header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran
redsea-online.com

Abdibashir Ali (Maxamed Xirsi)
Isdaahirinta muslinka, Su’aalo iyo jawaabo
Forfattares Bokmaskin, Stockholm, 2007
ISBN: 978-91-976662-9-9 - Diinta islaamka
Qiimaha: 10.00 USD

Wuxuu ka koobanyahay 220 su’aalood iyo jawaabahooda oo si kooban u dhigan.

Waa hab xiiso badan oo soo jiidan kara dareenka akhristaha isla markaana aan lagu daalahayn. Ujeedada kitaabkan loo qoray waa in bulshada afsoomaaliga ku hadasha loo soo dhaweeyo barashada iyo fahanka diinta islaamka. ”Isdaahirinta muslinka, Su’aalo iyo jawaabo”, waxa ku qoran casharro koobaya axkaamta dahaarada ee ay tahay in aanu moogaanin qof muslim ahi. Waa kitaab kooban xaddi ahaan balse koobsanaya nuxur badan oo qofku u baahanayo maalin kasta, noloshiisa oo dhan.

Waxa uu u qaybsan yahay 16 qaybood oo kala ah:

  1. DAAHIRNIMADU DIINTA WAA KA BADH;
  2. AMUURAHA FIDRADA TOOSAN
  3. BIYAHA LA ISKU DAAHIRIN KARO
  4. WEELKA LOO ISTICMAALI KARO ISDAAHIRINTA
  5. NIJAASTA LA ISKA DAAHIRINAYO
  6. GUDASHADA BAAHIDA MUSQUSHA
  7. ISKA DAAHIRINTA BAAHIDA MUSQUSHA (ISTIJADA)
  8. WAYSO-QAADASHADA
  9. WAXYAALAHA WAYSADA JEBIYA:
  10. MASAXIDDA KHUFKA, DUUBKA MADAXA IYO KABNIINKA
  11. GABAGABAYSI (BOODHAYSI)
  12. MAYDHASHADA IYO SABABAHA KELLIFA
  13. JINAABADA
  14. DHIIGGA CAADADA (XAYDKA)
  15. DHIIGGA DHABAR FURANKA
  16. DHIIGGA DHALMADA (NIFAASKA)

Order it now


Cabdibashiir Cali (Maxamed Xirsi) waxa uu qoray buugaag dhowr ah oo aad u muhiim ah. Buugaagtaas waxaa ka mid ah buugga Dáyarta Sweden oo aad loo jeclaystay iyo buug runtii dad badan baskaxdooda ka shaqaysiiyey hurdadiina ka kiciyey oo la yidhaa Dumar talo ma laga dayey.

HADDII AAD RABTO IN AAD HESHO LA SOO XIDHIIDH:

Qoraaga buugga oo ah Maxamed Xirsi Guuleed (Abdibashir).

Email: abdibashir@hotmail.com HADDII AAD RABTO IN AAD HESHO LA SOO XIDHIIDH:

Qoraaga buugga oo ah Maxamed Xirsi Guuleed (Abdibashir).

Email: abdibashir@hotmail.com


Faalada martida

  1. Akhriste - 2011-02-27 01:56:16
    Muna - lovelyrose1808@hotmail.com
    salamu calykum walal waad salaman tihiin dhamantiin waxan suaal waydinaya qoraga buuga waxan ku nolahay magalad hargeisa markaa walal maka heli karaa buugan magalada hadayse jawabtu tahay haa halkee baan ka iibsan kara
  2. Akhriste - 2010-02-02 03:45:43
    sacad cbdiraxmaan cismaan - sacad2002@hotmial.com
    waxan rabaa inaa lay ogolaado inaan bugan heli karo hadii laygu xidho shuruudan waa marayaa waxaanaan ahay wiil ka ganacsada buugaagta
  3. Akhriste - 2009-05-26 03:09:12
    Salma Cabdi Xuseen - riyaaq_2004@hotmail.com
    Way u baahanyihin buuga umada soomalida ahi oo dhami hada lacagtana uma maleynaayo inuu dadka eryi doono kama badan karo $10ilaa $20 sida buugagta horeba
  4. Akhriste - 2007-08-26 07:30:57
    Ifrah Adaan - hinda_56@hotmail.com
    walaal waxan rabaa in aan baarto afkasomalika
  5. Akhriste - 2007-07-29 11:34:27
    niidaruun - jaamacuk@hotmail.com
    nimanyahow walaahau waxaan idin oran lahaa iska daaya iibka oo bilaash net ka ku soo galiya
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!

Faallee buuggan / Comment this book
Magaca / Name
Dalka / Country
Email
Faallo / Comment
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey.

Mahad badan
REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section

Social Community
Join us today

There are currently, 297 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com