header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran
redsea-online.com

Mohamed Sh. I. Hujaale
XOG iyo XUSUUS
Aftahan Publication, London, 2007
ISBN: 978-0-9550274-3-7 - Taariikh

Dhacdooyinkii iyo Murti-taariikheedkii Halganka Siyaasadeed ee Somaliland.

Qalinkii & fikraddii: Maxamed Sh-Ibraahim Xujaale &
Tafaf-tirkii & qaabayntii: Dhuux Digaale Ducaale.

Wuxuu yidhi tifaftiraha buuggu:
Buuggan waxa ku duugan xog iyo dhacdooyin aad u fara badan, oo uu qoruhu qodax iyo qaniinba uga guray caddayntooda, oo haba yaraate’e wax keli ah oo la-dafiri karo, ama la-beenayn karaa aanay ku jirin. Wuxuuna buuggani aniga iigu muuqday, inuu hor-seed ama fure u yahay, xaalad cusub, iyo laydh caafimaad oo soo beegan. Bulshooyinka Soomaaliyeed, meel kasta ha kala-joogaane, akhriste kasta faa’iido ayaa buuggan ugu jirta. Waayo; qofka aan wax badan ka ogeyn waxyaabihii dalka ka dhacay, ama loo sheeko-beenlayn jirey, waa xaqiiqadii uu kaga maarmi lahaa ku-tidhi-ku-teentii soo daashatey, ee lagaga habaabiyey daacadda iyo himilada xaqa ah. Kii xog-ogaalka ahaa, balse runta iska dadbi jireyna, buuggani waa dabarkii xidhayey, ee beentiisa indhaha ka tuurayey iwm.


Maxamed Shiikh-Ibraahim Xujaale magaalada Hargeysa ayuu 1950kii ku dhashay. Wax-barashadiisii; ilaa dugsiga sare, isla magaalada Hargeysa ayuu ku qaatay. Markii uu dhammaystayna waxa uu yimid dalkan Ingiriiska. Magaalada London ayuu ka galay, kulliyad lagu barto Afka Ingiriisiga, kana qaatay shahaadada loo yaqaan GCE (General Certificate of Education). Ka-dib; wuxuu halkaas uga sii gudbey dalka Maraykanka (USA), halkaas oo uu ka galay dhawr Jaamacadood, oo ay ka mid yihiin; State University of New York - Syracuse - (New York), Glassboro State College (New Jersey), City University of New York - Hunter College - (New York). Maxamed waxyaabaha uu ku takhasusay waxa ka mid ah; Maammulka Caddaaladda (Adminstaration of Justice), gaar-ahaan; dhinacyada habka maammul ee Booliska, Maxkamadaha iyo Jeelasha. Ka-dib wuxuu dib ugu laabtay, dalkii hore loo odhan jirey Jamhuuriyaddii Soomaaliya, isagoo doonayey inuu aqoontii uu soo bartay uga faa'iideeyo oo kaga shaqeeyo Dalkiisii Hooyo, hase yeeshee taasi uma suurtoobin, sababtoo ah; waxa uu saluugey, maamul-xumadii xukuumaddii keli-taliska ahayd ee dawladdii Ina Siyaad Barre, ee ku dhisnayd dulmiga iyo caddaalad-darrada. Muddo yar dabadeed; Maxamed wuxuu dib ugu laabtay dalka Maraykanka, wuxuuna isla-markiiba shaqo ka helay shirkad baatroolka soo saarta, oo markaas ka shaqaynaysey dalka Qadar, halkaas oo uu muddo degganaa, kana shaqaynayey.


Faalada martida

  1. Akhriste - 2009-04-17 15:25:16
    SAMIR HASAAN - xaleev@hotmail.com
    ASC......SALAAN KA DIB BUUGAN SIDEE LOO HELI KARAA SXBYAAL?
  2. Akhriste - 2008-11-05 13:52:22
    ifrah - ifraxxamud@hotmail.com
    wlaaalo waxaan aad usalaamay kaqayb qatayaashi qoray buugan layidhahdo xoga iyo xusuusta walaalayaa waad mahasan tihiin waxaad wax iga xaususeen waxaan somarnay oo aan kayaraa wakhtigaa intii kadabaysana anan u helin wakhti aanku arisoto duruufa jirajiray awgeed waad mahdasniid walaalo jasa kalahu khayran . aano imika bilaabay waxaan kutala jiraa inan siwado byyyyyyyyy
  3. Akhriste - 2008-07-15 16:24:43
    cali cismannn - CUSMAN @HOTMAIL.
    WAXAAN RABNA IN AANHALNO BOOK AFKA HOOYA KUBAXAYO
  4. Akhriste - 2008-07-06 12:43:04
    mohamed - mdjama84@hotmail.com
    waxan rabaa inaan akhriyoo buugan ee xagee ka akhrisan garaa internet ahaan amaa buug ahan baa
  5. Akhriste - 2008-05-13 14:10:34
    caasho - somalia_ethopia@hotmail.com
    aniga buugan qofkii qoray waxaan uun u arkaa inuu yahay qofraba inuu soomaaliya sii kala fogeeyo oo dadka cadawtinimo ku sii beero cadawga soomaaliya oo doonaya inay kala qaybiyaana ka sii farxinaya
  6. Akhriste - 2008-02-15 03:20:24
    khalid a/lahi dualeh - khaliddualeh@hotmail.com
    waxaa aad u salaamayaa walaalhayga isku hawalay in ay noo soo gudbiyaana buugaagta ugu fiican ee la qoray intaa ka dibe waxaa akhariyaya buuga layidhaahado XOG IYO XUSUUS waanan la dhacaya buuugan waa Khalid A/lahi Duale
  7. Akhriste - 2007-11-13 07:39:00
    mohamed - galaydho@hotmail.com
    Salaam dhamaan akhristayaasha iyo dhalinta reer redsea-online. sxbayal wali buugan maan akhriyin se iminkaan ku talo jiraa inaan akhriyo markaan dhameeyo ayaan faalo kooban ka soo bixin doona haduu Allaha awoodale qadaro.
  8. Akhriste - 2007-11-13 07:12:09
    mohamed - galaydho@hotmail.com
    Salaam dhamaan akhristayaasha iyo dhalinta reer redsea-online. sxbayal wali buugan maan akhriyin se iminkaan ku talo jiraa inaan akhriyo markaan dhameeyo ayaan faalo kooban ka soo bixin doona haduu Allaha awoodale qadaro.
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!

Faallee buuggan / Comment this book
Magaca / Name
Dalka / Country
Email
Faallo / Comment
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey.

Mahad badan
REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section

Social Community
Join us today

There are currently, 257 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com