header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Ogaysiis: Naadiga Timacadde - Gebilay
Bandhigga Buugga Labaad ee Naadiga Akhriska Timacadde-Gabiley.

Naadiga Akhriska Timacadde (Timacadde Readers Club - TRC) waxa uu ku wargalinayaa Dhammaan Bahwaynta akhriska jecel in uu naadigu kuu soo Bandhigi Doono Buuggii Labaad habeenka uu Jimcuhu soo galayo ee ay taariikhdu tahay 03/12/2009. Buugga la soo bandhigi doono ayaa ah buugga uu qoray Xasan Cabdi Madar oo magaciisu la yidhaahdo "Nabaadiino". Buuggaasi oo si qoto dheer uga hadlaya tacadiyada inta badan lagu kaco dadka iyo duunyada.


Magaca buuggu waa: Nabaadiino.

Waxa soo bandhigi doona: Mahdi Sheekh Cabdi.

Taariikhda: 03/12/09

Wakhtiga: 7:00 PM

Goobta: Hoolka Dawlada Hoose ee Gabiley

Qoraaga Buuga: Xasan Cabdi Madar

Timacadde Readers Clup (TRC) waxa uu dhiiri galinayaa cid kasta oo jecel inay Wax akhrido, buug Soo bandhigto, kana qayb qaadato wacyi galinta Dhallinyarada iyo Dhaqanka Suuban.


Ka soo Qayb galkaagu waa muhiim, dhawrida waqtiguna waa astaan ilbaxnimo oo adiga kuu gaar ah.


Siciid Khadar Cabdillaahi

Timacadde Readers Club

timacaddereaders@hotmail.com

Timacadde readers club

Contents published on: 2009-12-02 (18824 reads)
Copyright © by redsea-online.com. All Right Reserved.