waxa aan joogaa magaalada jabuuti ee dalka jabuuti waxa aan rabaa in aan helo buugan MA NAXE haddaba sideebaan ku heli karaa, sideebaan lacagta u soo diri karaa, walaalayaal alaha idinka abaal mariyeh bal i tilmaama
  5. Akhriste - 2009-01-09 09:04:53
    axmed - axmedxiin2007
    waxaan ahay arday soomalia
  6. Akhriste - 2008-09-14 21:17:30
    mahditalyani -
    Su'aalaha ku saabsan buuga Manaxe "

    1. Waa maxay gobonimada geesiyadii u soo halgamay ay noqdheen kuwo dalka ka cararay kuwo silic iyo murugo ku nool kuwo iyo kuwo la dilay.

    Ma is waydiiseen waxa looga hadlin geesiyadii soo halgamay ?

    Su’aalahani jawaabtooda waxa aad ka heli buuga “Ma'naxe”.

    2. Hadii aan u soo noqdo su’aasha maxaa looga hadlin geesiyadii soo halgamay ?

    Jawaabta si aad u heshid uma baahnid inaad ka soo baxdid iskuulo sare amba jaamacad.

    Waa inaad u fiirsataan arrimuho sida ay u socdaan.

    June 27, 1977 waxa gacanta ku dhigay gobonimo ku sheega laba qaybood: daba dhilif iyo shaadirle.

    Hadaba si daba dhilif iyo shadirle u muuqdaan magacna u helaan waa in la qariyo geesiyadii soo halgamay.

    Waxa u sabab ah inay geesiyadii soo halgamay ay hantiyin gobonimada garaad gaabi iyo maamul xumi ka timiday kali taliye Maxamed Siyaad Bare iyo xukumadiisii.

    Hadaba si aad u garatid sida arintani ay u dhacday Jabuutiina wali gobonimo u qaadan buuga Ma'naxe ka akhriso.

    3. Buuga Ma'naxe waxa si cad uga fahmi in halgankii aabayasheen ay bilaabeen wali uu dhamaan. Inta gaalku joogo dulka gobonimo iyo horumar la gaadhayn.

    Buuga Man'axe waxa kale u ka heli oo kuu sharaxayaa ninkii wanaag wadanka u soo galay iyo kuwa xumaan ka galay.

    Gaalku dhagarta uu ka galay shacabka Jabuuti iyo xumaanta aan dhamaad lahayn ee uu u hayo.

    4. Waxa aad is waydiisaan danaha gaalku Jabuuti u haysto?

    Markay danahaa dhamaadhaan ee gaalku tago, Jabuuti maxay ku dambayn ?

    5. Waxa buuga Ma'naxe aad ka arki dhibaabata qabiilku u gaystay shacabka Jabuuti halgankii ilaa maanta.

    Ku dhaqanka qabiilku waxa wanaag uu u leeyahay maan gaabka soomaaliyeed iyo cadowga soomaaliyeed.

    Maan gaabku kursi buu ku helayaa, cadowga soomaaliyeed isna wax magaradkaa ayuu adeegsanayaa si danahiisa u gaaro.

    6. Buuga Ma'naxe waxa aad ka arkaysaa inaa taariikhda loo qalmo oo lagu galin lacag iyo xoog.

    Kuwa manta magac iyo mas’uuliyad sheegana markay geeriyoodaan cidina ka hadli mayso.

    Maxamuud Xarbi oo gaalku dilay lixdankii wali waa laga hadlaa. Shaadirle iyo Daba dhilifkii gaalku dhigtay ee geeriyooday shalay qofna kama hadlo.

Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!

Faallee buuggan / Comment this book
Magaca / Name
Dalka / Country
Email
Faallo / Comment
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey.

Mahad badan
REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section

Social Community
Join us today

There are currently, 136 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com