|
Wisdom of the Day
|
...daily updates... |
Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi suugaan |
|
|
|
Dhaxalreeb IV 2007: Suugaan Xul ah iyo Abwaan Axmed Aw-geedi “Dheeraad” Description:
Dhaxalreeb IV 2007:
Suugaan Xul ah iyo Abwaan
Axmed Aw-geedi “Dheeraad”
Maansoyahan mudh baxay!
Waxa qorey:
Khaalid Jaamac Qodax.
Waxa aan idin soo gudbin doonaa qoraal kooban oo aan ka diyaariyay, suugaanta abwaanka weyn ee da’da yar, ee abwaan Axmed Aw-geed “Dheerraad”. Ugu horreyn waxa aan si kooban idinku soo gudbin, taariikhda abwaanka, waxa aan dabadeed si mug leh ugu hakan doonnaa, qaybaha ay ka kooban tahay suugaantiisu. Waxa aan sharraxaad idinka siin doonaa taariikhdii suugaantiisa. Waxa aan haddana ku hakan in aan dul istaago suugaantiisa, una kala horraysiiyo sida ay u kala horreeyeen, waxa aan idin dhex galin doonaa hadba suugaanta abwaanka, suugaanta kale ee ay wadaageen abwaanada kale, sida hal-qabsiga abwaanka ee abwaanada kale, soo nooleynta hees hawleedyada, iyo sida ay uga simman yahiin abwaanada kale. Waxa aan gunta iyo gaba-gabada idin soo gudbin suugaan koo-kooban oo uu leeyahay abwaanku, waxaanan ugu dambeynta qoraalkan kooban aan idinku bushaareyn bushaaro fiican oo idin soo socota
“Axmadow nin dheeraad sitoo dhiibsan baad tahay’e
Tu kalaad u dhaaftaa markaad dhaliso tii roon’e
M.I.Warsame “Hadraawi”
Dhul-gariir May 2007 Hargaysa
[download PDF file / price 0.0USD - free]
Version: 1.0 Filesize: 500.00 Kb Added on: 04-Oct-2007 Downloads: 10233 HomePage | Rate Resource | Report Broken Link | Details
| Taxanaha Dhaxalreeb III/2007: Dhulgariir waa digniin culus Description:
Taxanaha Dhaxalreeb III/2007:
"Dhulgariir" waa digniin culus
Waxaa Qorey:
Ibraahin Yuusuf Axmed "Hawd"
Maanso walba oo ka timaadda Maxamed Ibraahin Warsame "Hadraawi" markiiba waxay kicisaa xiisaha iyo dareenka dhammaan dadka afka soomaaliga ku hadla. Awood iyo saamayn sidaas u weyn in maskaxda bulshada lagu yeeshaa, weliba marxaladdan xun ee tafaraaruqa iyo kala tagga ah, run ahaantii arrin fudud ma aha. Waxayse ku tusaysaa sumcad weyn oo uu abwaanku muddo dheer soo urursaday kuna saabsan suugaantiisa wanaagsan iyo fekerkiisa xoogga leh ee qumman. Taas ayaa keentay kalsoonida badan ee halabuurkiisa loo hayo.
Sidii lagu yaqaannay ayuu dulmiga burburinayaa xaqa iyo samahana dhisayaa. Sidii lagu yaqaannay ayuu ka digayaa halis mustaqbalka ku soo jirta. Sidii ayaa eray walba looga garaabayaa isaga oo adeegsanayaa xeelad uu qudhiisu tixdan ku xusayo, taas oo ah:
Dadka dhiirri iyo qawl san baa lagu dhacsiiyaaye
Sida loo dhahaa buu khalqigu ugu dhegtaagaaye
Dhunkaal iyo xajiin lama marshiyo dhuumatiyo sheele
Sida dhuuni-qaataha murtida looma dheehtiro'e
[download PDF file / price 0.0USD - free]
Version: 1.0 Filesize: 154.55 Kb Added on: 08-Jun-2007 Downloads: 7584 HomePage | Rate Resource | Report Broken Link | Details
| Taxanaha Dhaxalreeb II/2007: Miisaanku waa furaha kala asooridda badaha maansooyinka Soomaaliyeed Description:
Taxanaha Dhaxalreeb II/2007:
Miisaanku waa furaha kala
asooridda badaha maansooyinka
Soomaaliyeed
Waxaa Qorey:
Cabdiraxmaan C. Faarax ‘Barwaaqo’
Dhawaanahan dambe waxa si aad ah isu soo taraya kala garasho la’aanta
ama kala saarid la’aanta badaha ay ka soo jeedaan maansooyinka Soomaaliyeed.
