header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran
redsea-online.com

Ibraahin Sh. Muxumed Sacmaal
Baadigoobka aafooyinka aydhisku xaggee ka yimi? (cilmi-baadhis)
n.a., n.a., n.a.
ISBN: n.a. -

Cilmi-baadhis ku saabsan aafada aydiska.


Ilaahay ha u naxariistee, Ibraahin Sh. Aw Muxumed Sacmaal wuxuu ku dhashay magaalada Oodweyne. Wuxuuna wax ku soo bartay kulliyada ciidammada dalalka Ciraaq & Masar iyo Ruushka. Waxa uu wakiil uga ahaan jiray (Soomaaliya) Ururka Midowga Afrika (Organization Of African Unity-OAU) muddo 5 sano ah (1970 -1975).

Waxa uu tababare ka ahaa Guddiga Xoraynta Afrika (OAU-Coordinating Committee for the Liberation of Africa). Isaga oo tababari jiray dhaqdhaaaqyada gobanimodoonka Afrika, sida ANC-Koonfur Afrika, SWAPO-Namibia, MPLA-Angola, ZANU & ZAPU-Zimbabwe, FRELIMO-Mozambique,PAIGC-Guinea Bisau iyo Cape-Verde iyo kuwo kale.

Waqtiguu ku soo noqdayna wadanka mudo ayuu xilkii gaashaale sare ama xilkii Ciidamada waday, 1977 Dagaalkii Xabashida iyo Somalia, Markuu ka soo noqday ayaa ugu danbaysay xilkii Ciidanka,oo laga fadhisiyey. Markaa oo la geeyey ama uu shaqaale ka noqday wakaaladii Batroolka xamar,Waqtigaa ayuu bilaabay qoritanka buugta iyo buug hore loo qoray oo uu af somali u bedeli jiray ama uu turjumi jiray,Qaarna uu afka carabiga u turjumay,Hab maqaalo ayeey buugta uga soo bixi jireen wargeysyada dalak somalia waqtigaa oo ahayd sideetanadii 1988 ayuu ka baxay waddanka somalia,oo uu tagay dalka Namibia & Koonfur Afrika. 1994kii ayuu Yurub yimi

28- 01-2004 ayuu ku geriyooday AUN magaalada Odense,waddanka Denmark.

AUN Ibrahin.Sh. Aw Muxumed Sacmaal..AMIIN

Bugaagta uu qorayna waxaa ka mida ah:

1- Jidka Gobanimo (The Road to Liberation),wuxuu ka hadalyaa 11 dal oo Afrika kamida.

2- Doorka Haweenka Afrika ay ka Qaateen Halgankii Xoriyada Afrika (Role of African Women in The Liberation Strggle).

3- Tababare (The Trainer), waxa uu ku saabsan yahay tababare ciidan.

4- Baadigoobka Aafooyinka (Search of Epidemies) guud ahaan waa cilmibaadhis uu muddo dhowr sano ah ku jiray uruurinta ama raadraacayo kala duwanaa ama fikrado.waxa uu ka kooban yahay 27 mowduuc oo ka hadalaya dhibatooyinka cudurada, saboolnimada, darxumooyinka haysta Afrika,taa oo ay ugu horeeysay "AIDSKA " iyo xaga uu ka yimid, duumada (MALARIA), qaaxada (TB) iyo iwm.

Buugta uu uu turjumay waxaa ka mid ah

1-Xeerka Uruka Midowga Afrika ( OAU charter). Wax uu ku bedelay afka ingrisiga oo u bedelay afka somaliga,waxana qiimeyey jaamacada umada somaliyed ,gaar ahaan kuliyada sharciyada oo uu abaal marin ku siiyeen waqtigaa.

2- Qofka iyo Maandooriyah (Man & Drugs), waxa uu ku bedelay afka carabiga..wax uu u sii bedelay afka somaliga. Wax uu tababar Mukhaadaraadka ugu soo qatay kuliyadihii uu ka soo baxay ama uu wax ku soo baraty ee ciidamada wadamada ruushka, ciraaq, masar iyo hay'adaha qaramada midoobay (UN) ee u qabilsanaa Mukhaadaraadka " UN-ICAA "..waxana lagu soo dabici jiray wargeysyada somaliya...gaar ahaan jornaalkii somali ( xidigta oktoobar ).

