header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran
redsea-online.com

Maxamed Baashe X. Xasan
Halka Haleel - Sooyaalka Hadraawi iyo Suugaantiisa
The Baashe Books, London, 2004
ISBN: 0-9547674-0-3 - sooyaal, suugaan

Waxa uu buuggani la magac baxay Hal Ka Haleel, waxanu ku saabsan yahay Sooyaal-nololeedka iyo Suugaanta Hal-abuurka caanka ah ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi). Buuggu waxa uu ka kooban yahay laba qaybood oo muhiim ah. Qaybta hore waxa ay ka hadlaysaa barbaaritaankii carruurnimo ee maansa-yahanka Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) iyo hanaqaadkiisii, dhalashadii iyo soo if-baxii hal-abuurkiisa suugaaneed, caan-baxa magaciisa abwaannimo iyo saamayntii maansadiisu ay bilowgiiba ku yeelatay dadka soomaalida, xadhiggii iyo noloshii xabsigii uu ku xidhnaan jirey ee Qansax dheere sannadihii 1973 - 1978. Waxa qaybtan lagula kulmayaa dheegag-suugaaneed ka mid ah maansooyinka Hadraawi, tusaale ahaanna loo adeegsanayo, la iskuna deyayo in wax lagaga tibaaxo curashadii maansooyinkaas iyo waxa ay ka hadlayaan ee ay abbaartoodu daarran tahay.


Maxamed Baashe X. Xasan waxa uu dayrtii 1963kii ku dhashay Maygaagle oo ku yaalla duleedka Sac-ma-deeqo oo ka tirsan Degmada Buuhoodle. Tacliinta dugsiga sarena waxa uu Maxamed Baashe ku qaatay Dugsiyada Sare ee Faarax Oomaar iyo Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa sannadihii 1978 - 1982kii.
Bishii March sannadkii 1983kii waxa uu qoraagu ka mid ahaa dhallinyaradii u tallowday ee ku biirtay Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM. Bishii August 1983kii waxa uu ka mid noqday hawl-wadeennadii Idaacaddii Halgan oo ku hadli jirtey afka xoogaggii mucaaridka soomaalida ee saldhiggeedu ahaa magaalada Addis-Ababa.


Bishii August 1987kii waxa uu qoraagu deeq waxbarasho ugu kicitimay waddankii loo yaqaanney Czechoslovakia, waxanu magaalada Prague ee The Czech Republic ka bilaabay jaamacadda The Charles University, kulliyaddeeda saxaafadda lagu barto, halkaasoo uu ka gaadhay Digriiga Master of Journalism and Mass Communication isla Jaamacaddaas The Charles University.
Mohamed Bashe waxa uu ku nool yahay Cariga Ingiriiska.


