RSOL Banner
Hargeysa International Book Fair
and Mooge Festival 2010

Hargeysa, 23-27 July 2010
www.hargeysabookfair.com
  Create an account
 
Somali Spelling Checker
!NEW NEW NEW!

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion
GREGORIAN

::
ISLAMIC


SOMALI


Net!Photo of the Week
Suggest one

Proud to be Somalilander!
<br/>
Somaliland Societies in Europe Annual Conference in Lyon

Proud to be Somalilander!
Somaliland Societies in Europe Annual Conference in Lyon


Old Articles
August 2010
· Saalax Xaashi Carab:innaa lillaahi wa innaa ilayhu raajicuun
· Safarkii Himilada
· Laba Buug oo u Qalma Abaalmarin Caalamiya
· Hadda anigaaba dad ah! (Bandhigga buugga HIIL ee Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa)
· Black Mamba Boy - Nadifa Mohamed
· Xasuus Weedheedkii Carwada Buugaagta Hargeysa.
· Falanqaynta Qalinka: Midh Aan Ka Idhaahdo Maalmihii Macaanaa!
· Dib-u-milcsi: Bandhiggii Caalamiga ahaa ee Buugaagta Hargeysa iyo Bandhig Dhaqameedkii Mooge - 2010

[ List all articles]

Wisdom of the Day
...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note
order it today


read it more


Badhax-tira - Maanso cusub
Posted on Sunday, January 31 @ 09:30:34 CST by redsea | read 402 times

Suugaan - gabayo

Waxa tiriyey Yuusuf Cismaan Cabdille "Shaacir"

Maasandi Badhax-tira waxay soo baxday 18/01/2010

Qarnigan dhamaaday bilawgiisii ilaa badhtamihiisii waxa isa soo tarayay aqoonta maadiga ah ee debedaha inagaga imanaysay, taasoo aad mooddo inay maanta marayso meelihii ugu sarreysay. Haddaba waxa muuqata in aanay wali la fal gelin waxyaabihii sooyaalka ahaa ee ay bulshadu aaminsanayd sida diinta iyo dhaqanka. Maansadan koobani waxay igaga dhalatay dood-cilmiyeed loo qabtay aqoonyahannada dalka, anigase waxa shirkaa iiga bidhaamay in aanay aqoonyahannadu wali fahmin waddooyinkii loo mari lahaa bulsha weynta.

Farriintaydani waa talo ku waajahan aqoonta maadiga ah in lagu saleeyo diinta iyo hab dhaqanka bulshada si ay isula jaan qaadaan.



Barashada aqoontiyo
dadku waa ka bogashada
Beentuna waxyeeliyo
baaxad soore weeyaan
Ballankana qofkii galay
inuu baajo ma ahayn

Baxnaanada adduunkiyo
Berritiyo wixii maqan
Bixisada heddaadiyo
Bil dhacaysa haw gudin
Baahidana sideedaba
Naftaa lagu bilkeedaye
Waxba bahalo haw cunin

Baaxaadeggiisiyo
Waayahays beddelayaa
Adoo bari ku talo galay
Bogox yaanay kula qaban

Maalin aad u ba’anoo
Boqor lays hortaagiyo
Baxar baa dambeeyee
Camal lagu badbaadiyo
Diintaada badhax tiro

Wakhtiguna bushaariyo
Waa baaqa noloshiyo
Bardaan lagu nageeyoo
Isagaa badhaadhaha
Bulsha weynta geeyoo
Baxsanaanta dhaliyee
Qofku baylah kaga tagay
Baadi doon la raadshiyo
Kuma helo badheedhaha
Burhaan lagu tilmaamiyo
Bayaxawga hodankee
Baashaal cayaariyo
Barje lagu hungoobiyo
Ha ku lumin barbaareey
Waxaan baabna kuu gelin
Barashada aqoontiyo
Cilmi baaxadiisuna
Buuraha dushoodiyo
Badda mawjaddeediyo
Waa hirar bidhaamoo
Nin buraashad dhaansaday
Kama goosan baarkoo
Kama bogan wax sheegiyo
Baahida aqoontee
Intan buugga lagu qoray
Ama bilo laguu dhigay
Ha ka dhigan bardaankii
Buuxinaayay garashada

Boholyawga jamashada

Bixisaa ka dhalatee
PHDda hanadoow
Baryo la isku hawliyo
Billadaha digriiga ah
Inkastaan boogaadshoo
Barbarkooda taagnahay
Misna waxa badhaadhiyo
Barta aynu jecelnahay
Lagu beegsan karayaa

Barakada Quraankiyo
Aayaadka billanee
Boqor lagu xasuustiyo
Buuniga shareecada
Marka loola baydhee
Ballankii ILLAAHAY
Baaqeedu noqotee
Bashar tiisa oo qudha
Bidix aanad u la lumin

Ama aad banjoogtiyo
Baallayda haaddiyo
Bahalaha dugaagiyo
Baxdowgii gamaankiyo
Boosada la maaliyo
Bardihiyo galoolkiyo
Inta geed bukaankiyo
Lagu baanto cudurkee
Bogsiinaaya nabarrada
Baxaaliga dhulkaagiyo
Bulshadaad ka dhalatiyo
Baradaad ku ababtiyo
Markaad baabka diintiyo
Dhaqankaaga baratee
Bilicdii afkaagiyo
Burjigaaga garataa
Barashada aqoontiyo
Baxsanaanta qallinkuna
Bursashada asaagaa
Biid kaaga tallisaa.




Ka eeg halkan maqaalladii - Anonymous


© 2010 - redsea-online.com
Material may be reproduced freely
if redsea-online.com is mentioned as the source
Gobannimo © 2010 - redsea-online.com
Xogtan waa loo sii daabici karaa bilaash
haddii la xuso in laga soo xigtey redsea-online.com
 
Related Links
· More about Suugaan - gabayo
· News by redsea


Most read story about Suugaan - gabayo:
MAANSO IYO SHEEKO QOSOL: QIIRADA QURBO-JOOGA


Article Rating
Average Score: 5
Votes: 2


Please take a second and vote for this article:

Bad
Regular
Good
Very Good
Excellent



Options

Printer Friendly Page  Printer Friendly Page

Send to a Friend  Send to a Friend


Gobannimo Bilaash Maaha!
www.redsea-online.com