header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Isha Qarsoon(IQ): Dayac muuqda iyo dabinkii Berbera

Dayac muuqda:

Mar hore, lix iyo labaatan sannadood ka hor, bishii Noofambar 1986kii ayaan baabuur xururuf leh ku maray Huddisa iyo agagaarkeeda. “Fooxlaha islaamaha, faraqooda baadhiyo, waar ma faaliyaad tahay, maxaa felegga kugu diray, warka faalladiisa na, faahfaahin maayee, fahan oo ujeeddada, faraskaagi laga badi” iyo dhaayo la'aan aanan dhulmarin ayaa dharaartaas iga daahay haddii dayac ka jiray jidka hallaasiga ah iyo agagaarkiisa.


Dayac muuqda:

Mar hore, lix iyo labaatan sannadood ka hor, bishii Noofambar 1986kii ayaan baabuur xururuf leh ku maray Huddisa iyo agagaarkeeda. “Fooxlaha islaamaha, faraqooda baadhiyo, waar ma faaliyaad tahay, maxaa felegga kugu diray, warka faalladiisa na, faahfaahin maayee, fahan oo ujeeddada, faraskaagi laga badi” iyo dhaayo la'aan aanan dhulmarin ayaa dharaartaas iga daahay haddii dayac ka jiray jidka hallaasiga ah iyo agagaarkiisa.



Bishii Ogos sannadkii 1998kii ayaan mar kale, baabuur kale oo lalaya ku dhaafay isla Huddisa. Kolkan waxa aan si wanaagsan u halacsaday hogga daloola ee dooxa magaalada ka xiga dhanka Berbera buundada ku taalla badhtankeeda ku yaalla. Waxa aan aad u sii xusuustaa baabuur UD ah oo labadii taayir ee hore oo birtii isu haysay isugu xidhan tahay ka muuqatay meel gaadhiga intiisa kale u jirta dhawr boqol oo tallaabo. Laba nin inay ku geeriyoodeen shilkaas ayaa la ii sheegay, oo la ii raacshay in baaburku Muqdisho muus ka keenay, dareewalku na aanu jidka aqoon.


Shantii Sebtember 2011, toddobadkii iyo badhkii aroornimo ayaa isla buundadii daloolka lahayd socdaal ku maray. Markan daloolkii hore wuu sii ballaadhay, ku kale oo ballaadh le'eg na wuu sii dhalay, in taranka daryeel la'aantu wax jira yahay ayaa ii caddaatay.


Bes, labadaas god ee isdhalay ee buundada Huddisa badhtankeeda ku yaalla ayaa kuugu filan dayaca hantida bulshadu qabtaa inta uu le'eg yahay, iyo weli ba sida aan cidi na u danaynayn. U malaynmaayo inuu jiro xildhibaan dalka jooga, jago kasta ha ku magacnaadee oo aan mar ama laba jeer arag bartaas aan ka sheekaynayo, xitaa ololihii doorashooyinka ayay buundadu soo gashay.


Ciil aan ka qaaday dayacaasi ma jirin, maxaa yeelay waan ka warqabay in dayacu jiro, cid danaysaa na kollay beryahaas bartaas soo maraynin. Daloollada waayaha iyo wacdaraha jidkaas gaboobay haleelay abuureen way ka sii fideen halkii ay markii iigu dambaysay joogeen, waa na sii fidayaan. Waxa kuu muuqanaya birihii shubka buundada lagu dhexmalaasay oo sidii feedhaha u qayaxan, goor ay noqota ba buundadaasi waa tii dunta. Ha iska dunto, waa laga baydhi uun, gees laga mari sida imika ba baabuurta qaar gees uga marto, dabadeed kolka daadka soo dhacaa baabuur qaado ee dad laayo la iska odhan 'dad baa Huddisa ku dhintay, khalaas'.