Faalada martida

  1. Akhriste - 2012-10-09 04:27:03
    gurey - abuxuseein1@hotmail.com
    asc wr wb salaan qiimo iyo qaayle iga gudooma salaan kadib bacda salaan waxaan jeclahay inaan ka dhiibto fikirkayga buugan iyo muhiimada uu xanbaarsan yahay waxaan oran karaa waa soo noolaanshaha afkeena dhaqankeena iyo suugaanteena hodan ka ah waxaanan leeyahay qoraha buuga laftiisu salaan ayuu mudan yahay waana nin taariikhdu xusi doonto hadraawina waxaan leeyahay ilaahay cimrigaaga ha raajiyo hana noo kaa daayo waxaad tahay qaamuuska soomaaliga iyo madxafka afkeena iyo dhaqan keena qoraaga maxamed baashe waxan leeyahay halkaas nooga sii wad inaad nooo soo ururiso wixii sooyaal ah ee inaga dayacmaya WABILAAHI TAWFIIQ ASC WR WB
  2. Akhriste - 2012-07-21 04:35:49
    IBRAHIN - ibnuyaassiin@hotmail.com
    marka hore asxbta qaliga ahaw sc marka xiga wxn idinka codsanayaa inaad buugan(halka-haleel) aad ku soo badisaan maktabadaha wadanka jsl gaar ahaan gobolka tog-dheer oo abwaanku ka soo jeedo wsc
  3. Akhriste - 2012-06-07 02:44:32
    khadar cabdi maxamud - mubaari_88@hotmail.com
    waad salaamantihiin dhamaan qorayaasha buuga iyo abwaanka buuga halka haleel waa buug qiimo badan dhalinta soomaaliyeedna anficidoona waayo waxa kuduugan buugan maansooyin iyo sheekooyin raad raac u ah dhaqan ka soomaalida oo maanra gabaabsi ah
  4. Akhriste - 2011-12-08 22:47:33
    Beerluula Maxamed - beerluulama@hotmail.com
    Waaw, Hadraawi waa beerluula ee manta maxad ii haysaa hore hees igu samysaye mid kale ayaan u bahnahay abwaane....
  5. Akhriste - 2011-08-05 15:26:35
    kawsar - mamdhool@hotmail.com
    ramadan kariim,waxa mahad leh ilaahay waxaan salamayaa dhamaan cida gacan ka gaysatay buugan . waan aad iyo aad u jecelahay suugaan ta waxaan aad u tageeraa abwaanka qaliga ah ee maxmed ibraahim warsame, hadraawi.waxaan akhriyay buugan wakhti hore waa buug fican
  6. Akhriste - 2011-02-11 10:33:44
    ali dayib - c.dayib02@hotmail.com
    aad ayaan ugu mahad celinayaa qoraaga buugan qoray iyo abwaanka somaliyeed ee uu ka qoray maxamed ibrahim warsame (hadraawi) sida runta ah hadrawi waa sugan yahaniinta uugu qaalisan dhulka somalida. iyagana sidoo kale waxan salaamayaa dhamaan akhris tayaasha buugan
  7. Akhriste - 2010-10-04 14:59:13
    guuleed a haaji & cabdi dalle - W.jabuuti
    inamoow sidee weeye noloshu sidaa maaha suraalkoo lakar karo maaha uuqoo la dhibo maah nolohuna idan eeye majidkoo la galo eeye adoo cibaadayta eeye cilmigoo la daaqo eeye alaal aa talo
  8. Akhriste - 2010-05-26 01:47:44
    cawaale maxamed saalax - cawaale@842hotmail.com
    aad yaya uwanaagsanyihiin buugtani waxaan kale oo sheegayaa inaan aadiyo aad ujeclahay hadraawi iyo maansooyinkiisa.
  9. Akhriste - 2010-03-20 16:15:52
    abdinasir mohamed ige - cabdinaasir22_22@hotmal.com
    marka hore waxaan idinku salaamayaa salaantena suuban asc wr wrb bacda salaan hadii aan fikir yar oo kooban aan ka dhiibto buugan iyo suugaanta uu xambaarsan yahay, sida farshaxanta ah ee qoraagu ugu faro yaraystay, iyo muhiimada uu u leeyahay ummad wayntay afsomaliga ku hadasha, kumanaanka sano ee soo socda cidii illaahay u qoray in ay ka faaiidaysto. waxaan odhan karaa waa buug si fiican oo feejigan looga baaraan degay oo aan lagu ded degin looguna talo galay in umada somaliyed ay wax ka faaiidaysato. waxaa ku qoran ereyo badan oo cusub,oo kala duduwan oo afsomaligii ka dhigay hodan.waana wax lagu farxo. suugaanta abwaan hadraawi oo runtii ay ka buuxaan ereyo badan oo u baahan in dadka loo sharaxo oo laga dhergiyo aad uu u lafo guray qoraagu waanu ku mahadsan yahay waxaanan leeyahay waxaad tahay halyey u soo kacay ummada somaliyed.....
  10. Akhriste - 2010-03-04 00:13:40
    yaasiin - yaasiin307@hotmail.com
    waxaan aad ugu mahadnaqayaa maxamed baashe iyo cidii la agaasintay waxaanan kaa codsanayaa inaad halkaa kawado ood ururiso suugaanta iyo dhaqankeena suuban waxaanad tahay halyay qaran ee illhay ha idinka jasaail siiyo buuguna waa buug qiimo badan wax turxaanana maleh
  11. Akhriste - 2010-02-17 05:57:39
    umalkhayr jaamac mahamed - khatim12@hotmail.com
    waw buugan aad ayaa uu iiqanciyay wxa mahad wayn iska leh ninka buugan soo qoray
  12. Akhriste - 2009-12-20 12:19:46
    sakariye sahardiid ahmed - sakariye1987@hotmail.com