3- Sixirka iyo Xasadka (Mabie & Envy), waxaana qoray AUN....AL-Sheikh Mohamed Mutawalli Al-Sha'rawi. Kitaabka waxa uu daliishanayaa Qu'aanka Kariimka ah iyo Axaadiista saxiixa ah, si dadka somaliyeed u gartaan waxa aya diintu ka qabto....oo aanay dad badani ogeeyn.

Waxaa taariikhdan Qortay : Isir Ibrahin Sh. Aw. M. Sacmaal


Faalada martida

  1. Akhriste - 2010-11-06 03:05:11
    SACIID Adem Cabdi - ssuudi@hotmail.com
    Marka hore waxaan sqlammayaa bahda RED SEA ONLINE.COM Aniga oo ah sarkaal katirsan ciidanka qaranka J.S.LAND waxa isoo jiitay sida halyey Ibrahim uga soo qayb qaatay gobonimdoonkii qaarada Afrika waxaan odhankaraa wuxuu ahaa geesi qaaradeed. Sidoo kale buugaagta qiimaha iyo qaayaha ee uu ugatagay umada si ay ugu intifaacdo anigoo ah sarkaal tabar ku sooqaatay dibeda ogna inaanu tababaku ahayn wax fudud (habar fadhida lagdin wax uga fudud) waxaan si gaara u xiisaynay buuga THE TRAINER (tababare). Ilaahay ka abaal mariyo dhaxalka uu inooga tagay
  2. Akhriste - 2010-08-04 14:15:48
    NASIR - 734679949
    WAXAAN DOONAYAA IN AAN OGAADO TARIIQTA MADAXAWAYNAHA SOMALILAND
  3. Akhriste - 2009-09-18 13:38:10
    khadar cabdi baali - khadar_baali@hotmail.com
    waxaan rabaa inaan akhris to buugan
  4. Akhriste - 2009-03-02 10:17:37
    axmed cabdi maxamed - hanad.165@hotmail.com
    walaal lahayga islaamaw waxaan idinka codsanayaa inaad icaawisaan xaga waxbarashada
  5. Akhriste - 2008-12-13 13:23:18
    barwaaqo - barwaaqo_ismail@hotmail.com
    alaahu yarxamu ibrahim muxumed was a legend umadenana uga tagay aqoon fara badan godd bless u.
  6. Akhriste - 2008-12-05 07:04:34
    omar samatr - guunaa@hotmail.com
    waxaa ay aniga la thy bugan in uu yhy buug sare u qaadaya aragtida shaqsiyaadka tariikhiga ah ee soomalida marka waxaan dinka codsanyaa in aad wada dabacdaan bugta oo dhan si aan oga bogono mahas sanidin by saxafi omar
  7. Qoraaga - 2008-09-24 14:15:18
    ibraahim sh muxumed sacmaal - sacmaal@hotmail.com
    alle hawnaxariistee ibraahin sheekh muxumed sacmaal waxa uu aqoon yahan somaaliyeed wax weyna utaray wadankii la odhan jiray jamuuriya somaaliya waxaanu uga tegay somaaliya sumcad
  8. Akhriste - 2008-03-30 13:35:13
    ismail ahmed farah dibjirka snm - ciidanyare_2010@hotmail.com
    aad ayaan u salaamayaa dhamaan maxada da bogan ka sheyqeesa ee sharafta mudan after that waxaan ka codsnayaa maamulayaaash boban inay ku soo qoraan akhbaaraha cili baadhista maxaa yeelay dadka qaatrkood cili malaha waxayna ka dayanaa conputerka sidaa daraadeed isga oo fudud soo gaadhiiitya ilaah baa mahad leh sida cilmigu siduu ku soo ifbaxay
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!

Faallee buuggan / Comment this book
Magaca / Name
Dalka / Country
Email
Faallo / Comment
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey.

Mahad badan
REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section

Social Community
Join us today

There are currently, 377 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com