Bandhig
REDSEA-ONLINE.COM iyo Kayd Somali Art and Culture, iyagoo ka duulaya fikradda aasaaska u ah ee ah inay ka qayb-qaataan waxkasta oo horumarinaaya fidinta hiddaha iyo suugaanta, taabbogelinta fanka iyo farshaxanka; islamarkaana taageeraya dhaqanka qorista iyo akhriska iyo guud ahaan kobcinta qoraalka af-soomaaliga, waxay soo bandhigayaan Kulankii Labaad ee Baratan Qarameedka Curinta Suugaanta "Sheeko iyo Shaahid".
Kayd iyo REDSEA-ONLINE.COM waxay kale oo ugu bishaaraynayaan inta akhriska jecel in uu soo baxay buugga “Sheeko iyo Shaahid – kowaad” oo ay ku jiraan qaar ka mid ah sheekooyinkii ku guulaystay tartankii sannadkii 2008, buuggaas oo lagu daahfuri doono Hargeysa muddada uu socdo Mooge Festival 2009.
» Kaladeg halkan sharciga baratanka:
PDF | MS Document.
Ka eeg halkan maqaalladii - Anonymous