header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Maxamed Yusuf Abdi
Caado iyo Carruur
Qoraaga ayaa daabacay, The Hugue, 2006
ISBN:

Waxa jirta carruur badan oo wadankooda hooyo debedda kaga nool, afkooda hooyana aan wax badan ka aqoonnin, una baahan inay helaan waxyaabo ka caawiya dhibaatada dhinaca afka hooyo iyo dhaqanka ka haysata. Waxa kale oo jira dhibaato haysata hooyooyinka jiilka cusub, kuwaas oo ay ka maqan tahay sida ilmaha yar loola sheekaysto ee loogu abuuro kalgacalka iyo jacaylka waalidnimo. Haddaba buuggani wuxuu gacan ka geysan doonaa sidii looga bixi lahaa ama loo khafiifin lahaa dhibaatooyinkaa qoyska maanta hor yaal, siiba ka qurbaha ku nool.

Dad badan oo ka mid ah aqoonyahanka dunida ayaa xaqiiqsaday in ilmaha aqoonta u leh dhaqankiisa iyo afkiisa uu dhaqan ahaan iyo waxbarasho ahaanba kaga fiicnaado ilmaha aan waxba ka ogeyn dhaqankiisa iyo afkiisa.


Buuggani casharka uu bixinayaa waa mid qofka yar ee carruurta ah u gudbinaya xog liilan oo dhadhan leh, qalbiga qofkana ku hoggaaminaysa inuu wax ka sawirto raadad ka mid ah nolosha bulshadiisa.Waxa kale oo buugga laga dareemayaa sida Soomaalidu qaniga ugu tahay maaweelooyinka iyo murtida carruurta.

Waxyaabaha buuggan ku qorani waa qaar salka ku haya caadada iyo sooyaalka soo jireenka ah ee ku wajahan barbaarinta carruurta iyo aqoonta facaweyn ee Soomaalidii hore u lahayd korinta iyo horumarinta garaadka ubadka.

Waa hubaal in hooyadii iyo aabbihii hore uga aqoon badnaayeen waalidiinta cusub ee maanta habsami u korinta carruurta. Waxa hooyadu u sheegto ilmaha aabbuhu wuu garab joogsan jiray, hooyaduna sidoo kale kama hor iman jirin talada iyo waanada aabbaha. Sidaa darteed figradda midaysan ee waalidku waxay udub dhexaad u tahay hagista dhabta ah ee mustaqbalka ilmaha.

Caado Iyo Carruur waxa loo diyaariyey in waalidiintu adeegsato, kana dhigato saaxiib isku soo dhaweeya ilmaha iyo waalidka.

Social Community
Join us today

There are currently, 131 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com