Dhaxalreeb series / Taxanaha Dhaxalreeb I/2015:
1972kii koox xilligaaba hormuud ka ahayd carinta maskaxda dadwaynaha, kuna sugnayd Kulliyaddii Waxbarashada ee Lafoole, ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa curisey riwaayad wax wayn ka beddeshay habkii masrixiyadda loo dhigi jirey. Riwaayaddaasi waxa ay ahayd Aqoon iyo Afgarad, waxana wada allifey Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”, Siciid Saalax Axmed iyo, Alle ha u naxariistee, Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” iyo Muuse Cabdi Cilmi “Muuse Gadhle”.
Farriimaha is huwan ee ay riwaayaddaasi siddey waa kuwo loo baahan yahay in mar kale la isu sheego maanta. Farriinta kowaad waa midda ay qorayaashu sheegeen, oo ku saabsanayd is-afagaranwaaga ka taagnaa bulshada dhexdeeda, oo ay sababtiisa ugu wayni ahayd aqoonyahankii dalka ku soo laabtay oo la yimi kala duwanaansho af, afkaar, hab-nololeed iyo fikir dhaqan-dhaqaale oo ay ka soo rarteen waddamadii kala duwanaa ee ay wax ku soo kala barteen.
Farriinta labaad ee aan la sheegin waxa ay ahayd tan keentay saamayntii ay midhaha suugaanaysan ee riwaayaddu, gaar ahaan maansooyinka jiiftada u badan ee la codeeyey, ay ku yeesheen bulshada dhexdeeda. Qoraalkan waxa aynu ku eegi doonnaa gorfeyn ku saabsan farriimaha riwaayadda.
Author: Jama Musse Jama (jama at jamamusse dot com)
Version: 1.0 Filesize: 357.42 Kb