header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran
redsea-online.com

Abdi Hassan Mohamed
Taariikhda Soomaaliya ee Geeska Afrika
Stichting Daryele (DA), The Hague, 2000
ISBN: n.a. -

Wuxuu yidhi qoraagu:

Buuggani wuxuu ka hadlayaa taariikha Soomaaliya ee Casriga ah iyadoo loo qaabeeyay qaab manhaj. Wuxuu ka kooban yahay 5 cutub waxaana la socda tixraac iyo lifaaqyo xoojinaya xogta buugga iyadoo lagu lifaaqay dhammaan xilalkii ay ugu hoosayso wasiir raggii soo qabtay 1960-1991.

Buugga waxaa laga heli karaa: Dukaamo badan oo Soomaali ah ee UK laakiin si toos ah ayaa la iiga dalban karaa iyadoo la soo wacayo: Abdi(weli) Hassan +44-7931399065 ama 44-121 7534393. Qiimuhu waa $10 doolarka maraykanka ah.


Abdi Hassan Mohamed wuxuu ku takhasusay cilmiga Beeraha iyo Horumarinta Bulshada oo uu ilaa Masters degree ka gaaray. Wuxuu sidoo kale ka shaqeeyay shaqooyin ku saabsan Samafalka iyo Horumarinta isagoo wax ka aas-aasay ururo samafal Soomaaliyeed sida HIRDA (Himilo Relief and Development Association) oo saldhigiisu yahay Holland balse xaruntiisa Ingiriiska Hirda-uk uu isagu madax u ahay. Dhinaca kale shaqooyin kale oo dhinaca Bankiga ah ayuu ka shaqeeyay sida Banking Officer at Lloyds TSB bank UK, waxaan leeyahay hadda Agency Translation oo Freelance ah. Midda ugu muhiimsan waa inuu qoraalo badan oo maqaallo ah ku daabacay bogag Soomaali Internet iyo kuwa jaraa'idka Holland.

Faalada martida

  1. Akhriste - 2008-09-23 09:43:18
    shaafici buulle - q_oor@hotmail.com
    nin walaalkii looxiirow atnasooqooyso
  2. Qoraaga - 2007-07-29 16:24:43
    Abdi Hassan Mohamed - abdihass55@hotmail.com
    Buuggan oo ka kooban shan cutub, wuxuu cutubka koowaad ka hadlayaa qaab-nololeedkii dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed ee Soomaaliya ka hor imaatinkii guumaystayaashii reer Yurub; Cutubka labaad wuxuu lafa gurayaa sidii guumaystayaashii reer Yurub iyo Itoobiya ay u qaybsadeen Soomaaliya, heshiisyadii difaac ee dhex maray beelaha Soomaaliyeed iyo dawladihii reer Yurub, dhaqdhaqaaqyadii gobonnimadoonka iyo midowgii iyo xoriyaddii Soomaaliya; Cutubka Saddexaad wuxuu ka hadlayaa waqtigii xoriyadda iyo dawladdii rayidka ahayd ee 1960-69, caqabadihii horyiil midowgii waqooyi iyo koonfur iyo kala duwanaantii qaab-dhaqan dhaqaale, qaab maamulkii iyo loolankii siyaasadeed ee jiray; Cutubka Afraad wuxuu ka hadlayaa Dawladdii Milateriga/Hantiwadaagga ee 1969-90, wejigii horumarka iyo wejigii dib udhaca iyo bilowgii burburka Soomaaliya; Cutubka Shanaad wuxuu ka hadlayaa xilligii dawlad la'aanta 1990-2000, hawshii Operation Restore Hope, wuxuu cutubku falanqaynayaa faragelintii ciidamada shisheeye iyo ujeedooyinkii Maraykanka ee faragalinta Soomaaliya iyo isbedelkii ay arrintani ku keentay mustaqbalka ururka qaramada midoobay, wuxuu kale oo cutubka ka hadlayaa shirarkii loo qabtay Soomaalida ee uu ugu dambeeyay shirkii Carta. Buuggan kala xariir: abdihass55@hotmail.com
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!

Faallee buuggan / Comment this book
Magaca / Name
Dalka / Country
Email
Faallo / Comment
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey.

Mahad badan
REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section

Social Community
Join us today

There are currently, 188 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com