RSOL Banner
Hargeysa International Book Fair
and Mooge Festival 2010

Hargeysa, 23-27 July 2010
www.hargeysabookfair.com
  Create an account
 
Somali Spelling Checker
!NEW NEW NEW!

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion
GREGORIAN

::
ISLAMIC


SOMALI


Net!Photo of the Week
Suggest one

Proud to be Somalilander!
<br/>
Somaliland Societies in Europe Annual Conference in Lyon

Proud to be Somalilander!
Somaliland Societies in Europe Annual Conference in Lyon


Old Articles
August 2010
· Saalax Xaashi Carab:innaa lillaahi wa innaa ilayhu raajicuun
· Safarkii Himilada
· Laba Buug oo u Qalma Abaalmarin Caalamiya
· Hadda anigaaba dad ah! (Bandhigga buugga HIIL ee Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa)
· Black Mamba Boy - Nadifa Mohamed
· Xasuus Weedheedkii Carwada Buugaagta Hargeysa.
· Falanqaynta Qalinka: Midh Aan Ka Idhaahdo Maalmihii Macaanaa!
· Dib-u-milcsi: Bandhiggii Caalamiga ahaa ee Buugaagta Hargeysa iyo Bandhig Dhaqameedkii Mooge - 2010

[ List all articles]

Wisdom of the Day
...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note
order it today


read it more


Gar Cadaawe: Ma Dhabbaa Mise Waa Dhalanteed?
Posted on Sunday, September 13 @ 01:31:32 CDT by redsea | read 574 times

Opinion - Fikrado

Waxa qorey Barre Guulane

Saaka ayaan redsea-online ku arkay maqaal iga yaabshey oo uu qoray ninka la yidhaahdo Waayeel. Cinwaanka maqaalku waa Gar Cadaawe. Markaan maqaalkaa akhriyey ayaabaa maskaxdayda waxa ku soo dhacay maqaal ka mid ahaa maqaalladii faraha badnaa ee miisaankii maansada oo aanan hadda cinwaankiisii iyo ciddii qortayba xasuusnayn. Maqaalku wuxu ku sheegay ninkan la yidhaa Waayeel inuu yahay nin hurdo ku jira oo riyoonaya. Maalinkaasi aad baan hadalkaa ula yaabbanaa. Maanta ayuuse midhkii ninkaa lagu sheegayey dhab yahay oo aan kii u garaabayaa.



Bishii 7aad ee sannadkan waxa magaala madaxda Somaliland ee Hargeysa lagu qabtay bandhig dhaqameedkii loogu magac daray mujaahidkii weynaa ee Maxamed Mooge Liibaan. Maalintii la xidhayey bandhig dhaqmeedka, oo ku beegnayd bishii Juulaay 27dii, ayaa sida la sheegay madal ay il yartu is qabatay uu Abwaan Gaarriye ka sheegay inuu 3 sano ka hor intii aanu wargeyska Xiddigta Oktoobar ku soo daabicin qoraalkiisa miisaanka maansada inuu u soo bandhigay arrintaas Abwaanka caanka ah ee Maxamed Warsame ‘Hadraawi’. Waxa haddaba xiiso lahayd oo in la xus ay tahay inuu Hadraawi goobtaasi ka qiray kana caddeeyey inuu markii u horreysey ee uu maqlo miisaanka maansada uu ka maqlay Professor Maxamed Xaashi Dhamac ‘Gaarriye’. Warkaasu Internet-yada iyo jaraa’idka Somalilandba ka soo baxa oo dhanba waa lagu soo faafiyey. Waxan haddaba layaabanahay halka uu Waayeel ku maqnaa ama sida aanu u maqal ama u akhrisan dhacdadaasi? Midda kale Professor Carraale qudhiisu wuxu joogay magaalada in kasta oo aanu markaasi shirka joogin, sida la weriyey, oo isaga gelinkii hore la siiyey inuu aragtidiisa soo jeediyo. Waxa haddaba ii cad midhkii lagu sheegay inuu dhab yahay waxanan odhan Karaa Waayeel weli hurdadii kama toosin.