Sidaasi awgeed waxad arkaysaa dad badan oo jiifto gabay ku sheegaya, ama
geeraar gabay ku tilmaamaya. Waxan haddaba qoraalkan kooban wax kaga
sheegi gefefkaasi iyo sida ay wax uga jiraan. Waxa kale oon tilmaami sida
aragtida Maxamed Xaashi Dhamac ”Gaarriye” ee miisaanka maansadu u tahay
furaha ugu habboon ee ilaa maanta la hayo ee loo adeegsan karo kala asooridda
badaha maansooyinka Soomaaliyeed iyo kala garashada maanso kastaa badda
ay ka soojeeddo.
Aan ku bilaabee, intaan dalku burburin, dadka iyo afkuna habaqle noqon,
waxan u haystey in la kala yaqaanney badaha maansooyinka Soomaaliyeed oo
ay aad u adkayd isku murgintoodu. Waxa kale oo aan filayey in la yaqaan maansakastaa
badda ay ku abtirsato. Hase ahaatee, malahaasu wuxu afka u dhacay
kolkii aan dhawaan dareemay in dhibaatada maanta jirtaa kaba horreysey burburka.
Tusaale ahaan, maansada hoos ku qoran ee uu tiriyey Xuseen Dhiqle ayaa
lagu sheegey iney gabay tahay ( Aw Jaamac Cumar Ciise 1999).
[download PDF file / price 0.0USD - free]
Version: 1.0 Filesize: 598.49 Kb Added on: 30-Apr-2007 Downloads: 5959 HomePage | Rate Resource | Report Broken Link | Details
| Taxanaha Dhaxalreeb I/2007: Tirada iyo habka tirsiimo ee Afsoomaaliga Description:
Taxanaha Dhaxalreeb I/2007:
Tirada iyo habka tirsiimo ee Afsoomaaliga
Waxaa Qorey:
Jama Musse Jama
Tiro waa aragti dahsoon oo u taagnaan karta qiimayn, hilaadin ama cabbiraad. Astaamaha lagu tilmaansado tirooyinka waxaa la yidhaahdaa asto tiro. Habka dhaqanka ee tirinta afsoomaaliguna waa habdhismeed salkiisu yahay tobanle; waxaa ku jira eber iyo dhammaad li'i, waxaana uu bah la wadaagaa habka tirinta ee afafka kushitigga (kushitig waxaa la isku yidhaahdaa afafka laga hadlo Bariga Afrika ee ay ka mid yihiin Oroomo, Soomaali, Siidamo iyo Canfari).
Aqoonyahannada aan soomaali ahayni, hadday dhugtaan adeegsiga erayada nambar (erayga ingiriisida ah ee number sida odhaada "imisa nambar baad taqaanaa?"); ama sifir iyo eber oo ay ka waayaan afsoomaaliga erey xisaabeed u dhigma aragtida 0; ama malyan, balyan iwm, waxay shaki galin karaan in soomaalidu aanay hiddoba u lahayn aragtida tiro. Xaqiiqdu waxay tahay mid taa ka fog.
Waraaqdan waxaynu ku eegi doonnaa sida xisaab dhaqameedka soomaalida, iyo adeegsiga tiraduba, ay uga soo jeedaan dhugmo hore oo soomaalidu lahayd, islamarkaana erayada loo adeegsado tirooyinku ay asal ahaan ku abtirsadaan afsoomaaliga toolmoon ee soo jireenka ah. Sidaa darteed, waxaynu arki doonnaa in fikradda tirinta iyo tiradu aanay ahayn wax mar danbe soo gaadhay soomaalida, balse ay yihiin hidde iyo xaddaarad dhaqan oo soo jireen ah.
[download PDF file / price 0.0USD - free]
Version: 1.0 Filesize: 158.50 Kb Added on: 25-Apr-2007 Downloads: 6888 HomePage | Rate Resource | Report Broken Link | Details
| Kumaa ah Aabbaha Miisaanka Maansada Soomaaliyeed: ma Carraale mise Gaarriye? Description: Dhaxalreeb 1 - 2006: wuxuu soo baxay qoraalkani Jeenarweri 2006.
