RSOL Banner
Hargeysa International Book Fair
and Mooge Festival 2010

Hargeysa, 23-27 July 2010
www.hargeysabookfair.com
  Create an account
 
Somali Spelling Checker
!NEW NEW NEW!

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion
GREGORIAN

::
ISLAMIC


SOMALI


Net!Photo of the Week
Suggest one

Proud to be Somalilander!
<br/>
Somaliland Societies in Europe Annual Conference in Lyon

Proud to be Somalilander!
Somaliland Societies in Europe Annual Conference in Lyon


Old Articles
August 2010
· Laba Buug oo u Qalma Abaalmarin Caalamiya
· Hadda anigaaba dad ah! (Bandhigga buugga HIIL ee Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa)
· Black Mamba Boy - Nadifa Mohamed
· Xasuus Weedheedkii Carwada Buugaagta Hargeysa.
· Falanqaynta Qalinka: Midh Aan Ka Idhaahdo Maalmihii Macaanaa!
· Dib-u-milcsi: Bandhiggii Caalamiga ahaa ee Buugaagta Hargeysa iyo Bandhig Dhaqameedkii Mooge - 2010
· Sheeko iyo Shaahid - Warsaxaafadeed
July 2010
· Hargeysa International Bookfair and Mooge Festival

[ List all articles]

Wisdom of the Day
...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note
order it today


read it more


Sheeko iyo Shaahid - Kowaad (Geesi boqra)
Posted on Friday, March 20 @ 12:19:27 CDT by redsea | read 3148 times

Press Releases
War saxaafadeed, RSOL FR17-III-09/Som, 17/03/2009

Bishii siddeedaad ee sannadkii 2008 waxa Hargeysa lagu qabtay bandhig-buugeed caalami ah oo ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee waddanka gudihiisa ka dhaca. Waxa isku dubbaridey Wadaagtada Afka, Dhaqanka iyo Hiddaha ee REDSEA-ONLINE.COM, waxana taageerey ururro bulsho oo kala duwan oo ay leeyihiin dadka debedda ku nooli, sida Article 32, Somaliland Forum, Somaliland Societies in Europe, West London Somaliland Community, Somaliland Suera Finland, Ururka Qoraaga Somaliland; iyo shaqsiyaad iyagu iskood ugu deeqay kaalmo dhaqaale, mid fikradeed iyo mid fulineedba. Waxa iyana kaalin laxaad leh ka gaystay hirgelinta bandhigga ururro madani ah sida HAVOYOCO iyo Naadiga Hargeysa Readers Club. Waxa kafaaloqaad dhaqaale oo lama huraan ah ka gaystay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee TELESOM, DAHABSHIIL iyo Cawl Co.

Waxa bandhiggaas ku lammaanaa tartan suugaaneed lagu baratamayay sheeko gaaban, kaasoo muddo kooban la siiyey tartameyaasha (15 maalmood) in ay kusoo qoraan sheeko afsoomaali ah oo qoraagu u madax bannaan yahay ujeeddada ay ka hadlayso sheekadiisu. Waxa loogu magac daray tartankaas “Sheeko iyo Shaahid”, waxana uu markan u gaar u ahaa oo kaliya dadka da'doodu ka yartahay 40 jir.

Fikradda ka danbaysa tartantkan, iyo bandhiggaba, waa tan aasaaska u ah jiritaanka Wadaagtada REDSEA-ONLINE.COM ee ah inay ka qayb-qaataan waxkasta oo horumarinaya fidinta iyo kaydinta fanka, hiddaha iyo suugaanta; islamarkaana taageeraya dhaqanka qorista iyo akhriska, iyo guud ahaan kobcinta qoraalka af-soomaaliga.



Gebagebadii tartanka waxa kaalinta kowaad heshay sheekada “Ninkii reerka” ee uu qorey Mustafa Aadan Nuur, kaalinta labaadna waxa gashay sheekada “Geesi boqra” ee uu qorey Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed. Kaalinta saddexaad waxaa si barbardhac ah u wada galay laba sheeko oo ay kala qoreen Faadumo Aadan Maxamuud Buuni iyo Axmed Cabdi Cabdillaahi Riiraash oo iyagu soo bandhigay laba sheeko oo isku mowduuc ka hadlaya: “Guurka iyo dhallinyarada”. Afarta qoraa ee ku guulaystay tartanka midkoodna hore uma soo saarin qoraal la daabacay, taasina waxay ka turjumaysaa baahida loo qabo in la gacanqabto oo lasoo saaro kartida dahsoon eek u duugan dhallinyarada.

