header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran
redsea-online.com

Cabdillaahi Cawed Cige
ROGE
Ponte Invisibile, London, 2008
ISBN: 88-88934-07-3 -
Qiimaha: 17EURO

“Haash xabbad sigaar ah oo la ganay, oo dalaq tidhi shaadh katabaan sudhan jeebkiisa silsilad dhacdooyin xidhiidhsan ah oo ka dhashay ayaa saldhig u ah sheekadan”

ROGE waa sheeko male awaal ah. Sheekadani waa tii saddexaad ee taxanaha “cirsankayeedh”. Waxa ka horreeyey LADH oo uu qorey Cabdillaahi Cawed Cige iyo AANADII NEGEEYE oo uu qorey Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”. Waa suugaan abuuristeedu ku salaysan tahay hindisaha iyo male-awaalka abwaanka curiyey.

Order it now


Cabdillahi Cawed Cige wuxuu muddo ku beegan sannadkii 1965kii ku dhashay goob u dhow jeexa Ceel Madoobe oo boqol iyo waxoogaa km dhinaca Hawd ka xigta magaalada Burco.

Wuxuu waxbarashadiisii ugu horraysay ka bilaabay mareegta maqasha halkaas oo uu ka qaybqaadanjiray qool gelinta naylaha yaryar. Wuxuu u gudbay barashada sida Waxaraha yaryar qalwada loogu guro. Waxa taas u xigtay raacista maqasha oo khibradihii uu ka korodhsaday ay ka mid ahayd in marka dhalcadu kululaato maqashu haraaryo u go'do.

Muddooyinkii ku xigay wuxuu u tallaabay mayricista adhiga, isaga oo ugu dambayntii gaadhay heer uu ka qaybgalo aroorka.

Sannadihii u dhexeeyay 1975 - 1984 wuxuu sida farta loo qoro ku bartay dugsiyada Shiikh Ibraahim iyo Farsamada Gacanta ee Burco(ITB). Sannadkii 1985kii ayuu ka gudbay badaha wuxuuna u tallaabay carriga Ingiriiska oo uu qaxooti ku yahay.


Faalada martida

  1. Akhriste - 2011-03-02 13:18:30
    jamaal - jawaze@hotmail.co.uk
    maasha allah buugan waan akhristay runtiina add iyo aad buu ii xiiso geliyay...i tried 2 order some more books from same author...but never got replied please give some advises about where i can buy some more books of yours thanks
  2. Akhriste - 2010-12-29 03:27:35
    Cabdicasiis Baashe - carab683@hotmail.com
    Waa sheeko xiiso leh oo u eeg wax dhacay ama dhici kara. Waxay ku dhalinaaysaa akhristaha wadaninimo iyo waxtarka dalkiisa iyo dadkiisaba, waxaykale oo dareensiinaysaa xilka qof walba ka saaran dalkiisa, hadday tahay difaaciisa, u halgankiisa iyo hadday tahayba inuu qofku wax u barto si uu wax u taro muwaadiniinta tabaalaysan. Si cilmiyaysan ayuu abwaanku u qoray sheekada, ereyada uu doortayna waa kuwo aad u xeeldheer oo sawir waadax ah ka bixinaya deegaanka iyo silsilada dhacdooyinkaba, taasna waxaa si fiican u garan kara qofka kala yaqaana magaalada Burco iyo hareereheeda oo ah deegaanka ay sheekadu ka dhacayso, sidoo kale qofka aan Burco aragna sawir buuxa ayuu ka helayaa. Aad ayuu u mahasanayahay qoraagu
  3. Akhriste - 2008-12-14 05:02:35
    nimo - naciimo8@hotmail.com
    waa sheeko ad uu wacan sheekadan lool
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!

Faallee buuggan / Comment this book
Magaca / Name
Dalka / Country
Email
Faallo / Comment
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey.

Mahad badan
REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section

Social Community
Join us today

There are currently, 247 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com