    waan idin salaamay:kadib markii aan akhristay ee aan ka baaraan-degay buugan hal-kahaleel run ahaantii waa buug dhaxal-gal taariikhiya u leh umada afka somaliga ku hadasha qoraaga buuganina (m.bashe) aad ayuu ugu mahadsanyahay xilka hagar'la'aaneed iyo sidafarshaxan- nimadu ku dheehantahay ee uu u habeeyay buugan iyo sida uu u uruuriyay maansooyinkii ka danbeeyay hal-karaan iyo raad dhaqaajiskii suugaaneed ee abwaan hadraawi. waad mahadsantihiin
  13. Akhriste - 2009-08-29 07:07:50
    khadar - cdeeq12@HOTMAIL.COM
    SXB ADOO RAALI AH WAXAAN KU WEE DINAYAA BUGAN YAA QORAY XATRAAWI MIYAA QORAY HEESIHISA MAKU QORAN YAHAY IYO SIINLEEDISA IGA SOO JAWAAB BY RAMADAN KARIM
  14. Akhriste - 2009-01-07 17:01:10
    cabdifataax - suldan_@hotmail.com
    waxaan doonayaa in aan la xidhiidho horu socodka af somaalig waxii tallo aan hayonain aan ku soo kordhiyo hadii la ii ogolaado aniga oo ah wiil da,yar oo soomli ah
  15. Akhriste - 2007-06-25 12:44:57
    Maxamed saleebaan cumar - balicalanle02@hotmail.com
    xaqiiqdii waan akhristay,aad baanan u daalacday baaalashiisa kala geddisan,waa buug xiiso leh oo xambaarsan dulc iyo ujeeddo ka dacalla fidsan kana xeel dheer koobnaanta mawaadiicdiisa. waxa ku daaban suugaantii halabuurka halabuurada soomaaliyeed in ka mid ah iyo waliba taariikh nololeedkiisii,taas oo wax badan ka iftiiminaysa shakhsiyadda hadraawi. jiiftooyinka ku qoran ayaa u badan kuwa sida dhanbaal falsafadeed amraya baahi loo qabo isbeddel lagu sameeyo qaybo ka mid ah dhaqanada bulshada soomaalida ee maanta. Guntii iyo gebagebadii kuma soo kobi karo qoraal yar dareen celintayda ku salaysan wixii aan kala kulmay buuggan,waxaan se maxamed baashe ku bogaadinayaa xilkaas culus e uu ka furtay dad aan anigu u horreeyo,waxaanan ugu ducaynayaa caafimaad iyo cimri dherer
  16. Akhriste - 2006-09-06 12:40:01
    mubaarigabshir - mubaarigabshir@homail.com
    aad baan ugu faxsanahy siad wanaagsan ee loo soo habeeyey buugan qiimaha badan iyo sida ay iskugu hawleen muwaadiniinta s,l waan ku frax sanahay
  17. Akhriste - 2006-09-06 12:38:58
    mubaarigabshir - mubaarigabshir@homail.com
    aad baan ugu faxsanahy siad wanaagsan ee loo soo habeeyey buugan qiimaha badan iyo sida ay iskugu hawleen muwaadiniinta s,l waan ku frax sanahay
  18. Akhriste - 2006-05-09 03:14:11
    maxamed khadar - khadaroow@hotmail.com
    waan idin salamay walaalayaal salaan aad ubaxad weeyn salaan kadib walaalayaal anagu waxaa nahay dad qurbo dhexjooga runtii waxaana dareemeynaa inaananba aheeyn dadjira maxaa yelay maxaa inakala socay aaway dalkii away dadkii runtii marmarka qaarkood waxaan isdhaha aaqirul samaan miyaa lagu jiraa alooow dalmaheeysti aloow dad ma'aqaano waatii inoo qaabay marxiimadii xaliima khalif magool ilaahay haa unaxariisto aamiinaamiin aamiin as wr wb bye waxaan idindhaafay caafimaaaaaaaaaaaad
  19. Akhriste - 2006-02-09 11:42:50
    hamse - hamse_nice@yahoo.com
    waxan halakn u mahad celinaya abwaanka wayne ee caanka ah maxamed ibraahin warsame "hadraawi" iyo soo saraha buuga maxamed bashe x.xasan iyo websitka redsea oo halakan noo soo xidhiidhiyaya inaan wararka iyo waxa ugu muhiimsan noo keeno aad ayaad u mahad nsa tihiin iyo dhamaan dadwanaha ka soo qayb gala ama soo booqday faalaada buuga
  20. Akhriste - 2005-05-25 07:16:17
    ACTION-RESEACH CENTER - RESEARCHTEAM@HOTMAIL.COM
    PLEASE SEND US ONE FREE COPY TO POSTAL BOX 60270, NAIROBI, KENYA. WE ARE ON THE WAY TO ESTABLISH A LIBRARY.
  21. Akhriste - 2005-01-24 13:49:06
    ahmed mahamoud - indhacase1@hotmail.com
    aniga oo ah aradayda waxa ka barata cario jaamacadana ku jira waxa aan xiiseeyaa sidii aan ula socon lahaa taariikhda abwaaniinta iyo barashada afkayga sidii an heer uga gaadhilaaha ugu noqonlaaha nin kucaana afkiisa hooyo sida abwaanaka mahamed ibraahin wasame hadraawi iwl sidaass iyo wada xidhiidh wacan oo wanaagsan ayaan idiin rajaynayaa
  22. Akhriste - 2005-01-13 14:37:02
    MOHAMED ALAWI JAABAAN - MAXAMED_JAPAN@YAHOO.COM
    WAXAAN AQRIYAY WAXA INTA KU QORAN OO DHAN WAN WADA AQ
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!

Faallee buuggan / Comment this book
Magaca / Name
Dalka / Country
Email
Faallo / Comment
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey.

Mahad badan
REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section

Social Community
Join us today

There are currently, 132 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com