Rakaab dalandool u ah Yurub ayaannu sidnay, waxa aannu isku shubnay dhankaas iyo Berbera, weli ba gegida caalamiga ah ee Berbera. Kolkii aannu isa soo taagnay ba waa na lagu soo xoomay, tabtii uu Ismaaciil Mire sheegay “Ooggii horay nagu keceen, adhi dillaalkiiye; ammintii ba lay yimi sidii, eegi lay yahaye”. Xamaaliin firfircoon oo haddii aanad fahamsanayn ujeedadooda shaqo wanaagga aad billado ku siin lahayd ayaa shandadahayagii dhufsaday.


Isbeddel goobta waa ka muuqday, ma se ahayn mid billado lagu bixiyo. Buuq iyo sawaxan badan ka dib waxa aannu u dhammaynay socdaalayaashii arrimihii ka xidhnaa oo dhan. Lix iyo lixdan doollar ayaan ka bixiyay laba qof oo waaweyn, boqol doollar ayaan daaqad yar ka dhiibay. Dhanka kale u wareeg ayuu wiil joogay igu yidhi. Waan qaatay amarkii. Ku kale ayaa ila wareegay. Lacagtii ma bixisay? Iyo Haa. Keen risiidhkaagii. Waa kan baan ugu dhakhsaday. Sarrifkaygii inanku ii ma soo celin ayaan yidhi. Daaqaddii ku noqo kuye. Waan ku noqday. Dhankii aan ka dhaqaaqay ayuu isagu na lacagtii baaqiga ahayd ii soo dabamariyay. Waa soddon doollar, afartii sarrif baannu u weynay ayuu yidhi, wallaahay iska Berberaysan ayuu raaciyay.


Kii la iigu dhiibay ayaa lacagtii ii soo gacangeliyay oo raacshay, bal annaga na xaqalsalaamaha wax naga sii. Miyaan anigu dhoofayaa ba. Miyaan mushaharkii la idiin kordhin ayaan ku idhi. Waar qolada maaliyadda ayuun baa dheregtay, waa erayadiisii, anigu ma odhan. Shan doollar gooso ayaan ku idhi aniga oo musuqmaasuqii meesha ka socday ku sii milmaya, waa in aan ishii Rooma lagu la'aa iska ridaa anigu na.


Ma hayo shan doollar ayuu yidhi. In damaaci toban doollar doon ahi galay ayaan u qaatay, oo keen anigaa kuu keenayee ku idhi. Shan doollar ayaan sidii tuug wax xadaaya u qariyay, sow tuug ma ihi? Adigu ba!


Dabinkii Berbera: Iska xeroode socotadii aannu wadnay, dadkii na kala yaraa. Meel qafiska sharikadda African Express Airways u dhow ayaan kursi iska dhigtay. Wiil aad u murmaya oo lahjad Koonfureed ku hadlaya ayaa goobtii yimi. Baasboor khalad ah, gabadh baa leh iyo lacagtaydii ayuu leeyahay. Waan soo kacay oo ku soo dhowaaday. Shaqaale ka tirsan dayuuradda ayaa ku soo ururay. Waxa lagu yidhi miyaan sawirkan baasboorka ku yaallaa kaagii ahayn? Wuu yahay laakiin magaca halkan ku yaalla eeg ayuu ku dooday oo raaciyay waa qof dumar ah.


Waa la isku yaacyaacay. Lacagtaydii i siiya ayuu yidhi. Baasboorka lacag baa la iga siiyay ee i siiya ayuu ku dooday. In nimanku nin baasboor macmal ah sita qabteen ayaan u qaatay, se sheekadu sida ay ku socoto isaga ayaa ba nimanka daalac ku leh. Baasboorkan waa kii aad iga iibiseen ee sawirrada iigu dhejiseen ayuu leeyahay. Buuq ka dib nin buuran madaxdii colka meesha tuban u eg ayaa yimi. Wuxuu amar ku bixiyay in ninka baasboor la'aan lagu diro oo uu Muqdisho qabto, lacagtiisii laga qaaday na loo celiyo. Sidii baa la yeelay, baasboorkii na halkii markii hore ninku lahaa waa la iga siiyay ayaa lagu celiyay.


