Magac waa erey af Soomaaliya, waana erey gaaban oo ka kooban 5 dhawaaq (3 shibbane iyo 2 shaqal). Laga gaaban, lagana dheer. Hayeeshee, lagama taabbudsana lagamana adeegsi badna. Qoraalkan kooban oon filayo inuu innoo bidhaamindoono taabbudnimada ereygaa waxan marka hore ku eegi ujeeddooyinkiisa iyo siyaabaha loo adeegsado. Waxan raacin, oon tilmaan yar ka bixin, sida, kolka ereyga horgale, ama dibgale, ama erey kalaba loogu kordhiyo, ama isagaba dhexroore looga dhigo, ay ujeeddooyinkiisu isu beddelaan. Waxan iyana sheegi meelaha ereygan iyo ujeeddadiisu ku soo arooreen sida maahmaahaha, maansada iyo Diinta Islaamka. Ugu dambaynta waxan soo bandhigi yaabkii Cilmibaadhistii u dabeysey lagu ogaaday iyo kaalinta ay magacyadu kaga jiraan barashada afafka yar iyo weynba.
Author: Cabdiraxmaan Faarax
Version: 1.0 Filesize: 626.92 Kb