Beryahan waxa muran weyni ka joogaa sidii loo sugi lahaa ama loo ogaan lahaa ninkii u horreeyey ee tibaaxay aragtida loo yaqaan Miisaanka Maansada Soomaaliyeed, loona siin lahaa ladhka lagu loollamayo ee ah: Aabbaha miisaanka maansada Soomaaliyeed.
Qoraalkani wuxuu jawaab waafi ah siinayaa murankan.
Waxaa diyaariyey Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’ Version: 1.0 Filesize: 1.11 MB Added on: 09-Jan-2006 Downloads: 6679 HomePage | Rate Resource | Report Broken Link | Details
| Mahadhadii Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal Description: Muuse Xaaji Ismaaciil oo dadka badankiisu u yiqiin “Muuse Galaal” waxa uu ku dhashay degmada Cayn ee gobolka Togdheer. In kasta oon la aqoon xilligii uu dhashay, haddana qoraal kooban oo uu Prof. B. W. Andrzejewski kaga hadlayey mahadhadii Abwaanka1 waxa uu ku sheegey in uu Abwaanku dhashay 1920kii. 1980kii ayuu Abwaanku ku geeriyoodey gegida dayuuradaha ee magaalada Jidda ee dalka Sucuudi Areebiya, isaga oo loo wado dalka Talyaaniga si loogu soo daweeyo Version: 1.0 Filesize: 180.66 Kb Added on: 01-Jan-2006 Downloads: 7882 HomePage | Rate Resource | Report Broken Link | Details
| Makiinad iswadda oo caiyaarta Layli Goobalay Description: Dhaxalreeb 1 - 2005: wuxuu soo baxay qoraalkani Juun 2005.
LAYLI GOOBALAY waa ciyaar dhaqameed
kasoo jeedda bahda ciyaaraha ah ee la
isku yidhaahdo Manqala. Manqala waa
eray carabi ah oo macnihiisu yahay tirin.
Reer galbeedku waxa kale oo ay u
yaqaaniin bahdan ciyaaraha ah “Count &
Capture Games” amase “Ciyaaraha tiri oo
tudhsii”. Marmarka qaarkoodna waxaa
lagu naanaysaa “African National Game”
amase “Ciyaar Qarameedka Afrika.”
Magacan danbe ee hanka wayn waxa ay
ciyaaraha noocan ahi ku mutasateen ku
baahsanaanta ay ku baahsanyihiin bulshada Africa oo dhan iyo dadka asalkoodu kasoo
jeedo Afrika.
Waxaa diyaariyey Jama Musse Jama
Version: 1.0 Filesize: 2.87 MB Added on: 08-Dec-2005 Downloads: 6184 HomePage | Rate Resource | Report Broken Link | Details
| Qalabka iyo Suuganta Qodaalka Description: Dahaxalreeb II-2005 - wuxuu soo baxay qoraalkani noofember 2005.
Dadka Soomaaliyeed waxay caan ku yihiin xoolo dhaqasho. Hayeeshee qodaalkana kama taggana. Soomaaliya (koonfurtii hore) waxay caan ku ahayd, haddana ku tahay, beeraha muuska, liinta iyo canbaha. Beerahaasi waa kuwii uu Talyaanigu sameeyey. Kolka la qodayana waxa lagu qodaa qalabyada cusub ee beeraha lagu falo. Dadka Soomaaliyeedse waxay beeran jireen, haddana beertaan, arabikhi (gallay), hadhuudh (masago), qamandi, sarreen iyo sisin. Qalabkay adeegsadaanna waa qalabkii ay carro-edegta madoobi caanka ku ahayd, kuwaasi oo kala ah yaanbo iyo dibi.
Waxa soo wada diyaariyey Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’
iyo Mohamoud H. Nugidoon. Waxa kula guusay
oo gacan ka geystey Cali Cumar Xasan
Version: Filesize: 144.68 Kb Added on: 30-Nov-2005 Downloads: 7737 HomePage | Rate Resource | Report Broken Link | Details
|
Select Page: [ << Previous Page ] 1 2  Halkan ka eeg buugaagtii hore oo u habaysan koox koox
|
|
|
|
Social Community
Join us today |
There are currently, 396 guest(s) and 0 member(s) that are online. Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!
|
Editor Pick
|
A brilliant work co-ordinated through many continents by Rhoda A. Rage. Read it more |
|
|
|