Raad ka mid ah raadadkii addoonsiga
Waxa qorey Xasan C Madar (nabaadiino@yahoo.com)
".... waa maxay Elmina Castle? maxaynu ka baran karnaa?. Waa dhisme qalcad ah oo uu dhisay Boortuqiisku sannadkii1482. Waa waa qalcadda ugu da’ weyn ee jirta ee ka taagan ganacsigii addoonsiga ee badweynta Atlaantika. Waxa maanta u soo daawasho taga boqollaal qof oo madow iyo caddaanba leh, ha u badnaadeen dadkii qarniyaal ka hor awoowayaashood halkan markab lagaga qaaday iyagoo silsiladaysan si ay u noqdaan xoogga wax soo saar ee dhaqaalaha Ameerikadii cusbayd iyo warshadihii Yurub ee ilaa maanta ay salka ku hayaan dhaqaalaha iyo xadaaradda reer galbeedku.
Dadka madow ee dhismahan Elmina Castle soo booqdaa waxay ka siman yihiin oohin iyo xusuus murugo huwan inkastoo aan la garanayn inta xusuustaasi qalbigooda ku sii jiri doonto, waxa ay u kordhin karto iyo waxa ay ka korodhsan karaan."