Sidaa darteed, buuggan oo macnaha ugu wayn ee soo saaristiisa laga leeyahay uu yahay in lagu dhiirrigeliyo dhallinyarada qiimaha uu leeyahay qoraalka iyo akhrisku, waxa lagu daabacay labadii sheeko ee kaalmaha kowaad iyo labaad kala galay tartanka. Waxa lagu sharfay in lagu magacdhabo buuggan kowaad “Geesi boqra” oo ah magaca sheekada uu qorey Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed ee gashay kaalinta labaad. Cabdiraxmaan waa 18 jir, ku dhashay Dulcad (Itoobbiya) xeradii qaxootiga ee ummadda Somaliland u barakacday markii la dumiyey magaalooyinka waawayn ee dalka, waxana wax lagu farxo ah in isaga iyo inta kale ee ka qaybgashay tartankii Sheeko iyo Shaahid ay iftiinka u sidaan jiil cusub oo ah farshaxanno, jiilkaas oo jiritaankiisu yididdiilo ku beerayo qof kasta oo daneeya fanka, dhaqanka iyo suugaanta.

Waxa iyana ku jira dhigaalkan sheekooyin ay qoreen qoraayo kale oo marti ku ah buugga, kuwaas oo u ah kaabid iyo dhiirrigelin qoraayada soo koraya. Dayib Cabdiraxmaan Askar wuxuu hore u qorey buugga la yidhaahdo “Dhalandhool” oo ku qoran afingiriisi iyo afsoomaaliba. Cabdillaahi Cawed Cige waa qoraagii buugaagta sheekada ah ee “Ladh” iyo “Roge”. Ibraahin Yuusuf Axmed waa qoraaga buuggii “Aanadii Negeeye”.

Marti-sharafeedka dhigaalkan kowaad ee “Sheeko iyo Shaahid”, waa “Jacayl dhiig ma lugu qorey!” iyo sidii ay kusoo baxday. Waxay ahayd horraantii toddobaatameeyadii markii uu tiriyey Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi” heesta, waxana uu ka sheekeeyey siday ku timi 2007-dii isagoo ka qaybgalaya “Somali Week Festival, London”. Waa male-awaal aad iyo aad u layaab badan, kalkaaliyena u noqon kara maskaxda farshaxannada yaryar ee soo kacaya. Waxaannu u mahadcelinaynaa Somali Festival Week iyo Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraaw” inay noo oggolaadaan daabicidda sheekadan oo aannu ka diyaarinney cajalad DVD ah oo ay sameeyeen sannadkii 2007.

Tartankani wuxuu ahaa Kulankii Kowaad, waxana aannu ku rajowaynahay inuu noqdo, sida bandhig-buugeedka oo kale, mid joogto ah oo sannadle ah. Waxaannu u mahadcelinaynaa dhammaan dadkii, ururradii iyo shirkadihii ka qayb qaatay in ay hirgalaan bandhigga iyo tartan-suugaaneedkuba, waxana aannu ku kalsoonnahay in waxqabadkoodu noqdey mid loo aayay, oo ummadda wax wayn taray.

Jaamac Muuse Jaamac



Note:

Jaamac Muuse Jaamac (iskudubbaridey)
Sheeko iyo Shaahid - Kowaad (Geesi boqra)
Pisa, ISBN 88-88934-08-1. 126 bog
Qiiamaha 14.00USD dunida, 7.00 Somaliland. Dalbo



Ka eeg halkan maqaalladii Jama Musse Jama - jmgurey


© 2010 - redsea-online.com
Material may be reproduced freely
if redsea-online.com is mentioned as the source
Gobannimo © 2010 - redsea-online.com
Xogtan waa loo sii daabici karaa bilaash
haddii la xuso in laga soo xigtey redsea-online.com
 
Related Links
· Somaliland Forum
· More about Press Releases
· News by redsea


Most read story about Press Releases:
LADH - Buug sheeko cusub oo Afsoomaali ah (a new Somali novel)


Article Rating
Average Score: 3.33
Votes: 3


Please take a second and vote for this article:

Bad
Regular
Good
Very Good
Excellent



Options

Printer Friendly Page  Printer Friendly Page

Send to a Friend  Send to a Friend


Gobannimo Bilaash Maaha!
www.redsea-online.com