Nin ka mid ah nimankii meesha weesaaqsanaa ayaan weydiiyay; meesha ma baasboorrada Soomaaliya ayaa laga bixiyaa? Imika maya, ayuu iigu warceliyay. In mar laga bixin jiray, imika na laga bixiyo ayaan hadalkaas kala soo baxay.


Maamulihii garoonka ayaannu arrintii ku wargelinnay, inuu baadhayo ayuu noo ballanqaaday. Way dhici kartaa inuu baadho haseyeeshee arrin meesha xididdo ku leh oo si cad oo badheedh ah loogu fulinayo garoonka badhtankiisa ayay u ekayd.


Mar qudh ah ayaa meeshii oo dhan laga soo wada dareeray. Dadku shaqaale rawaxaya oo nidaam iyo qorshe ku socda ma ay ahayn, habaqle iska dul dhacaya ayay u muuqdeen. Goobtu ba goob loo soo fooftago ee aan loo soo shaqo tegin ayay u sansaan ekayd. Qofkasta oo shaqaale xisaabsan oo goobta joogay inuu xil gudanayo uma ekayn ee inuu dhib yar oo jirta oo uu manfac ka ruxruxanayo xal miskiin ah u raadinayo ayay u muuqatay.


Kolkii la xidhay bartii bixitaanka(Departure section) ayaa dadkii tubnaa dhinaca qafisyada sharikadda iyo goobtii miisaanku ba dhankaas iyo dhinaca dayuuradda isaga hulleeleen, anigu na intaan halka shandadaha lagu miisaamo ka dusay ayaan ka dabategay oo ilaa iyo baskii dadka dhoofayaa raacayeen iska sii socday. Cidi na ima odhan xaggaad ku socotaa iyo maxaad doonaysaa. Markaan daawasho aan indhaha u roonayn goobtii ku soo galaabixiyay ayaan iska soo noqday. Halka dadkii soo tegayay oo kolkaas dayuurad fadhiday soo daadinaysay ay ka soo baxayeen ayaan ka soo booday, laba askari oo kadinka taagan ayaa igu yidhi miyaad soo degtay? Maya ee dhinacan intaan ka soo galay ayaan iska mushaaxayay ayaan ku idhi. Soco, ayay iigu warceliyeen.


Goobta qabshaasho xumo badan ayaa ka muuqatay, tababar la'aan ayaa dhinac walba uga fufaysay. Shaqaalaha badankoodu dad meesha usoo qadhaabsi taga ayay u ekaayeen. In ay baasboor dal kale ku iibiyaan oo weli ba sawirka lagaga dhejiyo garoonka gudihiisu waxa ay tilmaamaysaa heerka falalka noocaas ahi meesha ugu xididaysteen.


Waxa aan xusuustay bisado aroornimadii hore iga helay hudheel aannu ka quraacanaynay oo magaalada ku yiillay. Waxay ahaayeen bahalo weerar ah oo ka macaluul iyo boob badan kuwii aan ku arkay magaalooyinka kale. Faraha dadka, malqacadda iyo foogga ayay indhaha la raacayeen. Garabraratada garoonka joogtay na tabtaas oo kale ayay u wada indha fiiqfiiqnaayeen, shandadaha iyo tacabirka hadaafaya ayay indhahoodu tabtii bisadihii ugu wada maqneeyeen.


Waxaan isku qanciyay in qabyadani ka mid tahay uun qabyooyinkii kale ee aan soo arkay, sida godadkii jidka Huddisa ee ka sii darayay. Sida godadkaasi u melgi doonaan buundadaas lagu eegay ayaa habqankan shaqaalaha loo bixiyay na ula degi doonaan hantidaas qaranka ee lagu aamminay.

Cabdillaahi Cawed Cige, Hargeysa Somaliland edleh@hotmail.com

Isha Qarsoon

Contents published on: 2011-09-06 (417 reads)
Copyright © by redsea-online.com. All Right Reserved.