RSOL Banner
Hargeysa International Book Fair
and Mooge Festival 2010

Hargeysa, 23-27 July 2010
www.hargeysabookfair.com
  Create an account
 
Somali Spelling Checker
!NEW NEW NEW!

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion
GREGORIAN

::
ISLAMIC


SOMALI


Net!Photo of the Week
Suggest one

Proud to be Somalilander!
<br/>
Somaliland Societies in Europe Annual Conference in Lyon

Proud to be Somalilander!
Somaliland Societies in Europe Annual Conference in Lyon


Old Articles
August 2010
· Saalax Xaashi Carab:innaa lillaahi wa innaa ilayhu raajicuun
· Safarkii Himilada
· Laba Buug oo u Qalma Abaalmarin Caalamiya
· Hadda anigaaba dad ah! (Bandhigga buugga HIIL ee Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa)
· Black Mamba Boy - Nadifa Mohamed
· Xasuus Weedheedkii Carwada Buugaagta Hargeysa.
· Falanqaynta Qalinka: Midh Aan Ka Idhaahdo Maalmihii Macaanaa!
· Dib-u-milcsi: Bandhiggii Caalamiga ahaa ee Buugaagta Hargeysa iyo Bandhig Dhaqameedkii Mooge - 2010

[ List all articles]

Wisdom of the Day
...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note
order it today


read it more


Xiisihii dareenka lahaa ee xalay kulmiyay abwaannada Hadraawi, Xasan Geney iyo Axmed aw Geeddi
Posted on Saturday, January 30 @ 05:57:58 CST by redsea | read 389 times

Events

Waxa qortey Sahra-Kiin Cabdiraxmaan Axmed

Waxay ahayd markii labaad ee muddo bil u dhaxayso ay marlabaad ay madal noocaan oo kale ah ay ku kulmaan abwaanno waaweyn oo sumcad, maamuus iyo karaamo ku dhex leh ummadda Soomaaliyeed gaar ahaana ummadda Somaliland. Madashu waa faraxal iyo foolaadka murtida, goobtu waa hotel imperial oo ku yaalla jidka wadnaha Hargeysa. Madal si weyn oo gobannimo iyo qiiro iyo qiimayn shakhsiyaadka martida loo yahay loo cammiray bay ahayd oo marka aad irridda ka soo gasho aanad helaynba meel aad aad fadhiisato oo dadka qaar markii xataa madashu buuxsantay ay ka soo qaybgalayaasha qaar ku qancsanaayeen in ay codka iyo sanqadha madasha ka socota dhagaha ay la raacaan haddii ay nasiib u yeelan waayeen in ay indhaha ka dhawraan. Akhriste madasha intaas oo dhan laga helay waxa marti loo yahay oo caawa barnaamijka hoggaaminaya oo talantaalli isku waydaarsnayey abwaannada kala ah Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, Xasan X. Cabdillaahi “Geney” iyo Axmed aw Geeddi “Dheeraad”.



Waxay dad badan oo dhalin u badani ugu soo talo galeen habeenkan in ay tahay sidii habeenkii kan ka horeeyey waa habeenkii Hargeysa iyo habeen hawraar leh oo ay dhallintu aad u soo cammireen oo u badnaa madaddaalo iyo qosol murtiyeed, isla saddexdan abwaan ee xalay martida loo ahaana ay madasha daadihinayeen.

Laakiin waqti waliba waayihii, habeen waliba habeenkii, barnaamijkastana waa sidii loogu talo galee haddii aad shalay qoslaysay maanta ha ugu talo galin adiga oo ku xisaabtamaya isbaddallada degdega ah ee ka dhacaya dunidan bani’aadmka lagu imataxaanayo walow kii aakhirna hadhsanyahay.

Akhriste haddaba madashu sidaas ayey isku baddashay oo habeenkaa qofka akhrista dareenka aabayaasha waanada ee Ilaahay hibada u siiyey af-Soomaaliga iyo isku gayntiisa waxa hayey dareen wadanninimo leh oo galiilyo ama jidhiidhico waxa diidani ku dheehantahay waxaanay qaybta xasuusta maskaxdoodu ay dib u celiyeen 20 sanno ka hore wixii dhacay waqtigii gumaysiga iyo wixii ay ka dagaallameen iyo halka maanta lagu soo noqday, iyo waliba waxyaabaha maanta taagan marka loo kuur galo astaamaha iyo ifafaalaha ay leeyihiin ee ay saadaliyeen maadaama ay yihiin ruug caddaayo ka dhiidhiyey in la gumaysto oo la baal maro caddaalada iyo garsoorka uu Ilaahay subxaanahuu watacaalye uu u soo dajiyey addoomihiisa.

