W/Q Maxamed Baashe X Xasan
Dheri karkaraya ayaynu wada saarannahay (Somaliland). Saddexdiisa dhardhaar waxa ay u muuqdaan dhoobo aan ka soo jeedin asal ahaan cammuud tayo leh ama samayskooda ayaan u abyanayn sidii loo baahnaa marka la eego daldalladooda iyo sida aanu isugu cufnayn dhardhaar kastaaba ahaanshihiisa gaar ahaaneed ama sida aanay saddexdoodu u hannaan abuurahayn wadajir ahaan hagoogtii guud iyo isu dheellitirkii lagama maarmaanka ahaa, si looga fogaado, loogana feejignaado dheelli-ciir dheriga ku yimaadda oo ciideeya cadka la wada hunguraynayo ee cambarka ka qaalisan ee aanay cid kastaaba cuniddiisa geyin!
Dadka ayaan ka mid ahay walaacu kaga oogan yahay doorashooyinka kaabiga inagu soo haya ee la filayo in ay dhowaan ka dhici doonaan Jamhuuriyadda Somaliland. Wax badan ayaa laga naawilayaa doorashooyinkaas, waxaana la tilmaamaa in ay yihiin imtixaankii ugu adkaa iyo xujadii ugu weynayd ee hor timaadda jamhuuriyaddaas aan beesha caalamka aqoonsiga ka haysan ee Somaliland oo ka go’day Soomaaliya 1991. Somaliland waxa ay si muuqata ugu badbaaddey madax iyo minjo la’aanta gaammurtey ee ka hanaqaadday Soomaaliya iyo rajo la’aanta ku sii baahaysa dadka dhulkaas ku dhaqan. Bidhaanta Somaliland ka ifaysaa waa nabad gelyo salka ku haysa maamul leh kala dambayn habacsanaani u baadi-sooc tahay.