Waxa kale oo kuu caddaynaysa inuu weli hurdo, arrinta dhammaatay ee lagu kala hagaagay buugna laga soo saaray, sida aan dhawaan redsea-online ku arkay, buu ku leeyahay 21ka Oktoobar baa dooddii miisaanka maansada la qabanayaa. Oo tolow yuu u qabanayaa? Dee, malaha, intii sidiisa huruddey ee hadduun soo baraarugatay ayuu shirindoonaa.

Haddii aan midhkaa halkaa kaga baxo, wuxu inoo sheegay in Raadyow ku yaal dalka Deenmaark uu waraysi la yeeshay marwo Soomaaliyeed oo magaceeda la yidhaa Faadumo Axmed Caalin oo lagu naanayso ‘Cureeji’. Wuxu Waayeel inna leeyahay waxay ka markhaati furtay arrintan oo waxay sheegtay inuu Prof. Carraale yahay ninkii u horreeyey ee soo horqora miisaanka maansada. Caddaynta ay Marwo cureeji haysaa waa iyada oo Carraale kolkii ay buuggaasi Jaamacaddu ka iibsatay ahayd iyadu qofkii lacagta siiyey ee madaxda ka ahaa maamulka lacagta.

Raadyowgaa qudhiisa ayaan ka dhegeystey waraysi uu Carraale siiyey oo uu leeyahay kolkii layga iibsaday iyada oo aan la daabicin baa lagu kala yaacay. Haddaba ma Cureeji baan rumaysanaa mise Carraale?

Sida warkaa ku cad Faadumo meelna ka ma soo gasho qaybta waxbarashada. Sida caadiga ah iyada waxa loo keenay warqad sheegaysa in Carraale laga iibsaday buug oo la siiyo lacagta intaa dhan. Faadumo may sheegin sida ay ku ogaatay inuu buuggu yahay kii u horreeyey ee arrinta laga qoro iyo in kale.

Taa waxba ku tiigaali maayee waxa loo baahan yahay in laysa su’aalo, maadaama aan nahay dad Muslin ah, waxa Diinteennu ka qabto markhaatiga haweenka. Ilaahay baa SXW inoo sheegay in kolka nin markhaati noqda la waayo in loo baahan yahay inay halkiisa galaan laba haween ihi. Sidaasi darteed, waxa lagama maarmaan ah in la helo haweeney labaad oo Faadumo ku taageerta aragtideeda. Sida waraysigeedii ku cadna may sheegin inay jirto marwo kale oo arrintaasi ku weheelisaa.

Waayeel wuxu miciin mooday cay. Gaarriye wuxu ku sheegay inuusan waxba baadhin. Yaab. Haddaba, haddii aanu Gaarriye waxba qorin maxaa loo haystaa? Qof aan waxba qorin in qoraal lagu qabsadaa miyaanay yaab ahayn. Cajiib.

Midda kale,Waayeel isaga aan su’aalee muxuu qoray oo uu Gaarriye ugu faanayaa? Weligey maan maqal internetkana kuma arkin wax sheegaya buug Waayeel qoray aan cayda dadka ahayn. Ma edegga yar ee uu dadka ku cayo ayuu u haysataa inuu waxqoro?

Kama danbaystii waxan kula talinlahaa in uu ka waantoobo dacaayadaha raqiiska ah iyo odayaasha uu isku dhererinayo.

Barre Guulane
bguulane@yahoo.com




Ka eeg halkan maqaalladii - Anonymous


© 2010 - redsea-online.com
Material may be reproduced freely
if redsea-online.com is mentioned as the source
Gobannimo © 2010 - redsea-online.com
Xogtan waa loo sii daabici karaa bilaash
haddii la xuso in laga soo xigtey redsea-online.com
 
Related Links
· Somaliland Forum
· More about Opinion - Fikrado
· News by redsea


Most read story about Opinion - Fikrado:
Sheekadii “Saddex Nafood” iyo bililiqadii qarniga


Article Rating
Average Score: 4
Votes: 2


Please take a second and vote for this article:

Bad
Regular
Good
Very Good
Excellent



Options

Printer Friendly Page  Printer Friendly Page

Send to a Friend  Send to a Friend


Gobannimo Bilaash Maaha!
www.redsea-online.com