Abwaan Axmed Aw Geedi Amiin (Dheeraad) ayaa isagu ugu horayn halkaasi ka akhriyay Maanso uu hal-ku dheggeedu yahay Agabar. Waxaanu Abwaanku kaga hadlayay sida aan loogu mahadin wadada ay martay Gobonnimadii muddada dheer loo soo halgamayay gacantana ay u gashay dad xun oo aan ehel u ahayn. Maansadaas ayaa ahayd mid ay dhammaan ka soo qayb galayaashu si wayn ugu riyaaqeen ugana bogeen.

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi Xasan(Geney) ayaa isaguna madasha ku soo bandhigay Maanso halku dheggeedu yahay Shareero. Waxa uu abwaanku sheegay in waqti aad u fog oo hore uu maansadan ku riyooday sidaana uu ku sameeyay. Hasa ahaatee, waxyaabaha ay ka hadlaysaa ay waqtigan joogaan. Waxaanu halkaasi ka akhriyay maanasadaasi oo aad u dheerayd qayb badan oo ka mid ah iyada oo dhammaan ka soo qayb galayaashii ay aad uga heleen kagana jawaabayeen sacab aad u tiro badan iyo qiiro wadanninimo oo dareen galisay dhallinta. Waxa ay maanasadaasi si ballaadhan uga hadlaysay is beddelka ku dhacay guud ahaanba dhaqankeenii Soomaaliga ahaa ee milgaha lahaa iyo diinteenna suuban ee Islaamka. Iyo waliba habdhaqankii wanaagsanaa ee ummaddan oo dhammaan isku badeshay xumaan oo boobka iyo hantida ummaddu u noqday wax caadiya oo aan dhib loo arkayn. Waxaanad ka dareemaysay abwaan Geney qiiro iyo dareen wadanninimo uu abwaanku ilmo ku soo istaagtay sida uu u diidayo waxa ka dhacaya dalkiisa hooyo ee Somaliland.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) waxa uu halkaasi ka akhriyay maanso lagu magacaabo Awaal Tiris. Waxa uu sheegay in ay tahay Maanso Cusub oo uu sammeeyay waqti imika laga joogo laba bilood oo kaliya. Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) waxa uu maansadaasi kaga hadlay marxalada waqtigan lagu jiro iyo ragga waqtigan joogaa sida ay u dhaqmaan. Waxa uu Hadraawi madasha kaga sheekeeyay noloshii uu soo gaadhay oo ahayd mid tan imika lagu jiro aad uga duwan. Waxa uu tilmaamay in ay noloshu tartan tahay qof kastaana uu leeyahay waxa uu la soo baxo iyo kolba inta uu qabsado. Waxaanu xusay in uu soo gaadhay iyada oo ay dadku nolosha gacanta ku haystaan oo qof kastaaba baahidiisa uu si fudud u dabooli karo. Hasa yeeshee imika ay baahidii badatay markii ay dadkeenii ka tageen waxyaabihii ay iyagu gaarka u lahaayeen. Taasina ay keentay in ay iibiyaan karaamadii, diintii, dhirtii, dhulkii IWM. si looga jawaabo baahida hunguriga. Waxaanu halkaasi si wayn ugu dhaleeceeyay dhibaatada uu Qaadku gayaysiiyay bulshada Somaliland isaga oo halkaasi ka akhriyay maansadan ka hor tuducyo ka mid ah maansooyinkiisii.

Ugu danbayntii halkaasi dhammaan ka soo qayb-galayaashu ay ku waydiiyeen Abwaanada su’aalo tiro badan oo la xidhiidha seddexdan maanso ee ay tiriyeen iyo qayb ka mid ah maansooyinkoodii hore.

Madashaasi waxay ku dhammaatay jawi dadka ku dhaliyey dareen xaasaasi ah oo ay gadaal ka wada dareemeen waxa jira si weyna loo hadal hayey in hadday dadku dhammaan dhan ay wax ka wada arki karaan oo abwaanada ay ku soo biiran iyaga oo dhawanahan ka gaabsaday waxyaabaha ka socda dalka iyo guud ahaan geeska Afrika.

Guul iyo gobannimo

Sahra Kiin Abdirahman Ahmed
Sahra873@hotmail.com
Freelance journalist
Hargeysa Somaliland




Ka eeg halkan maqaalladii Sahra Kiin Cabdiraxmaan Axmed - sahra873


© 2010 - redsea-online.com
Material may be reproduced freely
if redsea-online.com is mentioned as the source
Gobannimo © 2010 - redsea-online.com
Xogtan waa loo sii daabici karaa bilaash
haddii la xuso in laga soo xigtey redsea-online.com
 
Related Links
· Somaliland Forum
· More about Events
· News by redsea


Most read story about Events:
Dhagax Tuur
by Yvette Lopez, Hargeisa


Article Rating
Average Score: 0
Votes: 0

Please take a second and vote for this article:

Bad
Regular
Good
Very Good
Excellent



Options

Printer Friendly Page  Printer Friendly Page

Send to a Friend  Send to a Friend


Gobannimo Bilaash Maaha!
www.redsea-online.com