RSOL Banner
Somali Week Festival
23-31 October 2009
Derbyshire St., Bethnal
Green, London E2 6HG
www.kayd.org
  Create an account
 
Somali Spelling Checker
!NEW NEW NEW!

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion
GREGORIAN

::
ISLAMIC


SOMALI


Net!Photo of the Week
Suggest one

Mooge Festival / Hargeysa International Book Fair - 2009

Mooge Festival / Hargeysa International Book Fair - 2009


Old Articles

[ List all articles ]

Wisdom of the Day
...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note
order it today


read it more


Maxamed Baashe X. Xasan
GURI WAA HAWEEN
Bashe Publications, London, 2006
ISBN: 0-9547674-1-1
List price: 10.00 UKP

Qoraaga ayaa yidhi
Guri Waa Haween wax buu ku biirin karayaa oo kuma qadi doono, kumana hungoobi doono ruux kasta oo xiiseeya hiddaha iyo dhaqanka soomaalidu, gaar ahaan waxa uu xog iyo aqoon kobocsan ku kordhinayaa hooyooyinka casrigan ee magaalo galeenka ah, dhallinyarada rag iyo dumarba, gaar ahaan kuwooda qurba-joogga ah ee ku indha dillaacsanaya hiddaha iyo dhaqammada kale. Qof walba oo soomaali ah waxa uu buuggu dib u milicsiinayaa, una xusuusinayaa waaya-waayo iyo beri hore halkii ay godolba soo joogtey, waana 'xoorkii laga dhamay xagaagiyo xusuus baa geela lagu xer geeyaa''. Dadka shisheeyaha ah ee xiiseeya ama dersa hiddaha iyo dhaqanka soomaalida waxa uu iyana buuggu ku hubaynayaa aqoon iyo xog aasaasi ah. Dhinaca kalena buuggu waa dawan iyo caroog hurdada ka kicinaya oo baraarujinaya dadka soomaalida, kuna boorrinaya in ay jiifka ka hinqadaan oo dib u soo nooleeyaan dhaqanka iyo aqoonta hiddahooda habaasku fuulay, boodhkana ka jafaan oo ku dhaataan, horena u mariyaan, halkaasna uga sii gudbaan xidhiidhka adduunka kale iyo wixii laga korodhsanayo ama laga soo ammaanaysanayo.


Waan akhriyey buuggan Guri Waa Haween. Buug ka weyn; waa abwaan yare (short encylopedia), waayo xilligan dad aan tiro badnayn baa dhaqanka reer guuraaga soomaalida yaqaan; in ka sii yarna waxa ay la socdaan saamaynta nolosha magaaladu ku yeelatay nolosha reer guuraaga ee soomaalidu ku dhisan tahay. Dhinac buugggu wuxuu abuurayaa ogaansho deegaaneed (environmental awareness); dhinacna wuxuu boorka ka jafayaa ilaha af soomaaligu ka soo butaaco oo ah nolosha miyiga, noloshaas oo murti-nololeed oo badan aan weli lagala soo dhex bixin.
Liibaan Cabdikariim Axmad, Qoraa, Cilmi-baadhe Afka iyo Dhaqanka Soomaalida Manchester, UK

The life of people in the countryside is based on the contribution and ability of each person in the community: men, women and children. In this book Maxamed Baashe shows us the role of women in the society and in particular the poetry and songs they compose and perform. This is the first book to look specifically at this and is an important contribution to Somali cultural studies.
Dr. Martin Orwin, Lecturer in Somali and Amharic Languages, Somali Culture and Language Researcher at the School of Oriental and African Studies (Soas), London, UK

Muddo dheer ayuu taagnaa eber qiraalka uu labka soomaaliyeed u hayo doorka haweenku ku leeyahay dhiska noloshoodu. Dharaarta la arko ee labka soomaaliyeed qiro; ee si aan hagar lahayn uu isula soo mutuxo kaalinta haweenku leeyahay, "Guri Waa Haween" waxa maalintaas loo aqoonsan doonaa irriddii ugu horraysey ee qiraalkaas laga soo galay. Waa buug aan ku tilmaami karo dhagixii loogu baaqay ninkii la wareegayey lafta uu dhuuxeeda hungurigu ka galay; wuxuu ku jabsadana waayey ee uu ku baxay hal hayska ah "Laflow waa dhagax". Hadal iyo murti qoraaga Maxamed Baashe X. Xasan wuxuu ina yidhi "Labkow Guri Waa Haween".
Cabdillaahi Cawed Cige, Qoraa ku xeel dheer Afka iyo Dhaqanka Soomaalida, Liverpool, UK

'Guri Waa Haween' waa hanti maguuraan ah oo u baahan in aqal kasta la dhigo. Waa hage u daadihinaya jiilasha soo koraya nolol caddaalad ka simaysa kaalinta suugaanta dumarka iyo ta raggu ay kaga jiraan aasaaska bulshadeenna. Waa buug u qalma in lagu daro manhajka waxbarashada ee dugsiyadeenna.
Dr. Jaamac Muuse Jaamac, Qoraa, Bare sare iyo Cilmi-baadhe Jaamacadeed, Pisa, Italy

Who's Online
There are currently, 90 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


Naadiyada Akhriska
· Ogaysiis: Naadiga Hargeysa
· Ogaysiis: Anfac - Ceerigaabo
· Ogaysiis: Naadiga Timacadde - Gebilay
· Ogaysiis: naadiga Halkaraan - Burco
· Ogaysiis: Naadiga Berbera

REDSEA-ONLINE SHOP
HARGEYSA

Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Bishaaro!

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 2aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland
Voice of Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick
Maqaal Xul Ah

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


What is new

[ News archive ]

Search With Google
Google

www
redsea-online.com


Gobannimo Bilaash Maaha!
www.redsea-online.com